Mucaaradka oo midooba iyo
ururrada waxay buuxin karaan kaalintii Guurtida"
Hargeysa (Jam)- Mudane, Maxamed Xaashi Cilmi, duqii hore ee caasimadda Hargeysa,
ahna siyaasi caan ah oo ka tirsan xisbiga siyaasiga ah ee SAHAN ee lagu tiriyo
inuu ka mid yahay ururradda mucaaradka mayalka adag ee Somaliland, ayaa qoraal
uu na soo gaadhsiiyay shalay so jeediyay si loo xaqiijiyo himilooyinka
marxaladda kala guurka, loogana gudbo xaaladda siyaasadeed ee ina soo
foodsaartay lagama maarmaan ay tahay, in la muujiyo taxaddir iyo dulqaad fara
badan, khilaafka siyaasadeed ee jirana lagu xalliyo wada tashi, isla markaana
mudnaanta la siiyo badbaadada qaranka Somaliland, iyadoo arrimaha gaarka ah laga
horreysiinayo kuwa lagama maarmaanka ah.
Md, Maxamed Xaashi, wuxuu qoraalkiisa ku xusay in halis siyaasadeed oo in laga
gaashaanto u baahani ka soo fool leedahay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ururka
IGAD, hormuudka ka yahay ee haatan mar kale dib uga aloosan gobolka, lana
doonayo in shir bisha dambe la isugu keeno kooxaha Soomaaliya magaalada Nayroobi,
si loogu sameeyo dawlad dhexe oo ka talisa Soomaaliyadii hore.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in taa ka sakow, dalkeenu
soo maray dhawr marxaladood oo uu kaga duwan yahay soomaaliyadii hore oo dhan,
indhaha caalmkana soo jiitay, kuwaas oo ay ka mid yihiin:-
"Marxalada 1
1-Waxa lagu guulaystay halgankii hubaysnaa iyo la soo noqoshadii qaranimada
Somaliland, oo loo huray naf iyo maal badan.
2-Xasiloonida iyo degenaanshaha aynu haysano oo aynu dheernahay Koonfur (Soomaaliya)
iyo dalal Afrika ah.
3-Aftidii Dastuurka ee May 31, 2001, oo reer Somaliland ku guulaysteen looguna
codeeyay 97%.
Marxalddii II
Qormadan oo loo guurayaa waa mid u baahan:-
1-Taxadir, degenaansho iyo dulqaad fara badan.
2-In mudnaanta la siiyo badbaadada iyo jiritaanka Somaliland iyo in arrimaha
gaarka ah la dhaafo ama dib loo dhigto wixii lagama maarmaanka ah.
3-In aan cidna la quudhsan, loona awood sheegan. Sababta oo ah, qof lagama
maarmo, beel lagama maarmo, gobolna lagama maarmo, cidna lagama maarmo.
4-In khilaafka siyaasadeed ee taagan hadda lagu xallilo wada tashi iyo talo
wadaag.
5-In xoogga la saaro siyaasadda iyo arrimaha dibedda.
Haddaba si loo xaqiijiyo himilooyinka marxaladda II, waxa lagama huraan ah in
ururrada siyaasiga ah ee mucaaradka ah noqdaan kuwo u qalma xilka ay u
loolamayaan iyo masuuliyadda dalka ka saaran.
Markaa xaaladda siyaasadeed ee ina soo food saartay, waa mid lagaga gudbi karo
in UDUB iyo siyaasadda Cigaal, cidda waafaqsan bahowdo. Ururrada mucaaradka
ahina ay midoobaan. Taas oo khilaafka iyo qaybsanaanta dadweynaha soo af jari
doonta.
Mucaardka oo midooba iyo ururrada bulshadu waxay buuxin doonaan kaalintii
guurtidu banaysay, markay ka mid noqdeen baarlamaanka, una qaateen xilkooda
cusub ee sharci dejintu inuu yahay taageerada waaxda fulinta iyo la saaxiibka
kursiga.
Kaalintii guurtida ee dhex dhexaadinta khilaafka iyo nabadaynta beeluhu wuxuu
ahaa mid wax weyn ka taray nabadda iyo xasiloonida dalka, intii ka horeysay
1993kii.
Haddaba si marxaladda II u noqoto taabo gal, waxa golaha wakiilada iyagana looga
baahan yahay oo la gudboon inay soo dhammaystiraan sharciyada dastuurka ee
qabyada ah iyo kuwa doorashooyinka, una xaddidaan waaxda fulinta muddada ay ku
soo dhammaystiri lahaayeen".