SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Maxaa ka jira eedaymaha sheegaya in Madaxweyne Riyaale yahay danbiile dagaal?


Waxaan jeclahay inaan rayigayga ka dhiibto eedaymaha  lagu eedeeyey in madaxweynaha Somaliland yahay danbiile dagaal. Arrintani maaha mid curad ah waxaana hadda horteed madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Mohamed Xaaji Ibrahim Cigaal (alla haw naxariistee) ku eedeeyey in Mr. Riyaale ka qayb qaatay xusuuqii loo gaystay bulshada Somaliland, mar uu  waraysi siiyey wargeyska IRIN ee ay soo saarto jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa. Mr. Cigaal wuxuu ku eedeeyey  wakhtigaas in madaxweyne ku xigeenkiisa oo ah Dahir Riyale uu kamid yahay dadka lagu tuhunsanyahay inuu ka qayb qaatay xasuuqii loo gaystay shacbiga reer Somaliland.

Arrinta ku saabsan in bulshada reer Somaliland ay is cafiyeen wixii kala gaadhay shirkii Burco maaha arrin xaqiiq ah. Shirkii Burco waxaa ku heshiiyey beelaha walaalaha ee reer Somaliland ee uu iska horkeenay taliskii hore ee Siyaad Barre, beelaha ayaana isa saamahay dhibkii kala gaadhay, sidoo kalena waxaa lagula soo noqday goonni isutaagga qarnimada Somaliland.

Laakiin marnaba laguma saamixin cidina ma saamixi karto dadkii gaystay xasuuqa ee laayey  dadka shacbiga ah oo aan waxba galabasan, dadkaas dhintayna iilkay jiifaan kuna sugayaan caddaalad kumanay dar daarmin in la saamaxo dadkii gestay dhibkaas. Odayaashii Burco isugu tegayna ma saamixi karaan oo cidina arrintaas uma wakiilan. Dadka ku doodaya in Riyaale ceeb ka saliim yahay xasuuqii lala beegsaday bulshada reer Somalilandna waxaan u arkaa dad waaqiqica ka fog. Waayo Mr. Riyaale wuxuu ahaa taliyihii nabadsugadda ee berbera markii la xasuuqaayey shacbiga reer Somaliland ee uu maanta madaxweynaha u yahay. Nidaamkii uu adeegaayey ee Siyaad Barrena waxba uma dhiiban jirin nimaan fulin amarka la siiyey oo ah cidhibtirka iyo dabargoynta bulshadada reer Somaliland ee loosoo carbiyey ciidamadii nabadsugidda ee madaxa u ahaa Mr.Dahir Riyale. Markaas macquul maaha ninkii haystay nabadsuggidda Berbera oo kamid ah meelaha ugu badanuu xasuuqu ka dhacay,  soona basaasi jirtay dadkii la laynaayey maanta la yidhaahdo waa macsuum.

Waxaa jirta in dad badani sidan la qabaan Muse Biixi sida ku cad buugga ay qoreen laanta xuquuqda aadmiga ee African Watch lana aaminsanyahay in Mr. Riyaale wakhtiguu ahaa madaxda nabadsugidda ee Berbera  dhammaadhkii sannidihii siddeetanaadkii uu sameeyey gaboodyo dhinac ka ah aadamaha iyo gumaad dad shacab ah oo masaakiin ah. Waxaana la rumaysan yahay in ugu yaraan 500 qof oo kamid ah dad shacbi ah  oo aan waxba galabsan oo tiradoodu kor u dhaaftay 100,000 laguna xasuuqay dhacay dhammaadkii sannadihii siddeetanaadkii.

Qaybo shacbiga kamid ahi waxay rumaysan in Dahir Riyaale ahaa ninkii taliskii hore ee Siyaad Barre uqaabilsanaa soo basaasidda dadka shacbiga ee la rabo in la dabar jaro iyo silsiladda xadhkaha xasuuqa ee loo gaystay bulshada haddana ay tahay nasiib darro inuu madaxweyne u  noqdo ninkii bulshada xasuuqaas u gaystay. Waxaana habboon in baadhitaan dhab ah la sameeyo oo sharciga la horkeeno dadkii gaystay xasuuqaas ka baxsan aadminimada iyadoo aan loo eegayn maskabka uu hadda qaranka u hayo. Waxaana jirta in hadda maskabyada ugu muhiimsan Somaliland loo dhiibo madaxdii xasuuqa ka qayb qaadatay sida nabadsugidda, hangashta, madaxdii ciimada ama kuwii ugu cad caddaa markii dadka la xasuuqaayey waana arrin nasiib darro ah inay bulshada u taliyaan kuwii danbiga ka galay iyagoo shaadh kale sita.

Waxaana habboon in la sameeyo laan kaydisa macluumaadka madaxda sare ee dalka si loo sugo mustaqblaka jiilka cusub loona baadho inuu dalka ka galay danbi intaan loo dhiiban maskab siyaasadeed, si aanu mar labaad ugu kicin falkaas uu sameeyey sidoo kalena loo dhiirigelin in qofkuu intuu wuxuu doono sameeyo oo ummadda xasuuqo hadhawna qabto jagada dalka u sarreysa. Madaxdana waa in lagu qiimeeyaa wuxuu dalka usoo qabtay, waana inaanu ku dallicin oo lagula xisaabtamaa dhibkuu dadka u gaystay.

Dhinaca kalena waxaa habboonayd in Muse Biixi hadduu hayey xogtan uu muddo hore dadka la wadaago uu badka keeno.

Mawliid Cige, Egland     -  mawliidcige991@hotmail.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE