|

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

|
SDWO (Hargeisa 07/03/09) Tan iyo intii la aasaasay qaybta samafalka ee SDWO Releif Projects bishii September 2008 waxa si isdaba jooga ah deeqo nooga soo gaadhayaan jaaliyadaha somaliland ee ku kala dhaqan aduunka dacaladiisa. Deeqdan u danbaysaa waxay naga soo gaadhay jaaliyadaha Somaliland iyo Somaliya ee degan xaafadaha Woolwich, Old Kent Road iyo Bow oo ka tirsan magaalada London. Lacagtan oo dhan $690 doolar waxay jaaliyadahani ugu soo deeqeen Aabe haysta 8 caruur ah oo dhamaantood wada curyaamiin ah oo ku nool magaalada Hargeysa, Waxa kale oo aan maanta reerkan gudoonsiinay $52 Doolar oo naga soo gaadhay Canada, inkstoo anaan haynin cidii soo dirtay. Deeqdan aan gudoonsiinay maanta reerkan ayaa ka dhigaysa lacagta jaaliyadahu soo gaadhsiiyeen reerkan $4145.00. Deeqdan waxa aabaha ubudkan curyaamiinta ah gudoonsiiyey Xoghayaha SDWO Shiine Cilmi Kaahin.

Aabe Yusuf Jamac oo Shiine ka gudoomay deeqdii lacageed
Gudoomiyaha SDWO Guled Cabdi Sheekhaash ayaa uga mahadnaqay dhamaan jaaliyadaha kala duwan ee deeqaha soo mariyey SDWO Relief Projects isagoo sheegay in tan iyo bishii September ee 2008 wadarta guud ee deeqaha soo gadhay sdwo ee la gaadhsiiyey dadkii loogu soo talo galay ay gaadhayso $5385 Doolar.
CLICK HERE Deeqahaasi sawiradoodii hore oo dhan - SDWO RELIEF PROJECTS

Guled Cabdi Sheekhaash ayaa jaaliyadaha meel wal oo ay ku dhaqanyahiin ba baaq qaylo dhaan ah u diray, isagoo sheegay in hada SDWO Releif Projects ay gacanta ku hayaan baaq in mudo ahba ku jiray sdwo.com oo ah gabaryar oo xanuun madaxa kaga dhacay la ildaran, isagoo gudoomiyahu ka codsaday jaaliyadaha inay hor ilaahay uga qaybqaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan ee ay awooda u leeyahiin inay waxtaraan iyadoo $5 doolar oo aad hada bixisaa aakhiro wax weyn kuu taridoonto.
PLEASE HELP

Click the picutre for more information
Gudoomiyahu wuxuu si gaara baaqan ugu diray dhamaan waalidiinta caruuraha haysta bal inay sawirkan yartan yar ee dhibaataysan (Amran) bal inay eegaan oo ay caruurtooda barbar dhigaan oo ay xasuustaan in xanuunku qofkaste ku dhicikaro.

Ilaa hada dalalka deeqahu naga soo gaadheen tan iyo dabayaaqadii sandkii hore ee 2008 ayaa kala ah, UK(London & Manchester), France, Finland, Holland, Denmark, Australia iyo Canada. Gebogebadii wuxuu Gudoomiyahu si gaar ah uu ugu mahadnaqay Xoghayaha SDWO isla markaasna ah Wakiilka SDWO ee Hargeysa Shiine Cilmi Kaahin oo aan mar qudha ka nasan inuu jaaliyadaha u soo bandhigo oo uu soo gaadhsiiyo xaaladaha dhabta ah ee ka jira gudaha magaalada Hargeysa ee haysta dadka danyarta ah ee ku dhaqan magalada. Iyadoo warbixintii u danbaysay ee bishii horena ka waramaysay laba qof oo gaajo darteed ugu dhintay xaafada State House kii hore ee Hargeysa.

Halku dhiga SDWO Releif Projects waa Daawanaayoow Waa Dalkaagii, Daawanaayoow Waa Dadkaagii.

Hadii aad rabtid inaad ka qayb qaadatid caawimooyinkan SDWO Releif Projects waxaad nagala soo xidhiidhi kartaa Samafal@sdwo.com ama guled@sdwo.com
SDWO News Desk -Hargeisa
|