SDWO (Hargeisa 30/08/2011) Xarunta Agoomaha ee Hargeysa ayaa ka mid ahayd goobaha sida weyn maanta looga ciiday iyadoo muwaadiniin iyo shirkado kala duwani ay ka qaybqaateen sidii dhalaanka ku jira xaruntini ay u dareemilahaayeen maalinta Ciida. SDWO Relief Project ayaa isagu sadaqooyin uu ka soo ururiyey xaafad ka mid ah waqooyiga London kaga qaybqaatay taakulaynta caruurta agoomaha, iyadoo loo soo iibiyey 5 neef oo adhi ah iyo 8 gabdadood oo bariis ah oo maaanta ciida loogu talogalay inay qado fiican uu ku filan cunaan caruurta ku xaraysan xaruntan. Xasan oo ka wakiil ahaa SDWO Relief Project ayaa maanta booqday xarunta isagoo halkaas kula qadeeyay lana cunay cuntadii maanta loo kariyey caruurta.
SDWO News Desk - Hargeisa
SDWO Relief Project oo munaasibada ciida deeq raashin iyo Adhi ah gaadhsiiyey xarunta agoomaha Hargeysa
SDWO (Hargeisa 28/08/2011) Maareeyaha xarunta agoomaha Hargeisa Marwo Caasha Maxamud Qalib ayaa maanta ka gudoontay deeq raashin iyo 5 neef oo adhi ah iskugu jirta SDWO Relief Project. Deeqdan waxa gudoonsiiye Xasan Waraabacade oo ka wakiil ahaa SDWO Relief. Deeqdan ayaa waxa ay ka timid qaar ka mid ah jaaliyada Waqooyiga London oo kala ah Cabdilaahi Abokor Cabdilaahi, Siciid Axmed Yusuf, Maxamed Nuur Mooge, Maxamed Wadani iyo Guled Cabdi Sheekhaash.
Muwaadin Xassan Waraabacadde oo hadal kooban ka jeediyey isagoo ka wakiil ahaa SDWO Relief ayaa sheegay in deeqdani ay noqondoonto oo loogu soo talogalay in caruurta xarunta ku jirta lagu ciidsiiyo maalinta ciida oo loo qalo 5ta neefba .
Xasan iyo Agaasimaha xarunta agoomaha Caasha Maxamud Qaalib
Deeqdan ayaa ka koobnayd 5 neef oo adhi ah, 8 gadbadood (kiish) oo bariis ah, 4 qasacadood oo waaweyn oo sharaab ah (Tango) , 8 qardaas oo nacnac ah iyo qarashkii basasha iyo baradhada loogu soo iibin lahaa maalinta ciida. Xasan ayaa hadalkiisa ku soo gebogebeeyay isagoo ilaahay uga beryay inuu ka abaal mariyo intii ku soo deeqday iyo SDWO oo lacagta lagu soo hagaajiyey xilna iska saaray soo ururinta deeqdan.
Marwo Caasho Maxamud Qaalib oo hadalka qaadatay waxaay ku dheeraatay sida hagar laanta ah ee jaaliyadda iyo SDWO ay waxtarkan ay uga gudoomeen maadaama maalinta ciida aanu u qali doono waxaanay tidhi ilaahay ha idinka jasaai siiyo waxaanan idinka rajeeynaaynaa bay marwo Caasha ku soo gebogebeeysay hadalkeed intaa iyo in ka sii badan.
Dhanka kale waxaa maanta xarunta lagu qabtay xidhitaankii koobka kubada cagta ee aay dhalinta agoomuhu soo gunaanadeen waxaana ku guulaaystay kooxda FC.JAPAN waxaana gudoonsiisay marwo aamina maxamuud agaasiimaha samafalka madaxtooyada waxaa kaloo goobjoog ahaa marwo Casho maxamuud qaalib oo ah maamulaha xarunta agoomaha hargeisa iyo xassan waraabacadde oo isagu ku deeqay koobka iyo jaaisadaha kale ee labixiyayba.
Gudoomiyaha SDWO Guled Cabdi Sheekhaash ayaa si weyn ugu mahadnaqay isla markaasna ilahay uga baryey inuu ka abaal mariyo xilka uu Xasan waraabacade iska saaray fulinta hawshan uu u sameeyay hor ilaahay isagoo isagu gacantiisa ku soo iibiyey soona qaaday.
Xasan oo sayladii xooolaha jooga