SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Meeye Fanaaniintii u soo hilowday Dalkooda?  

Fanaaniin badan oo magac weyn ku leh dalka, ayaa ku soo laabtay dalka iyaga oo ka soo kicitimay dalal Yurub ah.

Sideedaba markay fanaaniintu timaado waxa ugu horeeya ee ay qabtaan waxa weeye inay bandhig faneed dhigaan, qaraabadoodana salaamaan, ka dibna ay iska noqdaan, hase ahaatee Maryan Mursal Ciise oo iyadu dalka timi bishii April ee sanadkan, ayaa waxay samaysay arrin sidaa ka duwan.

Maryan Mursal oo ka soo kicitintay dalka Denmark, markii ay Hargeysa soo gaadhay dadku aadbuu ugu farxay, iyaduna aad ayay u jeclaysatay, Maryan intaanay wax kale qaban waxay tagtay qabrigii Alle ha u naxariistee C/laahi Qarshe, kaas oo ay u samaysay dayr ay ku astaysay xabaashiisa, Maryan waxay kale oo soo booqatay Shamis Abokor (Guduudo-Carwo) oo iyaduna ka mid ah fanaaniintii  dumar heesa ugu horaynay, oo wakhtigan xannuusanaysa.

Maryan waxay sheegtay inay dalka u timi si ay u aragto Shamis Abokor iyo fanaaniinta kale ee la midka ah iyo weliba inay astayso oo booqato xabaasha C/laahi Qarshe, waxa kale oo aan la yaabay oo ay Maryan samaysay waxa ka mid ah waxay magaalada Hargeysa ka dhigtay bandhig faneed laba habeen socday.

Bandhig faneedkaa wixii ka soo baxay waxay u qaybisay cisbitaalka dadka waalan ee Hargeysa iyo xubno fanaaniinta Hargeysa ka mid ah oo dhaqaale xumo hayso.

Maryan waxay kale oo booqatay goobaha iyo shaqsiyaadka horumarka muujiyey ee magaaladan Hargeysa, taas oo ay ka mid tahay cusbitaalka Edna Aadan.

Bishii May 6, 2002 waxa kale oo iyaguna Hargeysa soo gaadhay faniin ka soo kicitintay dalka boqortooyada Ingiriiska, fanaaniintaas oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Axmed Kuluc, Khadra Daahir Cige, Nimco Yaasiin Caraale iyo Samriye.

Fanaaniintaasi oo dadku soo dhoweeyey waxay sheegeen inay u soo hiloobeen dalkooda, oo ay weliba ku soo beegmeen wakhti lagu jiray Tacsi, waayo 6dii May, waxay ahayd maalintii loo dareeray aaskii madaxweynaheenii geeriyooday, in kastoo jaraai’idada lagu waraystay fanaaniintaasi waxyaabihii ay qabteen waxa ugu mudnaa bandhig faneed ay ka dhigeen magaalada Hargeysa, kaas oo lagu daawaday lacag qaali ah oo dhan 15,000 qofkii (Shan iyo toban kun), waxay ku dhigeen hoolka guriga shaqaalaha oo dabo iyo dacalba loo buuxiyey, iyada oo qaar iyaga ka mid ahi ay lacagta gacantooda ku qabanayeen.

Si kastaba ha ahaatee arrintaa lamaan yaabin, ee waxaan la yaabay markii la yidhi Fanaaniintii dalkooda u soo hilowday waxay u baqooleen dhinaca dalka Jabuuti, si ay uga qayb galaan munaasibada 27ka June ee xorriyadda dalka Jabuuti, iyagoo ka tegay munaasibada 26-ka June oo ah maalintii dhul Somaliyeed laga taago calan xor ah, dalkan Somaliland-na uu xorriyadiisii ka qaatay gumaysigii Ingiriiska.

Maryan Mursal intii aanay soo gaadhin Hargeysa waxay ku hakatay Jabuuti, Jabuuti waxay u soo jeedisay inay joogto oo ay bandhig faneed u dhigto, hase ahaatee waxay u sheegtay inay ku socoto Hargeysa, halkaas oo ay doonayso inay soo aragto qabrigii C/laahi Qarshe oo ay ku tilmaantay aabihii fanka iyo Shamis Abokor oo iyadana ay ku tilmaantay hooyadii fanka, waxaanay ballan kula soo gashay inay noqodkeeda sii mari doonto oo bandhig ka dhigi doonto, hase ahaatee soo noqodkeedii Jabuuti way  diiday, iyagoo ku colaadinaya maxaad Hargeysa noogu dhaaftay, ka dibna marinkeedii ahaa Jabuuti waxa loogu bedelay Addis-Ababa.

Haddaba miyaanay kala duwanayn Maryan Mursal iyo kooxdaa soo lacagta doonatay, iyagoo markii ay Jabuuti tageena la ii sheegay in lagu yidhi “martiqaadka kuma jirtaan, miyaanay taas jawaabteedu ahayn Hashii awrkeeda diida, ee awr kale u oroda afartaba dab laga saar way abaaho seegtay”.

Waxaan xasuustaa sanadkii 1998kii ayaa dalka Itoobiya waxa timi fanaanada aad loo jeclaa, oo muddo dheerna ku maqnayd dalka Maraykanka, fanaanadaas oo lagu magacaabo Astar Awaqe markii ay timi waxay dhigtay bandhig faneed lacagtiisa laga yaabay, ka dibna markay lacagtii xantoobsatay ayay iyadoo aan ehelkeedii, qaraabadeedii iyo dalkeeda midna eegin ku noqotay Maraykan.

 Siciid M. Xuseen - Hargeysa 

Published: Radiosomaliland
SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE