SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xaflad lagu xusay 18ka May oo lagu qabtay Bariga Magaalada London maalintii Sabtida ee 10th May

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxay ku biilaabmatay qosal iyo kaftan, iyo

 sawiro laga soo qaaday Jaamacada Burco, waxa xaflada isugu yimi dad tiro

 

 badan oo aad u xiiseeynayey daabaldega sanad guuradii 17naad ee markii ay

 Somaliland xornimada la soo noqotey. Waxa ka hadlay mudanayaal badan oo kala duwan oo ka kala socda bulshada reer Somaliland qaybaheeda kala duwan iyo dad ajinabi ahba oo  dhashaywadamo kale oo dunida ka mid ah.

 

 Goobtaa waxa ka hadley dad wax garad iyo aqoonyahano ah. 

Xafalda oo lugu xusayay sanadguuradii 17naad ee ka soo

 waregtay markii ay  S/land xornimadeeda la soo noqotay, ayaa lagu bilaabay

 aayado quuran ah oo uu akhriyay "Axmed Cadare" ka dibna waxa macrafoonka, kusoo dhawaatay qaban qaabiyaha xaflada "Shankaroon Ayaan M Cashuur iyo

 A/Rahmaan Abdillaahi" Gudoomiyaha "Somaliland Society in Europe (SSE)". Oo

 ku soo dhaaweeyeen dadkii halkaa isugu yimid sanad guuradii 17aad ee S/land.

Waa Mahad eebe ayay Shankaroon ku bilawday, haday manta halkan isugu

 yiimadeen caruur iyo ciirolaba ku soo dhaawada Xaflada oo aad ka heli

 doontaan, oo isugu jirta gabayo iyo heesaba. A/rahaman wuxuu intaa ku daray

 waxa maanta xaflada ku caawin doona Jaamacada  Burco gar ahaan Centre for

Somali Studies.

 

 Dr Sacad Ali Shire oo ka

 war bixiyay  jaamacada iyo halkay maanta  marayso,  Jamacada waxaa wax ka

 dhigta 331 arday, taasoo ay ku kala jiraan.

 

 *    89 -Business Administration

 

 *    55 -Islamic Studies

 

 *    150-Peer-service Teacher Training Program (females 106)

 

 *    37- Veterinary Medicine

 Jaamacada oo iminka 4 Sano jirtay waxay gaadhay guul aad u balaadhan. Waxaanan

 ilaahay ka baryayaa caawitaankan aad caawa cawiinaysaan in uu noqdo mid anfaca waxbadanaku soo kordhiya jaamacada.

 

Waxa halkaa ka hadlay Xildhiiban A/Qadir

 Jirde  wuxuuna hadalkiisa ku bilaabey "S/land waxay soo martay maraxalado

 kala duwan, waa ilahay maahadii halkay maanta marayso, isaga oo hadalkiis

 sii wata wuxuu yidhi waxa  ay manta S/land uu baahantahay midi midi ku taag

 maaha ee waxay uu baahan tahay nabad iyo horumar.

 

 Maxamed Haashi oo ka mid ah ururka aan wali la sharciyayn ee "Qaran"ayaa  isna ka  hadlay

 taariikhdii SNM iyo S/land halka ay manta marayso, waxa uu yidhi ma aha

 reerkayaga  waxa la siiyay waasir ee maxa uu qaban karaa wasiirku. Imisa

 wasaaradood ayaa furan oo aan cidina joogin, waxanu ku soo gunanaday

 hadalkiisii dadka reer Awdal, haa raacina  Madax waynaha  Riyaalel ee waxa

 ogaataan dalku in uu dalkiini yahay. 

 

Prof I. M. Lewis, oo ah khabiir ku dheer S/land ayaa isna halkaasi ka yiri

 S/land waxay qabsatay East Africa oo dhan may gaadhin, waxay ka muuqataa horumarkeeda ha noqato xaga

isgaadhsiinta amaba xaga dimuqraadiyada iwm, waa wax loogu hanbalyeeyo dadka

 reer Somaliland.Gabagabadii waxa halkaa  laga tiriyay gabayo badan oo dadka galiyey qiiro aad uu badan, heesaha iyo majajiladu waxay ka mid ahaayeen mid ka muuqatay xaflada. Fanaaniita halkaa joogatay waxa ka mid ahaa Maryam Mursal iyo Nimco Yaasin, Faysal Yusuf, A/fataax Tacabir iyo Mustafa TT.

 

 www.somalieye.co.uk

 

 

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE