SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

HALGANKII HASHII CURAD HABOWDAY IYO

JACACYLKII KU LAMAANAA

Qore: Axmed Maxamed Yusuf  

Part Five

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Daawo Madarasada Agoomaha Hargeysa si aad u caawisid

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

Sheekadani waa dhacado ka bilaabmatay magaalada Hargeysa dhamaadkii sideetanadkii ku gabagabooday magaalad London.  Sheekadani oo dhexe martay wiil iyo gabadh dhaliyaro ah oo ku kulmay magalada Hargeysa wakhatigii ay ku jireen dugsiga sare oo ahayd xilga ugu macaan nolasha dhalinyarada.  Nasiibdarose waxaa u suurto galin waayay inay wakhatigaasi si wacan uga faa’idaystaan taliskii foosha xumaa ee cadaadiska ku hayay dhamaanba dadkii degaankaasi yar iyo weynba.  Dhalinyardan oo markaas bilaabay bog cusub oo ay u fureen nolashooda, mustaqbal fiicana dhawraya ayaa carqalad uu ku noqday taliskii faqash kaasi oo kala dagaalamay dhamaanba xuriyadii ay ku meel marsan lahayeen mustaqabal haddii ay noqoto waxbarasho, shaqo iyo waliba xoriyada nolola maalmeedka caadiga ahaba. 

Lamaanahan oo uu kala fogeeyay halgankii xaqa ahaa ee dib loogu soo dabaalay hashii maandeeq (Somaliland) ee curad habowday balse dib ugu kulmay oo nasiib isgu tusay magaalada London ee cariga Ingriiska.

Aduun hawl lagma waayo, jacaylna xaasid mawaayow horaa looyidhi.  Xiligan ay dib ugu kulmeen magaalada London waxaa ka taagnaa arimo ayanaan hore wadankii ugu arki jirin oo lagu tilmaami karaya in ay ka mid ahayaan dhaqan gadoonka umada ku dhacay markii loo soo qaxay dalalkan shisheeye, kaasi oo isna carqalad kale ku noqday lamaanaha. 

Hadaba sheekadan oo ah mid aad xiisayn doontaan soona martay marxalado badan waxaan idin leyahay akharis wanaagsan.  

Qaybtii kowaad waxay inoo joogtay (Click Here) 

Qaybtii Labaad

Qaybtii Sedexaad

Qaybtii Afraad

 

Qaybtii Afraad waxay inoo joogtay 

Marakay labadii basaas ka tageen Daahir iyo Mahad waxay isla garteen inay ka tagaan goobta raad sadaana fiidyow kale iyaga oo filanya inay nimankani sida caadada u ah inatay soo kaxaystaan askar ay ugu imana doonaa halkan haddii ay sii joogaan waana ay ka tageen Sagal fiidyow mana ay galin mid kale iyaga oo cadhada arimahan isku biirsaday waa labada basaas iyo gaadhiga koofyad castee ay niyadii ka dileen filim ay dawaadana u dhadhamayn waxaanay u kaceen goob makhaayada oo ay dhalinyaradu ku caweyn jirtay fiidkii wixii warar ka soo kordha halganka SNM tana lagu kala qaadan jiray.

 

Qaybtii shanaad 

Mahad iyo Daahir waxay igu yimaadeen goobtii dhalinyaro kale oo ay asxaab yihiin markii ay la soo fadhiisteen waxa u socotay dhalin yarada sheekho iyada oo mid ka midi uga waramayay odayaal faqash xidhay oo lagu eedeeyay caruuritiinbaad SNM u dirteen iyo dumar lagu eedayay ragiina oo SNM ayaa idiin soo hoyday oo aad qariseen arimahan oo ka mid ahaa saska ay qabeen cadwaga faqasha oo ogaa inay SNM habeen iyo maalinba la joogto madaama oo ay hawlgalo ka fuliyaan magaalada gudaheeda iyo dibadeedaba, sidii dilkii ay u gaysteen wakhatigaasi taliyihii NSSta ee lagu magacaabi jiray Axmed Aadan, jabintii jeelka madheera, badbaadintii C/laahi Askar iyo hawlgale kale oo farabadanba. 

 

Wakhatigani waxaa uu ahaa wakhatigii taliskii faqash dadka ku dhaqan hargeysa ku soo rogay in guri waliba soo sheego cida habeen soo martida haddii lagu qabto tirada lagu og yahay guri cidaan ahayna ay ciqaab mutaysan doonaan, waxaa habeenkii ku wareegi jiray xaafadah askarta loo yaqaanay guulwadayaasha oo iyagu ka daba shaqayn jiray xaafadaha iyo cida u soo wareegaysa ama ku dhaxaysa. 

 

Wakhatigani waxaa uu ahaa wakhatigii dadka lagu xidhi jiray waxaan danbi ahayn iyada oo kiisna looga dhigayo sida ku qosle kabtan kufay, huruufis sawir madaxweyne, ka quficid qudbad sarkaal waxayaabahan iyo qaarkale oo badanba waxay ka mid ahayeen xaqiiqaha dadbadan loogu taxaabay jeelasha iyada oo latusayo dadka inaanay si xora u qosli karin ama u qufici karin.

 

Wakatigani waxaa uu ahaa wakhatigii lagu soo rogay gaadidka dadweynah waa basaska iyo tagaasidee inay shaqeeyaan ku hayb-ahaan ka soo jeeda taliska faqash oo kaliya kuwii kale oo badankooda ay lahayeen dadka u dhashay hargeysana la fadhiisiyo oo loo diido inay ka soo baxaan goobaha lagu xareeyo.

 

Dhalinyartii habeenkaas ku kulantay goobtaasi waxay kawada hadleen cadadiskan xad dhaafka ah ee maalinba sii kordhaya, isga oo Daahirna uga xog waramay arintii ku dhacday isga iyo ardaydii kale ee gudoomiyaha waxbrashada ugu sareeya ku geeyay xafiiska NSSta, waxaana midka mid ahaa dhalinyartu ugu daray inay dugsiga 26 juuna arintanoo kale ka dhacday islamarkaan ardaydii arintani ku dhacday u wada talaabeen uruka SNM.  Daahir kali ayuu ku ahaa goobta waxa arinkani ku dhacay maadaam oo aanay wada joogin ardaydii kale labadii maanta uu la kulimi lahaan basaasintii kala kaxeyeen waxaanu ka wararay wixii uu ka yeeli lahaa dugsiga waxaanay asxaabtiisu kula taliyeen inaanu ku noqon dugsiga ardeydii kalena ka wardoon wada tashadaana.  Halkaa marka arin u marayso ayaa askar soo weerartay hudheelkii ay fadhiyeen halkaasi oo qofwaliba uga dhaqaayay dhankii uu u jeeday.

 

Deeqa wakhtigaasi waxay soo dhamaystay booqasho ay isugu martay laba goobood iyada oo ku danbaysay saxiibadeed Layla oo damacday inay sii dhaweyso Deeqa oo ka tagaysay wakhati fiida waxanay ku wargalisay walasheed inay sii dhaweynayso saxiibadeed markay ka soo baxeen gurigii cabaarna socdeen ayay soo hor mareen hudheel dalacday samacadaha uu ku soo jiito dadka hor maraya oo ay markaas u saarnayd hees ay ku luqeeyaan Salaax Qaasin iyo Hibo nuura oo ay ka mid yihihiin midha heeda “Kalkacylku waa qani caasha ka qara weyn sharif iyo wanaag badan waana shey ku qaaliya qiimaynta aadmiga”  Deeqa markay la kulantay heestan xooga loo dalacay aad ayay uga heshay sheekadii saxiibadeed u wadayna waxaa kaga xoog batay xiisaha heesta oo ay ku luqaysay, Layla iyadu heesta baxaysa lama haysan waxaanay kaga warheshay markay saxbeedeed ku luqaysay waxaanay ku tidhi, saxiib waa lagu helaybaan filayaa, Deeqana waxay ugu jawwbtay “Allow yaa qala uurkaygoo qudha oon layga jarin quruumaha ku loolama ku yidhaah garta u qaad” Layla ayaa u raacisay saxiib xagee lagaaga soo dhacay hawlo jacayl sabankii ma joognee, waxaanay ugu jawaabtay dabayl dugsigiin ka soo kacdaa imartay oo anigaaba iska yaaban, waxaa dhagahooda ku soo dhacay gaadhi hoonkiis markay jaleeceena waxaay arkeen Deeqa abaheed kadibna waa kala hadheen Layla waxay ku laabtay gurigooda Deeqana waxay hore u sii raacday abaheed oo guriga ku sii socday.

 

Daahir iyo wiilashii kale waa ka tageen hudheelkii waxanaay ku sheekaysanyeen socdka waxa kaliya ee carbkoodo ka hadlayayna waxa uu ahaa dhibaatada ka taagan magaalada iyo sida ay faqash ugula jirto dagaalka, waxay ka wada sheekaysteen dhacdooyinka jira oo midka mid ahaa wiilashu uga sheekeeyay ciidan la baxay dabargoynta isaaq oo saldhig ka samaystay geeddeeble Mahad ayaa isna ku daray sheekada qaxooti degaanaa xerada looyaqaanay ganad oo ku dhaweyda guriga adeerkii inay habeenkii qaxootiga degani ciyaar gudaan waxaana waxa laga argagaxo ah iyaga oo ku luqeeya “Daarood dal doonayaa yimid Isaaq daba dhilifoo durug” iyo qaarkale oo lamida, isga oo raaciyay inay dadkani yihiin dad faqash soo lug gooysay oo laga soo dhaadhicyay magaaloyin cidla ah oo laga kiciyay Isaaq ayaa degaysaan, waxaana jiray dhacdooyin dhab ahaa oo dadkaa qaxootiga ahi inta ay u yimaadaan guryaha iyaga oo dawrsanya ay ku odhan jireen gurigani anuu ii suntan yahay ee dhakhaso iigu banee iyo goormaad ka baxaysaa. 

Dhacdooyinkaasi waxay ka mid ahayeen qorshayaashii taliska faqash oo doonayay inuu dadka dhaxal wareejiyo kuna beero degaankood dadkale oo aan isir iyo asal ahaan ka soo jeedin, waxaa uu awood ku siiyay wadaadkii oromada ahaa ee sheekh bilise oo askartiisu iyaga oo dalka qaxooti ku ahaa hadan cida ay doonaa xidhi jiray ama jidh dili ugu gaysan jiray dariiqyada magaalda, dadka degaankana awood ugu faani jiray inay kaga adag yihiin degaankooda isla markaan ku hamiyi jiray inay hargeysi noqon doonto magaalo qoti taasi oo ku dareen siinkarysa inay hayd magaalo loo tashaday oo qaxooti loogu balan qaaday dadka degaankan loo samaystay ciidan dabargooyanya.

 

Habeenkaasi dhalinyardii waxay kala hoydeen iyaga oo qiiraysan sheekooyinkan iyo dhacdooyinka soo marayna ka cadhaysiiyeen.  Daahir iyo mahad oo jaar ahaa markay ka yimaadeen wiilsha kale mudo nusa saac ku dhaweyd oo ay xafadood u soo socdeen mar ama laba jeer ayay wada hadleen midwaliban waxaa uu ka fakirayay waxa uu ka gaysan karo sidii arinkan looga dhiidhiyi lahaa waxaanu hamigoodu u badnaa inay ka haajiraan oo ay ku biiraan xaq u dirika SNM oo ahayd awooda kaliya ee dagaalka hubaysan kula jirtay taliska faqash.

 

Daahir habeenkaasi waxa uu guriga yimid isga oo cadho buuxa waxaanu toos u tagay sariitiisa mana uu eegin cashadii loogu talo galay, walalkii oo daarda fadhiya hurda la’aantiisi xalayna ogaa ayaa u arkay inuu hurdo ka tan roonaatay oo uu rabo inuu iska jiifsado, lakiin Daahir waxay u ahayd habeenkii sadexaad ee hurdadu kaga xumaato arin maskaxdiisa ka guuxaya arintan caawa haysa waxaa uga horeeyay, xiisihii kulankii Deeqa oo habeenkii khamiistu soo galaysay uu ka seexan waayay, iyo xadhigii uu dugsiga kala kulmay ee uu ka sexeen waayay xalay oo jimice ahayd caawana waxa uu filanyaa oo caaracya sheekoyinkan cusub ka fakirka waxa uu ka yeeli doon dugsiga oo uu bari oo sabti ah dib loogu laabanyo.

 

Deeqa iyada culays ma saarna caawa xaanay ku farxsantahay inay la kulantay Daahir oo ay ogtahay inay markale kulmi doonaa intii horena laysaga soo dhawaadey waxaanay kaawyad ku giijisay dharkii ay dugsiga ku tagilahayd waxaanay nafta ugu raaxaynaysay oo ku seexinaysay heeso jacayla oo ay ku dul dhagaysanysay sariirta dusheeda waxaan goordabe oo ay gamaday ka damisay walasheed oo soo jeedka kaga denbaysay.

 La Soco Qaybta 6aad,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,

03948
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan   

 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE