SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

JACAYLKII RAJO BEELAY IYO RIYADII KA HOREYSAY

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun

Qaybta 12aad -(12/06/07)  

Waa buug cusub oo uu qoray C/raxmaan Maxamed Guun sheekadan waxaan u hibeeyey bahda sdwo.com oo run ahaantii qayb wayn kaqaatay sheekadii hore ee xishoodka hablaha iyo xanuunka jacaylka oo ay halkan ka akhristeen 43 kun oo qof.      

Sheekadan soo socota Waa sheeko dhab ah oo dhacday waxaanad in badan ka arki doontaa ama ka korodhsan doontaa waayo aragnimo laga yaabi lahaa inay kugu dhacdo mar haddaanad hore u soo marin. Ma jiro qof kaligii ku guulaysta halganka adag ee nolosha haddii aan midka kale dhinaca la haynin

Hordhac

Qaybta 1aad

Qaybta 2aad

Qaybta 3aad

Qaybta 4aad

Qaybt 5aad

Qaybta 6aad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybtii 11aad - Waxay inoo joogtay Ramla oo warqad u qortay Nuux oo ku biloowday Marka hore salaam guud, marka xiga samo ku noolaw, saakiyo dantaydana waxaan uga suurad dhigayaa sidii aad naga yeeshay markii uu wakhtigu siloonaa, iyo  heestii - Inanyahaw rucliyo orod, Kugu raadshay aniguyoo, Wixii uurku uu rabo, Afka lagama reebee, Waan kugu riyoodaa, Iyadoo ay sheekadu inoo joogtay iyadoo warqadaas ay ku weydiisatay inuu Nuux shaqo ah nadiifiso iyo kuwa warqadah qaada uga soo eego hayadaha uu u shaqeeyo.

Qaybta  12aad 

Sir maqabe adaa Raxmaankoow
Adigaa u sahanee
Waxbana maan samaynin
Gardaradu ma socdee
Sareediyo samir iyo lugooyaan
Kala saari waayee
Siday noqonba mooyee
Haday samaduu furan tahay
Suuradaha quraankiyo
Saligaan u dirayaa
Inay kaan sugaayay
Sidaan ahay u sheegaan
Nafta lalama socon karo
Haddii caashaq saayaad
Seefaha la gaadhee
Sahwiyo daraadii
Sakal iyo saac iyo abaarbaan
Kala saari waayee
Sanqadhbaa igu oogane
Haday samaduu furan tahay
Suuradaha quraankiyo
Saaliigaan u dirayaa
Inay kaan sugaayay
Sidaan u sheegaan
 
Intaa markay ku tidhi walaasheedii yarayd ayay Ramli bilaabaysa inay uga sheekayso qaabka iyo sida ay isku barteen waxaanay u bilowday sheekadan “waad ogayd oo ma ihi qof dadka dhex gala ama saaxiibo fara badan leh, waxa kaliya oon xaafada ka aqaano waa Hibo, marka uu maqan yahay Nuux ayaan la joogi jiray guriga maadaama ay kaligeed tahay iyaduna way i weheshan jirtay aniguna waxaan iska jeclaaday in aan la adeego oo wixii ay qabanayso aan dhankayga ka qabto, walaal xaqiiqdii Hibo iyo Nuuxba waa dad aad u wanaagsan, lamina mid aha dadka maanta magaalada ku nool kuwaasoo noloshoodu ku xidhan tahay xaasidnimo iyo iyaga oo qofka ay arkaan inuu kor u soo kacayo madaxa kaga istaaga, aan hoos u daadago ee walaal Nuux waa wiil dhalinyaro ah sidaad aragtayba reerkooduna waxay deggan yihiin carriga Maraykanka isaga oo qudha ayaa halkan jooga inkastoo saddex bilood kadib ay imanayaan hooyadii iyo aabihii sida uu ii sheegay Nuux, waxay ii ahaan jirtay marka uu soo galo aqalka in malakul-mawdkii soo galay aad ayaan uga baqan jiray maalin walbana waxaan ku dhuuman jiray kijada si marka uu ii dhaafo aan u waydaarto ilaa uu markii dambe isagu afkiisa iila yimid oo uu i waydiiyo erayada warqadan ku qoran iyo kulamadii ka horeeyayba, walaal niyadayda kumay jirin hami guur iyo mid sheeko toona, manaan aqoonin jacaylka iyo waxa uu yahay, waxaadse maanta moodaa in wax badan maanta aan fahmayo ood moodo qalbigayga inuu kusoo jiro boholyow caashaq oo aan u qabo Nuux kaasoo isaguba horey iigu sheegtay”, intaa markay ku tidhi walaasheed ayay walaasheedii yarayd odhanaysaa “horta beryahanba waan dareemayay oo sidaadii hore iyo si u dhaw toona ma tihid, xaaladaaduna waxay ka bixi wayday mar aad qoslayso, mar aad ku maqan tahay gurigaa ood Hibo la joogto iyo mar aad dhagaysanayso heeso, anigu walaal maan garan arrimaha kugu soo kordhay haddii laga tagi waayo waa jacayl”, wakhtiga ay intaa ku leedahay waxa rikoodhka ay dhagaysanayso ugu jira heestan uu qaado Axmed Saalax Qaasin Naaji waana tan:
 
Marka guudka loo dabo
Timaha gedafka loo xidho
Tirsadan gu’ qaangaadh
Gayaankoogu u soo baxo
Ee geedka loo baxo
Wada hadasho guurtidu
Laga keeno guunyada
Gacan qaadku uu dhaco
Godladiyo cayaaraha
La dimdimo arooskee
Waa gaari nolol wacan
Lagu soo gardaadshee
Gobsanaa Allahayoow
Xubno wada garaaro leh
Itaal gogol dhaxaad ah
Timaha goray haldhaaga
Afmadow gundhigu yahay
Iimaan gun iyo baar
Ku manaystay guuluhu
Xilkasnimo asli ah
Xishood aan gaboobayn
Qurux aan gadoomayn
Maariin casaan galay
Waa midab u gaaree
Gobsanaa hablahayagu
 

Heestan oo xaqiiqadii ka mid ah kuwa fara ku tiriska ah ee murti ahaan iyo maqal ahaanba da’yartu ay aadka u jecel yihiin ayay ku odhanaysaa walaasheed “walaal yaa kuu soo duubay heestan”, iyaduna waxay ku odhanaysaa “waxaan ka soo qaatay Hibo, dabadeedna heestan oo kaliya maahee waxa ku jira dhawr heesood oo aan ka helo, sidaa darteedbaan u soo qaatay”, walaasheeda yari intay aad u qososho ayay odhanaysaa “maanaan garan in jacayl ku hayo”. Markay ka tagtay tii yarayd ayay Ramli si aada u fekeraysaa iyada oo ku fekeraysa inaan Illaahay dhaafin Nuux oo uu ka dhigo ninkeeda, waxaanay niyaysatay iyada oo oori u noqotay, inkasta oo aanuu qofna ogayn siday wax u dhacayaan iyo wax iman doona haddana marnaba kamay nixin oo dhinaca xumaanta waxay kamay eegin waxayse mar walba ka eegaysay dhanka wanaaga, hore sidaynu u aragnay waa qof daacad ah oo wixii lagu yidhaah u aaminta sida loogu sheego, mana aha dadka sii daba gala ama qodqoda qofka wax u sheega. 

Maadaama ay maanta ku jiraan guri hantiya oon dib looga rari karin waxay gashay oo ay tagtay goobtii waxbarashada, maalintii ku xigtay maalintaa ayaa waxa xafiiska uu ka shaqeeyo Nuux ka tagtay shaqadii gabadh adeegto ahayd oo shaaha karintiisa iyo waxyaabaha waraaqo qaadida ku qornayd, isaguna waa intuu doonayay wuu soo galiyay shaqada sidiibay Ramli kaga mid noqotay shaqaalaha Hay’adda, halkaa waxa ka daboolmay quutal daruurigii markii hore madmadowgu ku jiray, gaadhibaa qaada subixii Ramla iyada iyo shaqaale kale oo badan, waxay dhammaantood la yaabeen gobanimada inanta yaree haddana da’deedu aadka u hoosayso, waxaanay isku raaceen in cid lagu doorsadaa aanay jirin, markii shaqaalihii mid waliba midkii kale uu ula yimid sheekadii uu is lahaa u sheeg oo kan kalena uu rabay inuu isna u sheego ayaa codkii loo qaaday waxay noqotay qofkii loogu kalsoonida badnaa shaqaalaha, ma baxdo ilaa qofka ugu dambeeya shaqaaluhu uu baxo waxaan hawsheeda ahayna ma qabato, markii dambe ayaa Saado oo ka mid ah shaqaalaha sare ee xafiisku waxay siisay fure xafiis oo uu yaalo computer waxaanay u sheegtay in gelinka hore lagu barayo computer-ka ka dambena English-ta, Ramli iyadoo horeba wax u soo dhigatay ayaa haddana arrintani waxay noqotay mid kor u qaada niyadeeda oo si qurux badan ay u soo dhawayso, Nuuxna mudada xafiiska lagu jiro isma yaqaanaan isaga iyo gacalisadiisu, waxaanuu ula dhaqmaa sida shaqaalaha kale uu ula dhaqmo, si aan loo dareemin oo aan loo ogaan waxa ka dhexeeya labadooda,

Maalintii dambe ayay dhammaysay saddex bilood kadib computer-kii iyo qoristii iyo akhriska afka Soomaaliga, iyada oo si fiican isugu filan ayaa waxa meesha ka tagtay gabadh ka shaqaynaysay iyaduna qayb ka mid ah xafiisyada oo xoghayn ahayd, dabeetana shaqaalihii waxay isku raaceen in laga dhigo xoghayn Ramla, Ramla oo wakhtigan isbiidhka garaaca computer-ka waxaad moodaa in lasoo raaciyay oo ay weligeedba garaaci jirtay, dalacaada ay dalacday waxay ku heshay in loo kordhiyo mushaharka iyo in ay noqoto qof soo dhex gashay dabaqadii dhexe ee shaqaalaha, Nuux wuxuu la hadlaa markay guriga tagaan, weli kulama dhex hadlo shaqada dhexdeeda oo wuxuu diidaa in la arko iyaga oo wada taagan ama wada sheekaysanaya, arrintii Nuux waxa uu ku guulaystay in ay Ramli reerkoodii iyo iyaduba ay isku filnaansho gaadhaan, waxaanay bilowday inay dhisto jagada bannaan inta ka dhiman oo ah laba qol, waxoogaa lacagana waxa ugu kordhiyay Nuux, mar walba wuxuu ku farxaa marka laga yimaado jacaylka sida ay u halgamayso inantan yari, waxa lasoo gaadhay wakhtigii ay iman lahaayeen waalidkii dhalay Nuux hooyadii iyo aabihii oo wada gabadh kale oo ay la rabeen inuu guursado, gelinkii hore ee maalintii Isniintii ayay kasoo degeen Madaarka Hargeysa, wuu ka hortagay waanuu soo qaaday, wuxuu keenay guriga, Nuux aabihii maaha nin u bartay in hadal lagu celiyo ee wuxuu ahaa nin taladiisa mooyaane tallo kale aanay socon, intii Nuux iskuulka ku jirayna waxa uu waalidku ugu taliyo si wanaagsan ayuu u qaadan jiray, dhibaataduse waxay maanta taagan tahay siduu u yeeli doonaa inuu guursado gabadh aan Ramla ahayn iyaguse sideebay uga yeeli doonaan in uu wiilkoodu wixii uu doono hortooda ku sameeyo, arrintii markii ay muddo joogeen reerkii ayaa waxay maqleen xam-xam yar dabadeedna Nuux aabihii intuu si toosa ugu yeedhay ayuu ku yidhi “wax kale umaan iman waxaan u imid inaan kuu dhiso, markaad aroosatana aanu iska noqono, waxaananu kula joogaynaa laba bilood, inantana aniga ayaa kuu soo dooray waana qof nolosha kula qaybsan karta oo dhinaceeda wax ka qabanaysa markaa aabo waxaan kaa codsanayaa inaad hadalkayga qaadato oo aanad igu soo celinin hadal”, iyaga oo halkaa maraya hooyadii iyaduna soo gashay qolkii fadhiga, waxay u sheegtay wiilkeeda in ay damacsan tahay sida aad aabihii damcay lana rabto gabadha ay wadaan, markaa waxay ugu daraysaa iyadu soo fasax qaado oo kaalay hada aanu guda galno arrimihii guurka. Nuux tallaa ku caddaatay hase ahaatee waxa uu ku yidhi ama kuu badheedhay in uu xaqiiqda jirta u sheego hooyadii iyo aabihiiba, waxaanuu si caddaana u yidhi “aabo iyo hooyo anigoo og xaqa aad igu leedihiin, aniga oo og inaad tihiin kuwii ka dambeeyay noloshayda, aniga oo aan marnaba hilmaansanayn meesha aad noloshayda kaga jirtaan haddana suuragal iimay noqon inaan idinka qaato arrinka, wixii kale oo dhan diyaar ayaan u ahaanayaa laakiin waalidkayoow waxaan aniguna diyaarsaday gabadh aan guursado oon muddo laba sanadood ah aan la sheekaysanayay meel aan kaga tagana aanay wakhtigan taagnayn, haddaan imika idinka yeelo gabadhan inaan guursado marnaba ma haynayo laba bilood, markaa maxaad isla caddibaysaan inantana u soo caddibteen, waxay ahayd inaad ii soo sheegtaan intii aydaan iman in gabadhi idinla socoto”, hadalka iyo guntiisaba laabi laba qof uma qaybsanto, odaygii iyo islaantii intay sidaa isku eegeen ayay ku yidhaahdeen “waa goor dambe iska seexo oo waxaanu kaa doonaynaa inaad barito war wanaagsan aad na siiso si aanu ugu go’aan qaadano”. 

Waanay ka kaceen halkii ay fadhiyeen iyaga oo aan faraxsanayn, Nuux wuxuu telefoon u dirayaa Ramla una sheegayaa arrimuhu siday u dhacayaan iyo xaalku halkuu marayo, Ramli aadbay uga xuntahay arrinta la soo deristay mattaankeedii, wax ay ka qaban karto arrinkana ma jiro, waxay ku odhanaysaa “walaal calafku waa halkiisa, caashaquna waa meeshiisa, haddii aynu calaf isku leenahay cid ina kala kaxaynaysaa ma jirto, haddaynaan isku lahayna cid isku keen dhajin kartaa ma jirto, aniguse midbaan kuu sheegayaa xattaa hadaad guursato gabadhan waxaan ahay gabadhaadii, mar hore ayaan go’aansaday, dhibaato kasta oo inaga hor timaada in aanan kaligaa kugu eegin ee aan kula qabto intii karaankayga ah, maanta kalsooni ayaan dhinacaygaa kaa siinayaa aad ayaan kuu jeclahay la’aantaana noloshayda iyo ta waalidkayba iyo ta qoyskaygaba waa baaba’, maxaa yeelay tiirka ama udub-dhexaadka raaskayagu wuxuu ahaa adiga, maanaan lahayn aabo, lamanaan dhalan wiilal manay jirin cid wax noo qabatay, wakhtigii noloshu nagu adkayd intaa waxa dheer way yartahay Nuuxoow inanta hesha adiga oo kale markaa walaal haddii ay kugu khasbaan waalidku in aad yeesho tooda haka baqanin in aan anigu ku diido, mar walba diyaarbaan kuu ahay iskana ilaali cadhada badan, werwerka iyo madax xanuunka una arag wax aan waxba kaa qaadayn hadalada, 

Nuux waxay ku noqotay arrin aad iyo aad u adag oo uu u qaadan waayay waayo wuxuu is lahaa markaad gabadh u sheegto way boodi doontaa oo waxay odhan doontaa miyaad igu dul day-dayanaysay hase ahaatee markuu ogaaday in wuxuba ay yihiin wax ay raali ka tahay Ramli ayaa waxa u qaboobaya nafsada, waxaanuu galayaa nafis muddo dheer, waagu markuu baryo shaqadiisii ayuu iska qabtay, shaqadii ayay iskugu yimaadeen maalintaas oo ahayd maalintii uu ugu eegmada badnaa ee uu daawaday Ramla, labadooda xafiis waxa u dhexeeya daaqad marka aanay shaqada hayn waxa iska fadhiisataa barandaha xafiiskeeda, halkaasoo ku beegan daaqada Nuux, Ramli wakhtigan waxay noqotay hablaha loo dirayo waxbarashada, kuwaasoo afar ka mid ah oo ay ku jirto la rabo inay tagaan Nairobi si ay u soo bartaan Maamulka iyo Maareynta, Ramli waa qof maskax fiican English-ka iyo Secteriat-ka si fiican ayay u taqaana oo waxa lagu baray xarunta dhexdeeda, waxa kale oo intaa u dheer inay tahay inan aad u edab badan, waxay sidaa ahaataba waxa la soo dhejiyay dadkii u baxayay safarka dibadeed marka hore waxa ay maqnaanayeen afar bilood iyadoo mar labaadkana noqon doonta sagaal bilood, afar cisho kadib Ramli waxay joogtaa garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa iyada oo ay mattaankeeda si weyn isaga war qabaan, Ramli kuma faraxsana tagitaanka waayo waxay ogtahay waayaha jacayl, welbahaarka iyo werwerka kusii badanaya mattaankeeda, muran kuma jiro inay wax badani iska bedeli doonaan labadoodaba noloshooda haddana wakhti kasta waxay ku ballameen oo ay ku xidheedhaan khadka Internet-ka iyo telefoonka xafiiska. Ramla markii la geeyay halkay ku qaadanaysay casharada iyo Huteelkii ay degganaan lahayd ayaa waxay u baahatay in qolka ay deggan tahay ama Huteelka laga heli karo Internet, waxaad moodaa in waddamada bariga Africa ay Jamhuuriyaddan Somaliland kaga horaysay facilities-ka ama qalabka isgaadhsiinta oo ay iyaga ku adagtahay sida loo helaa. 

Nuux saacadiiba wuxuu soo diraa afar ilaa shan waraaqood laakiin Ramla waxa laga yaabaa markay laba cisho maqnaato inay maalinta saddexaad ama afraad, maalintii dambe ayuu u diray warqad ay ku qoran tahay heesta ay qaado Sahra Axmed oo aad moodo in iyaga ay tilmaamayso waana tan:

 
Bal qofyahaw jacaylbaa
Igu kaa qasbaayoo
Waad i quudhsanaysaa
Qayrkaa ma waayine
Qaxarkiyo dhibaatada
Ma ila qaybsanaysaa
Ileen waynu isku qalanaaye
La iima qorin dhibtaadee
Haddaan go’o qiyaamaha
Adaa laguu qabsanayaa
Iga daa qumbacashada
Qoontaad i yeeshaan
Dadka kala qaloodaa
Ima qabato caynkani
Qaxar iyo lugooyo
Qoodhaa iyo xeradaa
Amba kuuma quudheen
Saw intaan qalaayaan
Adna qaybinaysay
Haddii aad qab wayntahay
Nafsi yuu ku qabanine
Haddaan go’o qiyaamaha
Adaa laguu qabsanayaa
 
Wuxuu ka shakiyay habsaanka jawaabaheeda, isla markaana waxaanuu ogayn inay meesha ay tagtay ay go’doon ka tahay magaalada inteeda kale oo ay tahay Boodhin kaasoo aan in badan u sahlayn in ay hesho mar walba waxay soo raacdo iyo magaalada laftigeeda oo ay ku yaryihiin Internet café-yadu, markaa shakiga intaa leeg waxa laga saari karaa oo qudha…………..

 

La  soco Qaybta 13aad -Waxaan aad uga xunahay inaanay ilaa hada na soo gaadhin qaybahii danbe ee sheekada.

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Email: guun2003@yahoo.com

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE