|
|
Press Release - Xukuumada Somaliland waxaanu leenahay Been ma sheegto taariikhdu ma bukooto taariikhdu mana baqato taariikhdu SDWO.COM 28/01/2008. Ummad waliba waxay leedahay taariikh soo jireen ah oo ka turjumta marxaladahii kala duwanaa ee uu dal kastaa soo maray, haday tahay wakhti fiican iyo hadii ay tahay xili adagba. Hadaba dalkan Somaliland wuxuu soo maray marxalado aad u kala duwan hadii laga soo bilaabo xiligii halgankii xoriyada lagaga qaadanayey gumaysigii cadaa ee ingiriiska ilaa iyo halgankii qadhaadhaa ee xoriyada lagaga qaadanayey gumaysigii madoobaa ee Siyaad Bare.
Halgan dheer oo qadhaadh oo naf iyo maalba ku baaba,ay ayaa loo soo maray xoriyadan hada la hadhsanayo, waxaa loo soo maray xasuuq loo badheedhay, baabiin iyo tirtirid magaalooyinka waaweeyn oo lagula kacay dadkii ka soo jeeday gobolada Somaliland ka koobantahay qaar ka mid ah, waxaan filyaa inaan cidna looga waramayn dhiigii dib loogu xoreeyay xornimadan ay Somaliland maanta ku naaloonayso. Waxa nasiib daro iyo wax aad looga xumaado ah in taariikhdii ururkii SNM ee xoriyad doonka ah ee dalkan dhiiga ku xoreeyay maanta la yidhaahdo ha laga tirtiro manhajka waxbarashada fasalka 8aad ee dugsiyada Somaliland, waxana waxa laga argagaxo ah jawaabtii uu ka bixiyey wasiirka waxbarashadu Mr Gadhweyne ee uu yidhi halgankaasii wuxuu saamaynayey qayb inaga mida oo keliya isagoo u jeeda reer qudha sidaas darteed taariikh lagama dhigi karo in la sii wadwadaana ma haboona oo burbur bay keenikartaa. Wasiirka waxaan odhan lahaa la iskuma diidana in halgankii SNM uu ka dhashay cadaadiskii iyo xasuuqii lagula kacay reerka qudha ee aad sheegayso ee miyaa la isku diidanyahay inuu halgankaasi dhalay sababayna in Somaliland guud ahaanteed xoriyadeedii ay dib ula soo noqoto oo ay nabad iyo barwaaqo iyo dimoqraadiyad maanta lagu wada noolaado. Halgan marna looma wada dhamaan karo cid uun baa biloowda, markaa in la tirtiro taariikhdii dhiiga badan loo soo qubay waa ku ceeb maanta in shacbiga Somaliland ogolaadaan. Shacbiga waxaan leeyahay waa inaad ka dhiidhidaan oo mudaharaado balaadhan oo ay horkacayaan ardayda dugsiyadu dalka laga abaabulaa oo aan marna loo suurto gelin inay ku guulaystaan xukuumada Somaliland iyo hay,ada qaramada midoobay ee horseedka ka ah aasida iyo tirtirida taariikhda halgankii qadhaadhaa ee SNM. Hadaan tusaale u soo qaadano dalalka Scotland iyo England waxay ka wada tirsanyahiin oo ay ku midoobeen boqortooyo la isku yidhaahdo United Kingdom (UK), horena waxa dhacday in dadka English ka ahi ay ku duuleen qarniyadii hore oo ay si xun u jebiyeen dadka Scotish ka ah, hadana taariikhdaas lama tirtirin ee waa taariikh qoran oo xataa laybareeriyada laga heli karo oo si faahfaasan uga hadlaysa dagaaladaas qabaa,ilka ahaa, ee aan la odhan mar hadii hal dal la isku yahay taariikhdaas ha la tirtiro ama ha la qariyo. Waxa haboon in shacbiga lagu baraarujiyo ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa in hay,ada qaramada midoobay ay buugaagteena ka saaraan halgankii SNM, sababta ay u cuskanayaana ay tahay in wakhtiga soo socoda taariikhdii SNM iyo sidii ay Somaliland ku timidba ay tirtiranto marka uu jiilkii ogaa halgankii SNM uu dhamaado 50ka sano ee soo socda wixii ka danbeeya, ka dibna dadka danbe ee dhashaa iyagoon ogeyn SNM taariikhdeedii waxay ahayd iyo dhiigii loo soo maray xoreynta Somaliland ay si dhib yar ula midoobi karaan koonfurta somaliya. Waxaan dhaleecayn weyn u soo jeedinaynaa xukuumada Somaliland oo ogolaatay in la mideeyo manhajka waxbarashada Somaliland iyo Somaliya. Waxa la qaadan karo maaha in umad dhan taariikhdeedii loo baabiiyo reer hebel baa ka maqnaa. Dhinaca kale waxa la yidhi waan baahanahay looma bahalo cuno, hadii UN tii inagu xidhay inay buugaag inoo daabacdo horta taariikhdiinii SNM ha la aaso, waxay ahayd in loo dhaafo buugaagtooda oo meel laga keenaba aan inagu daabacano kuwo qaranimadeena iyo taariikhdeenaba aan waxba u dhimaynin. Shacibigana waxaan leeyahay xisbi iyo siyaasado kale yaanay idin mashquulin sida mudaharaadada loogu abaabulu arimaha kale ee siyaasada, Waa in mudaharaado balaadhan oo cabashooyin ah dalka oo dhan laga abaabulaa oo la wadaa ilaa buugaagtaas la gubayo, waxaan leeyahay daawanaayoow waa taariikhdaadii waxa ciida hoosteeda la gelinayo ee loo soo banbaxay in la aasso. Waxaan ku soo gebegebeeyay maansadii alla ha u naxariistee mujaahid Axmed Jiiniyas – Dharaaraa ina soo maray shantoo dhaban la saariyo ku ekeyd dhibaatadu inta dhagar la geystiyo waxa dhacay ma maqasheen. Long Live Somaliland Guled Cabdi Sheekhaash Gudoomiyaha – Somaliland Democracy Watch Organisation – SDWO.COM
|