|
|
RIYAALE
IYO ARAP MOI
MA ISA SHABAHAAN? Waxay
aqooyahanku sheegeen in taariikhdu ay had iyo jeer sheegaan inay soo noqnoqoto
ama ay isa shabahdo.Bal la soco. Wakhtigii
Kenya xornimada u dagaalameysay waxa hogaamiyaasha ka mid ahaa nin la odhan
jiray Oginga Ondinga
ee qoray buugaga la yidhaa NOT YET UHURO ( I
recommend
anybody who can read English to read). Hogaamiyhii Jomo Kenyatte isna xabsiga ayuu ku jiray,markii dhaqdhaqaaqii Mau Mau diina aad ayey u xoogeysatay Ingriiskiina isku dayey inuu wada hadal la galo madowga oo uu kala qaybiyo.Wuxuu arkay in Oginga u yahay nin aad u adadag oo aan liiceyn waayo wuxuu had iyo jeer ku hal adkeystay Gobonimo,Ha la soo daayo Jomo Kenyatte, Beeraha cadaanku haysto ee uu ka boobay madowga ha uga kacceen.Markaa ayuu Ingriiskii si qarsoodi ah ula shiray Jomo Kenyatte oo xabsiga ku jiray oo uu kula heshiiyey in uu gobonimo bixinayo oo kenyatte ka noqdo madax laakiin aan beeraha sidooda waxba laga badalin. Jomo
Kenyatte oo uu kursigu u darnaa ayaa si farxad leh u aqblay heshiiska, Sidaa
ayaa Jomo Kenyatte ku noqday Madaxweyne Odinga isna noqday madaxwene ku xigeen
isaga oo aan ka war heyn heshiiskii qarsoodiga ahaa. Waxa
tiradii baarlamanka u badnaa qabiilka Kikuya oo uu ka dhashay madaxweynuhu Jomo
kenyatte oo ah qabiilka u badan Kenya.Odinga oo ah isna qabiilka LUO ah oo aad
uga tiri yar Kikuyada,waxa u calaamad ah qabiilaka Luo da inay iska saaraan laba
ilig oo kuwa hoose ah. Odinga oo caadifad wadanimo haysay ayaa fadhiyadii
barlamanka soo hordhigay qadiyadii beeraha oo aad uga cadheysiisay Jomo Kenyatte
oo jagadii ka qaaday Odinga.Wuxuu ku badalay Daniel Arap Moi oo ah isna qabiilka
LUO oo aan lakiin halgankii waxba ku laheyn oo ahaa dadkii Ingriisku ku soo
darsaday liiska mudanayaasha. Mudanayaal baarlamanka ka mid ahaa oo ka soo jeeday qabiilka Kikuyada ayaa ka biya diiday magacaabida Arap Moi laakiin Jomo Kenyatte ayaa ku hal adkeystay oo ku yidhi waxba meel idin kala tagi maayo Arap Moi . Jomo
Kenyatte wuxuu bilaabay nidaamka xisbiga kali ahi ka taliyo Kenya si aanu
kursiga uga dhicin. waxana la cabudhiyey wixii ka soo hor jeestay. Raggii
gobonimada u soo dagaalamay qaarkood si fool xun ayaa loo laayey oo uy ka mid
ahaa Tom Mboya, arrimahana waxa loo tirinayey Arap Moi.Sannaddihii u danbeeyey
Jomo Kenyatte wuxu ahaa nin aad u da’ weyn markaa rag kale oo qabiilkiisa ka
mid ah ayaa u ka talinayey wadanka oo ay weheliso xaaskiisu. Waxana
ka dhacay loolan siyaasadeed oo dhex maray qabiilka kikuyaha gudahiisa oo isku
adeegsaday awooda m/weyne ku xigeenka oo u xil saarnaa inuu ka saaro xisbiga
cidda loo soo canbaareeyo ka dibna markay is qabteen raggii u doonayey ayuu
hadba ninka ugu miisan culus u sii tukhaan tukhin jiray.Waxanu soo saaray
qaraaro uu ka mid ahaa kuu u
qaybiyey ciidamada oo u ku amrayo in aan saraakiisha ciidamada aan la
qorin ciddii ka soo qayb qaadatay dhaqdhaqaaqii Mau Mau da isaga oo tilmaamaya
inay hido u leeyihiin disibiliin xumo,dhaqan xumo iyo kaladanbeyn la’aan.Taas
noqotay fadeexad u aad u daafaco isaga oo ku hal qabsaday in ciidamadu ay
noqdaan ciidan dawladdeed oo aanay jabhad noqon. Markii
u geeriyooday Jomo Kenyatte 1978 waxa la caleemo saaray Arap Moi oo la sheegay
in uu yahay ku meel gaadh oo xisbiga KANU u soo sharixi doono cidda noqneysa
madaxweyne oo jagada Arap Moi heyn doono in tii uga hadsaneyd mudaddii Jomo
Kenyatte.Mudaddii oo aheyd laba sanno ayuu Arap Moi kala shaandheeyey dawladdi
iyo xisbigii oo u banaanka u tuurey raggii miisaanka ku lahaa Kikuyada.Waxay aad
iskaga hor yimaadeen mucaaradad xoog ah oo ay weheliso murwadii
madaxweynaha.Wuxuu soo urur saday dhalinyaro kikuya ah oo daneystayaal ah oo u
xisbiga ku soo daray iyo cuqaal badan oo ah Kikuyu oo u xidhay biladdo u ku
sawuranyahay isaga iyo Jomo Kenyatte,guryo u dhisay lacagna ku laaluushay.Wuxuu
cuqaasha siiyey kaadhadh ay ku arki karaan marka ay u baahdaan intii u dhaweydna
shaqooyin sar sare ayuu u qoray,waxaan u sheegay in aanay u baahneyn in ay u soo
maaraan wasiirada si ay u arkaan.Markii ay isku dayeen mudanayaasha Kikuyadu in
awooda Arap Moi ay wax ka dhimmaan, waxa ka hor yimi cuqaashii u laaluushka
siiyey iyo dhalin yaro Kikuya ah oo u ka dhigay guul wadayaal oo u madax uga
dhigay, madax ilaa heer gobol.Had iyo jeerna is badelka dawladu waxay noqotay
joogto oo laba nin oo walaal ah ayaa is ku badalay golaha wasiirada.Divide and
Rule.Waxanu ku hal qabsan jiray Mzee Jomo Kenyatte iyo harambee oo lagu yaqaanay
Jomo Kenyatte.Iyo walabi ammaantiisa inuu halgamaa weyn ahaa. Markii
ay doorashadii 1982 timi ayaa xisbigii KANU soo sharaxay Arap Moi oo kaligii loo
codeyey.Ka dibn wuxuu bilaabay in uu ka sifeeyo laba kursi mooye Kikuyada golaha
dawladda.Intii salaanka la fuushanyend dhalin yartii dammac badneydna ayaa qoryo
dab leh sudhay isna isaga oo is ka dhigaya inuu ka xun yahay ayuu faraha hore
kaga joogsaday si ay si fiican uga saaro siyaasada.Waxa ka mid ahaa ragga la
khaarajiyey ee kikuyadu filayesy in uu madaxweyne noqdo nin la odhan jiray Mr
James Gichuru oo lagu dilay wax lagu sheegay shil baabuur.Waxanu ahaa ninkii ka
madax ahaa xisbiga KANU wakhtigaa.Waxa la ii sheegay in nin ka mid ah raggii ugu
firfircoonaa Kikuyada oo ahaan jiray Wasiiraka Maaliyada sannadihii 60’s iyo
70’s oo cashadiisu ahaan jirtay 8 course lagu arkay isaga oo saf ku jira meel
laga iibsado CHIPs “BARADHO SHIILAN” oo ah cuntada dan yarta ka shaqeysa
xafiisyada Nairobi.Aakhirkii kikuyadii ayaa labada ilig ee hoose iska soo
saartay si ay Luo ugu ekaadaan oo magacyadii ku caanka ahaa kikuyada iska
badeshay si ay shaqooyin uga helaan dowladda ama uga nabad galaan special branch
ka (NSS). Hadaba
Malaga yaabaa in Soomaaliland ay marto maxaladda ama isku ekaanshaha taariikhda
ee Kenya, HAA iyo MAYA. Waxan jeclahay in aan wax ka qoro jawaabta
ka dib doorashada madaxwene marka ay dhammaato. La soco haddii aad xiiseynaso
taariikhda.Faaladani waa ta Simon Jekins ku qoro The Times ee London oo kale
markaa wax kale ha kala dhex bixin fadlan.Thank you. Email: Noahatteyeh@aol.com NOAH
ASKAR CAATEEYE LONDON.NW7
|