|
|
Press
Release – Go,aanka Xil kordhinta
Golaha Guurtidu wuxuu ka Turjumyaa kalsooni la,aanta xukuumadu ay ka qabto
codbixiyiyaasha
PRESS
RELEASE
Waxay noqotay
mid dadka intooda badan ee jecel isbedelka iyo hanaanka dimoqraadiyada ay
somailland qaatay ka argagaxisay kana yaabisay kordhinta uu madaxweyne Riyaale
uu u sheegay golaha guurtida inay isku kordhiyaan mudo afar sano oo kale oo ku
eg sanadka 2010ka iyo sida degdega ah ee ay odayaashii golaha guurtidu uga
aqbaleen iyagoon eegin sharcidarada ku gadaaman talaabadan ay ku talaabsadeen
isla markaasna waxay wax weyn u dhimi karta hanaankii dimoqraadiyadii ay
Somaliland higsanaysay aduunkuna ku amaanay soo afjarideedana lana filayay
dhowaan. Waxa kale oo wax laga amakaago ah sida aan
Baarlamanka iyo xisbiyada qaranka haba yaraatee arintan aan loogala tashan loona
soo ogaysiin iyadii oo sharciyan ay ahayd in barlamanka uu u soo gudbiyo
madaxweynahu ka dibna ay ka doodaan go,aanka ka soo baxana ay u gudbiyaan golaha
guurtida oo ansaxinta u danbaysa iska lahaa, ka dibna maxkamada sare loo
gudibiyo si ay u sharciyayso, halka imika
dhinaca kale lagaga yimid ee maxkamada lagu soo horeeyay. Hadaanu nahay Somaliland Democracy Watch waxaanu u aragnaa arintan inay tahay:
Sida Madaxweynahu sheegay waa arin uu ka
hawlgalay oo uu ka soo dhameeyay
ilaa maxkamada sare intaanu umada u soo bandhigin waa arin si hoos ahaan ah ay u
wadagaadheen Madaxweynaha,
Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida.
Xataa hadii kordhin loo baahanyahay inta la soo dhamaystirayo sharciyada
qabyada ah ee xeerarka dooroshooyinka golaha guurtida
SDWO ahaan waxaan qabnaa in
la kordhin karayey lix bilood ilaa sanad kolba inta la is yidhaah waa lagu soo
dhamaystiryaa xeerarka dhiman laakiin may ahayn
mudadii dorashada ay ku iman lahaayeen xubnahu mudo leeg in la yidhaah
doorshana ha gelinee madaxweynahu wuxuu rabaa inaad iska sii fadhidan ilaa iyo
2010ka iyaguna ay ka aqbalaan. Ogolaanshahooguna
wuxuu noqonayaa meel aan markii horeba rabay roob igu hel. Madaxweynaha waxaanu u soo jeedinaynaa inuu
dib uga noqdo talaabadaas qalafsan ee uu qaaday kana hor imanaysa horumarka iyo
hanaanka dimoqraadiyada Somaliland, waxanuna leenahay Madaxweyne inaad u aragto
maaha hadii doorasho ay hada dhacdo xisbiayda mucaaridka ayaa hadana aqlabiyada
golaha guuritdana kaa helidoona sidii dhacday dooroshadii baarlamanka.
Hadii ay xukuumadii wada tahay UDUB oo ay dadkii codkoogii ku garteen in
Baarlamanka ay aqlabiyada siiyaan xisbiyada mucaaridka inaad dhib iyo cadaadis u
aragto maaha, waxa go,aankaas gaadhay dadkii ku soo doortay, imikana waxay ahayd
in dadka xaqii ay u lahayeen inay soo doortaan xubnaha golaha guurtida aan laga
hor istaagin. Madaxweyne inaad shacbiga xaqoogii ka duudsido may ahayn
ee waxay ahayd in xaqoogii la siiyo oo iyagu cidii ay u gartaan sedexda
xisibi iyadoon cidina qasbayn ay codkooda siiyaan sidii sedexdii doorasho ee
hore. Waxaan u aragnaa isku kalsooni la,aan ka soo
ifbaxday xukuumada inay ka werwer qabto in doorashada golaha guurtidana lagaga
guulaysto siidii tii baarlamanka oo kale. Markaa in madaxweynahu yidhaahdo mar
hadii ay shacbigii iga codaynayaan doorashaba dhicimayso
waa arin gef
iyo meel ka dhac weyn ku ah dhamaan hanaankii lagaga guurayey hab
beeleedka ee lagu dhamaystiryay hanaankii dimoqraadiyada
ee xisbiyada badan. Waa cawaaqib xumo in maanta ay Sedexdaa
masuul ee Madaxweynaha, Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Gudoomiyaha Guurtidu inoo
horseedeen in aan hab beeleedkii ku
sii jirno ilaa iyo inta laga gaadhayo 2010ka. Waxaan ku soo gunaanadaynaa Caano daatayba dabadeed la qabaye in arintaas sedexdaas masuul ay ka noqdaan oo wakhti gaaban oo doorasho lagu soo diyaarin karo ay cayimaan iyagoo hanaanka sharciga dalka u yaal u maraya. Long Live Guled Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha ururka SDWO Axmed Maxmed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO Mukhtar Axmed Sh. Adan – Xoghayaha ururka SDWO
|