Dhinaca kale gudoomiyaha SDWO Guled Cabdi Sheekhaash oo qoraal soo saaray ayaa yidhi: 20kii sanadood ee aynu ka soo gudbnay dhamaan xukuumadahii ka horeeyay xukuumadan hada joogta dhamaantood waxay si badheedh ah u dayaceen agoontii Mujaahidiintii dalkan xoreysay, iyagoo hilmaamay in kursiga ay ku fadhiyaan uu ku yimid dhiigii mujaahidiintii naftooda u huratay.


Hadaba xukuumadan cusub waxaan u soo jeedinayaa in xaqii ay dalka ku lahaayeen la siiyo, oo xukuumadu way awooda inay ugu yaraan ka daboosho wixii ay cuni lahaayeen.


Dhamaan Somaliland shacbi iyo xukuumad yaynaan ku sii jirin abaal laawayaashii aynu ahayn 20kii sanadood ee laga soo gudbay, oo bal aynu is weydiino maxay mujaahidiintii ugu dhimatay xornimada dalkan.


Waxay yidhaahdeen intii aynu dhamaanteen gunimo iyo gumaysi kuwada noolaanlahayn anigaa naftayda u huraya oo u dhimanayee, geeridayda ka dib intiina nooli xornimo iyo barwaaqo ku noolaada.

Hadaba miyay daw tahay in mujaahidiintii nolashan, daarahan dhaadheer, nabadgelyadan iyo dowladnimadan dhiigooga ku waraabiyey in ogoontii ay ka tageen 20 sano inagu ag dayacanyahiin.


Waxa qadarin la,aanta ka mid ah in xataa aynu garanweynay in caruurtoodii ha awoodaan ama yayna awoodine in jaamacadaha bilaasha looga dhigo si ay wax u bartaan oo aanay uga hadhin midhahii geedkii uu aabahood beeray ee uu dhiigiisa ku waraabshay oo ay arkayaan dad kale oo midhahii iska guranaya.


Waxaan soo jeedin lahaa in Jaamacada Hargeysi ay awoodi karto in ay sanadkii 20 arday qaaadato, 6da jaamacadood ee gaarka loo leeyahayna midiiba 10 arday qaadato, oo marka macaanka shilinka la xasuustaba la barbar dhigo oo la xasuusto dhiigii aabahood inoo shubay.


Dhamaan mujaahdintii inaga geeriyootay ilaahay waxaan uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo waxa dishay gacan ka xaqdarane.

