Faisa Bedel Cabdilaahi Askar waa gabar yar oo 17 jir ah oo ku nool xaafada goljano ee magaalada Hargeysa.
Faisa waxay ku dhalatay iyadoo labada gacmood iyo labada lugoodba ay naafo yahiin. Cuntada iyo biyahaba waa in afka loogu qabtaa maadaama aanay gacmaheedii aanay shaqaynaynin. Mar wal oo ay suuli u baahatana waa in la qaadaa oo la dhex dhigaa suuliga, lagana soo qaadaa. Waa qof u baahan in 24ka saacadood laga war hayo. Hooyadeed oo danyar ah darteed maalintii oo dhan keligeed ayaa buulka yar ee ay ku jirto lagaga tagaa, waxaana qayladeeda kolba u soo gurmada jaarka marka ay u baahato in biyo yar afka loogu qabto.

Dhibaatada ugu weyn ee hada sii haystana waa hooy la,aan iyadoo ku jirta buul yar oo aan hagaagsanayn oo roobka aan ka celinaynin. Hadaba walaalaha muslimiinta ah waxaan ka codsanaynaa cidii wax tarikarta, ha noqoto wax sandaqyar loogu dhiso, ama ha noqoto wax maalmo loo siiyo caano iyo biyo inay nala soo xidhiidhaan idinkoo email noo soo diraya Samafal@sdwo.com

Hadii aad rabtid inaad waxaad toos kala xidhiidhi kartaaa 0025224100872