SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

BARAS NIMEEY KU TAALOO KUR FAYOW TILMAAMAA TOLOOW MUXUU U JEEDAA 

Asalaamu calaykum

Sooyaalka taariikheed  ayaa ka markhaati kacaaya macangagnimada ardeydii macalinkii xumaha ee siyaad bare, macnuhu waxa weeyi qofku haduu birr ma geydo yeelan waayo waa bar kuma taal. 

Hoos aan ugu dego ujeedada qormadeydan oo aan doonaayo inaan xusuusiyo ardeydaas oo manta   qaar ka mid ahaa ardeydaas weliban ahaa kuwii kaalinta koowaad ku guuleystey waxbarshadaasi oo gashadey shaadh diimeed si umada dhibka iyo balanbalku ku raagey ay u qaldaan ayagoo mudo dheer dagaal aan ku fadhiyin mabda’ xataa aan qaarkood qabiil ku saleeysneyn balse lagu dabaqo dabadeed maantana la doonayaa in loo furro bog cusub oo ay danyartaa wareersan lagu jaha wereeriyo aayatiinka danbena uu noqdo naceyb, xiqdi,xumaan iyoxataa xaalad dagaal oo weji hor leh ah uu ka aloosmo kaas oo u dhaxeyn doona umad masiirkeedii iyo aayaheedii ka tashatey, iyo shaqsiyaadkii ka danbeeyey falka ay umadaasi geyeysiiyey iney tidhaahdo (Geedyahoow waxaan ku moodey, waxaad noqotey iyo midaan loo noqon doonin) oo mar labaad soo laba kacleynaya. 

Xaqiiqdu waxey tahey dhibku waxuu heystaa dadka sanadba filim nooca oo aan macno laheyn dhiig iyo dhimasho iy burbur,degitaan la’aan ku jira, kuwa Somaliland wey garanayaan majada lala wareegayo sidaas aawadeed ayaan cidina  waxba u qarin Karin isla markaasna hadey u dhimanyaana ay ugu cadahey waxey u dhimanayaan. 

Hadaba nimankaa (warlords) ee daandaansiga faraha badan ku haya dal iyo dadkiis yidhi 10 sano ka hor anagu waanu noolaaneynaa ee idina noolaada ka heystey afkooda iyo adinkoodaba ka adkaadey welli se tuuryada la daba socda aan tuduc    ka soo qaato gabeyuu Ibraahim Gadhleh ugu jawaabey ku matalaha muwaadinka marka loosoo gaabiyo loo yaqaan YAMYAM kaasoo gabey ku digasho ah tirinayey 1989 isagoo huwanaa magacii wixii la odhan jirey jamhuuriyada dimuqraadiga ee soomaaliya, maantan waa mujaahid can baxey oo dhiig ku ilmeeya kuwan aan hada ugu halqabsanayaana  isagaa aad uga ilko qabawwaxe tidhi. 

BARAS NIMEEY KU TAALOO        -       KUR FAYOW TILMAAMAA

TOLOOW MUXUU U JEEDAA        -       MA TARBIICADIISIYO

TUURTIYO  MAROORKUU            -      TAARIIKH KA DHIGAYAA

MA DADKEENAN TOOSEE            -       TASHADEE BARAARUGEY

AYUU KALA TAGOODII                -        ULA SOO TALAABOO

IN LA TUUREYOO DHACEY          -        TUHUNBAABA KAGA JIRA

ILEYN TANINA YAABLEHE           -        TUUGU WAA ISQARIYAA

HALKA UU KA XADO TIMIR          -        TUHUN BUU KA GUURAA

TOBAADKANI  ALAALOOW          -         MID TIRIIG SITAA YIMID 

Waxaan ku soo gabgabeynayaa  ninoowna ha u durbaan tumin somaaliland oo dagan in dib loo helloaa baabaco tima leh, horjoogayaashaasna tuduc isla gabeygaas sare ah ayaan ugu soo khatimayaa. 

NINKAN WAA TAQAANAAN         -       TAWRADII AYUU LA KOWSADEY

QASAB TUUTIHII AYA DHALEY   -        SIYAD TAASHKA U SUDHEY

 

Mahad ALLAH ayaa leh,   Guulna som land ayaa leh, Geerina wixii neceb ayaa leh 

Ismail m Gadiid - London SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE