|
|
Waxaan u soo Joogay Wakhtigii Tegay iyo Somaliland dhibaatooyinkii ka dhacay 1982 - 1988 Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare Qormada Waxa inoo soo Diyaariyey Osman M. Ali Gazali
Sheekadan waxa nooga sheekeeyay nikii ay ku dhacday oo ahaa nin
reer miyi ah. magaciisa waxa layidhaa Ciise Xirsi waxanu ahaa nin hore u soo
maray tababar askarinimo. oo waxa uu ka mid ahaa ragii 1977-kii la raafay
kadibna miyigii ayuu iskaga noqday markii uu dagaalkii xabashida dhamaaday ee
1977-kii.
Ciise Xirsi waxa uu daganaa miyiga gobolka Togdheer,
dagmada Oodwayne tuulo ka tirsan miyigeeda, taas oo layidhaado
Jeenyalaaye. waxay u dhaxaysaa Harosheekh iyo Xaaji Saalax.
waxa uu yidhi sidii lagu yaqaanay askartii kaligii taliyaha Khaasatan
kuwa tuulooyinka waxay ka bixi jireen tuulada kadibna waxay cagta marin jireen
dadka reer miyiga ah ee agagaarka.
Goor galab ah aniga, xaaskayga iyo gabadh aan dhalay oo guriga
joogna ayaa waxa noo yimi 4 nin oo faqash ah. kadib waxay ku yidhaahdeen aqalka
gala xaaskaygii iyo inantaydii. anigana waxay igu yidaahdeen orod oo iska tag.
taas macnaheeda hore ayaanu u maqalnay haddii aanu nahay bulshada halkaas
daganayd oo waxa weeye way fara xumaynayaan dumarka. waxan ka codsaday
inaan guriga waysadayda kala soo bixi karo waanay ii ogolaadeen.
kadib waxan go`aansaday inaan laayo oo qori ayaa buulka
iigu xasaysan. buulkii ayaan galay kadibna qorigaygii ayaan buulka
yacaygiisa kariday, waa xaga dambe. Dabadeedna waan iska soo baxay anigoo
waysadaydii sita. si deg deg ah ayay aqalkii isugu shubeen afartoodiba
ayaga ood moodo inay wax kala boobayaan. Ana aadyar ayaan buulkii xagiisa
dambe ka wareegay oon qorigaygii boodhka ka afuuftay. Dabadeedna nimankii
oo marfuranaaya oo reer dagay lamoodo ayaan ula soo galay, oo aan mid kaliya
qorigiisu diyaar u ahayn. Afartoodiiba waan isasaaray isla galabtiina waxaan u
guuray hawd oo xuduudka ayaan ka talaabay isla habeenimadii.
Ninka qisadaasi ku dhacday waxa uu ahaa Ciise xirsi oo hada
deggan Tuulo hawd ku taal oo la yidhaa Ceelbaxay.
Waxa idiin soo gudbiyay, Osman M. Ali Gazali
Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com
|