SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Tog-Wajaale: Waayaha Xiligan ka Jira Duruufaha Ka Taagan iyo Maamul Xumada Ku Habsatey iyo Waliba Sida ay Mujtamacu ugu Hungoobeen Isbadelkii dalka Ka Dhacay

 

Warbixin Shiine Cilmi Kaahin

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

Wajaale (SDWO 17/02/2012)  Magaalada Wajaale ee kutaala xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya islamarkaana kutaala, bogcad Deegaan ahaan Istiraatijayad Dhul Beereed Deegaan Beeraley ah ku wareegsan, Ganacsigana xudun u ah ayaa wakhtigan xaadirka ah waxa dul hoganaya duruufo is biirsadey oo dhinacyo badan tilmaan ka bixinaya, sida ay uga aradan tahay adeegyda Aasaasiga u ah Bulshada .

 

Iyadoo markiiba laga dareemayo nidaam xumo iyo qorshe xumo ku xidhiidhsan sida ay halkaasi ugu baahan tahay Maamul dhisan, oo ku xidhan Bulshada ku nool eek ala duduwan islamarkaana, leh aragti fog oo ka midha dhalin karta asturaada waxyaabo badan, oo hada markiiba laga dareemayo qaawanaan aan la yareysan Karin oo daah fureysa dhibaatooyinka ka taagan dayaca Bulshada sida Biyo, La,aanta iyo jid xumada ka jirta gudha Magaalada oo dhaawacyo badani kasoo gaadhaan dadweynaha iyo Gaadiidkaba, iyadoo ay jiraan dakhli aan la yareysan Karin oo kasoo baxa Cashuur maalmeedka D/hoose ee kasoo gala Gudaha Magaalada, Cashuur Sanadeedka laga qaado meheradaha kala duduwan ee halkaa ka furan taas, oo ay dheer tahay Macaashatal macaashka Wasaarada Maaliyada iyo Cashuurka Kastamka ka furan ee khudaarta iyo badeecadaha ka yimaada dhinaca Itoobiya lagu Cashuuro, iyo Waliba Cashuurta Xoolaha nool ee Seylada weyn ee Kutaala Wajaale.

 

Hadaba marka aan guda galo nuxurka Warbixin an ka diyaariyay kadib markii aan Maalintii Arbacada Todobaadkan ku gaadhay Safar Magaaladaasi islamarkaana, aan indhaheyga kusoo arkey Mushkiladaha dhabta ee kajirta oo cabashada ugu badan ee dadweynuhu ku aadan tahay sida ay ugu hungoobeen isabadelkii ay filayeen in ay dhaami doonto, Maamulkii Xukuumadii hore haseyeeshee, ay kuu sheegayaan dadweynuhu in ay boqolkiiba boqol Maamuladii hore ee Xukuumadii Madexweyne Rayaale, uga lexejeclo badnaayeen ka maanta jooga jooga iyagoo dhinaca kalena cuskadey in ay rajo badan ka qabeen dadweynaha kunool Tog-Wajaale xiligii Xukuumadii hore dedaalo uu u waday Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi(Xabiib), laakiin aanay marnaba meesha soo dhigan waxay kala kulmeen Maamulka Xukuumada Siilaanyo usoo magacaabay Wajaale kaas oo aan kala jecleyn,dhaliil loo jeediyo kalmad la yidhaado oo talo ah iyo hadal kale midna balse, markii hore laga filayay in uu noqon doono Maamul Daacad ah oo u adeega Bulshada waxayna arintani keentay niyad jab xoog ah oo kuyimid Shacbiga kala duduwan ee ku nool  Wajaale oo wakhtigan xaadirka ah quus ka jooga guud ahaanba balanqaadyadii Xukuumada Siilaanyo iyo Maamulka ka dhisan halkaasi labadaba.

 

“Runtii Xukuumada Siilaanyo markii ay dalka qabsatey waxaanu ka filaynay Maamul waaqiciga ku dhisan oo ka fayow Musuq, Waxaqabadna la yimaada laakiin waxanu kala kulanay in naloo keeno Maamulo ka liita oo aan cidna dhageysan kuwii Xukuumadii hore, Cashuuraha markii u horeysay iyo tii u dambeysay nalaga ururiyay wax badan ayay dabooli lahaayeen waxa lagu fushadaa dano gaar ah, Somalilandta kale ayaanu ka maqalnaa Xirsibaa sidaa yeelay iyo awood badan sheegtey mar mar waxaanu is nidhaa malaha kaa la sheegayo ayaa kan soo dirtey sida aanu ukala jecleyn dhibaatada jirta iyo sida uu isku adkaynayo markaanu aragno” Sidaa waxa yidhi Maxamed    Aadan Yuusuf oo kamid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Wajaale.

 

Waxa kale oo ay ii sheegeen qaar kamid ah dadweynaha Wajaale in kooxo dhalinyar ah oo iskood isku abaabulay islamarkaana, ka shaqeeyay si tabaruc ah gudaha Magaalada in uu dagaal la galay ninka Gudoomiyaha Wajaale , taas oo aan isku dayay in aan Wax ka Weydiiyo Gudoomiyaha Wajaale Xaashi Muxumed laakiin, aanay ii suurta galin kadib markii aan waayay telefoonkana iga qaban waayey telka, waxaana arimahaa markhaati u ah dhibaatooyinka la xalin karo ee ugu fudud sida Xashiishka oo tuulan Gudaha iyo daafaha Magaalada iyo Dhibaatooyinka Eydu ku hayso Magaalada oo aan cidi talaabo ka qaaddin.

 

 

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa

sirshiine@yahoo.com

 

 

 
 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief  Editor

Emai: Guled@sdwo.com

 

   

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE