SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Meydhaanka Taariikhda Soomaaliyeed 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

“Dorraad-jire shalay-jire,

  Doorka maanta noo jire,

  Dib-u-jire hadhow-jire,

  Ninba weel u daray baa,

  Deyn loogu leeyahay,”

 

Maansadii ‘Awrka Dooh ma lagu yidhi? ee Cabdi Iidaan Faarax,

 

QORMADII 16aad

Sidaas ayaan naloogu duur-xuli karin. Waa ayaan-darro marka uu qofka beni-aadamka ahi ka tallaabsado ama hilmaamoba wuxuu shalay soo amaray ama soo jiray. Idaacadda BBC-da waxa la furay 18/7/1957kii. Konton sannadood ayaa laga joogaa maanta. Kontonkaa iyo in badan oo ka horreysayba ummadda Soomaaliyeed waa ay soo jirtay. Somaliland Ingiriis ayaa gumeysan jiray. Wuxu tamar iyo taagba lahaa isaga oo intaas oo qalab ah oo BBC-du ku jirto adeegsanayay ayaa laga dhaqaajiyay Somaliland. 25/6/1960kii ayuu Philip Karl oo Ingiriiska Hargeysa uga madax ahaa, galabnimadii intuu calankii Ingiriiska oo la soo dejiyay gosha gashaday galabnimadii Jabuuti baabuur Land-Rover ah u raacay oo aanu Hargeysa u soo hoyan. Markaana BBC-du waa ay naga soo hor jeedday, waanu se ka adkaannay.

 

Halgan kale oo qadhaadh oo hubeysan ayaanu la gallay nidaamkii Maxamed Siyaad Barre. Halgankaas oo dad iyo duunyaba lagu hoobtay wuxu socday muddo toban sannadood ka badan. Ugu danbayntii iyada oo ay BBC-duna la jirtay dhinaca Maxamed Siyaad Barre oo dawlad ahaa, duhur cad ayaa kabo bir ah lala dul maray oo odeygiina xaggaa iyo Nayjeeriya naf-la-caarigii u daqaqamay wedkiina ku helay, Alla ha u naxariisto e’. Tobankaa sannadoodna BBC-du waxay la jirtay oo ay daafacaysay nidaamkii bahalka ahaa ee Siyaad Barre.

 

Maanta oo aanu u halgamayno dibudhis iyo geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo aanu Soomaali oo dhan horseed ugu nahay, mar kale ayay BBC-du naga soo hor jeeddaa oo ay weli na daba waddaa kuwii aanu kabaha birta la dul marnay oo hadba Cali Samatar iyo Ina Jaamac Barre wareysnaysaa oo aanay dhex noo ahayn ee dhinac u xaglinaysaa. Waxay u xaglinaysaa iyada oo ka tagtay dhammaan wixi qiyam iyo akhlaaq ay idaacad casriyi lahaan lahayd. Dhex-dhexaadnimadii iyo xaq-soorkii ayay lumisay. Run-sheeggii ayay ka tagtay. Dhinacyada is-haya in ay waqtigii u qaybiso ayay ka tagtay. Xisaabtankii iyo xalliibnaantii (accountability & transparency) ayay duhur cad ka dhaqaaqday. Eex-iyo naas-nuujin ayaa meherad u noqday. Sidaas oo ay tahay cid ay wax ka qaadi kartaa ma jirto. Hore ayaanay teello u dhigan, waa se maanta oo qalabkii war-baahintu dabarka goostay oo noocyadiisii ciiddaa ka bateen. Maxaanu telefishan iyo idaacado haysannaa……Maxaa Website-yo ah…..Maxaa Intenet ah….. Maxaa maxaya……Maxaa maxaya.

Bal 13/7/2007da eega. Waa Dooddii ku saabsanayd Kililka Shanaad ee dhex maraysay Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Soomaalida ee Itoobiya iyo dadkii dhegaysanayay. Saacad dhan ayay socotay. Yuusuf Garaad ayaa gadh-wadeen ka ahaa. Immisa baabuurr oo raran ayaa halkaa lagu gubay oo laga wada dheregsan yahay? Miyaan toddobaatan baabuur oo raran dab la qabadsiin? Ma hanti yar baa meesha ku shuf beeshay? Dadkii Dooddu dhex maraysay haddii ay soo qaadi waayeen, muxuu Yuusuf Garaad u weydiin waayay? Waxba yaanu weydiinne muxuu tilifoonnada uga qaban waayay kuwii hantidii lahaa ee doonayay in ay wax ka weydiiyaan? Bal Idaacaddaa daya? Waah..Waah….Waxaasaa Idaacad ah. 

 

18/7/2007da waa sannad-guuradii 50aad ee BBC-da. Haddii ay qiimo u leedahay Xaajigeennii Yuusuf Garaad iskuma lurine, wuxu inoo saaray tix maanso-booli ah oo Mustafe Sheekh Cilmi inta loo yeedhiyay qodobbada soo tiri lagu yidhi. Markaas ayaa innagana la inoogu sheegay in Mustafe BBC-da u hibeeyay. Car yaan foojarrada BBC-da laga waayin lacagtii Mustafe la siiyay oo aanay hibaynta iyo lacag-bixintu isa seegin. Galabtaa ma aan dhegaysan BBC-da oo Hadraawi oo maansooyinkiisii Hargeysa ku duubayay ayaan la joogay. Nin reer Hargeysa ah ayaa tilifoon ii soo diray oo ii sheegay maanso-ku-sheegga Mustafe Sheekh Cilmi, waxaanu iga ballan-qaaday in uu mid dhab ah ka dheegi doono. 9.00 saacadood ee habeennimo ayaan sugi kari waayay. Idaacaddii BBC-da ayaa soo gashay. Maanso-boolidii Mustafe ayaan dhegaystay. Ballaanka Ilaahay Saymihii Oktoobar iyo idaacadheedii ‘I dhegayso ama ha I dhegaysan’ ayaan soo xusuustay. Waxa madaxayga ku soo dhacay tuduc Hadraawi lahaa oo maansadii Daahyaley ku jiray oo ahaa:

 

“Gabaygaba ma ducashiyo,

  Dawarsaad ku keentaan,

  Mise dagan-ma-dhaaftiyo,

  Duul baad ka gadataan,

  Dhul dellegan ka soo xada,

  Mise luuq dahsoon iyo,

  Suuqa doqon-ma-garatiyo,

  Ku-dhacdaa ka dayataan,

  Marka geel dar loo horo,

  Diin maxaawgu heestaan,”

 

Akhriste, waan idin xiijiyayba e’ halkaa aan manta kaga soo hadho sida loo meydhaamo taariikhda Soomaaliyeed ee BBC-da iyo Yuusuf Garaadba ku can-baxeen. Maxay se ugu taallaa kol haddii indhaha iyo dheguhuba noo taagan yihiin, qalinku noo fiiqan yahay oo aanu marnaba af-beelin, website-yadu noo irmaan yihiin, waayeelkii iyo wax-garadkiina noo nool yihiin. Waxaan kaga baxayaa:

 

“Dufaanna waa weli,

 Hadday durugto sheekadu,”

 

Fiiro gaar ah:

 

Aan akhristayaasha ka codsado wixii tilmaan, war-gelin, dhalliil iyo toosinba ah in ay ii soo qoraan si aan Qormooyinka danbe intan uga sii hufo. Akhris wanaagsan.

 

Dhamaad

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com

 

 

Qormadii 15aad

Waa cabashadii dadweynuhu ka muujiyay nidaamkii musuq-maasuqa ahaa ee qabyaaladda iyo eexduba barriinsadeen ee horseeday ama ku soo dhaweeyay in Maxamed Siyaad Barre dal iyo dadba gacan bir ah ku qabto. Bal sawirkan u fiirsada Gurey oo xuduuddii jooga oo loogu yeedhayo laguna casumayo in uu dalka qabsado. Haddaba farshaxannimo, qoraal iyo wax-sheegba waa ka nee ma aha ka Yuusuf Garaad iidhehda beenta ah u samaynayo:

 

Wuxu yidhi:

 

“Goray baa ka ciyay meel,

 Gurayow war lagu sii,

 Gobannimadi waa halis,

 Geesku baylah weeyaan,

 

 “Kaalay gowrac neefkaa“,

 

“Gurigiina dadab ma leh,

 Laga guray wixii yiil,

 Dadkii waa la gaasiray,

 Lama gudin xilkoodii“,

 

“Goosaradihii qaar,

 Gurrac kuu ma dhiginaa?“

 

“Gabadhiina waa ugub,

 Iyaduna geyaankeed,

 Guumeys ka noqotoo,

 Guudkaa u daban weli,“

 

“Sarar gool wan shilisoo,

 Geedaysan hooyaa,“

 

“Goraygiina yaabyoo,

 Ka gur Qaafo buu yidhi,“

 

“Guray oo xuslinayoo,

 Baahi geylamaysiyo,

 Gabaddano eryaysaa,

 Gooddiga ka soo kuday,

 Gobaad leexadiisay,

 Meel dheer ka garatoo,

 Waa Gaal-la-jooggii,

 Yaradkiyo gabbatiga,

 Gudcur siiyay berigii,

 Waa ninkuu Gumeystuhu,

 Marka uu gabraar tago,

 Garanuugta celin jiray,

 Is-na soo galaydhyee,

 Iyadana talaw go’an,

 Haan bay garays iyo,

 Ganbo iyo hagoog iyo,

 Googgarad jacfaaniyo,

 Maryo dumar u geliso,

 Gunta iyo furkii bay,

 Xinne ugu guduuddoo,

 Waxay tidhi: ’Gedaan dheer,

 Ninka soo gurdamayaa,

 Gabadh dooni maayoo,

 Gogol looma fidiyee,

 Guushkiyo qadhaabkiyo,

 Gawska ugu roonow,

 Dhaxantana wax uga geli,

 Aniguna gadaashiyo,

 Guradaan ka baxayaa,

 Gurigiina waa kaa,’

 

 Geylankii xawaaraha,

 Gurmo- go’an xaskeediyo,

 Gubad raran leh soo jiidh,

 Dadkii qaar galaafaha,

 Gaaddada ku soo qaad,

 Ginbirkiina soo fuul,

 

 Yidhi yidhi Gobaad  yidhi,

 Gacan dhiig leh soo taag,

 La ye gooha soo reen,

 Haantiina kama gurin,

 

 Kol hadduu gabbood iyo,

 Goosarado caammiya,

 Is-la helay ninkii Gurey,

 Cidi lama gudboonee,

 Hanbadii ku gooraan,

 Gufarkii ku naalloo,

 Hadba goobo soo qaad,

 Ku gufee calooshii.“

 

Halkaas ayuu geeddigii saddexaan oo Gurey jile ka ahaana ku dhammaaday. Wixii ka danbeeyay waa hawl u taal halabuurka Soomaaliyeed intooda dareenka waddaninnimo solay.

 

 

(La soco...............................)

 

 

Qormadii: 14aad

Aan Cabdi Iidaan Faarax ku horreeyo oo wax aan badnayn ka soo qaato maansadiisii xilligaa ku beegnayd si ay tix-raac uga dhigtaan innamada buugaagta qorayaa. Wuxu yidhi:

“Ma waraabe dad-qaadiyo,

 Libaax diifi ku taallaan,

 Isku doorsanayaa,

 Ka dugaag ka dugaag,

 Ma daacuun ka tagoo,

 Fanto soo dalbo baa,

 Ninkaa diirka madow leh,

 E’ daartii Gaalka fadhiistay,

 Haddii anu ii damqanayn,

 Ma dan baa iga haysa,”

 

Cabdi Iidaan isaga oo maalin ka qedaynayay hudheelkii Tuyuub ayuu arkay Hashii Maandeeq oo candho weyn oo lagu hoos sawiray calankii Soomaaliyeed, markaasu la yaabay cidda dhereg iyo dheef ka heshay, markaas ayuu yidhi:

 

“Cadho legeddaydaa lagu sawiray, calanka hoostiisaa,

 Car yaa maalay oo loo lisaan, caawa leeyahaye,”

 

Macallinkii Qaasim sow kii lahaa:

 

“Is-ma doorin Gaalkaan diriyo, daarta kii galaye,

 Dusha midabka Soomaalidaad, dugulka mooddaaye,

 Misna laguma diirsado qalbiga, waa dirkii Karale,”

 

Mar kale Qaasim sow kii lahaa:

 

“Ma daddihin Rashiid maatadaan, daad-guree idhiye,

 Shicibkii daryeel weli ma helin, daacadda ahaaye,”

 

Bal Timacadde ka warrama markii uu lahaa:

 

“Ri’ dhashaaba la iskaga daraa, rubuca Jiilaale,

 Ma Riwaayad baa calanka sow, ruuxna kuma naaxo,”

 

Tixdiisa Buul-duqeed, sow kii mar kale ku yidhi:

 

“Shicibkii dagaalka u gala, daadsan suuqyada e’,

 Danbarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamaye,”

 

Aadan Carab sow kii lahaa:

 

“Maskab kama dhaxline wiilal baa, helay macaankiiye,

 Kun nin baa martabadii u hadhay, ama malluugtiiye,

 Inta kale mus ood laga rogtay, meerayaan dibade,”

 

Abwaankii waddaniga ahaa ee Cali Xuseen miyaanu odhan:

 

“Dhulkayaga kuwii qaybsadee, cunaya dheeftiisa,

 Aan shalay ka dhiidhiyay haddeer, yay dhergaan weli,”

 

Bal hadda maansadii taariikhiga ahayd ee Xaaji Aadan Af-qallooc aynu tuduc ka soo qaadanno:

 

Tallaabada mid gaalkii shabbaha, tegey ma liibaane,

Adigoo wuxuun tabanayoo, tegay halkuu joogo,

Kolkuu sida libaax raqi u taal, qoorta kor u taago,

Oo uu tayga luquntiisa sudhan, taabto faraqiisa,

Oo inaad addoonkiisa tahay, taana la ahaatay,

Oo aan dadkana taakulayn, calanna taageerin,

Oo inuu adduunyana tabcado, taa qudha u jeeda,

Iyana waa tabaalaha waqtiga, taynu aragnaaye,

Tu’ kaloo ka daran baa jirtee, taana bal aan sheego,

 

Maanta oo dhan haddii aynu wadno ka dhammaan meyno. Sidaas ayay Riwaayadahiina inoo dheer yihiin oo aan laga geyoonayn. Bal kuwa waxa sidaa u qoran is-leh maanta qora iyo ka iidhehda aan jirin u samaynaya ka warrama. Ka-daraa u magac-bixin.

 

III. Gurey: Saymihii Oktoobar

 

Waa Geeddigii saddexaad oo taladii dalka Gurey ayaa qori caaradii kula wareegay: Waa Saymihii Oktoobar:

 

“Dadkii soo gadaal noqoy,

 Hadba goosan soo biir,

 Higsi la isku soo gaadh,

 Gawraha duleedkii,

 Gacalkii isugu yimid,

 Golihii la weynee,

 Dhagxaan la isu soo guray,

 Shaxda loo garraaddee,

 Lagu guulyay meeshii,

 Sheekadu gabaabsiday

 Badh gataatigii ciir,

 Galaayuuska hibashada,

 Guuxa hoos-ka-tuurka leh,

 Gocoshada kor loo qaad,“

 

(La soco...............................)

 

 

 

Qormadii 13aad

Markii waagu guubaha,

 

 Iyo furay garayskii,

 

 Gaafkiyo xusuustii,

 

 Inta ubax guduutiyo,

 

 Duco lagu gunaanaday,

 

 Gaarriyow halyaygii,

 

 Hanbalyada la gaadhsii,

 

 Gacan-qaadka lagu dhaaf,

 

 

 

Markii ay farxaddii iyo dabbaal-deggii dadku intaa ka geysteen ayay ka tageen oo ka dareereen. Waa Gobaad iyo Gadh-wadeenkii loo xil-saaray. Si farshaxannimo iyo xarraogaba leh ayuu Hadraawi inoogu sawirayaa wixii dhacay ee Gobaad iyo ninkii loo xulay dhex maray.  Wuxu intaa raaciyay:

 

 

“Ka gadaalla Wiilkii,

 

 Intuu gaadh u diray qaar,

 

 Gargaraacyay aqalkii,

 

 Soo gal baana lagu yidhi”

 

 

Gadh-wadeenkii Beeshu xil-saaratay ayaa Ciidammadii u diray in ay Xuduudda ilaaliyaan oo ay cadowga ka hor tagaan, is-na aqalkii garaacay oo Gobaad hor tegay.

 

 

“Gobaad foolku ka hor yimii,

 

 Isha la isku galac sii,

 

 Garashaa fogeysoo,

 

 Gabadhuba ma heellana,

 

 Wejigeeda guul iyo,

 

 Gacaltooyo kuma taal,

 

 

 

Hadda waa markiiba iyada oo aanay dabbaal-degyadii dhammaanin oo weli riyaaqii iyo rayn-rayntii lagu jiro. Muxuu sameeyay Gadh-wadeenkii Beeshu xulatay. Bal aan daalacanno wixii dhacay:

 

 

Gacan qaawan soo fiiq,

 

“Kaa geysan”, bay tidhi,

 

 

Xiisihii ka gaaggaxay,

 

Hogashada gandoodkii,

 

Soo laabtay goroddii,

 

Isaguna guhaaddiyo,

 

Guul-guulka ka hor yimid,

 

Gabbashada is-weyddii,

 

 

Waxay tidhi: “Guntiga xidho,”

 

“Go’a iga fur”, buu yidhi,

 

 

Gudin iyo hangool iyo,

 

Garab-qaad is-weheshay,

 

Tidhi: “Qabo Guddoonshow”,

 

 

“Gogol” buu ku yidhi: “keen”,

 

“Ganbadh” bay ku tidhi:”Hoo”,

 

 

Gar-gariirka lahashada,

 

Cabashada is-gabangabi,

 

Milliqsiga galaa-bixi,

 

Durba gaajo soo qaad,

 

 

Dib u guratay Joog-dheer,

 

Eeg-eegtay gurigii,

 

Gudur meel halkana yaal,

 

Iyo gocay hadoodilan,

 

Ugu geysay meeshii,

 

“Gurracow” ku tidhi: “Hoo”,

 

Isaguna “Guddoon”: yidhi,

 

 

Baahiduu la golongolay,

 

Gunnadii xujaysnayd,

 

Markii uu gondaa dhigay,

 

Galladii ku rayray,

 

Hadduu guur xil leeyahay,

 

Gabadhiiba kuma lurin,

 

Kaba goosay hadalkii,”

 

 

Halkaas ayuu ku dhammaanayaa Geeddigii labaad iyo Gurrac oo aan gabadhiiba danaynin. Waa Gobannimadii oo baylah noqotay gawsna la dhaafsaday. Wixii Guddoonshe loo xulay guurka Gobaad ee gudin iyo gaashaan-qaad is-weheshaba loo dhiibay, midna iskuma lurin xilkeedii. Mar kale ayay dadkii quus iyo hungoba dareemeen, waxaana xigay suugaantii laga tiray iyo sidii dadku u cabbiray wixii dhacay sannadahaa.

 

 

Ma suugaan baa…..Ma heesaa…..Ma riwaayadaa…..Maxaa keyd noo duugan e hadba mid cidifka la soo jiidanayaa. Waa durdur aan gudhayne bal aan godollo idiin ka soo naqo:

 

 

 

Qormadii: 12aad

 

 

 Gudcur baa haddana yidhi,

 Waxaad goobta keenteen,

 Magtii Giibba maahee,

 Gashigii badh baa hadhay,

 

 Hasha gabanku maaliyo,

 Gaadiidka Beeshiyo,

 Geyigiyo dhulkoo idil,

 Waxa geelal joogiyo,

 Inta gorod madowliyo,

 Geesleyda soo tuba,

 

 Iyadoon la kala gurin,

 Hanti oo dhan loo gee,

 Lagu yidhi guddoon hoo,

 Inantii ma gadan tahay?

 

“Yaa is-gaadhay”, buu yidhi,

 Googaradaha dumarkiyo,

 Waxa aad go’ haysaan,

 Iyo goo-go’ lacageed,

 Iska soo guru yidhi,

 

 Guryihii la baadh-baadh,

 Guntintii danbaysiyo,

 Kawlkiina loo gee,

 

Kawlku wuxu ahaa wax la dhigo oo la keydiyo oo cunto ah inta ugu danbaysa, sida ay iigu macneeyeen intii aan aqoonta biday.

 

Gudcur weli ma qancin oo ma helin wuxu gabadhii Gobaad ee la weydiistay ku beddesho ama kaga samroba. Dalabkiisii ayuu weli sii wadaa,

 

 Gudcur baa haddana yidhi:

“Xinjir gaatamaysiyo,

 Cadraddiyo gashaantida,

 Inta wiil gantaashiyo,

 Gaashaanka hanatiyo,

 Ordoo geesigiinniyo,

 Gaaridiinna labadaba,

 Goobtan keena” buu yidhi,

 

Codsigaana loo gee,

Wuxu yidhi guddoonsaday,

Gabadhiina waa taa,”

 

Waxa halkan ka bilaabmaya dabbal-degyadii iyo damaashaadkii loogu ciyaarayay xornimada iyo madax-bannaanida la gaadhay. Ciyaarihii hiddaha iyo dhaqanka, maansooyin iyo heeso lama kala reebin ee mowjado ayaa la soo rogay. Mustaqbal iyo ididiilo san ayaa lagu wada naallooday. Maandeeq oo mataanaysay oo gaawaha loo wada cushay iyo togag malab ah oo soo rogmaday ayaa lagu wada riyooday oo halkan la soo wada dhigtay.

 

II. Gurrac iyo geddiisii:

 

Waa Geeddigii labaad iyo Gurrac oo talada dalka la wareegay markii gumeysigii tegay. Waa 1960kii markii gobannimada la hantiyay ee labadii gobol la isku daray. Intan Gudcur la guddoonsiiyay waa qiimihii gobannimada oo dad noolina ku jiray. Soo hoyatay Maandeeq, Gobaadna gacanta lagu dhig. Damaashaad iyo mashxarad baa xigay. Bal hadda aynu eegno sida Hadraawi u sawiray. Wuxu yidhi:

 

“Guul Allaa la wada yidhi,

 Gaaridii la soo hooy,

 Geesigiina loo door,

 Guurkeeda hanan laa,

 Gobolkana xilkiisiyo,

 Geeddigiisa koowaad,

 Gadh-wadeen ka noqon laa,

 

Waa dabbaal-degyadii lagu muuneeyay labadii maalmood ee 26kii Juun iyo 1dii Juulay 1960kii. Waxa la doortay hoggaankii dalka iyo dadkaba xilkooda gudan lahaa. Maxaa haddaba dhacay? Bal hadda sawirkan quruxda badanna ka bogta.

 

“Golihii la dheehee,

 Harrarrada la goobiyo,

 Googgooska lagu xidhay,

 Gelbiskii rugtii yimi,

 Gurxankiyo mashxaraddii,

 Dadku gooli-baadhkii,

 Gumucyada rasaasta ah,

 Sida galayax loo tuur,

 Is-na goobta quruxda leh,

 Hadba gees u daymoo,

 Guurtidii isugu timid,

 Mahad-celin ku gaal-gaal,

 

(La soco………………..)

 

 

Qormadii 11aad

Kol haddaan gunaanadkii iyo gebo-gebadii u qalin-qaatay aan tiraabta ama hadalka idin ka baandheeyo oo aan tix ama hawraarba idiin ku soo xidho. Isku iidaanta labadaba.

 

Dadka qaarkii waxay la tahay in immika la qorayo wixii Soomaali soo maray. Xaasha! Waa wax hore u qormay. Nin maan-gaaban ayay se la tahay in dadka la duufsan karo oo guul-darrooyinkoodiina guulo loogu rogo karo, intii hagratay ee halgaaddayna geesiyaal looga dhigo karo.

 

Dhici meyso taasi. Dhaar baa ka taal oo waa kii Hadraawi Maansadiisii Daalacan

Ku lahaa:

 

“Durbaankay tun-tumayaan,

 Dawankaynu sidannaa,

 Sida danab u baabi’in,”

 

Bal aynu daalacanno Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame oo loo yaqaanno Hadraawi sida quruxda iyo farshaxannimada leh ee uu u sawirayo saddex xilli oo ay soo martay ummadda Soomaaliyeed eek ala ahaa:

 

Ilaa 1960kii: Gudcur baa arlada jira, Gumeysigii,

1960Kii-1969kii: Gurrac iyo Geddisii, Musuq-maasuqii

1969Kii-1991kii: Gurey, Saymihii Oktoobar

 

Waa buugagta noo qoran ee noo duuban ee aanu sidii surradda aqalka inta aanu furfruno qori doonno maanta iyo berriba.

 

Saddexdan xilli waxaan u cuskanayaa oo aan soo xiganayaa qaybo ka mid ah Maansadii Gol-Janno ee Hadraawi oo si aan la qiyaasi karin saddexdaa marxaladood sawir ma-guuraan ah oo aan tuugna xadi karin uga bixinaysa:

 

Gudcur baa arlada jira: Xilligii Gumeysiga

 

Waa Geeddigii koowaad: Waa markii Gudcur oo Gumeysigii ahaa talada hayay:

 

Wuxu yidhi:

 

“Gudcur baa arlada jira,

 Gogoshaa la jiifaa,

 Gama’ waa la maqan yahay,

 Goonyaha cabaad iyo,

 Gurxan baa ka baxayoo,

 Reerihii badh baa guday,

 In la guuro weeyaan,

 Gaadiid ma leylyana,

 Gadh-wadeenka Beeshuna,

 Gabadh buu ku xidhan yahay,

 Iyaduna Galbeed iyo,

 Dhul fog bay go’doonkiyo,

 Gocashada ku joogtaa,

 Waqti waa is-gurayaa,”

 

Gumeysi ayaa lagu jiraa. Soomaalidii waa ay huruddaa, laakiin dalalkii kale qaylo iyo sawaxan ayaa ka baxaya oo halgan ayaa ka socda. Afrika badh ayaa xorowday, in Soomaalida lagu darona waa loo baahan yahay in kasta oo ay baylah badani jirtay. Halabuurku halkan gabadh ayuu ka dhigayaa Gobannimadii. Waxa bilaabmaya dhaqdhaqaaqii gobannimo-doonka, wuxu yidhi:

 

“Goor danboo xisaabtii,

 Gebo-gebo ku dhowdahay,

 Ayaa Gaarriyow qaar,

 Gabrantii dayesnayd,

 Garaadkii ku soo degay,

 Talo la isu gee-gee,

 Dadku hawlo gaaxdiyo,

 Gale baadi-doonkii,

 Gudcur la isla soo tag,

 Gabadhii la weydii,

 

 ‘Geedka aan tagnuu’: yidhi,

 

 Garta jilibka loo lab,

 Hadalkiina gu’I waa,”

 

Waxa lala garramayaa Gumeysigii oo gobannimadii oo gabadh ku suntan la weydiisanayaa. Waa gar-naqsigii iyo halgankii shacbiga ahaa ee dal iyo dadba lagu xoreeyay.

 

Wuxu Hadraawi intaa ku daray:

 

“Gudcur baanihiisii,

 Markuu soo gunaanaday,

 ‘Guunyo keena’: buu yidhi,

 

 Guclo orod la soo roor,

 Goolal soocan loo miidh,

 Ahminkiina loo gee,

 

 

 

QORMADII 10aad

 

Cali Sugulle miyaanu odhan:

 

“Af-qalaad aqoontu miyaa,

 Maya maya,

 Maahee af-qalaad aqoontu miyaa,

 Maya maya,

 Maahee waa intuu qofba Eebe geshaa,

 Ayay nala tahay annagee,

 Ma og tahay,

 Dib looma abuuro dadkee,”

 

 Aqoonta miyaa la soo ergistaa,

 Aqoonta miyaa la iibsan karaa,

 Mayee waa intuu qofba Eebbe geshaa,”

 

Miyay illoobeen markii Cali Sugulle dal iyo dadba u yaabay ee uu lahaa:

 

“Ma hadhin ma hadhin,

 Hadal la is-yidhaahdaayee,

 Hubsiimo hal baa la siistaa,”

 

Miyay illoobeen hadaaqii shacbiga markii uu maamulkii xilliyadaa jiray la amabaday ee if iyo aakhiroba la seejiyay ee musuqa iyo qabyaaladda lagu beeray:

 

“Dhagax iyo dab,

 La iskuma dhuftee,

 Kala dhowraay,

 Wax ka dhigan,

 Gobannimada Qabiil dhex galee,

 Kala dhowraay,

 Kala dheer labaduye,

 Kala dhowraay,

 Ways dhinac wadnaa,

 Kala dhowraay,”

 

Midina waa Ilmo Ismaaciil Samatar iyo Yuusuf Garaad sirta ka dhexeysa:

 

Sirta ka dhexeysa oo keliya ma aha e’, waa ta kelliftay in uu Yuusuf Garaad BBC-da abaal-gud iyo cawil-naqba u siiyo Ilmo Ismaaciil Samatar. Eedda iyagu ma laha ee waa mid isaga u gaar ah, waayo qof waliba Idaacad uu iska yeesho oo uu ka daldalmo hadduu helayo ma diideen.

 

Maxay haddaba Yuusuf Garaad iyo innmadu ku heshiiyeen? Waxba sheekada idin ku dheerayn maayo e’ sidii aan u maqlay ee aan weliba looga-qaateen uga war-qaatay aan idiin mariyo. Sannadkii 2000 ayaa Yuusuf Garaad ay dacwad ku soo oogeen dad badan oo ay BBC-da ka wada shaqayn jireen. Ilaa dhowr iyo toban ayaa la sheegayaa. Waa la isu hub urursaday oo looyarro ayaa la isu qabsaday. Gar-cadaawe ayaa la naqsaday. Looyarrada ka-sokow, labadii dhinac ee is-hayay waxay soo kiraysteen aqoonyahanno ama xeel-dheerayaal daafaca. Yuusuf Garaad waxa lagu eedaynayay in uu shaqaale ku qoray qaarna ku eryay hab qabyaaladeed oo eex iyo naas-nuujin daarran. Yuusuf Garaad iyo xertiisa waxa daafacyay Cabdi Ismaaciil Samatar, dhinaca kalena xeel-dheeraha Ingiriiska ah ee la yidhaahdo I. M. Lewis. Maa daamaa eedayntu ahayd eex-qabyaaladeed, labadan xeel-dheere waxa loo igmaday in ay caddeeyaan in arrintaasi dhaqanka Soomaalida ay ku jirto. I. M. Lewis sidii ay ahayd ayuu u sheegay in Soomaalidu waxyaabaha caynkaas ah ku dhaqanto. Cabdi Ismaaciil Samatar oo dooddiisii xeer-beegtidii garta naqaysay qaadatay, ayay dooddiisu ku salaysnayd in aanay Soomaalidu qabyaalad waxba isku yeelin oo ay tahay ummad isku af ah, dhaqan ah, diin ah iyo waxyaabo kale oo la mid ah. Dacwaddan oo eed aad u culays badan ahayd oo mustaqbalka iyo nolosha Yuusuf Garaad saamaynteeda ku yeelan lahayd sidaa ayay ku jabtay.

 

Yuusuf Garaad, waa nin wanaagsan oo abaalka celiya e’, wuxu damcay in uu ninkii Cabdi Ismaaciil Samatar hiilkaa aan la malayn karin uga mahad-celiyo. Arrinkii abaal-celinta ayuu rog-rogay. Run ahaantiina abaal-celintu waa ay kala qiimo badan tahay. Waxa ugu mudan in aad naftaada u hurto qof geeri kaa badbaadiyay. Abaal-celinta labaad waa in aad waqti u hurto qof wax ku taray. Ta hantidu waa licib saqiir iyo waxaan sakaaro ka biirsan. Yuusuf Garaad wuxu go’aan ku gaadhay in uu abaalkii ku celiyo waqti, bal se waqtigu uu noqdo mid aanu lahayn. Sidaa darteed ayuu waqtigii BBC-da iyo dhegeheennii intuu isku darsaday Ilmo Ismaaciil Samatar gunno joogto ah uga dhigay. Horto inta dhacday waa intaas marka aan idiin soo koobo. Dhagarta iyo eedda Yuusuf Garaad laga badbaadiyay inta ay le’eg tahay waxa marag cad u ah abaalka uu huray inta uu le’eg yahay. In wax weyn laga badbaadiyayna waxa idiin sii caddayn doonta inta uu sii wado Ilmo Ismaaciil Samatarkaa uu inagu qasbayo ee aynu ka khatownay. Geesna waa ay ka fiican tahayoo haddii aad ka bixi weydo war-baahinta, aakhirka qudhunkaaga ayaa loo dhaadhaacaayoo dadkuna wuu ku bartaa. Sidaa darteed, saaxiibkay Yuusuf Garaad waxaan ku leeyahay: “Iska soo mar waa kuu bannaan, marinkaad doontaaye.” Labada ta aad yeeshaaba kuu daran. Haddaad ka joojisana isa seegte saaxiibbadaa, haddaad sii waddana lagugu baray iyagana lagu baray. Adaa doorashada iska leh, annagana waa iskugu kaayo mid. Innammada aan abtiga u ahay waxba ma aad tarine iyaga iyo dadkii uun baad isku dirtay. Ka dabbaalo waa bade. Intaana aan mowduucaa ka idhaahdo.

 

 

(La soco……………..)

 

 

 

QORMADII 9aad

Maantana waxaan leeyahay:

 

  1. Midi waa BBC-da iyo Dooddii Jimcihii 15kii juun 2007da,
  2. Midina waa Yuusuf Garaad iyo Ilmo Ismaaciil Samatar sirta ka dhexaysa,
  3. Midina waa gebo-gebada sheekada iyo guunaanadkayga,

Mid waxaan ka idhi BBC-da iyo Dooddii Jimcihii 15kii Juun ee 2007da:

Cabdi iidaan Faarax maanso uu lahaa oo Deelleeydii ah haddaan tuduc ka soo qaato, wuxu leeyahay:

 

“Doontaba an raacnee,

  Damacdaba an yeellee,”

 

Qormadii: 9aad

 

Aan Tixdii Neylo-jaliye idiin soo qabto, waxaanu Qaasim yidhi:

 

 “Niyad baan u ledayaa hurdada, Naasir Naxaroowe,

  Nabdigaan ka soo jeedi jiray, noogayoo dhacaye,

  Nasashada darteed baad indhaha, nadarka yaabtaaye,

  Naxligii calooshiyo bogsade, nabarradeediiye,

  Naxariistu waa naca kufriga, nidar-galkiisiiye,

  Neecaw qabow iyo dabeyl, naafaclaa timiye,

  Nabad iyo naq roob baa beddelay, Neylo-jaliyiiye,

  Nacabkii Ilaah nooga ree, naaqiska ahaaye,

  Nudaygiyo naftii daashanayd, nololi waw koowe,

  Naxdinta iyo tiiraanyadii, waan ka neefsadaye,

  Nawriishkan maanta ah waxaan, naadiyaan helaye,

  Niibtii xareed baa ka timid, naannida ahayde,

  Naaf-dhaladka Dirirkii ahaa, nuurki soo celiye,

  Nasiib baanu leenahay haddaan, Aadan soo noqonne,

  Nuux-nuuxsigii Ina catoosh, nugul ka soo doogye,

  Nitaakhadii na gaadhiyo lugtii, nalaga naafeeyay,

  Nacalla-qabihii wuxu na baday, waa ka nool nahaye,

  Nabsigii wax badan loo dhursugay, nacasti soo gaadhye,

  Noolaatay ididiiladii, naxashka saarrayde,

  Nooleba mar uun buu samaan, nacam yidhaahdaaye,

  Kol haddii ninkii geyay kursiga, nabadgelyo u fuulay,

  Nimcada iyo sow mahad-naquun, lagu nagaan maayo.”

 

Qaasim naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, miyaanu 54 jeer adeegsan xarafka Na’ oo aanay mid kastaaba sideeda Geeddi (chapter) u noqonayn. Ma waxay moodayaan in aanu immika wax curinayno, sow annaga wixiiba noo ma sii yaallaan oo furfurid uun ma aha arrinkayagu. Alleylehe, dhallaaxda ayuu qaaday. Bartaana waa ay ku dilan yihiin.

 

Markii uu Macallin Qaasim sidaa lahaa, Laashinkii Abgaal ee Muqdisho Shiribka ka dheelayna waa kii lahaa ama ku shirbayba:

 

“Mar waa Rashiid,

  Mar waa Rasaaq,

  Raggaa kale,

  Ma Rootiyaa,”

 

Af jilicsan haddii aan idiin ku sheego, Laashinkan Abgaal ee shirbay wuxu leeyahay: “Cabdirashiid iyo Cabdirasaaq mooyane, ragga kale ma xaabaa miyaanay xil qaadi karin.” Waana gar.

 

Dooddan BBC-da markii aan dhegaystay Jimcihii 15kii Juun 2007da, Sabtidii 16kii Juun ayaan bilaabay in aan wax qoro. Falaadkii iyo cadhadii inta ay ilaa fogaadeen ayaan 160 Bog oo A4 ah ka daabacay. A5 markii aan u rogay ilaa 300 oo Bog ayay gaadheen. Intan aan idiin soo qoray waa mullaax aan qormadaa ballaadhan idiin ka soo diiray. Waxaan is-idhi xiisaha mowduucu inta aanu dhammayn beer yar oo ay qedada ku sii sugaan u sii dub kuruskana ugu jar-jar geedihiina waan idiin ku daadiyay. Miyeydaan isku goosan. Dhallinta “Ice-cream” badhax isku daadsan ah aan uga dhigo markooda. Wixii halkaa ku qornaa oo dhan soo gudbin kari maayo immika e’, bal iyada oo kooban iga guddooma.

 

Aadan Cabdille Cismaan markii Madaxweynaha loo doortay, wuxu Ra’iisal-wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Markii uu xukuumaddiisa soo dhisayay, Cabdirashiid wuxu Wasiirka Arrimaha Gudaha u magacaabay Cabdirasaaq Xaaji Xuseen oo ay isku reer yihiin. Cabdirasaaqna markii uu xilalka wasaaraddiisa buuxinayay Maxamed Abshir Muuse oo xaaska Aadan Cadde eddo u tahay isna ay isku qolo yihiin wuxu u magacaabay Taliyaha Ciidammada Booliska Soomaaliyeed. Daahir Dhega-weyne oo ay isku reer yihiinna wuxu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Raiisal-wasaarihii dhammaa ee Jamhuuriyaddii Somalilandna Wasiir baa loo quudhay. Sidaa ayuu xaalku iska ahaa. Nidaamka caynkaas ah ee ballaysimay musuqii iyo boobkii dalka ka dhacay ee ku dhiirri-geliyay in uu Siyaad Barre qori caaradii taladii dalka ku maroorsado ayaa Nelson iyo Nebi maanta la idiin ku sheegayaa. Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa: “Alif bilow kaaga xumaaday Al-baqra ayuu kula gaadhaa.”

 

Shinnida (abuurka) kala-go’a Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed maalintaas ayaa la beeray, kuwii gumeysiga ku hoos jirayna ugu soo dhiirran waayeen. Nidaamka la idiin ammaanayaa waa kaas annaga oo aan ka tegayn in aanu sheegno wuxu ku wanaagsanaa, haddii laga tegi waayo. Lammaanka Ilmo Ismaaciil Samatar iyo inanka iidhehda u samaynaya ee leh: “Buugaag baa la qorayaa,” waxaanu leenahay: “Ha beenaan”. Annagu waxba qori meynno e’ kuwii maalmahaa la qoray ayaanu boodhka ka tumi doonnaa oo suugaan ah. Maxaa hees iyo maanso…..maxaa riwaayado….Maad iyo Murugo….Dhagar iyo Dhiillo noo keydsan. Cali Sugulle oo keliya ayaa Toddoba Riwaayadood muddadaa ka tiriyay oo ay wada duuban yihiin, halkudheeggoodii yaallaa oo isagiina noo nool yahay. Dib ayaanu carruurta u xafidsiin oo aanu u jili doonnaa. Bal ka warrama.

 

Miyay illoobeen halkudhegyadii halhayska noqday ee ay ka midka ahaayeen:

 

“Af-qalaad aqoontu miyaa,

 Maya maya,

 Maahee af-qalaad aqoontu miyaa,

 Maya maya,

 Maahee waa intuu qofba Eebe geshaa,

 

(La soco………………..)

 

 

Qormadii 8aad

Taa Yuusuf Garaad iyo Ilmo Ismaaciil Samatar ayaan raacayaaye bal aynu Na’-daba higgaaddooda ka raacno. Cabdi Ismaaciil ayaa ku horreeyay oo laga hayaa waa Nelson Mandela. Axmed Ismaaciil ayaa ku xigay oo isna laga hayaa waa Nebi. Yuusuf Garaadna jiibta iyo jaantaba wuu u hayay oo codkoodii ayuu mowjadaha dhaadheer ee BBC-da inoo soo raaciyay innaga oo warar kale uga fadhinay.

 

Aadan Cabdille Cismaan, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo, eheladiisiina samir iyo iimaan ha ka siiyo. Aadan Cadde annagu luxudka ka toosin meynno, waxa se eedda oo dhan qaadaya cidda ka soo toosisa ee isku dayda in ay maanta taariikhda Soomaaliyeed dib u qorto. Aadan Cadde ixtiraam iyo xaq-dhowr ayaanu u haynaa aanay cidina u hayn, haddii se ay damcaan niman xajiimaysani in ay isku xoqaan, isaga iyo nasiibkii. Mas’uuliyaddaa annagu qaadi meynno ee waxa iska leh Ilmo Ismaaciil Samatar iyo BBC-da ka baayac-mushtaraynaysa magaciisa. Waxa eedda qaadaya Yuusuf Garaadka moodaya in uu magac u samaynayo ee magaciisa dhulka jiid-jiidaya. Xataa meytidii Soomaali ugu magaca iyo maammuska roonayd ayaa ka baxsan la’.

 

Aadan Cabdille Cismaan wuxu ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee Askartii la eeday ka hoorraysay. Wuxu xilka madaxweynenimo hayay 1961dii ilaa 1967kii. Muddadaa uu xilka hayay 1961kii ilaa 1964kii Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa Ra’iisal-wasaare ahaa. 1964kii ilaa 1967kiina Cabdirasaaq Xaaji Xuseen ayaa Ra’iisal-wasaare ahaa. Muddadaa lixda sannadood ah wixii wanaag iyo xumaan Soomaali ku habsaday isaga iyo nimaankaa uu xil saaray ayaa mas’uul ka ah. Aadan Cadde ammaan uu lahaa laga deedafeyn maayo, eed uu lahaana laga dul qaadi maayo. Maanta ayay hadlayaan Ilmo Ismaaciil Samatar iyo Yuusuf Garaadba e’ oo ay afartan sannadood ka dib doonayaan in ay taariikh qorantay meydhaamaane, afartan sannadood ka hor wixii la qoray ma eegnaa. 1967kii markii Aadan Cabdille Cismaan ku guulaysan waayay doorashadii labaad ee Madaxweynennimada wixii la qoray ama la tiriyay dib ma u eegnaa. Waynu ku qasban nahay. Tooda uun la akhriyi maayee, taayadana waa la akhriyayaa oo weliba waanu ka badsan doonnaa maxaa yeelay annagu runta ayaanu ku taagan nahay. Nin neceb iyo nin jeceliba ha akhriyaan, Reer Aadan Caddena raalli ha iska ahaadaan odeyga annagu luxudka kama aanu soo toosinne, rag dan leh oo magaciisa is-mar-marinaya ayaa soo toosiyaye. Aan idhaado: “Shalaa dhalateene, waa la shubi jiray.”

 

Marka hore Aadan Cabdille Cismaan wanaag iyo xumaan wiixii uu la yimidba wuu iska yeelanayaa, ammaanta Aadan Caddena sida ay nala tahay halkaa kuma jirto e’, waxay ku jirtaa in aanu siyaasad Soomaaliyeed dib u gelin markuu xilka ka tegay. Halka uu xishamadda, xaq-dhowrka iyo xarragadaba ku leeyahay waa halkan. !961kii wuxu isla sharraxay Sheekh Cali Jimcaale oo uu hal cod kaga adkaaday. Sheekh Cali Jimcaale intuu hanbalyeeyay ayuu albaabka ka baxay. Cidi kuma ammaanto. Aadan Cadde 1967kii hal cod ayaa lagaga helay. Waxa lagu ammaanaa xilkii ayuu wareejiyay. Maxaa loogu ammaanayaa ee Sheekh Cali Jimcaale loogu ammaani waayay. Waxaanu leenahay Aadan Cadde sidii dastuurku farayay ayuu yeelay, waajib-gudashadana la iskuma ammaano. Muxuu samayn lahaa ee kale. Dagaal sokeeye ma ridi karayn. Inqilaab ma dhigi karayn oo bilayskana qoladii Madaxweynennimada ku guulaysatay ayaa haysatay, millaterigana Maxamed Siyaad Barre oo markaaba inqilaabkiisii 1969kii diyaarinayay.

 

Caalimkii weynaa ee murti-dhaadhiga ahaa ee Axmed Ismaaciil oo si aan kuwa hore loogu khaldin Diiriye iyo Qaasinba u dheeraayeen oo mala-awaalka iyo oddoroska aan lagula tartami jirin ayaa sii dareemay in taariikh booli ah la qori doono oo weliba Na’da laga unki doono. Wuu sii ogaa in saddexankani iyaga oo Na’da  ku hal-qabsanaya oo Nelson iyo Nebiba  ka faashanayaa ay isku deyi doonaan in ay meydhaamaan taariikhda Soomaaliyeed. Markaasuu ka sii hor degay oo Na’dan ay afartanka sannadood ka dib nafta moodeen ka tidcay maanso xariir ah oo mullaax galool laga soohay oo aanu maan-gaabku nuxurkeeda garan karin. Wuxu tiriyay maansada la baxday Neylo-jaliye. Waa 1967kii. Bal ka warrama ninka oddoroska iyo mala-awaalka intaa le’eg lahaa, ee aanay weliba markaas oo keliya ahayn. Ma waxay moodayaan in carruurtayadu aanay dhaxal haysan oo aanay waxba u qornayn. Xaalku waa dhuxul danbas huwan ee maan-gaab iyo nin liitiya oo dubur hawd ka xulay ayaa moodaya in aanay waxba noo duugnayn. Kaaga-daranta sow haddana wixii ma wada qorna ama wada duubna oo hadba mid cidhifka la soo jiidan maayo. Aadan Cadde isaga oo nool ayuu tixdan maqlay oo kama dabo-geynayno. Isaga iyo Cabdirasaaq oo tixdan ku magacaaban Ina Catoosh waa ay ogaayeen. Xan kuma aha. Sidaa ha loo ogaado, waana la isu Na’ tirsanayaaye, bal waa cidda nagaga badisa.

 

Aan Tixdii Neylo-jaliye idiin soo qabto, waxaanu Qaasim yidhi:

 

 

 

 

Qormadii 7aad

 

Aniga oo idiin soo koobaya, Aadan Nuux Dhuulle ayaan E-mail u diray. Waxa ii xigay Axmed Xasan Cawke oo aan tilifoon kula hadlay oo ii sheegay in uu arrintaa Aadan Nuux Dhuulle kala hadli doono.

 

Mar labaad ayaan Aadan Nuux Dhuulle E-mail u diray in kasta oo uu fasax ku maqnaa. Waxba yaan hadalka idinku daallinne, aakhirkii Yuusuf Garaad ayaan la hadlay waxna kama suuro-gelin in kasta oo uu tilifoonkaygii iga qortay oo uu iga ballan-qaaday in uu ila soo hadli doono. 

 

Marka hore inta aanan dulucda qormadaydan u gelin, laba halba aan idhaahdo: Hal waxaan ka leeyahay wareysigii Cabdiraxmaan Jaamac Barre, halna waxaan ugu marag-furayaa Maxamed Cabdi Gabboose oo si mowduuciya (objective) ah arrimihii uu soo qaaday uga hadlay.

 

Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxaan ku leeyahay: “Wada-hadallo ay SNM ku gacan-saydhay ma jirin.” Intii aan SNM ka tirsanaa waxaan ku jiray hay’adaheeda hoggaaminta, marka aanan hay’adaha hoggaaminta ee SNM ku jirinna, waan ka ag dhawaa. Arrintaasi mid marna gole timid ma ahayn. Cabdiraxmaan Jaamac Barre wuu is-moodsiiyay in uu SNM la xidhiidhaye, waxay u badan tahay in uu arrintaa kala hadlay niman Isaaq ah oo Xamar la joogay. Cabdiraxmaan se wuxu mooggan yahay in aanu Isaaqu SNM wada ahayn. Ha u bateene, SNM ma wada ahayn ayaa lagaa yidhi.

 

Dr. Gabboose wuxu wareysigiisii BBC-da ku sheegay in Siyaad Barre gobolladii woqooyiga u soo ambo-baxay si uu indhihiisa ugu soo arko ka dibna ku tallaabsado sidii uu maamulkiisa wax uga beddeli lahaa. Sidaa ayuu Jabuuti ku yimid 1987kii. Mengistu Xayle Mariam ayay is-arkeen. Kulankaa dabadii, Gabboose wuxu inoo sheegay in Siyaad Barre ciddiyo libaax yeeshay oo aanu ahayn kii Xamar ka yimid, bal se talo kale oo aar-goosi ahi ku dhalatay. Dr. Gabboose waxaan ugu marag-furayaa warar ay I siiyeen odayaasha Reer Gebilay mar ay Siyaad Barre oo jidka soo maray halkaa kula kulmeen. Waxaan soo xiganayaa war-galeenkii looga-qaateenka ahaa ee Chief Caaqil Maxamed Ibraahin Khaliif, naxariistii Janno Ilaahay ha siiyee. Maxamed Ibraahin Khaliif wuxu ii sheegay in uu Siyaad Barre ku yidhi: “Waxaan jeclaan lahaa in maanta cimrigayga labaatan sannadood dib la ii celiyo.” Markii ay sababta weydiiyeenna wuxu ugu jawaabay: “Waxaan u joogi lahaa waxaanu rag kala yeello.” SNM ayuu u jeeday. Siyaad Barre wuxu aamminay haddii uu Mengistu la heshiiyo oo SNM meesha ka baxdo in uu cid walba ka adkaanayo. Sidii uu Dr. Gabboose sheegayna Siyaad Barre waan-waantii uu Muqdisho kala yimid wuu ka digo-rogtay oo aar-goosi iyo cadaawad ayuu u beddeshay.

 

 

 

 

Waa halkii Hadraawiye, arartan aan ku soo xidho:

 

“Aafrtaa xan durugtiyo,

 Danni jira wax-sheeggii,”

 

Docda kale aan u soo noqdo qormadaydii aan qalinka u holladay. Intaasi haddii ay dhacday ayay ila noqotay in aan si kooban wax uga qoro Heshiiskii aan taabbo-galka noqon ee dhex maray Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariam 1988kii. Sida aan aamminsanahay ma ahayn Heshiis laba dal iyo laba dad dhex maray, wuxu se ahaa Heshiis ay laba shakhsi oo taladii dalalkooda xoog ku maroorsaday ay ku muraadsada is-yidhaahdeen, waxba se aanay uga naaso-caddaan. Runtii waxay noqotay in ay labadoodiiba eedeen oo dagaaleen.

 

Waxaan dib u halacsaday Buug aan ku ururiyay Xusuustayda Halgankii Hubeysnaa ee SNM oo la yidhaa: “Dharaaraa na soo maray”, oo weli qabyo ah, in kasta oo aan is-leeyahay intiisii badnayd way qorantay. Waxa laga yaabaa in aanay adkayn in qof xusuustiisa qoraa, marka se laga hadlayo halgankii hubeysnaa ee SNM inta qof ahaan iigu beegmaysa iyo inta la iga filayo ayaan is-lahayn. Inta qof uu qaban karo ayaaba iska kooban. Waa hawl ay hay’adi qaban lahayd, fallaadhi se gilgilasho kaagama go’do.

 

Geeddi (Chapter) Buuggaa qabyada ah ku jira ayaa ku saabsan Heshiiskaa hagaasay ee Siyaad Barre iyo Mengistu aanu midkoodna midhihiisii goosan, bal se soo deddejiyay dhicistoodii. Burkaba bahal kama ay filan, shakina kuma jiro in ay nimankaa odayaasha ahaa tiradii ka gedmatay oo ay gudcur gudayeen ama ay lafba toobin ku hayeen. Qalinkii ay saxeexaa ku duugeen way eedeen oo dagaaleen. Khadkii oo aan engegin ayaa qormadoodii rag kale degay.

 

Aniga oo aan Geeddiga Buuggaa qabyada ah ku jira sidiisii u soo wada qaadnayn oo uu badan yahay, bal aan wax idiin ka soo garooco. In aan mowduucan ka hadlo markii aan goostay, waan ka maarmi waayay in aan raad-raac ka dhigto. Waan idiin soo koobayaaye, dhareerka ceshada oo yaanu hunguri idin qaadin. Sidaa ayaan Heshiiskii oo maalin maalin iyo saacado ah idiin ku soo qoray. Haddaad u baahataan fadlan Dhaxal-reeb: Horaad ka xigto, maanta meel kale ayaan Dayax-weerar u heensaystaye.

 

Dooddii BBC-da ee 15kii Juun 2007da ku soo noqo. Yuusuf Garaad iyo Ilma Ismaaciil Samatar waxay moodayaan in ay carruurtayada iyagu wax u dhigi doonaan ama immikaba u dhigayaan. Xaasha! Mar kale iyo marar kaleba aan idhaahdo dalqad baa ka taal.

 

Doodda xiisaheeda aan dawaarka mariyo, idinkuna waad ku daasheen akhriska e’.

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com


(La soco………….) Qormada 8aad

 

Qormadii 6aad.

Intaasi marka ay isla jaan-qaadi weydo ayay tebin-xadka iyo warar-shishiguba yimaaddaan, waana xanuunno u gaar ah BBC-da.

 

War-tebinta iyo baahintuba waa xil. Waa xikmad. Waa xil-gudasho. Waa xaq-dhowr. Waa xaq-soor. Waa xishmad. Waa xil-qaad. Waa xisaabtan (accountability). Waa xalliibnaan (transparency). Waa xarrago. Waa xog. Waa xeer. Waa xaagaan. Waa xiise. Waa xubeer. Waa bir-ma-geydo. Waa eex-la’aan. Waa run-sheeg. Waa socod. Waa safar. Waa sahan. Waa sahay. Waa su’aal. Waa sarriigasho. Waa dhaqan. Waa akhlaaq. Waa qiyam. Waa farshaxan. Waa fan sida loo fudaydsadaa ficilkaaga iyo fiiradaadaba ay fasaqdo.

 

War-tebinta iyo baahintuba xin ma aha. Xasad ma aha. Xiqdi ma aha. Xan ma aha. Xasarad ma aha. Xaglin ma aha. Xumayn ma aha. Xaq-darro ma aha. Xigasho ma aha. Xoox ma aha. Xanto ma aha. Xulad-hurin ma aha. Xaq-seeg ma aha. Xumo-beer ma aha. Xanaf iyo xadaafiir ma aha. Eex ma aha. Been-sheeg ma aha. Tebin-xad iyo warar-shishi ma aha. Intaas oo hal baas ah iyo inta aan hoos u leeyahay ee BBC-du ku sifowdayba ma aha.

 

Bal hadda u fiirsada wararka iyo Barnaamajyada BBC-da iyo sida ay wax uga sheegto dalalka Soomaaliyeed. Lix weriye oo Soomaaliya Jooga iyo afar Kiiniya joogaa shaqo kale ma laha oo aan Soomaaliya ahayn. Kaaga daranta waa dagaal iyo qarax. Meelaha nabdooni war ma sameeyaan. BBC-da colaadda iyo deggenaansho-la’aanta ayaa u war ah. Nabaddu war uma aha. Kaltuun Maxamed Cali iyo Jabuuti mar mar ayaad maqlaysaa. Dalka dhan ee Itoobiya ee boqolka malyuun ah London ayaa weriye looga diraa. Bal ka warrama. Qowmiyadaha Itoobiya iyo Qolooyinka Soomaaliyeed ee dega ma mid baa loo waayay haddii aanay dhowr helayn. BBC-da horumarku war uma aha. Somaliland wax yar baad maqlaysaa. Xiisad yari hadday ka kacdo waa lagu celcelinayaa. Miyaydaan u fiirsan muddaaharaaddada aan jirin ee Berbera inta badan laga sheego, hadda magaalooyinka kaleba Maayarrada waa la beddelaa. BBC-da kaga tusaale qaata laba-codlaynta iyo laba-wejiilaynta.

 

Abaal-gadka BBC-du waa u tusaale. Xaq aanay cid kale oo dhami ku lahayn ayay Somaliland iyo Hargeysa ku leeyihiin. Weriyayaashu Radio Hargeysa ayay ka tegi jireen. Radio Hargeysa ayaa BBC-da bilowgii laga baahin jiray. Keydka yaallaa waa kii Radio Hargeisa. Bal abaal-darrada intaa le’eg eega. Waa waxaan dhaqan Islaan iyo mid gaaleed midna ku jirin. Waa baadi-sooc ay BBC-du yeelatay intii Yuusuf Garaad yimid. Bal muxuu Gu’-roon-jire iyo kamankiisii macaanaa ee Baaar-caddaha ahaa galabsadeen ee loogu beddelay Guitar  gaal tumayo oo aanad wiiqdiisa iyo cabaadka Siciid Cali Muuse kala garan. Ma horumar baa mise waa gaabisnimo iyo garaad-xumo. Cuudkii Soomaaliyeed ee Gu’-roon-jire maxaa la siistay. Hadba luxudka ayuu ka soo boodayaa, markaasaa Cabdillaahi Qarshe hadba qabanayaa oo dul qaado ku leeyahay.

 

Waa halkii Hadraawiye,

 

“Haki Maxamed Geenyada,

 Hasha Garow u yeedh yeedh,

 Godol oo u gaal-gaal,

 Gabantana ka yara celi,”

 

Aan sheekadii hore hakad yar geliyo. Raalli idinka oo iga ah aynu dib ugu guurno 2003dii maalmo ay BBC-du ka sheekayn jirtay Heshiiskii Mengistu iyo Siyaad Barre dhex maray 1988kii.

 

Maalintaana waxaan qoray:

 

Tusaale haddaan soo qaato, 28/12/2003dii oo habeennimo Axadeed ahayd ayay BBC-du wareysatay Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo sheegay in ay SNM ku gacan-saydhay Dawladdii Siyaad Barre oo u soo jeedisay in la wada hadlo. Weriyuhu ma weydiin Cabdiraxmaan Jaamac Barre goorta ay ahayd? Meesha ay ahayd? Iyo cidda ay SNM kala kulmeen. Waa su’aalaha aasaasiga ah ee saxaafaddu ku socod-barato.

 

Toddobaad ka dib isla barnaamajkaa waxa habeennimadii lagu wareystay Axmed Maxamed Siilaanyo oo ahaan jiray Guddoomiyihii SNM. Iyada oo uu Aadan Nuux Dhuulle barnaamajkaa gadh-wadeen ka ahaa labadaa habeenba, Axmed Siilaanyo ma uu weydiin in ay arrintaa wada-hadallada ee la sheegay in SNM ku gacan-saydhay wax ka jireen iyo in kale. Ma barnaamajyada ayaan u taxnayn weriyayaasha BBC-da? Ma iyaga oo aan waxba diyaarsan ayay dadka wareystaan? Mise waxay ku talo-galeenba in ay sidaa wax u dhacaan? Waa arrimo is-weydiintooda leh.

 

Saddex toddobaad (Axadood) oo is-xigay oo ka soo bilaabmayay 28/12/2003dii, waxa Heshiiskii Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Mariam ee 1988kii laga kala wareystay:

 

  1. Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo Maxamed Cabdi Gabboose,
  2. Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Axmed Mire,
  3. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe),

 

Aniga oo mowduuca laga hadlayo xiisaynayay xogogaalna u ahaa markaan dhinaca SNM ka soo joogsado ama aan cuskado wararkii rasmiga ahaa ee ay na siiyeen madaxdii Itoobiyaanka ee Heshiiskaa goob-joogga u ahayd, waxaan isku dayay in aan BBC-da la xidhiidho.

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com


(La soco La soco qaybta 7aad)

 

Qormadii: 5aad

 

Prof. Ali Mazrui ayaa Somaliland booqasho ku yimid. Ugu yaraan ilaa saddex maalmood ayay nagu qaadatay in BBC-da wararka Ali Mazrui laga sii daayo. 2006dii iyo 2007diiba waxa Somaliland booqasho ku yimid ilaa labaataneeyo arday oo Jaamicadda Pretoria ka yimid. Waa barnaamaj cusub oo Somaliland ay wax kaga baranayeen iyaga iyo macallimiintii wax baraysayba. 2006dii intii ka horreysay ardaydaa waxa Field Trip loo geyn jiray Ruwanda iyo Sieraleone.  2006dii laga soo bilaabo Somaliland ayaa qorshahoodii lagu soo daray iyaga oo ay gadh-wadeen u tahay Jaamicadda Hargeysa. BBC-du markii ay war ahaan u qaadan weyday, waxa loogu tol iyo taagba waayay barnamaajka waxbarashada ee toddoobaadlaha ah ku dara. Bal tabaalahaa daya. Dad iyo dalba sumcad iyo magac ayay u soo jiidaysay, bal se waa lagaga masuugay. Maxaa se ka macno ah intaas oo website iyo qaabab kale oo wax lagu gudbiyo ayaa maanta furane.

 

Somaliland dibudhis badan ayaa ka hirgalay. Waxa la soo maray: dibuheshiisiin, nabadayn, hub-dhigis, dhaqan-celin iyo dibudhis badan oo kale oo weliba ku suuro-galay curin iyo hanti waddaniya oo baahin iyo dhiirri-gelinba u baahan.  Geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo lagu guulaystay oo dhaxal Soomaaliyeed ah ayay Somaliland ku tallaabsatay oo in lagu hanbalyeeyo iyo in lagaga daydaba mudan. Maanta dibudhis badan oo ruuxiya (spiritual) ayaa Somaliland ka socda oo ay BBC-du ka indho-la’dahay ama aanay rabinba in ay baahiso iyada oo aan sacab ku qarin karin cadceed soo baxaysa. Dhalliilaha ugu mudan BBC-du waa iyada oo aan wax warar iyo barnaamajyo ah ka samayn: Xafidadda iyo Tartannada Quraanka Kariimka, Booqashooyinka ardaydu isku dhex gasho, ciyaaraha kubbadaha ee ardaydu isku dhex gasho iskuna booqato, tartannada iyo bandhigyada suugaaneed, ciyaaraha iyo barnaamajyada fanka iyo dhaqanka.

 

Bal u fiirsada kala-duwanaanshaha war-tebinta BBC-da. Waa heerarka kala fog ee ay BBC-da nafteedu kala joogto. Waxaad maqlaysaa Weriye maalmihii fatahaadda webiyada, Kismaayo lug kaga soo baxaya oo aad yaabayso intuu jeer, yaxaas, jebiso iyo dugaag kaleba uu soo dhex jibaaxayo iyada oo duumada iyo qaniinka kalena u dheer yihiin. Hanbalyo. Docda kale Darroor oo dagaallada ka dhacay dhimashadu boqollaalka dhaaftay iyo Buuhoodle oo dhowr iyo toban la iskaga dilay oo bannaan ah wararkoodu xigasho ayay ku ahaayeen. Waa kuwaa durka iyo daabaca  BBC-du ama xarash iyo madax wejiyada ay leedahay.

 

Arrinta la xidhiidha dhacdooyinka aan la gudbin ee mudan in laga sheekeeyo aynu u bixinno oo maanta ugu wan-qallo tebin-xad oo noqonaysaa dhacdo run ah oo in la gudbiyo mudnayd bal se aan la tebin. Weriyahaa tebin-xada, warkana waxa ku dhaca tebin-xad. Waxa kale oo jira in aynu erey-bixin u samaynno wararka BBC-da loo gudbiyo bal se aan la baahin sida ay ku andacoodaan weriyayaasha qaarkood. Wararka noocaas ah ee aan helin baahintii ay mudnaayeen qudhooda waxaynu odhan karnaa waxa ku dhacay xanuunka aynu ula magac-baxayno warar-shishi oo noqonaya war mudnaa in la baahiyo oo aan baahintii uu mudnaa helin kuna dhex siqiiray Istuudiyaha BBC-da. Sababaha warar-shishiga dhaliya ama keena waxa ugu mudan ujeeddooyinka is-dhaafsan ee aan is-waafaqsanayn ee laga yeesho ama ka jira war-baahinta iyo danaysiga gaar ahaaneed ee qalabkaa xoogga leh loo adeegsado.

 

Bal marka hore aan is-weydiinno 18kii Julay 1957kii sababihii gumeysiga Ingiriisku u furtay BBC-da. Geeddi aan dheerayn aan dib idiin raro si aad ugu xidhataan kaalinta dhalliisha leh ee ay maanta ku jirto iyada oo ujeeddooyinkii ay Boqortooyada Ingiriisku ka lahayd qaar kale oo qofaysan/beelaysani ka soo hor mareen.

 

Si kooban haddii aan u idhaahdo BBC-da Laanta Af-Soomaaliga waxa la furay 18kii Julay 1957kii. Waxa isla waqti lala furay laba laamood oo muhiim ah oo bariga iyo galbeedka Afrika ku kala yaalla oo kala ah: Hausa oo Nayjeeriya ah iyo Sawaaxiliga oo Bariga Afrika ah. Waxa Laanta Afka Soomaaliga lagaga hor tegayay Idaacad gumeysi-diid ahayd oo Qaahira ka furnayd oo la odhan jiray “Sowtul-Carab minal Qaahira” dadkuna aad u dhegaysan jiray. Beryahaa Afka carabiga aad ayaa loo yaqaannay oo wargeysyadii toddobaadlaha ahaa ee dalka ka soo bixi jiray Afka Carabiga ayaa lagu daabici jiray. Idaacaddaa Qaahira ka soo hadli jirtay saamayn la yaab leh ayay shacbiga Soomaaliyeed ee gobannimo-doonka ah ku lahayd, markii danbena Af-Soomaali ayaa lagu darayba.

 

Maanta bal hadda aynu guud-mar kooban ku samaynno waxyaabaha ka jira BBC-da:

 

Tusaale haddaan idiin soo qaado:

 

  1. BBC-du ujeeddooyin ayay leedahay cad oo qeexan oo aan inta badan shaqaalaheedu ku camal-falin. Ujeeddooyinkaasi waxay u qaybsan yihiin qaar guud iyo kuwa gaar ahaaneed. Ujeeddooyin ayay ka leedahay bulshada Soomaaliyeed, haddana kuwa gaar ah ayay ka sii leedahay degaammada kala duwan ama dalalka kala duwan ee Soomaalidu degto,
  2. Maamulka Soomaaliyeed ee BBC-du ujeeddooyin gaar ah oo kuwaa ka duwan ayay leeyihiin oo ay ku fushadaan baahinta xoogga leh ee BBC-da
  3. Weriyayaashuna ujeeddooyinkooda ayay wararka ay tebinayaan ka leeyihiin oo waxay u raacaan la garan maayo iyaga mooyaane, marka laga reebo raalli-gelinta madaxdooda iyo marar ay kuu muuqanayso in ay ku danaysanayaan ama cid ugu muraad qumminayaan,
  4. Degaanka iyo dadka warka laga samaynayaana ujeeddooyinkooda ayay ka leeyihiin tebinta dhacdooyinka degelladooda ka dhaca iyaga oo BBC-da u adeegsada hadba sida ay iyagu doonayaan tabaha ay doonaan ha adeegsadeene sida: gacan-maroojin, muraad-qumin, faro dufan leh iyo waxyaabo la mid ah,

 

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Email: cankaabo@hotmail.com

 

(La soco………….) Qormada 4aadd

 

 

Qormadii: 4aad

 

July, 11/7/2006da:

 

Bandhigii Diiwaanka Timacadde ayaa lagu qabtay Jaamicadda Hargeysa oo aan ka bixin BBC-da sida buugaagta kale ee meelaha kale lagu soo bandhigo,

 

Oktobar, 29/10/2006dii:

 

Bandhig labaad oo London looga sameeyay Diiwaanka Timacadde ayaan is-na BBC-du wax war ah ka sii deyn in kasta oo ay qaban-qaabiyayaasha ugu ballan-qaadeen in ay weriye u soo diri doonaan.

 

Halkan waxa xusuus iyo in hoosta laga xarriiqoba mudan in maalmahaa magaalada Boosaaso lagu soo bandhigay Buugaag uu qoray Aw Jaamac Cumar Ciise oo ku saabsanayd suugaantii geela, fardaha, gabdhaha iyo mowduucyo kaleba. Barnaamajkaa waxa la sii daayay: 7.00dii subaxnimo, 2.00dii duhurnimo, 5.00tii galabnimo iyo 9.00kii habeennimoba. Malahayga Timacadde waxa loo sii deyn waayay dal iyo dad-jacaylkisii iyo isaga oo qabyaalad-nacayb iyo waddaninimo noloshisii ku dhammaystay. Sidaa ay tahay Yoonis Cali Nuur tilifoon ayaanu arrintaa kaga wada-hadallay, Yuusuf Garaadna isaga oo Hargeysa yimid af iyo tilifoonba waanu kaga doodnay, ballantii se ma ay fulin. Ceebtood ma aha ee waa caadadood.

 

Timacadde Diiwaankiisa xafladahaa aan kor ku soo sheegay ka-sokow, wuxu habeenno Ramadaantii ahaa ka baxay Telefishanka Jabuuti RTD-da dibadda loo baahiyo oo meelo Somaliland ka tirsan ayaa laga daawanayay. Ururka Qoraaga Somaliland xaflad ay ku qabteen magaalada Stockholm ee Sweden 31/3/2007ka, Diiwaanka Timacadde waxa loo aqoonsaday Buuggii sannadkii 2006dii, waxaana la guddoonsiiyay billad. Wargeyska toddoobaadlaha ee La Nazione ee Jabuuti ee afka faransiiska ku soo baxaa tirsigiisii 105aad ee Isniintii 4/11/2006dii hal bog oo isku dhan ayuu guud-mar kaga sameeyay Diiwaanka Timacadde. Idiris Cilmi oo qudhiisu cilmi-baadhe Jabuuti ka ah ayaa isna guud-mar afka faransiiska ah ka sameeyay Diiwaanka Timacadde.

 

Diiwaanka Timacadde waxa ku jira 126 maanso oo kuwii ugu waddanisanaaya waana maansooyinkii ugu badnaa ee gabayaa Soomaaliyeed laga qoro, haddii aanay jirin cid kale oo la soo sharraxayaa. Intii la daabacay Diiwaanka Timacadde waxa kale uu cilmi-baadhe madax-bannaani ii sheegay in uu ururiyay 11 maanso oo kale oo aan ku jirin Diiwaanka Timacadde. Sidaas ayay maansada Timacadde ee diiwaan-gashani ku noqonaysaa 137 maanso oo welina baadhistii socoto. Maxay BBC-du ku hor joogsanaysaa ee aan ahayn xasad iyo xumaan.

 

Sabti, 17/11/2006dii:

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayay BBC-du ka qaadday wareysi ku saabsanaa biro iskaraab ah (scrap iron) oo la isku qabsaday magaalada Berbera. Wareysigaasi wuxu ka baxay BBC-da: 7.00dii subaxnimo, 2.00dii galabnimo, 5.00tii galabnimo iyo 9.00kii habeennimo. Waa dhacdooyinka xiisdaha ku taxan ee xasilloonida wax yeeli kara oo ay BBC-du ka hesho aadna u jeceshahay in ay buun-buuniso. Waa halkii Timacadde e’: “Siraad waxay ku doon-doonaysaa, sees ay dumisaa,”

 

Isniin, 20/11/2006dii:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Ra’yaale Kaahin ayaa Aqoon-is-weydaarsi ilaa saddex bilood socday Guriga Shaqaalaha ugu xidhay Garsoorayaasha Maxkamadaha Somaliland. BBC-da dhacdadani war uma samayn goob-joogna kama ay ahayn. Waa mowduuc la xidhiidha Xeerarka iyo dhaqan-gelintooda (Rule of Law) oo EU-da, DfID oo Ingiriiska kaalmada dibadda u qaabbilsani ay maal-geliyaan. BBC-da afka Soomaaligu iyada oo ka hor imanaysa siyaasadda boqortooyada Biritaaniya ee BBC-da iska leh, dhacdadaa kama ay warramin iyada oo uu goob-joog ka ahaa Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland oo xilkii dalka ugu sarreeyay hayaa. BBC-du labada odey ma kala jecla bal se waxay kala jeceshahay labada mowduuc iyo isirka dhacdooyinka,

 

Salaasa, 21/11/2006dii:

 

BBC-du 7.00dii subaxnimo oo keliya, waxay soo daysay wareysi ay la yeelatay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyada oo ka dabo-tegaysay dhacdadii shalay ay ka maqnayd, iyada oo wareysigaa lagu soo daray in Madaxweynuhu xidhay Aqoon-is-weydaarsiga, mar danbena laguna celin, waayo BBC-da macno uma samaynayo warkani. Inta jeer ee ay BBC-du hadashaa waa ay kala qiimo badan yihiin dadkuna wuu kala yaqaannaa in wararka subaxdii aan macno caynkaas ah la siin. BBC-da waxa loogu badan yahay 5.00ta galabnimo iyo 9.00ka habeennimo,

 

Iyo qaar kaloo badan…..iyo  qaar kaloo badan. Hargeysa bil kasta waxa lagu qabtaa “Book Review” ay soo sameeyaan Bahda Hargeisa Readers Club. Waa bishii 14aad, waana dhacdo mudan in la baahiyo oo dhallinyarada Soomaaliyeed lagaga jeediyo Qaadka iyo aafooyinka kaleba. Jimcaha Bil kasta ugu danbeeya ayaa wiil ama gabadhi Buug la xulay soo akhridaa, Guud-mar laga soo sameeyaa ka dibna habeenkaa la gorfeeyaa. Waa horumar iyo ilbaxnimo mudan in la tebiyo si loogu daydo. Waa fursadaha BBC-da seegay.

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
Email: cankaabo@hotmail.com 

 

La soco…La soco qaybta shanaad

 

 

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

 

Qormadii 3aad:

Horto Yuusuf Garaadna, Ilmo Samatar looga taag waaye, haddaba dacar ha ka durduurto, deebaaqna ha ka leefo. Hore ayaa loo yidhi: “Haddaan karintaa laga guurin Wallee in Gorayo heeryaysani ka soo dhici doonto.” Waqti aan fogaynna la arkee iyada oo dadka qaar malaa’iig lagu sheegayo. Subaxaan-Allaah.

 

BBC-du maxay ku gartay dhegaha dadka Soomaaliyeed u xidha laba walaalo ah oo isku ra’yi ah oo laf toobin ku haya oo aan abidkood doorsan ama aan ka digo-rogan halkay kal shanaad taagnaayeen? Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kale miyaanay xaq u lahayn in ay BBC-da fikraddooda ka dhiibtaan? Somaliland-nacaybka intaa le’egi miyaanu xag-jirnimo badayn BBC-da? Hadda waa laba walaalo ah oo isku feker ah iyo dhowr sannadood. Maxaa murtiya ee ku jira ee aan ahayn dheg-xarraan iyo qasacad-jejebin waa halkii reer Xamarka e’.

 

BBC-du dhacdooyinka, qodobbada wararka iyo dadka ay wareysanaysoba waa ay xulataa, bal se cidi garan meyso xeerarka iyo xaagaanta ay ku xulato. Dooddan Aadan Cadde aan soo qaadanno. Waxa nool oo malahayga Saambiya deggan Jaamac Cabdillaahi Qaalib oo loo yaqaan “Ina Diir-qadhaadh” oo bishii Abriil 1960kii loo doortay Guddoomiyihii Barlamaankii Somaliland, markii danbena noqday Guddoomiyihii Barlamaankii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee ugu horraysay. Waa ninkii guddoominayay Barlamaanka markii ugu horraysay ee Aadan Cabdille Cismaan loo doortay Madaxweynaha iyo dhowr sannadood oo ka danbeeyayba. Waxa nool oo markii barnaamajkan Aadan Cadde la qabanayay London joogay Cabdi Xasan Buuni oo dawladdii ugu horreysay ee Cabdirashiid dhisay ka ahaa Ra’iisal-wasaare-ku-xigeen oo haddii Xeer jiray Cabdirasaaqan lagu waashay madax u ahaa. Waxa nool oo Toronto deggan Axmed Yuusuf Ducaale oo xukuumaddii Cabdirasaaq intii ay jirtayba Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa. Waxa nool oo Khaliijka deggan Cumar Carte Qaalib oo Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Soomaaliyeed safiir iyo wasiir dibadeedba ka ahaa muddo aynaan malayn karayn oo ta Cabdirasaaq iyo Ilmo Samatarba  ka badan. Maxaa u diiday BBC-da in ay waayo-araggaa wareysto. Maxay kaga boodeen ee aan ahayn in ay Somalilandnimada taageersan yihiin. Maxay BBC-du ku sababaynaysaa deel-qaafka iyo gebi-dhaca intaa le’eg.  Weligood taariikhda Soomaaliyeed kama ay wareysan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo siyaasadda Soomaaliyeed weligiiba ka ahaa yeeke. Ilaa 2002dii ayuu figta sare ee siyaasadda Soomaaliyeed ku taagnaa, markaas ayay Cali Samatar iyo Buluq-buluq ku waalataa.

 

Waa ayaan-darro in taariikhda laga been-sheegaa, weliba marka ay dadka qaarkii isu qaataan in ay keligood ka tarjumi doonaan. Waa ayaan-darro in ay kaalintaa marin-habowga iyo meydhaanka ah qaadato idaacadda BBC-du iyada oo loo arkayay in ay tahay idaacad dhex-dhexaad ah. Iyada oo iska dhigaysa in ay wanaag Soomaaliyeed waddo ayay haddana aayaha iyo mustaqbalka Soomaaliyeed ka wareysataa Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Cali Samatar iyo dar kale oo laga hoogay oo waxay Soomaali badeen la wada og yahay. “Ma annagaa waalan, mise Cadan baa laga heesayaa.”

 

Ilaahay hadduu nafta inoo daayo, berrina waxaynu maqli doonnaa Cali samatar oo tii Alle ku timid oo BBC-du ina leeyahay: “Maxaynu ka baran karnaa maamul-wanaaggii iyo hoggaamintii fiicnayd ee Cali samatar.” Cabdirasaaq Xaaji Xuseen muddo saddex sannadood ah ayuu Soomaaliya ka ahaa Ra’iisal-wasaare. Dhib iyo dheefba wuxu saddexdaa sannadood Soomaali u soo kordhiyay ayaa taariikhda ugu jirta. Wanaag uu lahaa lagama qaadi karo, xumaan uu lahaana lagama tir-tiri karo, taasina kuma xidhna war BBC-da laga sii daayo iyo qormooyin ay qalin-daraaleeyaan Ilma Ismaaciil Samatar oo iidheh aan jirin loo sii daayo. Waxay ku xidhan tahay wixii ay ka yidhaahdeen halabuurka Soomaaliyeed maalmihii uu xilka hayay. Isagiyo nasiibkii.

 

Waxa muuqata in ay BBC-du mararka qaarkood kaalin taban oo aan Horumarka Soomaaliyeed wax badan tarayn ku jirto. Waxaan jeclahay in aan wax aan badnayn ka taabto siyaasadda (policy) iyo hannaanka war-tebinta ee BBC-da aniga oo dhacdooyin kooban soo qaadanaya. Waa sidii maah-maahdu tidhiye: “Hasha kudna dil waxna way u wehesheene,” annaga BBC-du waa na dishay waxna waa noo weheshaan. Bal ku talax-tegi maaye aan fandhaal idiin daro:

 

26/4/2007da:

 

Dufcaddii ugu horraysay oo hablo ahayd ayaa ka qalin-jelisay Jaamicadda Burco iyada oo ay isla markaana 1954kii hablihii ugu horreeyay ee Somaliland ka baxeen Dugsigii Dhexe ee Hablaha ee Burco. Munaasabad Barnaamaj wanaagsan samayn lahayd reer Burcona xaq u lahaayeen oo BBC-da seegtay dheh, hadda weliba iyada oo lagu casumay bal se aanay u arag in dhacdadaasi wax qiimo ah lahayd,

 

29/4/2007da:

 

Xaflad Hotel Maansoor lagu qabtay oo dadka laga tiro badan yahay lagaga hadlayay oo Hadraawina ka akhriyay Maansadiisii ugu danbaysay ee ‘Dhul-gariir’ ayaan BBC-da wax macno ah u samayn. Hadda Madax-dhaqameedka joogay ee ka hadlay tiro iyo xisaab ma lahayn. Fursad seegtay BBC-da oo xus iyo xusuusba mudnayd, dadka ka soo qayb galayna saddex boqol waa ay ka badnaayeen oo kuraasi iyo meel la kala joogsadaba waa la waayay,

 

2/5/2007da:

 

Maalinta Jaamicadaha Somaliland oo Berbera lagu xusay oo Jaamicaduhu dhammaantood ka soo qayb galeen bal se aanay BBC-du ka warramin macnona u samayn. Fursad seegtay BBC-da. Hadda inta ay muddaaharaad Berbera ka dhacay sheegtay tiring kari meynno,

 

Aniga oo aan ku talax-tegayn bal aan ku daro dhowr dhacdo oo ku beegnaa 2006dii oo xusuustooda leh:

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Email Cankaabo@hotmail.com

 

(La soco……) La soco qaybta afraad

 

Qormadii 2aad: 

Allahayow belaayada meeraysa naga badbaadi. Aan ku noqdo Dooddeennii Jimcihii ee 15kii Bishan Juun 2007da. Waa Dooddii BBC-da iyo Yuusuf Garaad oo badka soo dhigay Aadan-Cadde, Alla ha u naxariisto e’ iyo duruusta laga baran karo. Sidii caadada u ahayd wuxu u kala ambo-baxay Pretoria iyo Maraykan oo ay kala joogeen lammaankii Ilmo Samatar oo  saacadaha la siiyo aanu jirin aqoonyahan kale oo Soomaaliyeed oo la siiyaa, Ina Garaadna malahayga ka faashado. Waa waxyaabaha is-weydiinta mudan.

 

Marka hore aan is-barraxo oo badka soo dhigo sida aan u arko BBC-da guud ahaan aniga oo aan ka tegayn Horumarka ay samaysay iyo dibudhaca ka muuqda. Waxay ku fiican tahay iyo waxay ku xun tahayba. Wanaaggeeda iyo Horumarkeeda aan ku horreeyo, aniga oo ku xigsiin doona Xumaanteeda iyo Dibudhaceeda.

 

Wanaagga iyo Horumarka:

 

  1. Kordhinta saacadaha Idaacadda waa horumar,
  2. Weriyaaysha la kordhiyay waa horumar,
  3. FM-ku waa horumar,
  4. In inta London joogta mid kastaaba soo-saare noqdaa waa horumar,
  5. In maalin kasta arrimaha Soomaalida laga warramaa waa horumar iyada oo beryihii hore Arbacada oo keliya lagu koobi jiray,
  6. In Jimcaha Dood laga dhigaa waa horumar,
  7. In tilifoon iyo Internetkaba barnaamajyada lagula xidhiidhaa waa horumar,
  8. In weriye BBC-da ka tirsani ka soo warramo dhacdooyinka caalamiga ahi waa horumar,
  9. Iyo qaar kale oo badan,

 

Xumaanta iyo Dibudhaca:

 

  1. Barnamajyada iyo dhacdooyinka la soo tebinayaa in ay dhinac ka rarnaadaan ama la kala doortaa waa dibudhac,
  2. Weriyayaasha la kordhiyay in ay dhinac u badnaadaan dal iyo dadba waa dibudhac,
  3. In aan dadka Doodda Jimcaha laga talo-gelin si gaar ahna dadka qaar iyo degaannada qaar loogu naas-nuujiyaa waa dibudhac,
  4. In Yuusuf Xasan oo keliyi inta badan ka soo warramo shirarka iyo dhacdooyinka caalamiga ahi waa dibudhac,
  5. In go’aammada Idaacadda iyo Barnaamajyadeeda ku saabsan uu qof keliyi ka go’aan qaataa waa dibudhac,
  6. In ay go’aammo fardiya ay BBC-du ka qaadataa barnaamajyada waa dibudhac,
  7. In aanay Idaacadda BBC-du lahayn barnaamaj qiimayneed (Monitoring & Evaluation) oo dhegaystayaasha lagu wareystaa waa dibudhac,
  8. Iyo qaar kale oo badan…. Iyo qaar kale oo badan,

 

Bal is-cunsiiya horumarka iyo dibudhaca BBC-da oo natiijada daalacda waxay soo baxdo. Daalac-naasil maxaa ka soo hadhaya? Dhegaystayaasha xorta ah ee aan meelna laga haysan ayay u taalla ee uma taallo oo keliya inta BBC-da ka jirta iyo inta BBC-da la jirta. Dhex-dhexaadnimo iyo run-sheegnimo ayaa loo baahan yahay si loo qiimeeyo.  

 

18kii Bishii Juulay, 1957kii markii la furayay ayay BBC-du codsi rasmiya u soo qortay Radio Hargeysa oo la furay 1941kii iyada oo kaga dalbanaysay laba xubnood oo miyuusig ah oo ay furitaan ka dhigato. Dhacdadan waxaan u maragsanayaa wareysi Video ku duuban oo Cabdillaahi Qarshe siiyay RTD-da Jabuuti 1993kii. Waxa loo kala diray “Socodkii Arraweelo“  oo Cabdillaahi Qarshe lahaa iyo miyuusig “Baar-cadde“ ah oo uu garaacayay Maxamed Siciid Faarax oo loo yaqaannay “Gu’-roon-jire“ oo ka mid ahaa bud-dhigayaashii iyo calan-sidayaashii fanka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaraamkii. Laba Cali iyada oo aanay is-weydiin ayaa miyuusigga “Gu’-roon-jire“ la joojiyay. Wax la yaab leh ma aha in aynu maalin dhow maqallo “Socodkii Arraweelo“ ayaa is-na la joojiyay. Hadda waa intii Yuusuf Garaad joogay inta wax aan macno lahayn lagu beddelayaa miyuusiggii “Gu’-roon’jire“.

 

Weliba Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay “Qarshe“ iyo Maxamed Siciid Faarax oo loo yaqaannay “Gu’-roon-jire“ miyuusigga kontanka sannadood BBC-da lagu furayay cawil-naqii ay mudnaayeen lagama siin. Bal tabaalahaa daya. 

 

Aynu ku soo noqonno Dooddeennii Jimcayaasha ku saabsanayd. Su’aalahan side jawaabo loogu helayaa:

 

  1. Bal mowduuca Doodda BBC-du sidee ayay ku doorataa?
  2. Kaalintee ayay dhegaystayaasha BBC-du doorashadaa ku leeyihiin?
  3. Talo iyo ra’yi ma laga weydiiyaa?
  4. Sidee mowduucyada Doodda loogu qaybiyaa degaammada Soomaaliyeed?
  5. Mise Soomaaliya ayay u raran tahay?

 

Aan ku noqdo mowduucii aan u ambo-baxaye, Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa lagu horreeyay, ku-ye: “Aadan-Cadde wuxu ag yaallaa Nelson Mandella.” Waa nabar. Yuusuf Garaad wuxu u digo-rogtay xaggaa iyo Maraykan. Waa Axmedkii ka weynaa Cabdi. Ku-ye: “Aadan-Cadde waxa lagu tiriyaa madaxdii Afrikaanka ahayd ee ku sifowday Nebinnimada.” Yuusuf Garaadkii ayaa labada indhood soo baxeen. Wuxu u qaatay in hadalku isaga ka soo dhacay. Haddana durbadiiba garay in dhawaaqu Maraykan kaga yimid. Si uu dhegaystayaashii diday iskaga jeediyo Axmed ayuu war ku celiyay. Ku-ye: “Dadkii ila fadhiyay istuudiyaha indhaha ayaa soo baxaye, bal is-barrax, maxaad uga jeeddaa Nebiga iyo Nebinnimada.” Ka-dar oo dibi dhal weeye, aqoonyahankeennii Axmed wuxu ku jawaabay: “Waxaan uga jeedaa Nebinnimada siyaasadeed.” Malaha Salmaan Rushdi ayaaba madaxiinna ku soo dhacay. Horto Yuusuf Garaadna, Ilmo Samatar looga taag waaye, haddaba dacar ha ka durduurto, deebaaqna ha ka leefo. Hore ayaa loo yidhi: “Haddaan karintaa laga guurin Wallee in Gorayo heeryaysani ka soo dhici doonto.” Waqti aan fogaynna la arkee iyada oo dadka qaar malaa’iig lagu sheegayo. Subaxaan-Allaah.

 

La soco Qaybta sadexaad

Qormadii: 1aad 

Maalin Jimce ahayd oo ku beegnayd 15kii Bishii Juun ee 2007da ayaan galabnimadii ku soo toosay Dooddii Jimcaha oo ku saabsanayd Aadan Cabdille Cismaan, Alla ha u naxariisto e’ oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Waan yar xiiseeyay mowduuca oo dhegta ayaan u raariciyay. Nayroobi iyo Koonfur Afrika dhegaystayaal ka soo hadlay, waxa xigay labadii Ilmo Ismaaciil Samatar ee BBC-duba u xidhnayd muddo dhowr sannadood ku beegan. Malayhayga qof Muqdisho ka soo hadlay iyo mid Cadaadlay ka soo hadlay ayaa iyaguna jiray. Run ahaantii barnaamajkii oo aan dhammaan ayaan ka xiiso jabay. Waxa intaa ii raacay hadal-xumaantii iyo marin-habaabintii taariikhda Soomaaliyeed oo aan iyadana dheg-xarraan ka qaaday.

 

Idaacadda BBC-da oo aad arkayso maalin walba sida ay dhegaystayaashii u soof-daran habaabinayso. Idaacad u irmaan dadka qaarkii dadka kale intiisa badanna ka gudhan oo aan loo sinnayn. Idaacad dhacdooyinka ay gudbinayso xulata oo aan si mowduuciya (objective) u dooraan bal se si daatiya (subjective) ah u doorata. Idaacad wararka iyo dhacdooyinka ay degaannada Soomaaliyeed ka gudbinayso aan in badan goob-joog ka ahayn bal se xigasho ku tebisa.  Idaacad xaglinaysa ee aan dhex ahayn. Idaacad taariikh cusub oo ugub ah oo meydhaaman (doorsoon ama beddelan) doonaysa in ay dadka u samayso.

 

Shacbiga Soomaaliyeed intii maamul iyo Xukuumado soo martay waa ay ka hadleen. Waa ay ka heeseen. Waa ay ka gabyeen. Riwaayado ayay ka dhigeen. Dadku waxba ma hanbayn, dareen-celintoodiina ma lumin ee waa ay keydsan tahay. Dadna waxa ugu liita qofka is-yidhaahda taariikhda ummadda maanta dib u qor oo shacbiga intaa le’eg ee intaa soo jiray u qaata hungo iyo wax madhan oo aan madhax-taariikheed keydsan.

 

Cabdilmajiid oo ka mid ahaa madaxda Itoobiya ee Soomaaliyeed oo isku hayay xilal-fulineed oo dawladeed iyo Guddoomiyannimada Xisbiga Leegada ee Soomaalidu ku bahowday ayaa dhintay oo aanay BBC-du wax barnaamaj ah ka samayn. Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo. Cabdilmajiid waa ninkii Soomaaliyeed ee ugu horreeyay ee heerkaa ka gaadha mujtamaca Itoobiyaanka ah ee siddeetanka malyuun gaadha oo weliba joogay heer caalamiya oo lagu majeerto.

Xaaji Xasan Guuleed Abtidoon, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, oo ahaan jiray muddo dheer Madaxweynaha Jabuuti ayaa geeriyooday, BBC-du waxba kama odhan in kasta oo uu Xaaji Xasan hoggaaminayay dal iyo dad xasilloon intii dalalka kale ee Geesku qasnaayeen. Xaaji Xasan saamayn ayuu ku lahaa dalka Jabuuti iyo dalalka Geeska Afrikaba. Waa ninka Jabuuti labada seeb ku waday ee ka dabbaashay wixii colaado iyo inqilaabyo derisyadiisa ka dhacay. Haddana BBC-du waxba cidna kama weydiin.

 

Waxaynu goob-joog u ahayn Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Alle ha u naxariisto e’ oo Ra’sal-wasaare iyo hoggaamiyihii SNL ka ahaa Somaliland, Ra’iisal-wasaare ka noqday Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo wax ka beddelay wada-noolaanshihii iyo deggenaanshihii Geeska Afrika, markii danbena muddo sagaal sannadood ah Madaxweyne ka ahaa Somaliland ayaan markuu geeriyooday BBC-du wax barnaamaj ah ka samayn. Hadda Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliyeed wuxu ku jiray Kontonnadii qarnigii 19aad ilaa 2002dii.

 

Waxaan xusuustaa tuduc ku jiray maanso uu lahaa Cabdillaahi Suldaan, Timacadde oo uu tiriyay 1968kii, kaas oo ahaa:

 

“Nin kastaa ha dumaalo e’,

 Madaxweyne la doortana,

 Adigawgu da’ weyn,“

 

Bal ka warrama Xuseen Macallinka rug-caddaaga ah ee reer NFDhii haddii ay berri tiisii ku timaaddo oo waxba laga odhan waayo. Mudane Xuseen Macallin iyo qaar kale oo badanba aqoon gaar ah oo fiican uma lihi. Waxaan xusuustaa in Xuseen Macallin maalin sidaa u sii fogayn ka fadhiistay siyaasadda ka dib markii uu Xildhibaan iyo Wasiirba soo ahaa muddo soddon sannadood ku dhow. Iyo qaar kaloo badan…iyo qaar kaloo badan.

 

Intaas oo kale oo mudan xus iyo xusuusba oo Soomaaliyeed ayaa jiray, maanta jira, berritona jiri doona oo u qalanta in wax laga yidhaahdo, su’aashu se waxay: maxaa qiimayntooda BBC-du u cuskanaysaa?

 

BBC-da dadku waxay u haystaan Idaacad Soomaaliyeed oo dadka u dhexeysa, waa se ayaan-darro in ay dhaqankan yeelato. Waxa halkan ka muuqda marin-habaabin iyo meydhaan laga badheedhay oo taariikhdii Soomaaliyeed dib loogu qorayo.

 

Allahayow belaayada meeraysa naga badbaadi. Inta aan la I af-qaadin amba dadka qaarkii I habaarin oo aanay I odhan: “Afka iyo gacantaba Alla ku goo,” aan is-barraxo. Waa maalin Jimce ah. 15kii Bisha Juun 2007da. Waa dooddii BBC-da iyo Yuusuf Garaad oo badka soo dhigay Aadan-Cadde, Alla ha u naxariisto e’ iyo duruusta laga baran karo. Sidii caadada u ahayd wuxu u kala ambo-baxay Pretoria iyo Maraykan oo ay kala joogeen lammaankii Ilmo Samatar oo  saacadaha la siiyo aanu jirin aqoonyahan kale oo Soomaaliyeed oo la siiyaa, Ina Garaadna malahayga ka faashado. Waa waxyaabaha is-weydiinta mudan.

 

Marka hore aan is-barraxo oo badka soo dhigo sida aan u arko BBC-da guud ahaan aniga oo aan ka tegayn Horumarka ay samaysay iyo dibudhaca ka muuqda.

 

La soco Qaybta 2aad

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE