SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Warbixin uu siiyay SDWO Xoghayaha xidhiidhka gobolada UCID  Siciid Jamac kuna saabsan habkii uu ku abuurmay ururkoodu iyo habsami u socodkiisaba

Siciid Jamac Yusuf

(SDWO - Finland - 5/4/2002)  -  Mar uu dhowaan Gudoomiyah Somaliland Democracy Watch Organisation Mr Guled Cabdi  uu socdaal todobaad ah ku tegay dalka Finland ayaa waxa uu la kulmay warbixina uu ka soo qaaday Siciid Jamac Yusuf oo ah  Xoghaya xidhiidhka gobolada ee ururka UCID isla markaasna xubin ka ah golaha fulinta ee ururka. 

Siciid Jamac Yusuf wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka UCID, isla markaasna waa ninka bixiyay magaca ururka UCID, una taagan ururka cadaalada iyo daryeelka,  Siciid wuxuu ahaa gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Somaliland ee dalka Finland sanadadii 1998 – 2001.  Siciid wuxuu hada ku noolyahay dalka Finland. 

Siciid waxaan waxa ka weeydiiyay in uu warbixin ka  bixiyo habsami u socodka ururka iyo habkii uu u aasaasmayba iyo figradii ka danbaysayba,  waxa kale oo aan wax ka weeydiiyay taageero intee leeg bay ka haystaan dadka jooga yurub, waxa kale oo aan wax ka weeydiiyay tirada xafiisayada ay ku leeyahiin Somaliland gudaheeda iyo sida ay u daboolaan kirooyinka xafiisyada uga furan Somaliland. 

Warbixintii Xoghayaha xidhiidhka gobolada ee ururka UCID  Mr Siciid Jamac waxay ku bilaabantay sidan:- 

Figradani waxay bilaabantahy sanadkii 1992 kii markaasi oo gudi nabadeed ay jirtay waxna ka qabanaysay nabadaaynta dadkii  dagaaladii sokeeyahu ay wax ku kala gaadheen,  Figradaasi markeey soo socotay ilaa iyo sanadkii 1992 waxa ay dhaboowday bishii August 2001 markaasi oo aanu ku dhawaaqnay ururka UCID markaasi oo ay fursadani noo muuqatay.

Siciid ahaan baadhitaan baan sameeyay bari ilaa galbeed, dad badan oo wax garad ahaana waan la kulmay waanan kala tashaday urur aanu dibada ka soo unugno sidaan dalka gudahiisa uga meelmarin lahayn 95% dadka intii aan la kulnay way igu dhiiri geliyeen in aanu ururkaas hirgelino kuna dhawaaqno iyadoo inta badan ku salaysnayd asbaabahan hoos ku qoran:

  1. Dadkii siyaasiyiinta dalka gudahiisa oo hanan kari waayey in ay hogaan la soo baxaan ama urur samaystaan,  iyadoo sababtu ay ka mid tahay siyaasiyiintii gudaha oo kala kooxo noqday , mucaaridka oo ahaa wixii maamulka jira dibada ka ah oo midiba ka kale aanu waxba u ogolayn.
  2. Markay dadkii arkeen khilaafkaa iyo kalsooni la,aantaas dhex martay siyaasiyiintaas ayaa dadkii markaa xiiseeyeen inay helaan urur ka madax banana siyaasiyiintaas dalka gudahiisa.
  3. Dadka inta badan oo beryahii nabadaynta ee uu ururku bilaabmay ka maqlaayey wararka  iyo jaraidada hawshii iyo dadaalkii aanu u galnay nabadaynta beelaha sanadahii 1992 – 1994 oo uu ka mid ahaa hogaamiyaha ururku Mr Faysal Cali Waraabe,  taasi oo ay u dheertahay halkganka gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland.

Baadhitaankaas waxaan waday mudo aniga iyo gudoomiyaha iyo niman kalaba., markaas iyadii oo halkaa ay marayso dadkuna dawladii ka soo taaganyahiin halkaas dhaafiweyday ayaa waxa lagu dhawaaqay dawladii oo xisbi isku rogtay,  shirbay abaabushay  gudoomiyiyaashii degmooyinka iyo goboladuna dad badan  bay soo ururiyeen lagu soo xareeyay guriga shaqaalaha  oo mudo lagu masruufaayey hudheelada, ka dibna waxa lagu dhawaaqay ururka UDUB oo ay xubnahiisa  ka muuqdaan madaxweeynahii iyo ku xigeenkiisii, wasiirada, golahii baarlamanka , golahii guurtida, gudoomiyayaashii degmooyinka iyo gobolada ,  isla markaasna rag tijaara oo magic lahina  ay lacagta u hayeen. 

Kadib markii ay sidaas u dhacday  ayaa dadkii ka biyo diideen sida wax  loo dhisay, waxa markaa abuurmay kooxo mucaaradi ah oo salaadiintii ay wada tashi yeesheen ka dibna waxa suurto gashay in ay baaq soo saaraan lagu canbaaraynayo UDUB, shirqarameedna markaas la tabaabushaynayo,  markaas anaga halkaas waxa nooga muuqatay  in ay joogto wakhtigii wax la kala badbaadin lahaa is ay xeegana xeego u noqoto ilkana u nabad galaan.

Waxay markaas noola muuqatay inaan shirqarameed meesha munaasib ku ahayn, dastuurkuna khilaafsan yahay, markaa habka qudha ee UDUB lagula beretimi karaa uu yahay habkaa hanaanka xisbiyada badan, markaasaan  ku dhiiranay in aanu xisbigan UCID ku dhawaaqno.  Taasi oo dhalisay. 

  1. Inay xisbiyo samaysmaan 
  2. Kalsoonidii shirqarameedkii aanu ka leexanay  iyo habkii  aanu horseednayna dhaliso inaan taageero badan ku helno.

Xaga kale anigu waxaan dalkii ku maqnaa sanad iyo sideed bilood waxaanan finland ku soo laabtay  1koowdii March 2002 anigoo dana shaqsiyana u imid, waxaan la kulmay hawl isugaysa oo horey loo sii agaasimay, oo gudoomiyaha iyo niman hawlwadeeno ahi  isugayaan ayaan socdaal ugu baxnay wadamada noo dhoowdhoow oo ahaa socdaal loogu talogaly in aan ku marno Yurub, USA, Canda iyo dalalka Carbta inta ka horeeysa  intaanay dooroshooyinku bilaabmin, si aan ugu xoog warano taageerayashayada iyo hogaamada xisibiga iyo golayaasha xisbiga ee ka dhisan dalalka kale, socdaalkayaga oo aanu ka bilaabnay Sweden oo la isugu yimid waxaana laga kala yimid Finland iyo gobolada dalka Sweden, weftigaas oo uu hogaaminayey gudoomiyaha iyo aniga iyo C/Raxmaan C/Laahi(ciro) oo ah xoghayaha arimaha dibada ee ururka.   Waxa shirkaas oo dhacay 16th March sii qabanqaabiyey gudoomiyaha UCID ee dalka Sweden Mr Axmed C/Laahi Caawaale shirkaas oo lagu doortay afhayeenka iyo xidhiidhiyaha ururka ee Waqooyiga Yurub Injineer Naasir Xaaji Cali, waxa kale oo shirkaasi ku saabsanaa sidii kharash(funraising) looga ururin lahaa taageeryaasha dibada.  Ka dibna waxaan u anbabaxnay dalka Denmark oo si wanaagsan la noogu soo dhoweeyay halkaas oo si xamaasad leh warbixintii na looga dhegaystay, taageerayayaal badana ku soo biireen ururka, su,aalo badana  oo sodaalkayga ku saabsana nalagu waaydiiyay oo ay ka mid ahayd – Sidee baad udub ula tartami kartaa idinkoon aduun haayn,  laakiin jawaabtu may ahayn mid meel dheer aan ka doonay, waxaan ku dhamaynay qaar ka mid ah dadka wixii 60 jir sare uga weeynina udub bay aaminsanyahiin  inta kalana xisbiyada cusub ayay la afkaar yahiin, iyagoon aduun rabin oo isbedel raba.   Markaa halkaas waxaanu uga sii gudbnay Norway oo dadbadani nagu sii suagayeen si wanaagsana na luugu qaabilay.  Gudidii  ururka ee Norway ayaa noo sii agaasimay shir naloogu qabtay Jaaliyada Somaliland ee Norway, halkaas oo aanu ugu xogwaranay, halkaas oo xubno bada oo ururka ah oo halkaas deganaa si wanaagsan  noogu sooryeeyeen,  ka dibna xubnahii ururka taageersanaa iyo xubno cusub ayay isbarasho dhexmartay ugana xoog waranay xaalada  siayasadeed ee dalka iyo muhiimada socdaalkayaga,  wararkaas oo aay aad ugu riyaaqeen warbixinahii aanu siinay iyo kaalinta iyaga laga rabo inay ka qaataan horumarka ururka. 

Weftigii wuxuu u sii gudbay dalka UK aniguna waxaan ku soo noqday Finland oo hada aan joogo. Gudoomiyahiina wuxuu ku sugan yahay UK halkaasi oo uu uga sii gudbi doono USA iyo dalalka carabta.  Sucuudigana waxa na loo diyaariyey  5 fiiso siyaaro oo ay noo qabanqaabiyeen xubno ka mida ururka oo dalka sucuudiga degan taasi oo laga yaabo in uu booqasho ku tago wefti uu gudoomiyahu  hogaaminaayo inta ka horeeysa bisha July. 

Xaga safiisyada dalka nooga furan hadii aan warbixin kooban kaa siiyo waxay gaadhayaan 29 xafiis oo ka kala furan dhamaan 6 da gobol ee dalku ka kooban yahay,  dalalka dibadana waxaan  xafiisyo ku leenahay Finland, Norway, Denmark, Sweden, Holland, UK sida London, Sheffield, Cardiff, Liverpool iyo Mansherster, USA, Canda, iyo wadamada khaliijka,   Habka aan u daboolno kirada xafiisyadaas badan ee gaadhaya 29 ee dalka nooga furan, waxa ka mida horta xafiiska gobolka Hargeysa oo uu dhismaha uu iska leeyahay Gudoomiyaha ururka ee gobolka hargeysa  Xasan Xaydh uguna deeqay ururka, rag kale oo ururka xubno ka ahina iyagaaba guryaha xafiisyada iska leh kuna deeqay isla markaasna qalabeeyay, inta kiro loo baahdana xubno dakhli leh ayaa bishiiba $20.00 doolar  bixiya oo kiradooda debara,  xaga xafiisayda wadamada dibadan xubnaha ururka ee dibada ayaa kiradooda debara,  xaga gaadiidka ururka u shaqeeya iyaga intooda badana waxa iska leh xubnaha ururka sidaas darted gaadiid la,aani nama haayso.

Siciid Jaamac waxa uu intaa ii raaciyey in uu imika u sii jeedo dalkii oo uu hargeysa tegayo badhtamaha bisha fooda inagu soo haysa ee May 2002.    

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE