Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland
QAYBTA
KOWAAD
TILMAANTA
QARAN, MABAADI'DA GUUD &
XORRIYAADKA
ASAASIGA AH
XUBINTA
IAAD
TILMAANTA
GUUD
QODOBKA
1AAD
QARANKA
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1.
Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay
Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of
Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland,
kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda
Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go'aankii
Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu
halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkan dal madax bannaan oo
leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda
Somaliland”.
2.
Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u
adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.
QODOBKA
2AAD
DALKA
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1.
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii
Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha
(Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45'
ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasuradaha,
biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda
(Continental shelf).
2.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay
xad Ia wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya;
dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya;
dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
3.
Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.
QODOBKA
3AAD
MAGALO-MADAXDA
Magaalo-madaxda
Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa.
QODOBKA
4AAD
JINSIYADDA
1.
Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka
Somaliland
26kii Juun 1960k iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin
Somaliland.
2.
Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda
Somali land.
QODOBKA
5AAD
DIINTA
1.
Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland
ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka.
2.
Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana
reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.
3.
Dawladdu waxay oogaysaa shacaa'irta dimiga ah (umuurta Diinta); waxaanay
fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo
anshax- xumada.
4.
Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo
tan Miilaadiyada ah.
QODOBKA
6AAD
AFKA
I.
Afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waa Af-Soomaaliga; afka
labaadna waa Af- Carabiga.
2.
Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo.
QODOBKA
7AAD
CALANKA,
ASTMNTA & HEESTA QARANKA
1.
Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo
isle'eg oo ballaadh u goglan. Midabka
sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu
Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay
badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh;
midabka hoose waa casaan saafi ah.
2.
Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay
"ALLAAHU AKBAR" oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan
qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka
laalaadaan. Laba caleemood oo doog
ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood
baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran "Bisinka" oo Far Carabi ah.
3.
Heesta Qaranku waa mid
muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda,
hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan
kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.
4.
Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka,
waxa jidaynaya go'aan Golaha Wakulada.
XUB1NTA
2AAD
MABAADI'DA
GUUD
QODOBKA
8AAD
SINNANTA
MUWAADINIINTA
1.
Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka,
dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay
sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.
2.
Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada
iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo
dhaqamada xunxun ee 500 jireenka ah waa waajib Qaran.
3.
Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortusa ku
leeyihiin xuquuq iyo waajibaad Ia siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban
tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah.
QODOBKA
9AAD
NIDAAMKA
SIYMSADEED
1.
Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad,
talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan.
2.
Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama
badnaan karaan saddex (3) xisbi.
3.
lyada oo xeer gaar ahi habayn doono qaabka loo furan karo xisbi siyaasi
ah, waxaa reebban in xisbi lagu dhiso gobollaysi iyo qabyaalad.
QODOBKA
10AAD
XIDHIIDHKA
DIBEDDA
1.
Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii
hore 1o odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii
aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand.
2.
Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada
Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa
Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.
3.
Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay aaminsan tahay mabaadi'ida
aayo-ka-talinta ummadaha adduunka.
4.
Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo
dariiq nabadeed iyo wada-hadal; waxay dhawraysaa jiritaanka soohdimaha dalalka
kale.
5.
Waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay oo dhex ooli jirtay dalalka
Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho.
6.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waa Jamhuuriyad xor ah oo ka mid ah
Ummadda Carbeed, Shucuubta Afrika iyo Caalamka lslaamka; sidaas daraadeed, waxay
ku dadaalaysaa siday ugu bun lahayd Jimciyadda Qaramada Midoobay, Ururka
Midnimadda Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Dawladaha lslaamka.
7.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka
argagaxis-nimada iwm, ujeeddo kasta ha lahaadeene.
QODOBKA
11AAD
DHAQMLAHA
DALKA
1.
Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha,
abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu
waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa
xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida
Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
2.
lyadoo Ia dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in
barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan
dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay
u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa
Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha
dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
3.
Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa;
xeer baana lagu nidaaminayaa.
QODOBK
12AAD
HANTIDA-GUUD,
KHAYRAADKA DABIICIGA AH
IYO
WAX-SOO-SAARKA WADANIGA AH
1.
Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa
leh.
2.
Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib
saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer.
3.
Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hantiguurto
ama ma-guurto ah, may ubsato, ubiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u
dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
4.
Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda-dhexe,
waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana
faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. llaalinta khayraadka
dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo xeer ayaa qeexaya.
5.
Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia
wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.
6.
Dawladdu waxay dhiirri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha,
xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya
wax-soo-saarka wadaniga ah.
7.
Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya xeer-gaar ah.
QODOBKA
13AAD
BAANANKA
Dawladdu
waxay yeelanaysaa Baan dhexe oo hoggaamiya siyaasadda iyo ilaalinta Lacagta
Dalka. Waxa kale oo Ia suurto-gelinayaa furitaanka Baanan ganacsi iyo
horu-marineed iyada oo mudnaanta Ia siinayo kuwa gaar-ahaaneed.
QODOBKA
14AAD
CASHUURAHA,
TAKAALIIFTA & RIBADA
1.
Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo
maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama
qaadi karo.
2.
Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah
ee kale xeer ayaa jidaynaya.
3.
Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku
xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.
QODOBKA
15AAD
WAXBARASHADA,
DHALLINYARADA
IYO
ISBOORTIGA
1.
Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo
faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyadoo u aragta inay waxbarashadu tahay maalgelinta
ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed,
dhaqaale iyo bulsho.
2.
Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo
deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland.
3.
Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan
heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada
Qur'aanku waa waajib saaran Dawladda.
4.
Muwaadiniinta iyo shisheeyaha dalka deggeni waxay furan karaan dugsiyo
iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro oo heer kasta ah oo waafaqsan xeerka
warbarashada.
5.
Dawladdu waxay mudnaanta koowaad siinaysaa waxbarashada asaasiga ah;
waxaanay u hawl galaysaa in gobollada iyo degmooyinka lagu baahiyo waxbarashada
asaasiga ah.
6.
Cidhib tirka akhris-qoris la'aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa
waajib ummadeed waana in shacab iyo Dawladba awood Ia isugu geeyo
fulinta waajibkaas.
7.
Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la'aan.
8.
Si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo
caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda Dawladdu waxay
ahmiyad gaara siinaysaa horumarinta iyo dhiiri-gellinta ciyaaraha jidhka iyo
isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka asaasiga ah oo ka mid ah
manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale.
QODOBKA
16AAD
HORUMARINTA
CILMIGA, SUUGAANTA,
HIDDAHA
IYO DHAQANKA.
1.
Dawladdu waxay horumarinaysaa cilmiga iyo suugaanta; waxayna dhiirigelinaysaa
hal-abuurka iyo cilmi-baadhista.
2.
Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha xeer ayaa caddaynaya.
3.
Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada
iyada oo isla markaa laga faa'iidaysanayo aqoonta bulshada adduunka. Waxa si
gaar ah loo dhiirri gelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha wadaniga ah, iyadoo
Ia dhawrayo aadaabta lslaamka.
4.
Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada,
waxayna tirtiraysaa caadooyinka wax u dhimaya Diinta, horumarka, dhaqanka iyo
caafimaadka bulshada. Samaynta khamriga iyo beerista ama ka ganacsiga iyo
isticmaalka maandooriyuhu geyiga Somaaliland way ka reebban yihiin.
QODOBKA
17AAD
CAFIMAADKA
1.
Dawladdu iyadoo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib
ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa,
helitaanka daaweyn lacag Ia'aan ah iyo daryeelka fayo dhawrka guud.
2.
Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada
caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah.
QODOBKA
18AAD
DEEGMNKA
IYO WAX-KA
QABASHADA
MFOOYINKA
1.
Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka
deegaanka oo asaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka.
Sidaas darteed, habdhaqanka iyo waxyeelada loo gaysto deegaanka xeer ayaa
qeexaya.
2.
Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul garurka
iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal.
QODOBKA 19AAD
DARYEELKA
QAYBAHA
BULSHADA
BAYLAHSAN.
Dawladdu
waxay xil iska saaraysaa caafimaadka, daryeelka, xannaanada iyo waxbarashada
hooyada, dhallaanka, naafada cid xannaanaysa aan lahayn iyo dadka aan
xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaalaqaada.
QODOBKA
20AAD
SHAQADA,
FARSAMADA, DARYEELKA
IYO
BADBADINTA SHAQAALAHA
1.
Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara.
Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta
tababarada shaqaalaha.
2.
Ka shaqeysunta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha
habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya
Xeerka Shaqada.
3.
Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan,
waxayna qof ahaan ama urur ahaanba gorgortan Ia geli karaan loo shaqeeyaha,
waxana reebban shaqada oo Ia isku khasbo.
4.
Dawladdu waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo
shaqeeyaha is-afgarad iyo xaqsoorid iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa.
5.
Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u
Ieeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka
naafooba oo xeerka waafaqsan.
6.
Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta
shaqaalaha waxaanay xoojinaysaa hay'adaha ku shaqada leh.
XUBINTA
3AAD
XUQUUQDA
QOFKA, XORRIYAADKA ASAASIGA
AH
IYO WAAJIBAADKA SMRAN MUWAADINKA
QODOBKA
21AAD
HIRGELINTA
IYO FASIRAADDA
1.
Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha
hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer
kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.
2.
Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka
aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee
xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan.
QODOBKA
22AAD
XUQUUQDA
SIYAASADEED, DHAQAALE, BULSHO
IYO
XAQA DOORASHADA
1.
Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeya hay in uu ka qayb gab hawlaha
siyaasadeed, dhaqaale, buisho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo
Dastuurka.
2.
Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u
Ieeyahay in Ia doorto1 waxna uu doorto.
QODOBKA
23AAD
XORRIYADDA
DHAQDHAQAAQA
IYO
IS-ABAABULKA
1.
Qof kasta oo muwaadin ah ama Si xeerka waafaqsan dalka ku jooga waxa
uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo
weliba in uu ka baxo ama ku soo Iaabto dalka marka uu doono.
2.
Arrimaha ku xusan faqradda laad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama
waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.
3.
Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed,
cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa
shaqaale si waafaqsan xeerka.
4.
Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama
qarsoodi ah ama Ieh qaab cudan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka
weji kasta ha lahaadeene.
QODOBKA
24AAD
XAQA
NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA,
XURMAYNTA
MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA
GALO
XUQUUQDA AADAMIGA
1.
Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu
xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed
uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2.
Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka
iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo
noloshiisa gaar ahaaneed.
4.
Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la'aan ah,
jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf
QODOBKA
25AAD
XAQA
XORRIYADDA, DAMMAANAD-QAADKA IYO
SHURUUDAHA
XUQUUQDA IYO XORRIYMDKA
1.
Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn.
2.
Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan
markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo
saarin Garsoore awood u lihi.
3.
Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha.
Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda.
4.
Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka
anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale.
QODOBKA
2 6AAD
CIQAAB
IYO DEMBI
1.
Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana
reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.
2.
Mas'uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo
keliya.
3.
Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin
dembi.
QODOBKA
27AAD
XUQUUQDA
QOFKA XORRIYADDA LAGA QAADAY
1.
Qofka xorriyadda laga qaaday waxa uu xaq u leeyahay in uu la kulmo sida
ugu dhaqsaha badan qareenkiisa, qaraabadiisa ama ciddi kale ee uu codsado.
2.
Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dembiyeed lagu eedeeyey awgeed, waxa uu
xaq u Ieeyahay in lagu hor geeyo maxkamad 48 (siddeed iyo afartan) saacadood
gudahood, laga bilaabo marka Ia qabtay.
3.
Waxa reebban in qofka lagu dirqiyo qirasho dembi, marag furid, ama dhaar.
Mid kasta oo arrimahaa ka mid ah oo qofka khasab lagu marsiiyaana wax-kasoo
qaad ma laha.
4.
Waxa reebban in qofka lagu xidho meel aanu xeerku bannayn.
5.
Xeerka ayaa xadaynaya muddada ugu badan ee qof loo hayn karo baadhitaan.
6.
Eedaysanuhu wuxuu xaq u Ieeyahay in go'aan maxkamadi ku ridday uu racfaan
uga qaato maxkamadda ka sarraysa.
7.
Marka qof la qabto iyo marka
la cusboonaysiinayo sii-hayntiisa waxa uu xaq
u leeyahay
in la ogeysiiyo arrintiisa cidda uu doorto.
8.
Xabsigu waa edbin iyo toosin. Dawladana xilbaa ka saaran kor-u-qaadidda
akhlaaqda iyo xirfad baridda maxbuuska si uu ugu noqdo bulshada isaga oo yeeshay
dhaqan suubban.
9.
Ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta faqradaha 1aad ilaa 7aad ee qodobkan
xeer ayaa caddaynaya.
QODOBKA
28AAD
XAQA
DACWADDA & ISDIFAACA
1.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad xeerka waafaqsan ka furto
maxkamadda awoodda u Ieh.
2.
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco maxkamadda horteeda.
3.
Xaaladaha xeerku tilmaamyo Qaranku wuxuu kafaalo qaadayaa inuu bixiyo
difaac lacag la'aan ah; iyada oo saboolkana laga dhaafi karo ajuurada maxkamadda
QODOBKA
29AAD
XURMAYNTA
HOYGA
Hoyga
iyo meelaha kale ee la deggan yahay waxay leeyihiin xurmayntooda; mana
bannaana basaasiddooda, baadhidooda iyo geliddooda, haddaanu jirin amar garsoore
oo sababaysan. Waxa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo amarka garsaooraha
mulkiilaha ama degganaha hoyga inta aan la gelin. Baadhaha waxa ka reebban ku
xad-gudubka amarka garsooraha.
QODOBKA
3OAAD
XORRIYADDA
ISGAADHSIINTA
Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa boosta
ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladda uu xeerku baneeyo
baadhitaankooda, daba-galkooda, ama dhegaysigooda iyada oo ay markaana waajib
tahay in la helo amar garsoore oo sababaysan.
QODOBKA
31AAD
XORRIYADDA
LAHAANSHAHA
HANTI
GAAR-AHMNEED
1.
Qof kastaa waxa uu xaq u Ieeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas
oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.
2.
Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi
karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib
ah.
3.
Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la
wareegidda hanti gaar-ahaaneed.
QODOBKA
32AAD
XORRIYADDA
BANNAANBAXA,
RA'YI
- DHIIBASHADA, SAXAAFADDA IYO WARBAHINTA KALE
1.
Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra'yigiisa ku bandhigo qoraal,
hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.
2.
Muwaadin kasta wuxuu xor u yahay inuu abaabulo kana qayb qaato, kulan ama
bannaan-bax nabadeed oo xeerka waafaqsan.
3.
Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga
ah ee ra'yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban
tahay tallaabo kasta
oo Iagu
cabudhinayo; hawshoodana
xeer baa nidaaminaya.
QODOBKA
33AAD
XORRIYADDA
CAQIIDADA
1.
Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo inuu qaato
tu kale. Shareecadda lslaamku ma
oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.
2.
Masaajidku waa goob cibaado, waxaanu mudan yahay xurmayn. Waa goob lagu
fidiyo Diinta iyo hanuuninta ummadda dun iyo adduunyaba. Waxa reebban in laga
jeediyo waxyaabaha ummadda kala kaxayn kara; dawladduna waxay ku leedahay
ilaalin guud iyo kaalmayn wixi suurto-gal ah.
QODOBKA
34AAD
WAAJIBMDKA
MUWMDINKA IYO CIQAABTA
GUDASHO
LA'AANTA WAAJIBAADKA
1.
Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda,
ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo dunta si
waafaqsan xeerka.
2.
Qof kasta waxa ku waajib ah inuu xaq dhawro Dastuurka iyo xeerarka dalka.
3.
Qof kasta waxa ku waajib ah inuu si hagar la'aan ah u bixiyo cashuurta
iyo takaaliifta kale ee xeerku waajibiyey.
4.
Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta iyo badbaadada
deegaanka.
5.
Xeerka ayaa caddeynaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la'aanta
waajibaadka ku xusan faqradda laad, 2aad, 3aad iyo 4aad.
QODOBKA
35AAD
ISU-CELINTA
EEDAYSANAYAASHA AMA
DEMBIILAYAASHA
IYO MAGAN-GELINTA SIYAASADEED
1.
Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku joogay si
xeerka waafaqsan ee weydiista magangelyo siyaasadeed, waa Ia sun
karaa haddii uu buuxiyo shuruudaha ku xusan xeerka u dhigan magan-gelinta.
2.
Ma bannaana in muwaadinka Somaliland loo dhiibo dawlad shisheeye.
3.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay dib u celin kartaa dambule ama eedaysane
dalkiisa ka soo cararay, haddii uu jiro heshus dhex maray Jamhuuriyadda
Somaliland iyo dalka weydustay celintusa.
QODOBKA
36AAD
XUQUUQDA
HAWEENKA
1.
Xuquuqda, xorriyaadka iyo waajibaadka Dastuurku xaqiijiyey, haweenku
ragga way ula siman yihiin, wixii Shareecadda Islaamka midkood u gaar yeeshay
mooyaane.
2.
Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa xeerna ka soo saartaa xaqa ay
haweenku u
leeyihiin in ay ka
xoroobaan dhaqamada aan Shareecadda waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda
iyo damurkooda.
3.
Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kormeeraan,
adeegsadaan, gudbin karaan si Shareecadda waafaqsan.
4.
Si sare Ioogu qaado aqoonta iyo dakhliga haweenka iyo weliba daryeelka
qoyska, haweenku waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha
qoyska iyo in loo furo dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah iyo kuwa
waxbarshada dadka waaweyn.
QAYBTA
LABAAD
QAAB-DHISMEEDKA
QARANKA
QODOBKA
37AAD
AWOODDA
IYO KARAAMADA QARANKA
1.
Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood
iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo
karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna
dhaqmi doonta Dastuurka.
2.
Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta,
Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon
doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax
waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.
XUBINTA
1AAD
WAADA
XEER-DEJINTA
QODOBKA
38AAD
BAARLAMAANKA
IYO
FADHIYADA
WADA JIRKA AH
1.
Awoodda Xeer-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay gaar ku tahay
Baarlamaanka oo ka kooban laba Gole oo kala ah Golaha Wakulada iyo Golaha
Guurtida. Xilka xeer-dejintu uma wareegi karo cid ka baxsan Baarlamaanka.
2.
Mashruuc-sharci Baarlamaanku oggolaadeen wuxuu xeer dhaqan gal ah
noqonayaa marka uu Madaxweynuhu u soo saaro hab waafaqsan Dastuurka.
3.
Baarlamaanku xilgudashadiisa wuxuu ku salaynayaa Dastuurka iyo xeerhoosaadyadiisa.
4.
Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu muhiimsan arrimahan soo
socda:
b-
Sugidda nabadgelyada iyo ammaanka Jamhuuriyadda iyo u madax-bannaanida
maamulka dhulkeeda, baddeeda, iyo hawadeeda.
t-
In Jamhuuriyadda Somaliland yeelato dhammaan xeerarka ay U baahan tahay
dawlad slaam ah.
j-
Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta
taabbagalka cadaaladda oo saldhig u ah xasilloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo
isukalsamaanta iyo iskaashiga
dadweynaha Somaliland.
5.
Labada Gole ee Baarlamanku waxay yeelanayaan fadhiyo ay wadaagaan iyo
kuwo gaar u kala ah.
6.
Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan
arrimaha ay ka mid yihiin:
b-
Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole,
t-
Marka laga doodayo ku buridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan
gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshusyada leh dabeecad gobolleed ama
caalami.
j-
Go'aaminta iyo ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda
Somaliland Ia soo gudboonaado dagaal.
x-.
Doodaha ku saabsan aafooyinka dabuciga ah; kh- Doodaha Ia xidhiidha
xeerarka deg-degga ah;
d-.
Ansixinta magacaabidda Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
r-
Arrimaha kale ee 2da Gole Ia habboonaata inay fadhi wada-jir ah ka
yeeshaan.
GOLAHA
WAKIILADA
QODOBKA
39AAD
TILMAANTA
GUUD EE GOLAHA
Golaha Wakiiladu waa xubno ka wakil ah dadweynaha; waana Qaybta laad ee
Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, oggolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda
guud ee hoggaaminta dalka.
QODOBKA
40AAD
TIRADA
GOLAHA IYO DOORASHADIISA
Golaha Wakiilada waxa uu ka kooban yahay 82 xubnood oo lagu soo doorto
doorasho guud oo toos ah iyo cod-bixin qarsoodi ah oo xor ah.
QODOBKA
41AAD
SHURUUDAHA
QOFKA ISU-TAAGAYA
DOORASHADA
Qofka
isu-taagaya xubinimadda
Golaha Wakulada waa
inuu yeesho shuruudaha soo socda:
1.
lnuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka
2.
Inuu Muwaadin yahay, da'diisuna ka yaraan shan iyo soddon sano {35 sano}.
3.
lnuu jidh ahaan iyo caqli ahaanba
u
gudan karo xilkiisa.
4.
lnuu leeyahay aqoon dugsi sare ama wax u dhigma ugu hoosayn.
5.
lnaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo kama dambays ah, oo maxkamad
horteeda kaga caddaaday shantii sano ee ugu dambaysay.
6.
Inuu yahay xil-kas; akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisuna toosan yihiin.
7.
Uma bannaana qof shaqaale Dawladdeed ah inuu isu taago doorasho haddaanu
muddada xeerku cayimay ka hor shaqo ka tegid codsan taas oo in laga aqbalaana ay
waajib tahay.
QODOBKA
42AAD
MUDDADA
XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA
1.
Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya
maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go'aamada doorashada.
2.
Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor
dhammaadka muddada Golaha hore.
3.
Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed,
Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi,
lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni
darro gudaha ah, aafo dablici ah oo culus sida dhul garlir, cudurrada faafa,
abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib
marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.
QODOBKA
43AAD
XARUNTA
GOLAHA WAKIILADA
Xarunta
Golaha Wakiiladu waa Magaalo-madaxda.
QODOBKA
44AAD
ISUGU
YEEDHIDDA GOLAHA CUSUB
1.
Golaha cusub waxa uu qabanayaa fadhigiisa ugu horreeya 30 (soddon)
maalmood gudahood oo ka bilaabmaysa maalinta Iagu dhawaaqo go'aamada doorashada;
waxaana isugu yeedhaya Madaxweynaha Jamhuuriydda.
2.
Haddii Madaxweynuhu isugu yeedhi waayo, Golaha ayaa u kulmaya iskii
maalinta 45aad (Shan iyo afartanaad) laga bilaabo maalinta lagu dhawaaqo
go'aamada doorasho.
3.
Golaha cusub waxaa furaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhaarinaya
xubnaha. Markaa waxaa guddoominaya shirka xubinta ugu da'da weyn; waxaana Goluhu
iska dhex dooranayaa Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye ku-xigeen.
QODOBKA
45AAD
FADHIYADA
GOLAHA WAKIILADA
1.
Fadhiyada Golaha Wakiiladu waa kuwo furan, kuwo xidhana way noqon karaan;
xeer hoosaad baana nidaaminaya.
2.
Fadhiga Golaha Wakiiladu waxa uu ku furmi karaa marka ay joogaan kala
badh in ka badani, marka laga reebo kuraasida bannaanshahooda Ia baahiyay.
3.
Go'aamada Golaha waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri xubnaha jooga fadhiga (aqlabiyad
fudud), marka laga reebo xaaladaha Dastuurku ama Xeerhoosaadka Goluhu uu u
jideeyo aqlabiyad kale.
4.
Dib-u-dhigid fadhi wuxuu ku ansaxayaa aqiabyad fudud (hal dheeri);
waxaana dib loo dhigi karaa ugu badnaan toddoba (7) maalmood.
5.
Wasurada iyo Wasiir-ku-xigeennada waxa ku waajib ah inay ka qayb galaan
fadhiyada Golaha Wakulada iyo Guddiyadiisa haddi qoraal lagaga codsado sidaa;
waxaanay xaq u leeyihiin inay ka qayb qaataan doodda; hase yeeshee xaq uma laha
codayn. Sidoo kale Madaxweynaha waxaa u bannaan in uu u wakiisho Ku-xigeenka
Madaxweynaha ama Wasiir kasta ka qayb-galka fadhiyada Golaha Wakijiada
QODOBKA
46AAD
KAL-FADHIYADA
IYO HABAYNTA
GOLAHA
WAKIILADA
1.
Waxa Goluhu yeelanayaa 3 (Saddex) kal-fadhi oo caadi ah sannadkiiba oo
qaadanaya muddo 28 (siddeed iyo Iabaatan) toddobaad ah. Labadi kal-fadhi waxaa u
dhaxaynaya ugu yaraan 4 (afar) toddobaad, ugu badnaana 8(siddeed) toddobaad.
2.
Kal-fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiulada waxa uu ku qabsoomi
karaa:
b)
Codsi ka yimid Madaxweynaha;
t)
Guddoomiyaha Golaha Wakulada oo isugu yeedha.
j)
1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha Golaha Wakulada oo qoraal ku
codsada.
3.
Kal-fadhigiisa ugu horreeya waxa Golaha Wakiiladu ku ansixinayaa xeerhoosaadkiisa;
waxaanu ku dhisanayaa guddi-hoosaadyo inta uu U baahdo.
4.
Khudbadda Qaranka waxa jeedinaya Madaxweynaha kal-fadhiga u horeeya
sannad walba, waxayna ka war bixinaysaa: siyaasadda, barnaamijyada Dawladda,
dhaqaalaha, xaaladda lacageed & xaaladda nabadgelyada.
QODOBKA
47AAD
MUSHAHARKA
IYO GUNNADA
GOLAHA
WAKIILADA
Xubnaha
Golaha Wakiiladu waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo.
QODOBKA
48AAD
REEBBANAATA
QABASHADA XIL KALE IYO
UGA
FAA'IIDEYSIGA XILKA DANO GAAR AH
Xubinta
Golaha Wakijiada uma bannaana in ay qabato xii kale oo Dawladeed, iyadoo xilkii
loo doortay haysa; umana bannaana inay uga faa'iideysato xilkaasi dano gaar
ahaaned.
QODOBKA
49AAD
DHAWRSANAANTA
XUBINTA
GOLAHA
WAKIILADA
1.
Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin
uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra'yi ka dhiibay.
2.
Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda laad wixii cay ama aflagaado ah ee
xubintu geysato.
3.
Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan
ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha
iyadoo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.
4.
Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii Iagu qabto isagoo dembi
faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si deg-deg ah loo ogeysiiyo.
5.
Golaha waxa ku waajib ah inuu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay
tahay mid toosan.
6.
Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada
laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada; Golahana
waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga.
7.
Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha Wakiilada
iyadoo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn.
QODOBKA
50AAD
WAAYIDDA
XUBINIMADA GOLAHA WAKIILADA
Xubinimada
Golaha Wakuda waxa la waayi karaa haddii:
1.
Xubintu geeriyooto ama uu ku yimaado xanuun suurto gelin waaya gudashada
xilkeeda;
2.
Xubintu istiqaalad dhiibto, iskeedna shaqada uga tagto; Goluhuna ka
oggolaado;
3.
Uu jabo shardi ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay; ama uu gudan waayo
xilkiisa;
4.
Uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad horteed kaga
caddaaday;
5.
Uu ka maqnaado Golaha 20 (Iabaatan) fadhi oo isku xiga idin la'aan.
QODOBKA
51AAD
BUUXINTA
JAGADA GOLAHA WAKIILADA
Haddii
ay bannaanaato jagada xubin ka mid ah Golaha Wakuada ka hor lixda bilood ee ugu
dambaysa muddada xilka Golaha, waxa loo soo buuxinayaa si waafaqsan xeerka,
iyadoo xubinta cusubi ay dhamaystirayso muddada xilka Golaha ka hadhay.
QODOBKA
52AAD
SHAQAALAHA
GOLAHA WAKIILADA.
1.
Golaha Wakiiladu wuxuu yeelanayaa Xoghayn uu madax ka yahay Xoghaye Guud
oo aan ka tirsanayn Golaha Wakuada; kana kaalmaynaya Shir-guddoonka Golaha
hawlaha xafliska, dhammaan arrimaha maaliyadda iyo maamulka, wuxuuna yeelanayaa
Ku-xigeen.
2.
Golaha Wakulada wuxuu
yeelanayaa lataliyeyaal
sida Lataliye-sharci,
dhaqaale, siyaasadeed iwm oo lagu xusho khibrad iyo aqoon ay u leeyihiin
hawlohooda.
3.
Shaqaalaha kale ee Xoghaynta waxa shaqo gelinaya Xoghayaha Guud marka uu
ka helo ogolaansho Shir-guddoonka. Xoghayaha Guud, Ku-xigeenka, Lataliyayaasha
iyo shaqaalaha kale magacaabjstooda, xil ka qaadistooda, gunnadooda,iyo
xuquuqdooda, waxa Iagu caddaynayaa xeer-hoosaadka Golaha.
QODOBKA
53AAD
AWOODDA
IYO WAAJIBAADKA
GOLAHA
WAKIILADA
1.
Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo
magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay'adaha Dawladda, iyadoo la
raacayo Dastuurka.
2.
Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax -kasheegista,
celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.
3.
Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid
yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays
maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid
ama wax-ka beddelid qaanuun.
4.
Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin
iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.
5.
Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha
Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole (Golaha Wakillada & Golaha Guuritda)
oggolaansho.
6.
Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu U
yeedho Xukuumadda ama hay'adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga
waydiiyo gudashada xilkooda.
7.
Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama
madaxda hay'adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu
khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.
QODOBKA
54AAD
Awoodda
Xeer-dejinta ee Goluhu waa in ay gaadhsiisnaataa arrimaha maaliyadda ee soo
socda:
1.
Jideynta cashuuraha, takaaliifta, iyo tallaabooyin kale oo kor Ioogu
qaadayo dakhliga.
2.
Asaasidda kaydka dakhliga Somaliland ama kaydad kale oo loo qoondeeyey
xaalado gaar ah. Habka loo maamulaayo, loogu ururinayo iyo looga bixinayo xeer
ayaa nidaaminaya.
3.
In Ia daabaco lacag, lana soo saaro shahaadooyin rahmadeed, iyo
kuwa kale oo leh qumo dammaanadeed.
4.
Habaynta nidaamyada dhaqaale iyo kuwa lacageedba.
QODOBKA
55AAD
MIISAANIYADDA
1.
Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa
miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go'aan Gole.
2.
Haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga
sannad- maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka
soo baxayso miisaaniyadda cusubi.
3.
Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan
miisaaniyadda ku jirin.
4.
Xeer ayaa caddaynaya habka soo diyaarinta miisaaniyadda guud iyo sannadmaaliyadeedka.
5.
Xeer ayaa
caddaynaya miisaaniyadda
iyo xisaab-xidhka
hay'adaha, wakaaladaha iyo shariikadaha dawladeed ama kuwa ay wax ku
leedahay iyo u soo bandhigidooda Golaha Wakijada.
6.
Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakulada xisaab-xidhka sannadmaaliyadeedkii
dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda
dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyadoo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go'aanna
ka soo saarayaan.
7.
U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hantidhawraha
Guud.
QODOBKA
56AAD
KALA
DIRIDDA GOLAHA WAKIILADA
Golaha
Wakiilada waxa Ia kala diri karaa:
1.
Marka uu fadhiisan waayo laba kal-fadhi oo caadiya oo isku xiga, iyadoo
aanay keenin duruuf awoodooda ka baxsani.
2.
Marka ay soo jeediyaan inuu kala dirmo 1/3 {saddex meelood, hal} tirada
xubnaha Goluhu; isukuna raacaan 2/3 {saddex meelood laba}tirada guud ee
xubnihiisa.
3.
Xaaladaha ku xusan faqradaha {1} iyo {2} ee qodobkan waxa go'aan ka soo
saaraysa Maxkamadda Dastuurka, iyadoo xaaladda ku xusan faqradda {laad} ay
Maxkamaddu u soo gudbinayso Madaxweynaha xaaladda ku xusan faqradda 2aadna
Golaha Wakiilada.
4.
Golaha Wakiilada waxa kale oo kala diri kara Madaxweynaha, ka dib marka
uu dadweynuhu sababaha uu ku dhisay kala diridooda ku oggolaado Afti-qaran oo ay
qaban-qaabiso Maxkamadda Dastuuriga ahi.
5.
Madaxweynuhu marka uu arko go'aanka Maxkamadda Dastuuriga ee ay ka soo
saarto xaaladda ku xusan faqradda {1} ama {2} ee qodobkan, ama natiijada aftida
dadweynaha ee ku xusan faqradda {4} ee qodobkan, waxa uu ku soo saarayaa
Xeer-Madaxweyne kala diridda Golaha Wakiilada, isaga oo isla markaa baahinaya
taariikhda doorashada Golaha cusub oo ku qabsoomaya 60 {lixdan} maalmood
gudahood.
6.
Haddii aftida Qaranku taageeri weydo kala diridda Golaha Wakiilada, ama
doorashadu qabsoomi waydo, Golihii hore ayaa xilka haynaya.
7.
Ma bannaana kala diridda Golaha Wakulada sannadka u horeeya ee Golaha iyo
sannadka u dambeeya ee muddada xilka Madaxweynaha.
XUBINTA
2AAD
GOLAHA
GUURTIDA
QODOBKA
57AAD
TILMAANTA
GUUD EE GOLAHA
Golaha
Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah Golaha Odayaasha, waa Qaybta 2aad ee
Xeer-dejinta waxaanay dib u eegaan
xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin; wuxuuna
gaar u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.
QODOBKA
58AAD
DOORASHADA
XUBNAHA GOLAHA
GUURTIDA
IYO MUDDADA XILKA
1.
Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa doorasho, habka
doorashadana waxa nidaaminaya xeer.
2.
Muddada xilka Golaha Guurtidu waa 6 {lix sano}, oo ka bilaabmaysa
maalinta fadhiga laad qabsoomo.
QODOBKA
59AAD
SHURUUDAHA
QOFKA LOO 500 DOORANAYO
XUBINIMADA
GOLAHA GUURTIDA
Qofka loo dooranayo xubinimada Golaha Guurtida waa in uu yeesho
shuruudaha qofka isu- taagaya xubinimada Golaha Wakulada marka laga reebo da'da
iyo heerka aqoonta oo noqonaya sidan hoos ku xusan:
1.
lnaan da'diisu ka yaraan 45 sano {shan iyo afartan sano}.
2.
lnuu yahay qof Diinta aqoon fiican u leh, ama oday dhaqan-yaqaan ah.
QODOBKA
60AAD
TIRADA
GOLAHA GUURTIDA
1.
Tirada xubnaha Golaha Guurtidu waa 82 (Iabba iyo siddeetan} oo iska dhex
dooranaya Guddoomiye, laba Guddoomiye ku-xigeen iyo guddi hoosaadyo inta uu u
baahdo. Goluhu wuxuu yeelanayaa guddi joogto ah oo 25 {shan iyo labaatan}
xubnood ah.
2.
Xiilli kasta waxa ku soo kordhaya tiro xubno sharaf ah oo kala ah:
b-
Shan xubnood oo Madaxweynuhu ku soo xulo tilmaamo gaar ah oo ay Qaranka u
yeesheen; waxayna muddada xubinimadoodu la cimri tahay muddada xilka Golaha.
t-
Qof kasta oo horay Guddoomiye uga noqday Golaha Guurtida ama Golaha
Wakiilada.
j-
Qof kasta oo hore Jamhuuriyada Somaliland uga soo qabtay xilka Madaxweyne
ama Madaxweyne ku-xigeen.
x-
Xubno sharafku Golaha cod kuma leh; mana geli karaan Guddida Joogtada ah
QODOBKA
61AAD
AWOODDA
IYO WAAJIBMDKA
GOLAHA
GUURTIDA
1.
Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.
2.
Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda
mooyaane, waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon)
maalmood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska
Shir-guddoonka Golaha Guurtida, isagoo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu
gudbinaya.
3.
Ka-talo-bixinta dhalliilaha maamul ee Xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha
Wakiilada.
4.
Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha Ia xidhiidha Diinta, nabadgelyada,
difaaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madaxdhaqmeedka
beelaha.
5-
U yeedhidda xubnaha Xukuumadda iyo wax-ka-waydjinta gudashada xilkooda.
6-
Waxa kaloo Golaha Guurtidu awood u Ieeyahay inuu Golaha WaRijiada u
gudbiyo 500 jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go'aana uga gaad ho.
QODOBKA
62AAD
FADHIGA
UGU HORREEYA EE
GOLAHA
GUURTIDA
Fadhiga
ugu horreeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 30 maalmood gudahood ka dib
maalinta Ia soo dhamaystiro xulashadiisa; waxaana fadhiga furaya xubnahana
dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; waxana shirkaas guddoominaya xubinta
ugu da'da weyn inta laga dooranayo Guddoomiye rasmi ah iyo labadiisa Ku-xigeen.
QODOBKA
63AAD.
XOGHAYAHA
GOLAHA
IYO
LA-TALIYAYAAL
Golaha
Guurtidu waxa uu yeelanayaa Xoghaye aan xubin ka ahayn Golaha. Waxa kale oo uu
yeelan karaa la-taliyayaal uu ka mid yahay La-taliye Sharci. Dhismaha xoghaynta
Golaha Guurtida waxay la mid tahay ta Golaha Wakiilada.
QODOBKA
64AAD
XEER-HOOSAADKA
GOLAHA.
Kal-fadhigiisa
ugu horreeya Golaha Guurtida waxa uu ku ansixinayaa xeer hoosaadka Golaha.
QODOBKA
65AAD
MUSHAHARKA
IYO GUNNADA
GOLAHA
GUURTIDA.
Xubnaha
Golaha Guurtida waxay yeelanayaan mushahar iyo gunno xeer qeexo.
QODOBKA
66AAD
DHAWR-SANAANTA
XUBINTA
GOLAHA
GUURTIDA.
Dhawrsanaanta
xubinta Golaha Guurtidu waxa ay la mid tahay ta xubinta Golaha Wakiilada iyadoo
dhawrsanaan-ka-qaadista uu leeyahay Golaha Guurtidu.
QODOBKA
67AAD
SHAQO-KA-TEGIDDA
XUBINTA
GOLAHA
GUURTIDA
Xubinta
Golaha Guurtidu waxa ay u gudbin kartaa shaqo-ka-tegideeda Golaha Guurtida,
isagaana ka oggolaanaya.
QODOBKA
68AAD
WAAYIDDA
XIBINIMADA GOLAHA GUURTIDA.
1.
Xubinta Golaha Guuridu waxa ay waayi kartaa xubinnimadeeda haddii ay
burto shuruud ka mid ah shuruudihii Iagu soo xushay, ama ay gudan waydo xilka
sida uu u caddaynayo xeer -hoosaadka Golaha Guurtidu.
2.
Haddii uu ku dhaco xukun ciqaabeed oo kama dambays ah oo maxkamad horteed
kaga caddaaday.
3.
Haddii Golahu ka aqbalo istiqaalad.
QODOBKA
69AAD
KALA
DIRIDDA GOLAHA
Golaha Guurtida waxa loo kala diri karaa habka loo kala dii karo Golaha
Wakiilada.
QODOKA
70AAD
REEBBANAANTA
QABASHO XIL KALE
IYO
UGA FAA'IIDAYSIGA XILKA DANO GAAR AH
Xubinta
Golaha Guurtida uma bannaana inay qabato xil kale oo Qaran iyadoo xilkii loo
xulay haysa; umana bannaana may xilka uga faa'iidaysato dano gaar ahaaneed.
QODOBKA
71AAD
FADHIYADA
IYO KAL-FADHIYADA.
Fadhiyada Golaha Guurtida waa kuwa furan; waxaana ay noqon karaan kuwa
xidhan sida ku cad Dastuurka. Tirada ay fadhiyadu ku furmi karaan, aqlabiyadda
ay go'aamadiisu ku ansaxayaan iyo cidda isugu yeedhi karta kalfadhiyada aan
caadi ahayn, waxay Ia mid yihiin habka Golaha Wakiillada.
QODOBKA
72AAD
BANNAANSHAHA
JAGADA GOLAHA
GUURTIDA
IYO SOO-BUUXINTEEDA
1.
Jagada Golaha Guurtidu waxay ku bannaanaysaa haddii ay timaado xaalad ka
mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad.
2.
Haddii ay bannaanto xubin ka mid ah Golaha Guurtidu ka hor Iixda bilood
ee ugu dambeeya muddada xilka Golaha Guurtida, waxa bo soo buuxinayaa si
waafaqsan xeerka, iyadoo xubinta cusubi ay dhamays-tirayso muddada xiIka Golaha.
QODOBKA
73AAD
XARUNTA
GOLAHA GUURTIDA
Xarunta Golaha Guurtidu waa Magaalo-madaxda.
QODOBKA
74AAD
SOO
BANDHIGIDDA MASHRUUC-SHARCI.
Mashruuc-sharci
waxa Golaha Wakiilada u soo bandhigi kara
1.
Golaha Xukuumadda
2.
Tirada Xubnaha Golaha Wakiilada ee xeer-hoosaadka Goluhu qeexo.
3.
Muwaadiniin Ieh xaqa cod-bixinta, tiradooduna aanay ka yarayn 5000 {shan
kun } oo qof, waxaana ka reebban mashruuc qaanuun-maaliyadeed.
QODOBKA
75AAD
SOO-SAARIDDA,
FAAFINTA IYO
DHAQAN-GELINTA
XEERKA
Xeerarka waxa uu Madaxweynuhu ku soo saarayaa, kuna baahinayaa faafinta
rasmiga ah saddex toddobaad {21 maalmood}
gudahood, laga bilaabo maalinta Golayaashu u soo gudbiyaan; waxayna Ru
dhaqan-gelayaan 30 {soddon) maalmood gudahood oo laga bilaabo maalinta Ia
baahiyay, iyada oo ay bannaan tahay in muddada dhaqan-galka Iagu gaabiyo ama
Iagu dheereeyo xeerka gudihiisa.
QODOBKA
76AAD
Mashruuc-sharci waxa uu xeer ku noqonayaa ansixinta Golaha Wakiilada
waxaanu dhaqan gelayaa ka dib marka uu Madaxweynuhu saxeexo sida ku cad Qod.
38aad.
QODOBKA
77AAD
HABKA
LOO RAACO XEER-DEJINTA
1.
Labada Gole ee Baarlamanka mid waliba mashruuc-sharci uu ansixiyo wuxuu u
gudbinayaa Golaha kale; si uu ula eego talooyinna uga siiyo.
2.
Labada Gole mid waliba Golaha kale hal mar oo keliya ayuu mashruuc-sharci
ku soo celin karaa.
3.
Xeer-hoosaadka Baarlamaanka ayaa qeexaya hab-socodka mashruuc-sharci,
waana in uu muujiyaa mudnaanta gaar ah ee ay Ieeyihiin mashruuc-sharciyada la
xidhiidha maaliyadda iyo kuwa Xukuumaddu u aragto degdeg, kuwaas oo mudan in
iyaga la hormariyo.
4.
Mashruuc-sharci ay labada Gole ee Baarlamaanku ku wada ansixiyeen ama ku
wada oggolaadeen aqlabiyadda 2/3 (Saddex meelood, laba) ama ka badan
Madaxweynuhu dib uma celin karo ee wuu saxeexayaa.
Haddii uu arko in mashruuc-sharcigaasi ka hor imanayo qodob ama qodobo
Dastuurka, waa inuu sidaa ku wargeliyaa Shir-guddoonka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud
oo u gudbin doona Maxkamadda Dastuuriga ah.
5.
Madaxweynuhu mashruuc-sharci looga soo gudbiyey Baarlamaanka, wuxuu ku
saxeexayaa saddex toddobaad (21 maalmood} gudahood, laga bilaabo taariikhda
mashruucaas-sharci soo gaadhay xafiiska Madaxweynaha haddii aanu Baarlamaanka
dib ugu soo celin.
6.
Haddii Madaxweynuhu mashruuc-sharci uu u soo gudbiyay Baarlamaanku ku
saxeexi waayo muddadaas la gooyey ama ku soo celin waayo Baarlamaanka,
mashruuc~sharcigaasi si toos ah ayuu u noqonayaa xeer; waxaana soo saaraya
Golaha soo gudbiyay
QODOBKA
78AAD
1.
Mashruuc-sharci kasta aan ahayn kuwa maaliyadda oo Golaha Wakiiladu
aqlabiyad Ru oggolaado waa in bo gudbiyo Golaha Guurtida, Raas oo markaas:
b.
Oggolaan kara ama wax-ka-beddel soo jeedin kara.
t.
Haddi Golaha Guurtidu oggolaan waayo, ama wax-ka-beddelid uu soo jeediyay
Golaha Wakiiladu ku qanci waayo, Golaha Wakiiladu wuxuu xaq u leeyahay in
mashruuca-sharciga kalfadhiga xiga ee Golaha Guurtida dib ugu celiyo. Haddii uu
Golaha Guurtidu oggolaan waayo ama ku soo jawaabi waayo bil gudaheed,
mashruuc-sharcigu wuu ansaxaya, sidaas ayaana Madaxweynaha loogu gudbinayaa.
2.
Mashruuc-sharci kasta uu
Golaha Guurtidu aqlabiyad ku ogolaaday waa in loo gudbiyo Golaha Wakiilada, kaas
oo markaa:
b-
Oggolaan kara ama wax ka beddelid soo jeedin kara
t-
Haddii Golaha Wakiiladu mashruuc-sharcigaas oggolaan waayo, ku noqosho
malaha.
3.
Mashruuc-sharci labada
Gole soo
oggolaadeen ee
loo gubdiyey Madaxweynaha,
haddi uu sidaa ku oggolaado, wuxuu Madaxweynuhu ku soo saarayaa faafinta
rasmiga ah (21)
maalmood gudahood.
Haddii uu Madaxweynuhu
oggolaan waayo ama wax-ka-beddelid soo jeediyo waa inuu kow iyo Iaabatan
(21) maalmood gudahood ku soo war-geliyaa Shirguddoonka Golaha
Wakiilada sababta uu u cuskaday.
4.
Haddii uu sababaha uu Madaxweynuhu cuskaday Goluhu ku qanci waayo, oo
mashruuc-sharcigaas uu mar-Iabaad ku ansixiyo aqlabiyad
2/3
(saddexmeelood, laba)
xubnaha Golaha,
mashruuc-sharicgaas waa
inuu Madaxweynuhu aqbalaa. Haddiise
aqlabiyadu intaas ka yaraato, mashruuc sharcigaasi wuu burayaa.
5.
Mashruuc-sharci uu Golaha Wakiiladu oggolaado aan ahayn mashruuc-sharci
maaliyadeed oo Golaha Guurtidu nuxurkiisa (Principle) ku diido aqlabiyad (2/3) (saddex
meelood laba) xubnaha Golaha, haddii Golaha Wakiiladu ku qanci waayo diidmadaasi
oo mar labaad ku ansixiyo aqlabiyad ka yar 2/3 (saddex-meelood laba) xubnaha
Golaha, mashruuca-sharcigaasi wuu burayaa.
QODOBKA
79AAD
EEDAYNTA
XUBNAHA GOLAYAASHA
1.
Xubnaha Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida) waxa lagu oogi karaa dacwad
dembi ah haddii la qabto xubinta ama xubnaha iyagoo faraha kula jira faldembiyeed
(Flagrante Delicto), dambigaas oo ciqaabtiisu ugu yari tahay saddex (3) sanno oo
xadhig ah.
Hase yeeshe, lama hor geyn karo maxkamad, loomana gudbin karo
xabsi, ilaa xubinta ama xubnaha laga xayuubiyo dhawr-sanaanta xilka ay ummadda u
hayaan.
2.
Dacwadda dembiga ah ee Iagu eedaynayo xubnaha Golayaasha waxa soo oogaya
Xeer- ilaaliyaha Guud, ka bacdi marka Golaha xubintu ama xubnuhu ka tirsanaayeen
ay maamuuska kaga xayuubiyaan saddex meelood laba ahaan tirada guud ee Golaha.
Waxa dacwaddaas dhegeysigeeda awood u Ieh Maxkamadda Sare ee Cadaaladda
(High Court of Justice)
QAYBTA
SADDEXAAD
WAAXDA
FULINTA
XUBINTA
IAAD
QODOBKA
80AAD
MADAXWEYNAHA
lYO MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
Qaranku wuxuu yeelanayaa Waaxda Fulinta, oo ka gaar ah kana madaxbannaan
waaxyaha Xeer-dejinta iyo Garsoorka.
QODOBKA
81AAD
WAAXDA
FULINTA
Waaxda Fulinta (oo mararka qaarkood Ioogu yeedho (Xukuumadda) ) waxa
madax ka ah Madaxweynaha, waxaanay Ra Rooban tahay:
*
Madaxweyne;
*
Madaxweyne-Ru-xigeen;
*
Iyo Golaha Wasurada ee Madaxweynuhu magacaabo.
QODOBKA
82AAD
SHURUUDAHA
QOFKA LOO DOORANAYO MADAXWEYNE
AMA
MADAXAWEYNE-KU-XIGEEN
Waxa Madaxweyne ama Ku-xigeen Madaxweyne loo dooran karaa qofka buuxiya
shuruudaha soo socda:
1.
Waa in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland oo muwaadinimo dawlad kale
haysan, balse wuu noqon karaa qoxooti dal kale deggan.
2.
Waa inuu Muslim yahay, kuna dhaqmaa Diinta lslaamka.
3.
Waa inaanay da'diisu ka yaraan afartan sano {40}.
4.
Waa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaanba gudan karaa xilkiisa
5.
Waa inuu aqoon iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha maamulka {mid
dawliya iyo mid Raleba}.
6.
Waa inuusan dembi maxkamadi ku xukuntay ka gelin Qaranka Somaliland.
7.
Waa inuu xaaskiisu yahay Muslim.
8.
Waa inuu xog-ogaal u ahaado xaqaa'iqa dalka ka jira, isaga oo joogay ugu
yaraan laba sano ka hor taariikhda doorashada loo cayimay inay qabsoonto.
9.
Waa inuu hantidusa diiwaan geliyo.
QODOBKA
83AAD
HABKA
DOORASHADA
1.
Waxa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha Iagu dooranayaa qaabka
doorashada guud oo toos ah; isla markaana qarsoodi ah iyaga oo isku lammaan.
2.
Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, oo isku
mar loo codaynayo, kuna salaysan habka u codaynta liistada, waxa Ia qaban doonaa
bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hore.
3.
Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka hore ayaa sii wadi doona hawlaha
ay u xil-saarnaayeen ilaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka cusubi kala wareegaan
xilka muddo bil ah gudaheed.
4
Waxa loo aqoonsanayaa inay doorashada Madaxweyaha iyo Ku-xigeenka
Madaxweynahu ku guulaysteen labada qof ee magacyadoodu ku sheegan yihiin
liistada hesha codadka ugu tirada badan.
5.
Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la
qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii
xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u
kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya
muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto
QODOBKA
84AAD
DHAARTA
MADAXWEYNAHA IYO KU-XIGEENKA
MADAXWEYNAHA
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa Iagu dhaarinayaa ka hor
intaanay xilka Ia wareegin xaflad ay goob joog ka yihiin Madaxda Golayaasha
Wakiilada iyo Guurtida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
QODOBKA
85AAD
WAXYAABAHA
KA REEBBAN MADAXWEYNAHA
IYO
MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
1.
Uma bannaana
Madaxweynaha iyo
Madaxweyne-ku-xigeenka iyo
Marwooyinkoodu inay galaan ganacsi muddada ay xilka hayaan.
2.
Madaxweynuhu dalka kama maqnaan karo (45) cisho oo isku xiga muddo ka
badan sabab caafimaad mooyaane.
3.
Hadiyadaha la siiyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo
Marwooyinkooda iyo Madaxda sare ee Qaranka ee Ieh muuqaal Qaran iyada oo lagu
maamuusayo xilka ay hayaan waxa weeye hanti Qaran.
QODOBKA
86AAD
BANNAANAANTA
JAGADA IYO HABKA UU
MADAXWEYNUHU
AMA MADAXWEYNE KU-XIGEENKU
XILKA
UGA TEGI KARO
Waxay jagada Madaxweynaha ama ku-xigeenka Madaxweynuhu iyo Kuxigeenka
Madaxweynuhu bannaanaan kartaa haddii ay dhacdo xaalad ka mid ah xaaladaha hoos
ku sheegan:
1.
Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyay.
2.
Hawsha oo uu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo.
3.
Geeri ku timaadda.
4.
Is-casilaadda Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu qoraal xilka-tegis
ah u gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida,
waxayna labada Gole fadhi wada jir ah ku oggolaan karaan ama ku diidi karaan
aqlabiyad tirada guud ee labada Gole.
5.
Haddii ay Golayaashu diidaan codsiga xil-ka-tegidda ee ku sheegan
faqradda 4aad ee qodobkan waxaa Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenku xaq u
yeelanayaa in uu mar labaad keensado codsi dalab xil-ka-tegis ah muddo aan ka
badnayn saddex bilood marki uu codsiga hore qortay; waxaana waajib ku ah labada
GoIe in ay xil-ka-tegidda ka oggolaadaan.
QODOBKA
87AAD
MUSHAHARKA
& GUNNADA
Mushaharka,
gunnada iyo hantida Dawadda ee ay Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynuhu ku
dhaqmaan waxa qeexaya xeer.
QODOBKA
88AAD
MUDDADA
XILKA
1.
Muddada xiIka ee Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waa 5 sano oo
ka bilaabanta maalinta xilka bo dhaariyo.
2.
Qofna jagada Madaxweynaha ma qaban karo laba jeer wax ka badan.
QODOBKA
89AAD
HABKA
BUUXINTA JAGADA BANNAANATAY
1.
Haddii mid ka mid ah
xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado Madaxweynaha saddexda sano ee u
horreeya shanta sano ee xilka loo doortay, waxa Madaxweyne Ku-xigeenku noqonayaa
Madaxweyne ku meel gaadh ah, waxaana Madaxweyne lagu dooranayaa muddo lix bilood
gudohood ah.
2.
Haddii
Madaxweynaha xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay ku timaado
labada sano ee u dambeeya muddada shanta sano ah ee bo doortay, waxa xilka
Madaxweynenimo la wareegaya Madaxweyne Kuxigeenka muddada labada sano ah ee
hadhay, wuxuuna Madaxweyne Kuxigeen u sharrixi doonaa xubin ka tirsan Golaha
Wakuada, waxaana ansixinaya labada Gole oo wada jira. Haddii Golayaashu diidaan
mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka, waxa waajib ku ah
inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badanayn soddon maalmood gudahood oo
ka bilaabmaysa taariikhda dudmada Golayaasha.
Waxa xubintu muddada dastuuriga ah hayn doontaa xilka bo magacaabay; isla
markaana waayi doontaa xubinnimadii Golaha Wakiilada.
3.
Sidoo kale, marka xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad ay
ku timaado Madaxweyne-ku-xigeenka wuxuu Madaxweynuhu u magacaabayaa
Madaxweyne-ku-xigeen xubin ka tirsan Golaha Wakiilada, oo 2da Gole oggolaadeen.
Wuxuu mudanaha xilka loo magacaabay hayn doonaa jagadaas muddada xilka ka hadhay,
iyada oo ay bannaanaan doonto jagadi Wakiilnimadu. Haddii ay Golayaashu
diidaan mudanaha Madaxweynuhu u magacaabay Madaxweyne-ku-xigeenka, waxa waajib
ku ah inuu mudane kale ku magacaabo muddo aan ka badnayn 30 maalmood gudahood oo
ka bilaabmaysa taariikhda diidmada Golayaasha.
4.
Haddii ay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha isku hal mar ku
timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku sheegan qodobka 86aad, waxa xilka
Madaxweynaha si ku meel gaadh ah u haynaya Guddoomiyaha Golaha Guurtida.
Waxaana doorashada
Madaxweynaha iyo
Ku-xigeenka Madaxweynaha lagu qaban doonaa muddo Iixdan (60) maalmood
gudahood ah, oo ka bilaabmaysa maalinta ay xaaladdu sugnaatay.
XUBINTA
2AAD
QODOBKA
90AAD
AWOODAHA
MADAXWEYNAHA
Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada
muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu u xilsaaran yahay
daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo
hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda. Si uu u
gudan karo xilalka kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay awoodaha soo
socda:
1.
Hoggaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda.
2.
Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasurada.
3.
Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawadda marka uu la
tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo Dastuurka iyo xeerarka
u gaarka ah. Waxa madaxda sare ee dawladda loola jeedaa:
b.
Hanti-dhowraha Guud;
t.
Guddoomiyaha Baanka-dhexe;
j.
Guddoomiyaha iyo Guddida Hay'adda Shaqaalaha Dawadda;
x.
Xisaabiyaha Guud;
kh.
Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo hay'adaha;
d.
Taliyayaasha ciidamada iyo Ku-xigeenadooda;
r.
Danjirayaasha;
s.
Xeer-ilaaliyaha Guud; iyo
dh.
Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu
awood u siinayo magacaabistooda iyo xil-ka-wareejintooda.
4.
Hoggaaminta ciidamada Qaranka maadaama uu yahay Tahyaha Guud
(Commander-in-Chief).
5.
Oggolaanshaha cafiska iyo saamaxaadda, oo ay ka reebban yihiin qisaasta
iyo xuduudda Shareecadda lslaamka; iyo bixinta magangelyada siyaasadeed, ka dib
marka uu la tashado hay'adaha ku shaqada leh.
6.
Saxeexa heshiisyada caalamiga ah.
7.
Ka qayb-gelidda shirarka caalamiga ah, isagoo ka wakiil ah Jamhuuriyadda
Somaliland.
8.
Qaabilaadda diblomaasiyiinta shisheeyaha iyo ka qabashada waraaqaha
aqoonsigooda (Credentials).
9.
Magacaabidda danjirayaasha u jooga Jamhuuriyadda Somaliland
dalalka shisheeyaha ah, ururada caalamiga ah iyo kuwa gobollada adduuunka.
10.
Bixinta astaamaha xurmo iyo sharaf ee ay ka mid yihiin billadaha.
11.
Hoggaaminta xaaladaha dagaalka, isla markaana ku dhawaaqidda xaalad degdeg
ah.
12.
Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;
13.
Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale.
14.
Madaxwaynuhu wuxuu xilkiisa u fulin doonaa si waafaqsan Dastuurka iyo
xeerarka kale ee dalka u degsan.
QODOBKA
91AAD
AWOODAHA
MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA
Madaxweyne-ku-xigeenka
Qaranku wuxuu awood u leeyahay;
1.
Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu
buko.
2
Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u
igmado.
3.
Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan
dartood:-
b.
Is-casilaadda (xil-ka-tegid) Madaxweynaha.
t.
Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey;
j.
Marka uu hawshii loo doortay u gudan
kari waayo caafimaad-darro darteed; iyo
x.
Geeri ku timaada.
QODOBKA
92AAD
AWOODAHA
KALE EE MADAXWEYNAHA EE
LA
XIDHIIDHA XEERARKA DEGDEGGA AH
1.
Marka ay soo if-baxaan xaalado gaar ah oo halis gelin kara nabadgelyada
dalka; khatar ku noqon kara xeerka iyo nidaamka; khalkhal ku abuuri kara
xasilloonida guud, ama kalsoonida dhaqaale, waxa Madaxweynuhu soo saarayaa
xeerar deg-deg ah oo lagu joojinayo khataraha kor ku sheegan. Haddii Golayaasha
Baarlamaanku fadhiyaan marka uu xeerarka degdegga ah soo saarayo Madaxweynuhu,
waa inuu ugu gudbiyo muddo toddoba (7) maalmood gudahood ah si ay go'aanno uga
gaadhaan. Haddii aanay Golayaashu fadhiyin waxa Gudoomiyayaashoodu isugu
yeedhayaan Golayaasha fadhi aan caadi ahayn muddo 14 maalmood gudahood ah.
Xukuumaduna way ku sii dhaqmi kartaa xeerarkaas inta ay Golayaashu go'aan ka
gaadhayaan.
2.
Xeerarka degdegga ah waxay yeelan doonaan awoodda xeerarka ka soo baxa
Golayaasha (Wakiilada iyo Guurtida), waxayna dhaqan gelayaan marka uu saxeexo
Madaxweynuhu.
3.
Waxa xeerarka degdegga ah dib-u-eegid ay 2da Gole ku samayn doonaan
saddexdii (3) biloodba hal mar iyaga oo go'aankoodu ku salaysnaan doono codka
hal dheeriga ah (Simple Majority)
QODOBKA
93AAD
HAB-MAAMUUSKA
MADAXDA SARE EE QARANKA
1.
Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha ayaa leh hab maamuuska koowaad
ee Qaranka.
2.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa leh hab-maamuuska ku-xiga.
3.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa leh hab-maamuuska 3aad ee Qaranka.
XUBINTA
3AAD
QODOBKA
94AAD
GOLAHA
WASIIRADA
1.
Golaha Wasiiradu waxay Madaxweynaha ka kaalmaynayaan fulinta xilkiisa
iyaga oo wadajir u go'aamin doona siyaasadda guud, qorshayaasha iyo
barnaamijyada Dawladda.
2.
Waxaa Wasiirada iyo Wasiir-ku-xigeennada magacaabi kara ama xilka ka
qaadi kara Madaxweynaha; waxaana magacaabiddooda la hor dhigayaa Golaha
Wakiilada oo ay fadhigaas joogaan kala badh iyo hal xubnood (Quorum), oo ku
oggolaan kara ama ku diidi kara cod hal dheeri ah (Simple Majority) oo gacan
taag ah.
3.
Soddon (30) maalmood gudohood marka Golaha Wakiiladu ansixiyaan
magacaabidda Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen, waxa xilka u dhaarinaya Guddoomiyaha
Maxkamadda Sare iyada oo uu goob joog yahay Madaxweynaha ama
Madaxweyne-ku-xigeenka, haddii uu Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama uu buko.
4.
Wasiirada ama Wasiir-ku-xigeenadu ma qaban karaan shaqo kale oo ka baxsan
tan Qaranka.
5.
Qofna looma magacaabi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aanu buuxin
shuruudaha ku xidhan qofka bo dooranayo Golaha Wakiilada.
6.
Wasiirka waxa bo xil-saari karaa hal Wasaarad ama in ka badan.
7.
Madaxweynaha ayaa guddoomin doona fadhiyada Golaha Wasiirada ee caadiga
ah iyo kuwa aan caadiga ahayn.
8.
Lama xidhi karo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen haddii aan lagu qaban isagoo
faraha kula jira dembi ciqaabtiisu gaadhayso saddex sano ama aanu Madaxweynuhu
ka qaadin dhawrsanaanta, isaga oo ku qancay soo jeedin uu u soo bandhigay Xeerilaaliyaha
Guud.
QODOBKA
95AAD
SII-HAYNTA
XILKA
1.
Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka istiqaalad dhiiba ama xilka laga
fadhiisiiyo isaga ayaa xilka sii haynaya inta beddelkiisu ka tirsanayo.
2.
Waxaa ka reebban muddada uu Wasiirku ama Wasiir-ku-xigeenku sugayo in
xilka laga tiriyo inuu cid xil u magacaabo
ama heshiis magaca Wasaaradda cid kale kula gab.
QODOBKA
96AAD
EEDEYNTA
IYO MMMUUS-KA-XAYUUBINTA
MADAXWEYNAHA,
KU-XIGEENKA MADAXWEYNAHA
IYO
WASIIRADA
1.
Haddii Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Mad axweynaha lagu 800 oogo
dembiyada kala ah:
b.
Khiyaamo Qaran (High Treason) ama
t.
Ku xad gudub Dastuurka.
Waxa ku soo oogi kara Madaxweynaha ama/iyo Madaxweyne-ku-xigeenka
dembiyada ku xusan faqradan ugu yaraan saddex meelood meel xubnaha ka tirsan
Golaha Wakiilada; iyaga oo eedaynta u gudbin doona Guddoomiyaha Golaha Wakiilada,
Golaha Wakiiladuna waxuu ku ansixin karaa cod tirada xubnaha Wakiilada badhkood
iyo mid ah {Absolute Majority).
2.
Golaha Wakiiladu wuxuu igmanayaa guddi aan ka badnayn toban (10) xubnood
oo eedeynta M/weynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka kaga oogta Golaha Guurtida
hortiisa, wuxuuna Golaha Wakiiladu adeegsan karaa qareemo madaxbannaan oo
arrintaas eedaynta ka kaalmeeya.
3.
Waxa u fadhiisanaya xukunka eedayntaas Golaha Guurtida oo uu Guddoomiye
ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dhagaysanaya dacwadda ay soo oogayaan
Guddida ay igmadeen Golaha Wakiiladu, iyadoo Madaxweynahu ama
Madaxweyne-ku-xigeenku isaguna yeelanayo qareemo gaar ah oo difaaca.
Golaha Guurtidu wuxuu ku ansixin karaa eedayntaas cod 2/3 (saddex meelood
laba meelood) oo tirada guud ee Golaha ah.
4.
Haddii
Xeer-ilaaliyaha guud ku soo eedeeyo Wasiir ama Wasiir-ku-xigeen dembi ka mid ah
dambiyada ku sheegan faqradda koowaad ee qodobkan, waxaa warbixinta eedda uu
Xeer- ilaaliyaha Guud u gudbin doonaa Madaxweynaha. Haddii Madaxweynuhu ku qanco
warbixinta waxa uu Wasiirka ama Wasiir-ku-xigeenka ka xayuubin doonaa
dhowrsannaanta. Haddii uu ku qanci waayo Madaxweynuhu warbixinta Xeer-ilaaliyaha
Guud, wuxuu amrayaa inuu Xeer-ilaaliyaha Guud la noqdo dacwadiisa.
5.
Waxaa eedda Ia xidhiidha Wasiirada qaadi doonta Maxkamadda Sare ee
Cadaaladda (High
Court of Justice), Maxkamadaas
oo ka
kooban Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; afar garsoore oo ka tirsan
Maxkamadda Sare iyo afar xubnood oo ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka oo Gole
waliba soo doorto laba xubnood.
QAYBTA
AFRAAD
XUBINTA
IAAD
WAAXDA
GARSOORKA
QODOBKA
97AAD
1.
Waxa Qaranku yeelanayaa Waax Garsoor, oo hawsheedu ta hay u
gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda.
2.
Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si
Dastuurka waafaqsan, iyada oo
ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.
QODOBKA
98AAD
1.
Garsoorku waxa uu awood gaar ah u leeyahay:
b.
In uu fasiro micnaha xeerarka ka soo baxa Golayaasha dastuuriga ah iyo
xeerarka degdegga ah iyada oo la raacayo Dastuurka.
t.
Inuu ka garsooro khilaafka ka dhex abuurma laamaha Dawladda oo dhinac ah
iyo xubno ka tirsan dadweynaha oo dhinac ah ama dadweynaha dhexdooda.
j.
Inuu ka taliyo muran kasta oo Ia xidhiidha waafaqsanaanta Dastuurka.
2.
Ma bannaana in garsooruhu qabto shaqo kale inta uu hayo xilka Garsoorka.
3.
Daryeelka ku habboon garsoorayaasha xeer baa nidaaminaya
QODOBKA
99AAD
DHISMAHA
GARSOORKA
1.
Hay'adaha Garsoorku waxay ka kooban yihiin maxkamadaha iyo Xeer-ilaalinta.
2.
Garsoorayaasha maxkamadaha iyo Xeer-ilaaliyaashoodu waxay u madaxbannaan
yihiin hawshooda garsoor iyaga oo raacaya xeerka oo keliya.
QODOBKA
1OOAAD
MAXKAMADAHA
Maxamadaha
Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka kooban yihiin:
1.
Maxamadda Sare;
2.
Maxamadaha Racfaanka ee Gobolladda;
3.
Maxamadaha Gobolada
4.
Maxamadaha Degmooyinka; iyo
5.
Maxamadaha Cudamada Qaranka.
QODOBKA
101AAD
MAXKAMADDA
SARE
Maxamadda Sare waa hay'adda ugu sarraysa Garsoorka; isla markaana waxay
tahay Maxamadda Dastuurka. Tirada garsoorayaashu waa inaanay ka yaraan
Guddoomiyaha iyo afar garsoore; waxaana nidaaminaya xeer gaar ah.
QODOBKA
102AAD
MAXKAMADAHA
HOOSE
Magacaabidda garsoorayaasha iyo habka shaqada maxkamadaha hoose (maxkamadaha
racfaanka ee gobollada, maxkamadaha gobollada
iyo degmooyinka), waxaa nidaaminaya xeer gaar ah.
QODOBKA
103AAD
XEER-ILAALINTA
Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranku waxay ka kooban tahay Xeer-ilaaliyaha Guud
iyo ku-xigeennadiisa.
QODOBKA
104AAD
MAXKAMADAHA
CIIDAMADA IYO
XEER-ILAALINTOODA
1.
Maxamadaha ciidamadu waxay gaar u yihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ee
lagu oogo xubnaha ciidamada Qaranka xaaladaha nabadda iyo dagaalka.
2.
Maxamadaha ciidamada iyo Xeer-ilaalintooda waxa nidaaminaya xeer gaar ah.
QODOBKA
105AAD
MAGACAABIDDA
GUDOOMIYAHA MAXKAMADDA
SARE
& GARSOORAYAASHA MAXKAMADDA SARE
1.
Madaxweynuhu isaga oo la tashanaya Guddida Cadaaladda, waxa uu
magacaabayaa Guddoomiyaha
Maxamadda Sare
iyo garsoorayaasha Maxamadda Sare, iyada
oo Ia tixgelinayo:- heerka waxbarasho, waayoaragnimo xirfadeed iyo suubanaan
akhlaaqdeed. Magacaabidda Guddomiyaha Maxamadda Sare waxa ansixinaya Golayaasha
(Wakiilada iyo Guurtida) oo fadhi wada jir ah yeesha muddo aan ka badnayn saddex
{3} bilood marka laga bilaabo taariikhda magacawga.
Waxa Ku-xigeenka Guddoomiyaha noqon doonaa garsooraha dhinaca darajada
ugu sarreeya garsoorayaasha ka tirsan Maxamadda Sare (Seniority).
2.
Ma bannaana in loo magacaabo xilka Guddoomiyaha Maxamadda Sare qof aan
buuxin shuruudaha hoos ku sheegan:
b.
Waa inuu yahay muwaadin ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
t.
Waa inuu haystaa shahaado jaamicadeed oo barasho sharciga ah oo la
aqoonsanyahay.
j.
Waa inuu leeyahay waayo-aragnimo xirfadeed oo aan ka yarayn isugeyn toban
sano; kuna soo shaqeeyey garsoore ama/iyo xeer-ilaaliye ama/iyo qareen ama/iyo
macallin jaamicad ka bara sharciga.
x.
Waa inuu siyaasadda ka madax bannaan yahay.
3.
Madaxweynuhu xilka wuu ka qaadi karaa Guddoomiyaha Maxamadda Sare, isaga
oo u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiilada & Golaha Guurtida.
QODOBKA
106AAD
XIDHIIDHKA
HAY'ADAHA GARSOORKA IYO
WASAARADDA
CADAALADDA
1.
Wasaaradda Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay fulinta go'aanada maamul
ee ka soo baxa Guddida Cadaaladda.
2.
Wada-shaqaynta
Wasaaradda Cadaaladda iyo Hay’adaha Garsoorka waxa qeexaya xeer.
QAYBTA
5AAD
QODOBO
KALA DUWAN
XUBINTA
IAAD
QODOBKA
107AAD
GUDDIDA
CADAALADDA
1.
Gudidda Cadaaladdu waa hay'adda hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka
kooban tahay:
·
Guddoomiyaha Maxamadda Sare
Guddoomiye
·
Labada garsoore ee Ru xiga dhinaca darajada
Guddoomiyaha Maxamadda Sare
Xubno
·
Xeer-ilaaliyaha Guud
Xubin.
·
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda
Xubin
·
Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha
Xubin
·
Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto
dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo
·
Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto
dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.
2.
Waxa fadhiga Guddidu ku ansixi karaa marka ay joogaan toddoba (7) xubnood.
3.
Marka Guddoomiyaha Maxamadda Sare gudan kari waayo guddoominta Guddida,
sababo caafimaad, fasax ama shaqo ka tegid darteed, waxa si ku-meel-gaadh
ah guddoomiyaha Guddida noqon doona garsooraha ka tirsan Maxakamadda Sare ee
Guddida xubinta ka ah, dhinaca darajadana ku xiga Guddoomiyaha. Waxa xoghayn u
ah Guddida Cadaaladda Kaaliyaha Sare ee Maxamadda Sare.
QODOBKA
108AAD
HAWSHA
GUDDIDA CADAALADDA
1.
Guddida Cadaaladdu waxay u xil-saaran
tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, bedelaadda
iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka,
gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha
kale ee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha Dawladda.
2.
Lama xidhi karo garsoore ama ku-xigeen Xeer-ilaaliye Guud haddii aanay
Guddida Cadaaladdu oggolaanin, hase yeeshee looma baahna oggolaanshaha Guddida
haddii garsooraha ama Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud la qabto isaga oo faraha
kula jira dembi ciqaabtiisa ugu yari ay tahay (3) saddex sannadood oo xadhig ah.
3.
Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa Guddida ka hor oogaya eedda ka xayuubinta
dhawrsanaanta, anshax-marinta garsoorayaasha iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha
Guud.
XUBINTA
2AAD
QODOBKA
109AAD
QAAB-DHISMEEDKA
DALKA
1.
DaIka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka kooban yahay gobollo; gobol
kastaana waxa uu u sii qaybsamaa degmooyin.
2.
Dhismaha gobollada iyo degmooyinka, xuduudohooda iyo darajooyinkooda xeer
baa tilmaamaya.
3.
Wax-ka-beddelka tirada gobollada iyo degmooyinka ama xuduudahooda, iyada
oo sababaysan waxa soo jeedinaya
Golaha Xukuumadda, waxaana
oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida.
QODOBKA
110AAD
MAAMULKA
GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA.
1.
Maamulka gobollada iyo degmooyinku waa qayb ka mid ah Maamulka Xakuumadda
Jamhuuriyadda Somaliland.
2.
Xidhiidka Xukuumadda-dhexe ee gobollada iyo degmooyinka waxa caddaynaya
xeer gaar ah.
QODOBKA
111AAD
GOLAYAASHA
GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA.
1.
Gobollada iyo degmooyinka dalku waxay yeelanayaan Golayaal sharci-dejineed
oo ku kooban xeer hoosaadyo (Bye-laws}aan ka hor imanayn xeerarka dalka u
dejisan iyo kuwa fulineed.
2.
Tirada gole kasta oo gobol ama degmo shuruudaha laga doonayo xubinta gole
gobol/degmo iyo nidaamka doorashada xeer ayaa tilmaamaya.
3.
Guddoomlyaha
degmadu, isagoo la tashaday wax garadka tuulada, waxa uu soo
jeedinayaa guddida maamul ee tuullo, waxana ansixinaya Golaha Sharci dejinta ee
degmada.
4.
Golayaasha gobollada & degmooyinka waa inay noqdaan kuwa awood u
leh qorshaynta dhaqaalahooda iyo arrimahooda bulshada.
5.
Guddoomlyaha gobolka waxa soo magacaabaya Xukuumadda, waxaana uu uga
wakill yahay Xukuumadda-dhexe gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada.
6.
Guddoomiyaha gobolku waa xidhiidhiyaha Xukuumadda-dhexe iyo degmooyinka
gobolka, isagoo hoos imanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
7.
Muddada xilka golayaasha gobollada iyo degmooyinka waa shan sano (5).
8.
b) Gole gobol ama degmo waa la kala diri karaa isagoon muddadiisa
dhammaysan.
t) Xaaladda ay ku iman karto
iyo qaabka loo kala dirayo xeer ayaa tilmaamaya.
9.
Xoghayaha gobolka ama degmada iyo madaxda waaxyaha ama laamaha
Wasaaradaha ayaa xilka sii fulinaya iyagoo raacaya shuruucdoodii hore inta laga
soo dooranayo gole cusub.
10.
Golayaasha gobollada iyo degmooyinku waxay yeelanayaan xeerhoosaadyadooda
oo midaysan waxana gacan ka siinaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
QODOBKA
112AAD
BAAHINTA
AWOODDA MAAMULKA
1.
Maamulka adeegayada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi
hoose-dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha, nalka,
isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamulada gobollada iyo
degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan.
2.
KaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo
gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka
ayaa caddeynaya.
3.
Kala-xadaynta ku tilmaaman faqradda 1aad ee qodobkan, waa inay noqoto mid
suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada
adeegyada bulsho.
XUBINTA
3AAD
HAY’ADAHA
DAWLADDA
QODOBKA
113AAD
HAY'ADAHA
DAWLADDA EE GAARKA AH
Hay'adaha Dawadda ee Qaranku waa:
1.
Xeer-ilaalinta Guud
2.
Baanka Dhexe
3.
Hay'adda Shaqaalaha Dawladda
4.
Hanti-dhawrka Guud.
Haddli bo baahdo hay'ado kale waa la dhisi karaa si xeerka waafaqsan.
QODOBKA
114AAD
MAGACAABISTA
IYO XIL-KA-QAADISTA
MADAXDA
HAY'ADAHA
1.
Magacaabista Xeer-ilaaliyaha
Guud, Guddoomiyaha
Baanka-dhexe, Guddoomiyaha & Guddida Hay'adda Shaqaalaha Dawladda iyo
Hantidhawraha Guud, waxa soo jeedinaya Guddoomiyaha Golaha Xukuumadda; waxaana
oggolaanaya Golaha Wakiilada ka hor intaan xilka bo dhaarin.
2.
Waxaa xilka ka qaadi kara madaxda qodobkan ku sheegan Madaxweynaha oo
keliya.
3.
Masuuliyiinta Qaranka ee Dastuurku waajibiyay in la ansixiyo, si ku-meel
gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan saddex bilood.
QODOBKA
115AAD
GUDDIDA
CULIMADA
WAAJIBAADKA
GUDDIDA
Guddida Culimadu waa guddi madax-bannaan oo u xilsaaran:
1.
Inay Si rasmi ah uga bixiyaan caddayn:
b.
Khilaafka Diiniga ah ee abuurma.
t.
Wixii la
isku qabto inuu Sharceedda khilaafsan yahay iyo in kale, ama iyaga
ula muuqda inuu Sharceedda khilaafsan yahay.
Guddidu waxay caddayntooda u gudbinayaan xafiiska codsiga caddayntu uga
yimid ama Maxamadda Dastuurka wixii iyaga uga muuqda.
2.
Inay sameeyaan cilmi-baadhis nooc kasta ha ahaadee iyagoo ka eegaya
dhinaca Diinta, gaar ahaan horumarka cilmiga sayniska iyo Diinta. Inay eegaan,
hubiyaana, kutubta laga turjumo Shareecadda, gaar ahaan kuwa maxkamaduhu u
cuskadaan xukunkooda {ka hor intaan sharci ahaan bo ansixin}, iyo kuwa gelaya
manhajyada waxbarashada ee Ru saabsan dhaqanaqooneedka Diiniga ah.
QODOBKA
116AAD
TIRADA
GUDDIDA IYO MUDDADA XILKA.
Guddida Culimadu waxay ka kooban yihiin kow iyo toban (11) xubnood;
muddada xilkuna waa shan sanno (5); xubintii mutaysatana dib baa loo soo
magacaabi karaa.
QODOBKA
117AAD
SHURUUDAHA
XUBNAHA
Xubnaha Guddida Culimadu waa inay yeeshaan shuruudaha hoos ku qoran:
1.
Inuu yahay muwaadin, maskax ahaan iyo jidh ahaanba u gudan kara xilkiisa.
2.
Inaanay da'diisu ka yaraan afartan sano {40}.
3.
Inuu yahay nin lagu yaqaan ALLAH-KA-CABSI iyo akhlaaq wanaag.
4.
Inaanu hore ugu dhicin xukun ciqaabeed oo maxkamad horteed kaga caddaaday
shantii sanno ee ugu dambaysay.
5.
Inuu leeyahay aqoon heer jaamacadeed ah amaba wax u dhigma oo dhinaca
Diinta ah.
6.
Markuu xilka Guddida qabto inuu ku sifoobo dhexdhexaadnimo dhinacyada
siyaasadda iyo aragtida Diineed.
QODOBKA
118AAD.
WAXYAABAHA
KA REEBBAN XUBNAHA.
Xubnaha Guddida Culimada waxa ka reebban.
1.
Inay ku tilmaanaadaan xisbi siyaasadeed ama urur gaar ah oo Diineed.
2.
Inay qabtaan xil kale oo Qaran inta ay xilka Guddida hayaan.
QODOBKA
119AAD
MAGACAABIDDA
XUBNAHA GUDDIDA
CULIMADA.
I
Xubnaha Guddida Culimada waxa soo magacaabaya guddi laga soo cayimo
Golaha Xukuumadda iyo Golaha Guurtida oo is-tiro le'eg; waxaana oggolaanaya
Golaha Guurtida.
2
Guddida Culimadu iyagaa iska dhex-dooranaya Guddoomiye iyo Guddoomiye
Ru-xigeen
QODOBKA
120AAD
BANNAANAANSHAHA
XUBINNIMADA
GUDDIDA
CULIMADA
Xubinnimada Guddida Culimada waxay ku bannaanaan kartaa:
1.
Haddii uu istiqaalad dhiibo ama uu geeriyoodo.
2.
Haddii ay burto shuruud ka mid ah shuruudihii xubinnimada.
3.
Haddii uu xukun ciqaabeed oo kama damays ahi Ru dhaco.
QODOBKA
121AAD.
MUSHARKA
IYO GUNNADA.
Mushaharka iyo gunnada xubnaha Guddida Culimada xeer baa nidaaminaya.
QODOBKA
122AAD
XEERKA
HAY'ADAHA
Hay'ad kasta oo ka mid ah hay'adaha Dawladda ee gaarka ah waxa ay
yeelanaysaa xeer u gaar ah oo
qeexaya qaab-dhismeedkeeda, waajibaadkeeda iyo dhawrsanaanta madaxdooda.
XUBINTA
4AAD
QODOBKA
123AAD
MABAADI'DA
CIIDANKA QARANKA
1.
Ciidanka Qaranku wuxuu u xil-saaran
yahay ilaalinta iyo difaaca madaxabannaanida dalka; waxa intaa u dheer marka
loo baahdo hawlaha xilliga xukunka degdegga ah ee waafaqsan Dastuurka.
2
Ciidanka Qaranku waxa uu had iyo jeer u
hoggaansamayaa oo tixgelinayaa Dastuurka iyo xeerarka dalka.
3
Dhismaha Ciidanka Qaranku wuxuu ka koobnaanayaa dhammaan deegaannada
Somaliland.
4
Qofka loo magacaabayo Wasiirka Gaashaandhigga waa inuu ahaadaa
muwaadin madani ah (Civilian).
5
Qaab-dhismeedka ciidanka Qaranka xeer-baa nidaaminaya
QODOBKA
124AAD
CIIDAMADA
BOOLIISKA IYO ASLUUBTA
1.
Ciidanka Booliisku waxa uu u xilsaaran
yahay ilaalinta nabadgelyada iyo dhaqan-gelinta xeerarka; qaab-dhismeedkoooda
iyo waajibaadkoodana xeer ayaa qeexaya.
2.
Ciidanka Asluubtu waxa uu u xilsaaran yahay haynta iyo toosinta akhlaaqda
maxaabiista; qaab-dhismeedkooda iyo
waajibaadkoodana xeer
ayaa nidaaminaya.
QODBKA
125AAD
DIYAARINTA
XEERKA AFTIDA IYO MAGACAABIDDA
GUDDIDA
QABAN-QAABINTA AFTIDA
Si ay u suurta gasho qaban-qaabinta Aftidu, waxa waajib ah in la soo
saaro Xeerka Aftida iyada oo laga shiidaal-qaadanayo tilmaamaha Dastuurku
asteeyey; waxaana la magacaabayaa guddida qaban-qaabinta Aftida si waafaqsan
Dastuurka.
QODOBKA
126AAD
WAX-KA-BEDDELKA
IYO KAABIDDA DASTUURKA
1.
Soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa leh:
b.
Madaxweynaha, ka dib marka uu la tashado Golaha Xukuumadda.
t.
1/3 (saddex-meelood meel) tirada guud ee Golaha Wakiilada.
j.
1/3 (Saddex meelood meel) tirada guud ee Golaha Guurtida.
2.
Waxa waajib ah in soo jeedinta wax ka beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku
ay sababaysan tahay, saxeexan tahayna.
3.
Wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurka waxa ay Golaha Wakiilada iyo
Golaha Guurtida ka doodayaan laba bilood ka dib marka uu Golaha Wakiiladu
aqlabiyadda tiradiisa ku go'aansado in loo baahan yahay wax-ka-beddelka iyo/ama
kaabidda.
4.
Wax-ka-beddelka qodob ama qodobo ka mid ah Dastuurka iyo/ama kaabiddiisu
waxa ay ku ansaxayaan kadib marka uu 2/3 (saddex meelood, laba) tirada guud ee
Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtidu uu mid waliba goonidusa isugu raaco.
5.
Haddii Golaha Wakiiladu uu aqlabiyadda tiradiisa isugu raaci waayo in loo
baahan yahay in wax laga beddelo ama wax lagu kordhiyo ama labadaba; ama haddii
labada Gole midkood ku ansixin waayo wax-ka-beddelka jyo/ama kaabidda 2/3 (saddex
meelood, laba) tirada guud ee xubnihiisa, soo jeedintaas dib looma soo
celinayo 12 (laba iyo toban) bilood oo dambe.
QODOBKA
127AAD
XUDUUDDA
WAX-KA-BEDDELKA IYO
KAABIDDA
DASTUURKA
Ma bannaana in soo jeedinta wax-ka-beddelka iyo/ama kaabidda Dastuurku ay
xambaarsanaato nuxur ka soo horjeeda:
b.
Mabaadi'da Shareecadda Islaamka.
t.
Midnimada dalka (Israacsanaanta
dhul-ahaaneed).
j.
Mabaadi'da talo-wadaagga iyo hannaanka xisbiyada badan.
x.
Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyaadka qofka.
QODOBKA
128AAD
SALDHIGGA
IYO SARRAYNTA DASTUURKA
1.
Dastuurka waxa saldhig u ah mabaadi'da Islaamka.
2.
Dastuurka ayaa ugu sarreeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan isaga
waafaqsanaynina, waxa uu noqonayaa waxba kama-jiraan.
QODOBKA
129AAD
DHMRTA
DASTUURIGA AH
Guddoomiyaha Maxamadda Sare oo isla markaana ah Guddoomiyaha Maxamadda
Dastuuriga ah ayaa dhaarinaya cid kasta oo Dastuurku ku waajibiyey dhaartan
Dastuuriga ah, ka hor inta aanu xilkiisa bilaabin; sidoo kale waxaa isagana
dhaarinaya Madaxweynaha.
"WAXAAN
ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA
SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO".
QODOBKA
130AAD
DHAQAN
GELINTA DASTUURKA IYO
QODDOBADA
KALA GUURKA
1.
Dhaqan-gelinta Dastuurku waxay ka bilaabmaysaa marka afti loo qaado,
natiijada aftiduna soo baxdo, waxana si ku meel gaadha loogu dhaqmi karaa muddo
saddex sannadood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhdii uu oggolaaday
shirweynihii 3aad ee Beelaha Somaliland.
2.
Haddii qabashada aftidu suuroobi waydo muddada loo xaddiday, waxa muddada
ku meel gaadh ahaan loogu dhaqmayo Dastuurka kolba kordhin kara Baarlamaanka (Guurtida
iyo Wakiilda).
3.
Haddii ay xubin ka mid ah Golaha Guurtida ama Golaha Wakiillada ay ku
timaado xaalad ka mid ah xaaladaha ku tilmaaman qodobka 50aad waxaa soo
buuxinaysa beeshii uu ka tirsanaa inta laga gaadhayo nidaamka axsaabta ee
doorashada.
4.
Haddil ay ku timaado asbaabaha ku tilmaaman qodobka 86aad Madaxweynaha
iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, ama midkood, inta
laga gaadhayo nidaamaka axsaabta ee doorashada tooska ah, labada Gole (Wakiilada
iyo Guurtida} ayaa si wada jira muddo 45 maalmood gudahood ah ku dooranaya
Madaxweyne iyo Madaxweyne-Ku-xigeen ama midkood, iyadoo xilka jagada
bannaanaatay muddada doorashada ka horaysa uu hayn doono Guddoomiyaha Golaha
Guurtidu.
5.
DaIka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagaga dhaqamayaa xeerarkii hore
loogaga dhaqmi jiray ee aan ka hor imanayn Shareecadda Islaamaka, xuquuqda qofka
iyo xorriyaadka asaasiga ah, inta laga soo saarayo xeerar waafaqsan Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland; isla markaa waa in la diyaariyaa xeerarka Dastuurka
waafaqsan, waxaana lagu keenayaa xeer walba ugu yaraan muddada uu u xaddido
Golaha Wakiiladu.
6.
Haddli gobollada iyo degmooyinku ay muddo saddex bilood ah gudahood ku
dhisan waayaan golayaal, Xukuumadda-dhexe waxay ku meel gaadh ahaan u
magacaabaysaa maamulo gobolo iyo degmooyin iyadoo kala tashanaysa xubnaha Golaha
Wakiilada iyo Golaha Guurtida ee metala gobolladaas iyo degmooyinka iyo weliba
guurtida degaamadaas.
Magacyada
Guddiga Isku-duba-ridka Dastuurka:
1.
Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar
Guddoomiye
2. Maxamed Axmed
Cabdulle
Guddoomiye-ku-xigeen
3. C/qaadir X.
Ismaaciil Jirde
Xoghaye
4. Sh. Maxamuud Suufi
Muxumed
Xubin
5. Maxamed Sicud
Maxamed (Gees)
Xubin
6. Sh. Cali Sh. Cabdi
Guuleed
Xubin
7. Faysal Xaaji Jaamac
(Qareen)
Xubin
8. Cismaan Xusseen
Khayre (Garsoore)
Xubin
9. Prof. Faarax
Cabdilaahi Farud
Xubin
10. Prof. Maxamuud Nuur Caalin
Xubin
11. Xasan Cabdi Xabad
Xubin
12.Axmed MacaIm Jaamac
Xubin
13. Yuusuf Aadan Xuseen
Xubin
14. Cismaan Call Bille
Xubin
15. Maxamed Jaamac Faarax
Xubin
GUDDIDA
DIB U HABAYNTA IYO DIB U EEGIDDA DASTUURKA
GOLAHA
GUURTIDA.
1) Mud.
Siciid Jaamac Cali
Guddoomiye
2) Mud.
Axmed Nuur Aw Cali
Xoghaye
3) Mud.
C/Laahi Sh. Xasan
Xubin
4) Mud.
Sicild ClLaahi Yaasir
5) Mud.
Cali X. Cabdi Ducaale
6) Mud.
C/raxmaan Axmed Areye
7) Mud.
Maxamed Cilse Faarax
8) Mud.
Yuusuf CILaahi Cawaale
9)
Mud. Muxumed Aw Axmed
10)
Mud. Maxamed Gaaxnuug Jaamac
11)
Mud. Maxamed Cismaan Guuleed
GOLAHA
WAKIILADA.
1)
Mud. Xasan Axmed Ducaale
Guddoomiye
2) Mud.
Cali Maxamed Cumar
Xoghaye
3) Mud.
C/raxmaan Xuseen Cabdi
Xubin
4) Mud.
Maxamed Xuseen Dhamac
5) Mud.
Cabdi Daahir Camuud
6) Mud.
C/Laahi lbraahim Kaarshe
7) Mud.
Axmed CILaahl Call
8) Mud.
Faysal X. Jaamac
9) Mud.
Maxamed Aadan Gabaloos
10)
Mud. Cumar NuurAare
11)
Mud. Yaasiin Faarax Ismaaciil
12)
Mud. Yaasiin Maxamuud Xiir
13)
Mud. Cali Obsiiye Diiriye
GUDDIDA
SIXIDDA, HUBINTA IYO SOO-SAARIDDA NUQULKAN DASTUURKA:
(Iyo
Saxeexooda)
1)
Mudane Axmed Maxamed Aadan
Guddoomiye (Wakiiladda)
2)
Mudane Axmed Nuur Aw Cali
Xoghaye (Guurtida)
3)
Mudane C/Laahi Sh. Xasan
Xubin
4)
Maxamed Xuseen Cismaan
Xoghayaha (Golaha Wakiilada)
Saleebaan
Adadn - Saleebaan Gaal
-Guddoomiyaha
Golaha Guurtida
Axmed
Maxamed Aadan
-
Guddomiyaha Golaha Wakillada
XOGHAYNTA
GUDDIDA DASTUURKA
1)
Faisa Maxamed Axmed
2)
C/risaaq Siciid Ayaanle