Hargeysa (SDWO 09/01/09) - Xayaad Cawad oo
ka mid ah qurbojooga Somaliland ee ku nool dalka Australia ayaa na soo
gaadhsiisay deeq lacageed oo $720 dollar la gudoonsiiyey
reerkan dhibaataysan oo ay ku deeqeen jaaliyada Australia, halka
Shugri iyo Saado oo degan dalka Danmark ay na soo gaadhsiyeen deeq
lacageed oo $659 dollar la guudsiiyey reerkan oo ay ku
deeqeen qaar ka mid ah jaaliyada Danmark. Qoyska
curyaamiinta ah ayaa waxa soo gaadhaya lacago kala duwan oo ka imanaya
jaaliyadaha ku dhaqan dibadaha tan iyo intii SDWO ay soo bandhigeen baaqii
sawirada iyo qaylodhaanka ahaa. lacagta maan aan gudoonsiinay qoyskan ayaa
dhan £1379

Shiine
- Wakiilka SDWO.COM oo gudoonsiinaya aabo Yusuf Jaamac
Gudoomiyaha SDWO.COM Mr
Guled Cabdi Shaakhaash oo ka hadlayey arimahan samafalka ah ee ay waday
SDWO Relief Project oo ah laan samafal oo ka tirsan shebekda wararka ee SDWO.COM
ayaa yidhi tan iyo bishii Novermber ee 2008 ee SDWO uu
qurbojooga u soo bandhigay sawirada 8da caruurta ah ee walaalaha ah ee
wada curyaamiinta ah, oo aabahood oo da,a ahina la daaladhacayey,
maadama ay hooyadood dhimatay ayaa qurbojoog badani ay aad uga
damqadeen oo caawimo dhaqaale iska soo ururiyeen kuna soo hagaajiyeen SDWO
Relief Projects lacag dhan guud ahaan $3403 oo
reerkan la gudoonsiiyey.
Tan iyo bishii
Ramadaan ee ay bilaabantay qaylodhaanta SDWO wadarta guud ee naga soo
gaadhay qurbojooga ku kala nool, London, Manchester, Paris, Holland,
Finland, Denmark iyo Australia waxa ay dhantahay $4643.
Goobaha aan horey deeqaha u gaadhsiinay waxa ka mid ah xaafada State house
kii hore ee Hargeysa, oo bishii ramdaana 10 qoys aan raashin u qaybinay,
laba jeerna deeq lacageed aan gaadhsiinay qoys caruurtoodii markay gaajo
uga baqeen ku yaboohay inay qofkii korson kara siinayaan. Dhinaca
xaafada dhaamka Daami ee dadka danyarta ahi ku noolyahiin ayaan iyagana
u dhisnay laba suuli iyo 10 qoys oo aan raashin u qaybinay.
Aabbaha Qoyska Yusuf
Jaamac Cismaan oo markii aan lacagta Gudoonsiyay faraxad iyo Mahad naq
nagala horyimid ayaa dhamaan duco u diray dadkii badnaa ee
deeqahu ka soo gaadheen waxaanu yidhi” maanta halkan waxaan uga
ducaynayaa hablahaas kaalmada nooga soo diray Australia iyo Danmark ee
Shugri, Saado iyo Xayaad, waxaan ugu ducaynayaa oo aan leeyahay sirta
ilaahay u qarsoon rasuul iyo nebitoona aanu siin ilaahay iyaga if iyo
aakhiraba ha siiyo, Duco ka weyn oo aan u duceeyo aakhiro iyo aduunkaba
calooshaa u ducaynaysa, oo dadnimadaa u ducaynaysa oo intaas oo wada
laxaad la,a ayaa u ducaynaysa, ilaahay waxsan ha ugu bedelo aakhiro iyo
aduunkaba, cidhibtooda aakhiro iyo aduunyaba ilaahay ha wanaajio, wax
xunba ilaahay ma tuso aakhiro iyo aduunkaba, aakhirana janada ha ku
waareen, ifkana nimco ha ku waareen.
Waxa iyaguna goobtaas ka hadlay oo
xaalkooda ka waramay qaar ka mid ah hablaha iyo inamada curyaamiinta ah,
oo iftiimiyey dhibta haysata iyo nolashoodu sida ay u adagtahay oo
qaarkood aanay xataa suuliga tegi karin, halka qaarkoodna ay gurguurtaan,
qaarkoodna la qaado oo la geeyo.
Geesta kale Aaabaha Qoyskan Yusuf
Jaamac Cismaan oo ay wejigiisa faraxadi ka muuqato ayaa dhamaan duco u diray
Dhamaan Bahda SDWO .COM Meelkasta oo ay jooganba.
Waxa iyagana munaasibadan goobjoog
ka ahaa Tv yada TVga Qaranka iyo Raad TV.
Gebogebadii Wakiilka SDWO ee Hargeysa Shiine Cilmi Kaahin ayaa qurbojooga
ugu baaqay inay dadkooda danyarta ah u soo gargaaraan oo aan wax weyn
uga baahnayn ee sadaqada $5ta doolar ee aad iska soo ururisaan
ay wax weyn ka bedelayso nolosha dad dhibaataysan, idinkana duco, naxariis eebo
iyo denbi dhaaf aad kaga helaysaan. waxaanu yidhi
“waxaan ku soo gebogebaynayaa halku dhiga SDWO Relief Projects ee ah
Daawanayoow waa Dadkaagii, Daawanayoow waa Dalkaagii.
La soo xidhiidh samafal@sdwo.com
or Guled@sdwo.com
Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News
Desk – Hargeysa
sirshiine@yahoo.com