SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Weriye Shiine iyo Safarkiisa Jabuuti

 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

SDWO (DJibouti 13/10/07) Weriya Shiine Cilmi Kaahin oo ka tirsan bahda SDWO.COM ayaa maalmahanba booqasho ku joogay dalka Djibouti.  Shiine waa markii ugu horeysay ee uu  yimaado dalka Djibouti, waxaanuna uu inooga soo diyaariyey warbixin dhinacyo badan oo kala duwan uu ku eegayo. Warbixintiisiina waxay ku bilaabantay:

Magaalada Jabuuti oo ah xarunta dalka jabuuti, waa magaalo xeebeed ka mid ah kuwa ugu da'da weyn magaalooyinka ku yaal Gacanka Afrika, waxaana lagu qiyaasaa inuu dhismaheedu bilowday Qarnigii 7aad, waxa ka muuqda magaalada dhismayaashii ay ka dhistay carbatii xiligaasi degneyd ee faransiisku kala wareegay. Jibuuti waa dal kamida dalalka dariska la ah Somaliland iyo Somaliyaba, waxa ku nool magaalo madaxda Jabuuti soomaali aad u farabadan oo isugu jirta Dhalinyaro, dad waaweyn culuma'udiin, Aqoonyahano, Siyaasiin, Ganacsato dhamaan dadkaas Soomaalida ee kunool jabuuti waxay badabkoodu ka yimaadeen Magaalooyinka Somaliland sababo kala duwan awgood, qaar waxa ay jabuuti u yimaadeen in ay ka dhoofaan oo ay qurbaha tagaan, qaar kale waxay u yimaadeen in ay iskaga noolaadaan oo ay shaqooyin ka raadsadaan.Jamhuuriyadda  Jabuuti oo ah dalka ugu yar wadamada ku yaal geeska afrika.


Dalka Jabuuti waxa uu ka kobanyahay shan gobol oo kala ah Obokh, Tojoro, Carta, Cali-sabiix iyo Djibuti.


Dhaqaalaha ugu badan ee dalka Jabuuti waxa uu ka soo galaa dekeda iyo garoonka diyaaradaha, sida ay ii sheegeen muwaadiniin reer jibuuti ah.

 
Dalkani malaha wershado badan oo wax-soosaar, waxase ku yaala oo keliya wershadda shamiitada (Sibidhka) iyo kuwa biyaha sifeeya sidoo kaliya. Dhanka korantada waxay leedahay hal matoor dabdhaliye oo kaafiya baahida kortato ee dalka waxaana lagu magcabaa ECD.


Dhanka waxbarshada waxa ka jira dugsiyo aad u tira badan oo ah kuwo dhexe iyo kuwo hoose, laakiin waxay leedahay hal dugsi sare oo keliya waxa intaasi u dheer hal jaamacad.


Hadaan jaleeco dhinca caafimaadka Jibuuti waxa ku yaala cusbitaalo ay maamusho dawaladu iyo kuwa gaar loo leeyahay, kuwaas oo ah kuwo dhammaan dadku ku diirsaday adeegyada caafimaad ee ay ka helaan.


Luuqadaha lagaga hadalo dalka Jibuuti waxay kala yihiin Somali, Canfri, Carbi iyo Faransiis. Inkastoo luuqadda dadku ku wada hadlaan ay tahay soomaali, hadana waxa dugsiyada waxbarashada iyo goobaha xafiisyada dawladda lagaga shaqeeyaa af Faransiiska Jabuut waxay xornimada ka qaadatay gumaysitihii Faransiiska sannadkii 1977-kii hataanna waxa loo diyaar garoobayaa dabaldegii sannadkii 31-naad ee ka soo wareegtay xilgaa ay xornimada qaadatay. Dalka Jibuuti waxa saldhigyo milatari oo ciiddamo ku suganyihiin ku leh wadamada Faransiiska iyo Maraykanka oo isagu wixii ka dambeeyey kadib qaraxyadii 11-kii September
ee sannadkii 2001-kii.


Markaad dhex joogto gudaha magaalo madaxda Jabuuti waxa indhahaagu qabanayaan dhismeyaal qadiim ah oo fac weyn, laakiin marka aad la shekeysato dadku waxay kuu sheegayaan inay dhismayaasha asal ahaan leeyihiin dad carab ah, taas oo aad ku dareemi karto in qowmiyadda carabtu tahay mid isir facweyn ku leh degnkaan Jibuuti.
 
Dalka Jibuuti xiligan waxa ka jira kuleyl aad u daran oo aan qofna awoodin inuu lug ku maro magaalada, wakhtigan oo sida caadiga ah xeebaha badda cas uu ka dhaco kuleyl farabadani.


Jabuuti waxa mara jidka tareenka isaga kala goosha Jibuuti iyo dalka Itoobiya, kaas oo ah marin muhim ah oo ay labada dal isaga gudbaan, iyadoo dalka Itoobiya oo aan deked lahayn badeecadda ugu badan ee uu ka soo dejisto dekadda Jabuuti ay jidkaasi u marto.


Dhismayaasha magaaladu waxay xiliyadii hore bilicdoodu ku taalay degaanka loo yaqaano Kuudka, iminkase waxay u muuqtaa mid ka siman oo la wada dhistaydaaro bilicsan oo dhaadheer. Dhanka gaadiidka intii aan joogay maan arag baabuur duug ah oo suuqa lagu wato runtii waxaan arakay noocyo casri ah.


Dhanka maciishada, cuntada la quutaa waa qaali marka loo eego Somaliland iyo Soomaaliyaba taasina waxa keenay lacagta doolarka oo lagu jaangooyey ta faranka Jabuuti. Raashinka iyo telfoonada ayaa mar aan suuqayada soo marmaray intii aan baayacayey iga yaabiyey qiimahooda la siisto marka loo eego Somaliland.


Dalka Jibuuti ayaa xiligan waxa lagu qiimayn karaa dalka keliya ee ugu ammaanka badan geeska Afrika taasina waxay keentay in ay u soo hayamaan dalxiisayaal ka kala yimi dunida daafaheeda, sidoo kale waxa u soo safra ganacasto ajaanib ah oo raba inay maalegin ku samaystaan, halkaas oo qaarkood ka samaysteen huteelo caalami ah. Delayta Cali oo ah muwaadin reer Jabuuti ah, ayaa ii sheegay inay qorshaha ugu jirto Jabuuti sannadka soo socda dal hodan ah.
 
Dhanka warbaahinta Jabuuti waxa ku leedahay hal idaacad iyo laba telefishan oo dawaladdu maamusho. Labada TV mid ayaa la hadla dadka dibdaha oo lagu baahiyaa Satalaydhka.

Dhanka maandooriyayaasha Jabuuti waxa dhalinta inta badani ay cabaan khamriga iyo biirka, kuwasi oo sida shaaha u yaalla baararka magaalada, laakiin waaxad moodaa in hoos u dhac ku yimi isticmaalka cunista Qaadka kadib markii dadku u leexday dhinaca maandooriyayaasha.

Shiine Cilmi Kaahin  -  SDWO News Desk - DJibouti

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE