SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

GUDIDA LA DAGAALANKA MUSUQMAASAQU WAXAY KU DHAQAAQEEN TALAABOOYIN DHAXAL GAL AH. 

(Somaliland Democracy Watch Organisation - UK. 08/05/01)Waxa mid aad loogu farxo ah durtaba sida dhakhsaha leh ee gudidii  la dagaalanka musuqmaasaqu ay talaabooyin  wax ku ool ah u qaadeen aaduunka oo dhana aad ayaa looga soo dhoweeyay arintan sababtoo ah waxa ay muujisay dimoqraadiyad iyo in aanay cidina sharciga ka saraynin.  Tani oo aduunka u muujisay in Somaliland ay xaawli aad u dheer ku talaabsanayo marka la eego xaga dimoqraadiyada oo aad moodo in Somaliland ay durtaba soo gaadhay xaga dimoqraadiyad wadamada la yidhaah wadamada horey u maray. 

Ururkaygani  wuxuu aad u soo dhoweeynayaa hawl galadaas  ay gudida dabargooynta musuqmaasaqu  ku fuliyeeen kuna  soo xidheen  duqii magaalada Hargeysa  Mr Cawl iyo duqii ka horeeyey  Mr Cadami iyagoo lagu xidhiidhshay musuqmaasaq iyo lunsi hanti qarran.

 Laakiin waxa  aanu u soo jeedin lahayn gudida dabargooynta musuqmaasaqa  in si ay hawshoodu ugu fududaato taageerada shacbigan u kasbadaan in ay hawlahooga iyo baadhitaankooda ay si dimoqraadiyad iyo dhexdhexaad ah u wadaan ee aanay dad  qudha uun daba gelin, sida hadda dhacday oo kale oo dadka intooda badani ay u muuqato in  ay ka qurux badnaan lahayd in iyagana baadhitaan lagu sameeyo dhamaanba hawlwadeenada la tuhunsanyahay in ay lunsadeen hanti qaran ha ahaadaan kuwa hadda weli xilalka haya ama kuwii ka horeeyayba ee xilalka ka kala hayey sida doowladaha hoose,  Xafiisayada cashuuraha, dekada Berbera iyo wasaaradahaba, taasi oo aan loo kala eegeyn heerarka xilalka ay kala  hayeen  iyo baaxada hantida qarameed ee ay lunsadeen.

 Haddaba sida sharciga dimoqraadiyadu dhigayo iyo dastuurka Somaliland ba gaarahaan qodobkiisa 43 aad ee xuquuqda qofka xoriyada laga qaaday, xubintiisa 2 aad oo odhanaysa (Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu xaq u leeyahay in lagu horgeeyo Maxkamad 48 (sideed iyo afartan) saacadood; laga bilaabo marka la qabtay) sidaas darteed waxay ahayd in si degdeg ah nimankaa la soo xidhay loo hor keeno Maxkamada isla markaana gudida dabargooynta musuqmaasaquna ay soo hordhigaan maxkamada eedeemahooga   ka dibna maxkamadu go,aan ka gaadho in ay maxkamadoodu si rasmi ah u bilaabanto iyo in loo baahan yahay baadhitaan kale, ka dibna ay maxkamadu xukumi kari lahayd in dib jeelka loogu sii celiyo mudo yar oo aad u gaaban inta baadhitaankoogu soo dhamays tirmayo.  Laakiin waxa nasiib daro ah in aanay arintani dhicin ee imika nimankaas weli ay xidhan yahiin ilaa hadda oo aay  laba wiig  kor u dhaaftay  iyagoon sharciga la horkeenin.

 Waxaanu ku soo gunaanadaynaa baaqaygan aad ayay shacbiga Somaliland guda iyo dibadba  ugu farxeen talaabooyinkan aad qaadeen haddii aad tihiin gudida la dagaalanaka musuqmaasaqa sababtoo ah musuqmaasaqu waa ka  shacbigeena wiiqay keentayna in dad gaar ahi  iskaga tagri falaan hantida dawlada, laakiin waa inaad dhoowrtaan xeerka sinaanta iyo cadaalada kaasi oo dastuurkeenu dhigayo, gaarahaan qodobkiisa 10aad ee sinaanta muwaadiniinta, xubintiisa

1 aad oo odhanaysa  (Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn, midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman).

                       ALLA MAHAD LEH

 Guuleed Cabdi Sheekhaash -  Gudoomiyah ururka(SDWO)

Mukhtar Axmed Sh. Aden-   Gudoomiye ku xigeen(SDWO)

Axmed Maxamed Yusuf   -   Afhayeenka ururka   (SDWO

 

SOMALILAND DHANKEEDII DHAWAAQ FARAX LE MOOYEE DHIILO KAMA SUGAAYEE