Xaq-Marinta
Xasuuqyadii 80-maadkii Iyo Waajibaadka Siyaasiyiinta
Raaqiya C/laahi Oomaar
Haatuf news,
Hargeysa, 21 januari 2003 - Haddii aan dib u jaleeco sannadihii
sideetanadii ee ina soo maray, waxa wakhtigaa noloshayda aad u saameeyay
xadgudubkii foosha xumaa ee taliskii Siyaad Barre ku hayay Xuquuqda aadamaha.
Saamayntaas oo aan qabo in dad badan oo Soomaali ahi ay ila qabeen, hase
ahaatee anigu qof ahaan waxaan ka mid ahaa kuwii aanu qadarku dhigin goobihii
ay waxaasi ka dhacayeen oo mudadaas dalka waan ka maqnaa, iyada oo aan ku
noollaa dibadda, mana jirto cid ka mid ah qoyska aan ka dhashay oo lagu dilay
ama ku laxaad beeshay halisihii xasuuqii ay dawladii markaa jirtay ku gaalaa
bixisay Somaliland oo wakhtigaas ka tirsanayd Soomaaliya. Wallow aniga
xilligaas nasiibku iga maqnaysiiyay, waxa haddana waajib ahayd in dunida lala
socodsiiyo, culays caalamiyana la saaro sidii loo joojin lahaa facaa’ilkii
dhiilada lahaa ee dhacayay, waxaanse xilligaas nasiib u yeeshay oo arrintanina
ku soo beegantay aniga oo markaa shaqo ka bilaabay ururka magaciisa la
yidhaahdo "African Watch" oo xuquuqda aadamaha u doodda fadhigiisuna
yahay dalka Maraykanka, kaas oo aan madax ka noqday. Taas oo ii saamaxday in
aan amuurtaas ka hadlo kaalintaydana ka geysto soo bandhigeeda.
Xilligaas waxaan qoray buugga aniga igu dheer ee la magac baxay "A
Government At A War With Its Own People: Testimonies About The Killings And
The Conflict In The North." Buuggaas oo lagu daabacay magaalada New York
ee dalka Maraykanka bishii Jeenawari ee 1990-kii, marka magaciisa Af Soomaali
loo beddelana macnihiisu wuxuu noqonayaa "Dawladda Dadkeeda Dagaalka Kula
Jirta: Cadaymo ka marag-kacaya dilka iyo hirdanka colaadeed ee ka socda
Waqooyiga."
Buugana waxaan qoray kadib markii aan baadhitaan iyo xuuraan ku sameeyay xoggo
iyo wareysiyo aan la yeeshay dad isugu jira rag, dumar iyo dhallaanba oo ka
mid ahaa dadkii ka soo firxaday gumaadkii Taliskii Siyaad Barre, kuwaas oo aan
kula kulmay Djabuuti iyo Dalka Britain, inkastoo ay noo suurtoobi weyday in
aanu wareysiyo la yeelano qaxootigii ku noollaa xeryaha Itoobiya, kadib markii
ay dawladdii wakhtigaa dalkaasi ka jirtay fasax noo siin weyday.
Waxay igu qaadatay billo dhan in aan dhegaysto dadkii dalka ka soo qaxay ee
aan wareysiyada la yeeshay, iyada oo warbixintoodii si cad uga marag-kacayso
in uu jiray olole si habaysan loo soo abaabulay oo lagu tirtirayay gebi
ahaanba dadka ka soo jeedda Isaaqa, taas oo run ahaantii aan lagaga bogan
karin maqaal keliya, hase yeeshee buugga kor ku xusan oo markii u horeysay ee
uu soo baxay hadda laga joogo 12 sannadood, waxa kelifay in aan maanta dib u
soo xigto isaga oo lagu soo hadal qaaday saaxadda Siyaasadda ee dalka.
Haddaba, macluumaadka uu buuggaasi xambaarsanaa, sawirkii ka soo baxay wuxuu
ahaa sidan:
Iyada oo loo tirinayo in ay taageersan yihiin ururkii SNM, waxa dadka Isaaqa
ah mudadii u dhexeysay 1981-1990-kii laga hor joogsaday dhammaanba waxay
nololi ahayd, iyadoo lagula dhaqmay facaa’il joogto ah oo
bani’aadamnimadooda ka baxsan oo ay ka mid ahaayeen dil, xadhig, jidh-dil,
garsoor cadaalad-darro ku dhisan, dhac iyo boob hantidoodii iyo dhulkoodii loo
geysto, dhaqdhaqaaqii oo laga xayiro iyo xoriyatul qawlkii oo loo diido.
Waxa jirtay Istaaritijiyad lagu karaamo dilayo dadka, qoyska iyo dhaqankana
lagu burburinayo. Waxa lala dagaalamayay ganacsigooda, isla markaana waxaa
joogto looga dhigay bandoo iyo koontaroolo lagu horjoogsanayo.
Sidoo kale, waxa si ula-kac ah loo laayey ragooda yaryar iyo waaweynba. Waxa
la kufsaday dumarkooda. Waxaa loo isticmaalay miinooyinka qarxa, taas oo la
qarxiyay berkadahooda, isla markaana waxaa dhulka loogu aasay miinooyin
galaaftay dad iyo xoolaba.
Dabayaaqadii bishii May 1988-kii, ururka SNM waxa uu soo weeraray
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, laakiin wakhtigaa kadib waxa bilaabmay
dagaal fool-xun oo lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ee abtirsiimo ahaan ka soo
jeeda Isaaqa, taasina waxay keentay in ay dadku ka qaxo guryahoodii, una
qaxaan dhinacaa Itoobiya, halkaas oo ay qaxooti ahaan u magan galeen, iyaga oo
ku sugan nolol silic ah.
Ciidamadii Siyaad Barre halkii ay la dagaalami lahaayeen ciidamadii SNM-ta,
waxay hubkoodii ku jeediyeen dadkii maatada ahaa ee aan is-difaaci karayn,
iyadoo loo malaynayo in ay ujeedadu ahayd in la doonayay in ay SNM-tu dagaalka
kaga mashquusho dhibaatadii iyo halaagii loo gaysanayay dadka rayidka ah.
Weerarkii ay ciidamadii Siyaad Barre u geysanayeen dadkii rayidka ahaa, waxa
uu ahaa mid aan tudhaale lahayn, taas oo la duminayay guryaha, isla markaana
dayuurado lala daba-galayay dadkii firxadka ahaa ee ka cararay magaalooyinkii
lagu duqaynayay Diyaaradaha iyo Madaafiicda, taas oo ay ku dhinteen kumanaan
dad ah oo isugu jira rag, dumar iyo carruur.
Dhagarihii badnaa ee laga galay bina’aadamnimada ma ahayn kuwo uun Siyaad
Barre keli u ah, laakiin waxa kala qaybqaatay rag kale, sida; Maxamed Cali
Samatar, Maxamed Xaashi Gaani, Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) oo isagu ilaa
hadda gacanta kula jira burburka Soomaaliya, halka uu Cali Samatar-na deggan
yahay dalka Maraykanka, isaga oo ku sugan nolol fiican.
Sidoo kale qaar kalena, waxay hadda ku sugan yihiin Somaliland, iyagoo weliba
xilal sar-sare ka haya. Ragga dembiyada loo haysto, waxa ka mid ah Madaxweyne
Daahir Rayaale oo wakhtigaa madax ka ahaa laanta NSS-ta ee Berbera, iyadoo ay
NSS-tu ahayd hay’ad awood badan, aadna looga baqo.
Madaxweyne Rayaale, waxa uu ka mid yahay ragga magacoodu ku qoran yahay buugga
magaciisu yahay (Dawladda Dadkeeda Dagaalka Kula Jirta) oo soo baxay bishii
Jeenaweri 1990-kii. Inkasta oo aanay SNM-tu weerarin magaalada Berbera
1988-kii, haddana magaalada waxa ka dhacay xasuuqyadii ugu xummaa, iyadoo
duqay iyo rag ganacsato ah oo badan loo taxaabay xabsiga, kadib markii ay
SNM-tu soo weerartay Burco iyo Hargeysa, waxaana dadkaa loo gudbiyay Muqdisho
intii u dhexeysay 27-kii May ilaa 1-dii Juun, laakiin muddo yar kadib waxaa
magaalada Berbera ka bilaabmay xasuuq waxashnimo ah oo aan noociisa hore loo
arag, taas oo dadka la gawracayay kadibna xabad qudha lagaga jarayay, waxaana
si isdaba-joog ah u dhacay falal xasuuq ah oo ay kuwa ugu xummi bishii Juun
1988-kii ka dhaceen goobo ay ka mid yihiin Burco-Sheekh (Xaafad Berber ka mid
ah), halkaas oo dad gaadhayey ilaa 500 (Shan boqol) oo qof lagu laayay, iyadoo
dadkaa markii la laynayay laysugu xidhxidhay 30-qof ilaa 40-qof. Dadka la
xasuuqay, waxa ka mid ahaa dad ka kala yimid tuullooyinka Miyiga iyo
magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, kuwaas oo u soo xoogsi tegay dekedda Berbera.
Sidoo kale waxa dadka la xasuuqay ka mid ahaa rag laga soo tarxiilay Sucuudi
Carabiya.
Daahir Rayaale, maadama uu ahaa Taliyihii NSS-ta Berbera, masuuliyad weyn oo
toos ah ayuu ku yeelanayaa wixii ku dhacay dadkaa iyo halkii ay ku dambeeyeen,
iyadoo dad goob-joog ah oo hadda nool oo aan 1989-kii ku waraystay Djabuuti ay
xasuusan yihiin masuuliyaddii Daahir Rayaale. Dadkaa waxaa ka mid ahaa, C/fataax
Cabdillaahi Jire oo aan bishii Ogost 1989-kii ku waraystay magaalada Djabuuti.
C/fataax oo wakhtigaa ahaa 14 jir oo aan wax ka weydiiyay wixii dhacay, wuxuu
yidhi; "Maalin maalmaha ka mid ah badhtamihii bishii Ogost (1989),
warshad barafka samaysa oo aanu lahayn, waxa noogu yimid Madaxa laanta NSS-ta
Berbera Daahir Rayaale, wuxuuna kaxeeyay aabahay, waxa kale oo la xidhay nin
da’ ah oo ka mid ahaa waashmaanadii Wershadda oo magaciisa la odhan Faarax
Bidde Geedi. Waxaa labadoodaba lagu xidhay saldhigga Booliiska Berbera, iyadoo
lagu eedeeyay in ay ka sheekaysanayeen in ay suurta-gal tahay in ay SNM-tu soo
gasho Berbera."
Run ahaantii Madaxweyne Daahir Rayaale, keligii kuma aha dadka xilalka sare ee
siyaasiga ah ka qabtay Somaliland ee ay weli caalamatul su’aal saaran tahay
hab-dhaqankoodii xuquuqda aadamuhu, laakiin waxa jira qaar badan oo Isaaq ah
oo ka tirsanaa Hay’adihii cadaadiska ee dawladii Siyaad Barre, sida; NSS-ta
iyo Hangashtaba. Raggaas oo iyaguna ay maanta qaarkood xillal muhiim ah ka
hayaan Somaliland, sida; NSS-ta (Sirdoonka) Somaliland ee dib loo sameeyay
1995-kii iyo CID-da, iyadoo dadkii ay jidh-dileen, basaaseen, baadhistana ku
sameeyeen iyo kuwii ay dadkoodii laayeen ay koleyba wakhtiga ay doonto ha
ahaatee ay maalin maalmaha ka mid ah ka hadli doonaan wixii loo geystay. Hase
yeeshee arrintani ma aha mid ku salaysan Qabiil ama Beel gaar ahi u suntan
tahay, laakiin waa arrin khusaysa shakhsiyad gaar ah oo masuuliyad ku lahaa
cadaalad-darradii weynayd ee dhacday.
Haddaba, shakhsiyaadka eedahaa loo haysto ama Isaaq ama cid kale ha ahaadeene,
waxaa xaq loogu leeyahay in ay ka jawaabaan wixii ay ku geysteen awood
fullineed ama awood siyaasadeed, waxaana xisbiyada ay raggaasi ka mid yihiin
waajib ku ah in ay eedahaa loo jeediyay ku sameeyaan baadhitaan qoto dheer oo
deggen, isla markaana jawaab ka soo celiyaan arrintaa.
Saddexda Xisbi ee doorashada soo socota ku loolamaya oo ah; UDUB, KULMIYE iyo
UCID, waxa ku waajib ah in aanu musharaxnimo iska daayoo xubin ka noqon
qofkasta oo ku xadgudbay xuquuqda aadamaha.
Ilaa maalmihii ina dhaafay ee ay eedaymaha buuggan ku xusani noqdeen mowduuca
dadku ka doodo, waxa jiray shakhsiyaad lagu wareystay TV-ga oo ka mara-kacay
in Mudane Rayaale uu dad badbaadiyay, haddana taas macnaheedu maaha in ay ka
baraxayso falal lagu eedaynayo inuu gaystay, iyadoo ay weliba arrinta Mudane
Rayaale ay xilligan yeelanayso ahmiyad gaar ah, maadaama uu doorashada soo
socota u sharaxan yahay Madaxweynimada Somaliland.
Sida la ogsoon yahay xilka Madaxweyne-nimo ee uu Mudane Rayaale hadda hayo
kuma iman doorasho dadweyne, laakiinse maanta waxay dadku awood u leeyihiin in
ay doortaan qofka ay rabaan, haddiise uu Daahir Rayaale ku guulaysto
doorashadan oo uu talada dalka sii hayo shan sannadood, waxay taasi cadaalad
seeg ku noqonaysaa dadkii dhibaatada loo geystay, maadaama la ogyahay
Jariimadihii xasuuqa ee dalka ka dhacay in ay yihiin sababihii keenay in ay
Somaliland la soo noqoto Madaxbannaanideeda, waxa markaa lagama maarmaan ah
inuu hogaamiyaha ummaddani noqdo mid ay gacmihiisu nadiif ka yihiin dunuubtii
dadka laga galay.
Su’aasha lays weydiin karaa, waxay tahay maxay muddadaa dheer u qaadatay in
hadda uun arrintaa laga hadlo, laakiin marka su’aashaa laga jawaabayo
go’aankii nabadaynta beelaha Somaliland ee shirkii Burco May 1991-kii, ayaa
shiiqiyay go’aankii kale ee isla shirkaa ka soo baxay ee ahaa in daba-gal
lagu sameeyo dadkii dhagaraha geystay oo iyaga oo Maxkamad la soo taago, taas
oo loo magacaabay guddi gaar ah.
Sidoo kale, waxa iyana arrintaa samayn ku yeelatay qalalaasihii iyo dagaaladii
ehliga ahaa ee dalka ka dhacay, taas oo keentay in ay arrintaasi noqotay mid
dib loo dhigto. Sidaa darteed, haddii uu maanta musharax yahay nin eeddo loo
haystaa ma aha arrin laga aamusi karo, haddii kale waxay noqonaysaa in
kumanaankii dhintay, guryihii dumay iyo dadkii baro-kacay ee qaxootiga noqday
ay noqdaan arrimo gar iyo mag la’aan ku dhacay oo aan cidna laga xaq marin
doonin.
Haatuf News