|
|
Gacan ku dhiigle Morgan oo markii ugu horeysay ka hadlay Xasuuqii Haregysa ee uu geystay.. Waxa Wareysigaa qaadey Weriyaha Jamhuuriya ee Puntland jooga General Moorgan, waxa kale oo uu sheegay eedaha dhagarta ah ee loo haysto
haddii ay rumoobaan in aanay keligii ku koobnaanayn oo ay maamulka la
wadaagayeen xubno Somaliland u dhashay.
Sidaana waxa uu ku sheegay waraysi dheer oo dhinacyo badan leh oo Weriyaha
Wargeyska madaxa banaan ee Jamhuuriya ee gobollada bari ee Soomaaliya (Puntland)
uu toddobaadkan kula yeeshay magaalada Boosaaso General Moorgan, waraysigaasina
waxa uu udhacay sidan:-
Su'aal Jamhuuriya: Goorma ayaad goosatay in aad ka mid noqoto kooxaha dagaal
oogayaasha ah ee Soomaaliya? Jawaab Morgan: Waxaan goostay sannadkii 1991kii
markii Soomaaliya burburtay ee shaqsi kasta ama qabiil kastaa tageen
degaankoodii.
Su'aal Jamhuuriya: Markaa maxaad u degi wayday Boosaaso ee aad uga hawlgeli
wayday ama Puntland oo aad ku dhallatay?
Jawaab Morgan: Taasi waa waxa aan hadda Boosaaso u joogo. Galbeedka
Soomaaliyana Qabiilkayga ama Beelaha aan ka dhashay ayaa deggan Jubbada Hoose,
Jubbada Dhexe, Gedo iyo galbeedka Bay (Baydhabo) tolkay ama qabiilka aan ka soo
jeedo (Daarood) ayaa deggan markaa cid na odhan karta maxaad halkaas u tagtay
sharciyan ma jirto.
Su'aal Jamhuuriya: Waa maxay hawsha aad hadda ka hayso Soomaaliya?
Jawaab Morgan: Anigu [Moorgan] waxaan ka tirsanahay ururka la yidhaahdo SPM
ee Kismaayo, Soomaaliya, waxaanan ahay guddoomiye ku xigeenka ururkaas. Su'aal
Jamhuuriya: Waddanka Somaliland lagaama jecla markaa maxaad arrintaas u
malaynaysaa?
Jawaab Morgan: Aniga [Moorgan] dadka Somaliland waa walaalahay mana odhan
karo ma jecli iyaga iyo dalkooda midna, balse qofkii kale ee shaqsi kale oo
soomaali ah necayb u haya, isaga ayaa laga rabaa in uu sababeeyo oo fule xantii
ma mooga oo in badan ayaan jaraa’idka iyo qoraallo kale oo si gaar ah loo
qoray ku arkay eedo la ii soo jeedinayo masuuliyiin iyo shaqsiyaad aan anigu ka
mid ahay, kuwaas [masuuliyiintaas] oo ka tirsanaa dawladdii hore ee Maxamed
Siyaad Barre, taasna dhawr jeer baan ka jawaabay dhinacayga shaqsiyan markii aan
ahaa taliyaha qaybtii 26aad oo saddex sanno ku dhawayd ayaa eedaymahaasi
waafqasan yihiin, balse cidda dacwadda ii haysata ayaa looga baahan yahay
caddaymo, waxaanan u hayaa jawaab cad cid kasta oo ii qabta su’aal la
xidhiidha arrimahaas [eedaymahaas].
Su'aal Jamhuuriya: Waxaa dadka ku abtirsada Isaaqu kuu haystaan dembi ama
dacwad la xidhiidha dil, dhac iyo xasuuq aad u geysatay qowmiyaddaas waqtigii
aad ku magacownayd taliyihii qaybtii 26aad ee Hargeysa, haddaba ma ku qanacsan
tahay mase qirsan tahay dembigaas?
Jawaab Morgan: Horta anigu ma ogi [Moorgan] in Somaliland oo dhan ama
dhammaan qabiilka Isaaqa ay ka middaysan yihiin eedaha aniga la ii haysto,
laakiin Soomaaliya waa burburtay Waqooyi galbeedna waa goostay oo wuxuu la baxay
Somaliland. Markaa waxa la soo maray meelaha qaarkood halgan jabhado hubaysan oo
naga soo horjeeday [dawladdii Afweyne] waa jirtayna in aan ahaa taliyihii
qaybtii 26aad, balse eeduhu waxay ahaayeen kuwii siyaasiyiinta jabhada SNM
geliyeen shacabka si looga hor yimaado dawladda, waana dacaayado si dheeli tiran
uga dhaadhici karayey shacabka Reer waqooyiga ah.
Su'aal Jamhuuriya: Miyaan Hargeysa lagu weerarin ama meelo kale oo Somaliland
ka tirsan diyaaradihii wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ee lahaa
xiddigtii caddayd ee calankii buluuga ahaa?
Jawaab Morgan: Taas ciddii tidhi ha soo xaqiijiso, hana la keeno hubaal la
xidhiidha haddii ay jireen iyo ciddii ka dambaysay.
Su'aal Jamhuuriya: Waxaa shacbiga Reer waqooyigu kuu haystaan in aad adigu ka
masuul ahayd xasuuqii Hargeysa ka dhacay iyo meelo kale ma is difaacaysaa haddii
maxkamad lagu soo taago?
Jawaab Morgan: Haa, dembiga xasuuqa ee Hargeysa ama mid kale haddii maxkamad
la igu qaaddo qabsan maayo looyar (Qareen) ee waan is difaacayaa oo ma qabo wax
cabsi ah.
Su'aal Jamhuuriya: Ma sidii Melosavic (Madaxweynihii hore ee Yuguslaafiya)?
Jawaab Morgan: Haa, sidii Melosavic.
Su'aal Jamhuuriya: Ma jirtaa cid ka mid ah Soomaaliya ama Somaliland ah oo
kula wadaagaysa dembigaas laguu haysto?
Jawaab Morgan: Su’aasha ayaa ah horta dembigu ma jiraa, maya ayaan leeyahay
anigu, haddiise eeddu noqonayso maxaad qarankaaga u difaacaysay waa wax aanan
filayn.
Su'aal Jamhuuriya: Ma jeclaan lahayd in aad mustaqbalka tagto Hargeysa, Burco
ama Berbera? Jawaab Morgan: Haa, waan jecelahay, waxaa deggan walaalahayo mana
arko wax iga xayiraya, 1994kiiba waxaan tegay Laascaanood iyo meel u dhow
Ceerigaabo (Sanaag).
Su'aal Jamhuuriya: Maxaad ugu tacsiyeyn weyday madaxweynihii hore ee
Somaliland Marxuum Cigaal? Jawaab Morgan: Waan diray aniguse ma joogin meel
isgaadhsiin leh oo waxaan joogay bariga Ethiopia, waana fursadda iigu xumayd ee
I soo martay sannadkan, wuxuu ahaa shaqsi saliim ah oo naga muddan tacsi, isaga,
shacabka iyo qoyskiisiina waan u diray mar dambe.
Su'aal Jamhuuriya: Waxaa arrinta xasuuqa ee lagugu eedeeyo markhaati looga
dhigaa qalfoof ama lafo dad oo fara badan oo dooxa Malko Durduro ee Hargeysa
biyuhu ka soo saareen 1997kii, dadkaa gacanta maamulkii Ciidamada ku dhintay ma
diidan tahay?
Jawaab Morgan: Arrintaas anigu idaacadaha iyo jaraa’idka ayaan ku arkay ama
ka maqlay goob dagaalna dad waa ku dhimanayaa ama meel lagu dagaallamay, balse
anigu taas waxaan u nisbaynayaa [ila tahay] in ay ahaayeen dagaalladii dhex
maray Somaliland ee 1995-nadii, ciidamadii Somaliland joogay ee aan xukumayeyna
ma dhicin in ay dad baaxaddaa le’eg ku laayaan kuna xabaalaan mana jiraan
ayaan qabaa.
Su'aal Jamhuuriya: Yaa ka mid ahaa xubnihii sarsare ee adiga kula hayey
hawsha ee dhinaca Somaliland u dhashay?
Jawaab Morgan: Anigu ma jecli in aan cidna magacaabo oo koonfur iyo waqooyiba
saraakiisha maamulka haysay wax bay ku lahaayeen, balse rag door ah ayaa hawsha
nala hayey, dhinaca Hargeysa raggii hawsha nala hayey waxa ka mid ahaa Cumar Ku-Joog...
waxaa ka mid ahaa duqii Hargeysa Xaashi Muuse, Waxa ka mid ahaa Cabdi Waraabe,
.. way badnaayeen dadku, balse anigu sarkaal taliye ciidan ah ayaan ahaa oo
difaaca dalka, mar kasta waajib ku ahaa dhinaca xukuumadda.
Su'aal Jamhuuriya: General Maxamed Cali Samatar waxa uu hore BBC-da uga qiray
in uu masuul ka ahaa isaga iyo xukuumaddiisii burburka Hargeysa adiguna isaga
ayaad ka qaadanaysay amarka maxaad u daboolaysaa runta taariikhda gashay?
Jawaab Morgan: Anigu ma ihi isagii [Cali Samatar] wax aanan falina dusha u
ridan maayo, wax khaldan ama amar ka hor imanaya dastuurkii jirayna kama qaateen.
Su'aal Jamhuuriya:Waxaa ku dhallay qoys ladan, waxaad ka qabtaa qoys ladan,
maxaa kugo oodday kaymaha gobollada Jubbooyinka?
Jawaab Morgan: Sideedaba halganku ma leh ladnaan iwm, xirfadaydu waa mid
milateri oo ay ii raacdo mid siyaasaddeed, taas darteed ayaan goostay in aan
bacdamaa dalkii burburay aan uga faa’iideeyo dadkayga Soomaalida ah (illeyn
qabiil ka hadli maayee} ee deggan gobolladaas Jubbooyinka, taas ayaaanan wadayaa
mustaqbalka.
Mahamed Hussein Jama"Rambo". Rambo@somalilandnews.com SNN
correspondent in Hargeysa-Somaliland.
|