Waa Tuma Hooyadda Cusub Ee
Wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Somaliland?? iyo Guulaheega Qar-ka U Saaran
Aqoonsi Caalamiya.
Wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland Drs.
Edna Aden Ismail .. ama ha Loogu Yeedho Edna Aden Dhakhtar , Waxa ay ka
Dhalatay Qoys Xirfadd u leh Dhakhtar-nimadda Oo Caan ka Ah Dhulka Somalida.
Marwo Edna Aden waxa ay ku Dhalatay Magaaladda Hargeysa.
muddo laga Joogo Kontomeeyo Sano. waxa ay waxbarashadeedii ku Soo
qaadatay Djibouti,Burco,Uk,U.S.A, Edna Aden waxa ay Noqotay Gabadhii ugu
Horeysay Ee Somaliyeedda Ee loo Diwaan Galiyo In ay u qalanto Xirfadda
Nures-nimadda Nurse-Midwife dalka Ingriis-ka
Drs Edna aden waxa ay Sanadkii 1961 ku Soo Laabatay
Somaliland (hargeisa) iyadoo Isla Sanadkaaba ku Shaqeysay Xirfaddii ay soo
Baratay.
Edna Aden Waxa ay ka Mid Ahayd Dumar-kii uu Guursadday
Madaxweynihii Hore Ee Jamhuuriyadda Somaliland Marxuum M..I.Cigaal.
Edna Edan waxay Noqotay La Taliyaha Haayadda Caafimaad-ka
Aduunka (WHO) Ee 22 Wadan. Edna Aden waxa ay Haayadda Qaramada Midoobay u
Magacowday Wakiilkeega Gobol-ka Mediterranean-ka Oo Saldhigiisu ahaa Dalka
Masar(Egypt) Muddo Sanado Badan ah ka Dib Haayadda Qaramada Midoobay waxa ay u
Soo Magacowday Wakiilkeeda Dalka Jamhuuriyadda Djibouti.
Edna Aden waxa ay Hantiday Shahaadoyin Badan Oo Nabadeed oo
ay Gudoonsiiyeen Qaar ka Mida Jaamacadaha Wadamadda Reer Europe iyo Maraykanku
kuwaas oo ula Dan laah Siday u Gudatay Hawshii Adkayd Ee Ay Mudada Badan u
Haysay Qaramad Midoobay.
Edna Aden Isla Sanadkii 1998 ayey Sees-ka u Taagtay
Hospital-ka Caanka ah Ee Edna Aden Maternity Hospital oo ay ku fikirtay iyadoo
11 jir ah in ay Hargeisa ka Taagto Hospital Casriya oo Qiimo Jaban Ugu Adeega
Dad-ka Tabaalaysan Ee Reer Gees-ka Afrika .
Edna Fikirkeega Hospital-ku Kumuu Koobnayn oo kaliya
hargeysa waxa ay Hospital weyn oo ka Hargeysa Leeg isna ka Jeexday Magaaladda
Muqdisho kaas Oo Nasiib Darro Dhismihiisa Uu ka Soo Dhex-galay
Dagaalkii Ahligahaa..
Edna Aden Khabiir-nimadeed Siyaasadeed waxa ka Mida iyadoo
la kulantay Madaxweynihii Hore Ee Dalka Maryakanka lynden Johnson Iyo
Xaaskiisa Markaas oo ay la Sooctay Ninkeegii Hore Ee. M.I.Egal .oo Ahaa Raysal
wasaare Somaliweyna. Edna Aden Waxa ay Xilligaa ahayd Haweenaydii Ugu
Aqoonta Badanayd Dumarka Somalida Ee Madaxda ka Ahaa Ururadda Haweenka
Somaliya
Edna Aden inatay qabatay Shaqadeedan Cusub Ee Wasiir-nimo
waxa ay Guul Diblomaasiyadeed u Soo Hooysay Dalkeega Marka Loo Eego
Wasiiraddii ka Horeyay Ee Soo qabta wasaaradda Arrimaha Dibada Ee
Jamhuuriyadda Somaliland ,kuwaas oo Kalmad Qudha Oo Lagu Xasuusto ka Tagin
Edna waxa ay Qadiyadda Somaliland kala Shirtay..iyadoo
Xilligaa ahayd Wasiirka Qoys-ka .Madaxweynaha Dalka Senegal Abdoulle Wade .
iyadoo waliba la Kulansiisay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Reyaale
Kaahin iyo wafti uu Hogaaminayo.
Edna Aden waxa ay qadiyadda Somaliland U faahfaaisay
Madaxweynaha Dalka South africa Thabo Mbeki iyo wasiir-ka Arrimaha Dibadda Ee
Dalka South africa .. Edna Aden waxa ay Qodbad Qaaya Leh ka Jeedisay
Telefishanka Qaranka Ee Dalka South africa. iyadoo Si Fiican u qeexday
Taariikhda Dhabta ah Ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Edna Aden waxa ay la Kulanta Dhawaan Xaas-ka Madaxweyne
xusni Mubarik oo ay U Faahfaahisay Qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland mar ay
ka Qayb-gashay Shir Dumar-ku halkaasi ku lahaayeen. Edna Aden waxa ay wada
hadal kala Yeelatay Xidhiidh ka ka Dhaxeeya Ethiopia iyo Somaliland ..
Wasiir-kiisa Arrimaha Dibadda Asyun Masfin. taaso Oo Si weyn la Iskula
Af-gartay waxana Soo Dhaweyn weyn u Muujiyay Adena Aden Diblomaasiyiinta
Shisheeyaha ah Ee ku Sugan Caasimadda Addis-abab ....
Edna Aden waxa Dalka Canada ku Casuumay Xubin Sare oo ka
Tirsan Baarlamaanka Dalka Canada oo u Qushuucay Fikirkeeda Ay ugu Adeegayso
Dalkeega Ninkaas oo la Yidhaa Mr.Jim Kargyanis isaga oo laga soo doorto Agen
Court,Toronto,Ontario(Canada).
Mar kale Edna waxa ay la Kulanta Wasiir-ka Dumar-ka Ee Dalka
Belgium ..iyo haween ka kala Socoda Dalalka Reer Europe . kuwaas oo Shir ku
lahaa Magaaladda Brussels Ee Dalka Belgium oo ay u Doorteenba Gudoomiyaha
Shirkaas. markii ay ka Yaabeen Fikirkeega ku Salaysan Dimquraadiaydda ka
Hir-galaysa Qaaradda afrika.
Edna Aden waxa U Doortay Jagadan In ay Qabato Madaxweyne
Daahir Reyaale kaahin oo lagu Doortay Si Dimuqiraadiya..bishii April 14-keedii
Anigoo Ah Qoraaga Taariikhdan waxa Aan ka Soo Ururiyay Ilo
Lagu Kalsoonyahay .....waxanan ku Kaydiyay Buugayga Taariikhaha Dad-ka Caanka
ka ah Ee Somaliyeed ...oo Aan In Badan wax ka Qorayeyba.
Abdiaziz Ahmed"
abdiaziz2@hotmail.com