SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Agaasimaha Hay,ada Samafalka ee SDWO Relief Project oo deeq caawimo ah gaadhsiiyey laba hablood oo ku dhibaataysan Hargeysa

Cliclk Here - SDWO Relief Projects

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

Ex British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 15/02/2012)  Agaasimaha Hay,ada Samafalka ee SDWO Relief Projects Sheekh Yusuf  Waraabacade ayaa maanta gaadhsiiyey deeq lacageed oo dhan $600 doolar  laba hablood oo ku dhibaataysan magaalada Hargeysa. Deeqdan ayaa naga soo gaadhay  muwaadin degan dalka Canada  isagoo uu muwaadinkani ugu ku soo kaalmeeyay labadan hablood ilaahay ha ka jazaa'i  siiyee.

Deeqdan ayaa $400 oo doolar waxa la gaadhsiiye Hodan Cabdi Cali oo ah 16 jir ku dhalatay Indho la,an iyo dheog la,aan ka dibna dab ku dhacday sanadkii hore oo si xun u gubatay cawimooyin badan oo soo gaadhayna ka dibna lagu daweeyay dhakhtarka Manhal ee Hargeysa.  Reerkan ayaa ka mid ah dadka danyarta ah eek u dhibaataysan xaafada Daami ee magaalada Hargeysa

Waxa iyadana maanta $200 oo doolar la gudoonsiyey Faysa Cabdilaahi Askar oo ah gabar yar oo 17 jir ah oo ku dhalatay iyadoo dhamaan naafo ka ah labada gacmood iyo labada lugood oo degan buul yar oo ku yaala xaafada Goljano ee magaalada Hargeysa.

Hadaba Muwaadinkan oo hor ilaahay ugu soo gargaaray labadaa hablood ee ku dhibaataysan Hargeysa waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu ka abaal mariyo if iyo aakhiro, halkii uu ka soo saarayna wax ka badan oo uga khayr badan uu ugu bedelo. Aamiin.

Agaasimaha  SDWO Relief Projects Sheekh Yusuf  ayaa  baaq u diray kana codsaday qurbojoogu inay u naxaan dadkooda ku dhibaataysan dalka gudahiisa wixii ay  dhaamaana ay ku soo taakuleeyaan oo ay ku  darsadaan  miisaanka xasanaadka.

$600  ee doolar ayaa deeqaha sida tooska ah lagu soo hagaajiyey SDWO Relief Project oo la gaadhsiiyey dadkii loola soo niyooday isku geyntooda ka dhigaysa $18461 doolar.  Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu dhamaan muslimiintaas deeqaha na soo gaadhsiisay uu miisanka xasanaadka ugu darro. aamiin.

SDWO Relief Project marwalba halku dhigiisu waa Daawanaayoow waa Dadkaagii, Daawanaayoow Waa Dalkaagii

 

 

Hadii aad rabtid inaad SDWO aad ku soo hagaajisid sadaqadaada si aanu halkan ugu soo bandhigno sawirada marka la gudoonsiinayo, si aad u ogaato in sadaqadaadii gaadhay halkii aad u soo niyeysay, waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa samafal@sdwo.com  ama Guled@sdwo.com

 

 

Daawanaayoow waa dadkaagii,  Daawanaayoow waa dalkaagii

 

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Editor