SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Hamblayo doorashada dhaxal galka ah ee ka dhacday Somaliland

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

London (SDWO 01/07/2010)(Somaliland Democracy Watch Organisation) Waxaa mahad leh Allah awooda leh ee inoo suuro galiyay doorashada sida xorta iyo xalaasha ah inoogu qabsoonaty, marka labaad waxaanu halkan ka bogaadinaynaa dhamaanba shacbka reer Somaliland ee sida nabad galyada leh uga qayb qaatay doorashadii qabsoontay 26 June 2010, waxaa sidoo kale anu bogaadinaynaa dhamaanba ciidamada qaranka qaybahooda kal duwan oo iyaguna si hagar la’aan ah ugu adeegay dalka mudadii ay socotay doorashadu oo habeen iyo maalinba heegan u ahaa sugida abniga qaranka.  Waxaa xusida gaara mudan isla markaana ugu hablaynaynaa guddida doorashooyinka qaranka oo u horseeday qaranka reer Somaliland tariikh ma hadho ah waxqabadkooduna noqon doono mid bulsha weynta Somaliland baal dahab ka gali doona laguna xusuusan doono dacaadnimada iyo kartida ay ugu adeegeen bulashada kagana sareen xaladii cakirnayda ee ay soo martay siyaasada dalku mudooyinkii ugu danbeeyay.

Marka labaad waxaanu habalyo u diraynaa madaxweynaha cusub ee ku guulaystay doorashadii qasbsoontay 26 June 2010 Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud - Siilaanyo oo aanu leenahay Allaha awooda leh ee kuu doortay inaad noqoto madax weynaha afaraad ee Somaliland ayaanu kaaga baryaynaa inuu kula garab galo xilkaa culus ee umadu kuu igmatay Allana kaa dhigo kii cadaalad iyo horumar u horseeda umadiisa. Sidoo Kale waxaan hanbalyo u diraynaa Madaxweyn ku xigaanka cusub ee la doortay ee Cabdiraxman Cabdilahi Ismacil - Saylaci.

Waxaa iyaguna lama hilmaamana labada xisbi qaran UDUB iyo UCID oo aqblay una hogaansamay  natiijadii ka soo baxday doorashadii dalka ka dhacday kalsoonina u muujiyay guddiga doorashooyinka qaranka, waxanan labada xisbiba leenahay hablyo sida dimiquradiyada ah ee aad uga qayb qaadateen doorashada islamarkaana ugu hogaansteen go’aankii ka soo baxay taasi oo idiingali doonta tariikhda taxana ah ee Somaliland magaca iyo maamuuska aad u soo jiideena dalkana aan marnaba la iloobi doonin.

Waxaanu sigaara u xusaynaa madax weynaha dalka ee hada ka dagya kursiga mudane Daahir Riyaale Kaahin oo noqday madax weynihii ugu horeeyay ee Somaliland ee shacbigu soo doorto isla markaana kaga degay kursiga rabitaan shacbi taasi oo aan hore uga dhicin madaqadan geeska arfica ee Somaliland ku taalo guuda ahaana qaraada Africa waxaa uu ka noqday inta taariikhda lagu hayo madaxweynhii labaad ee doorasho xor ah iya rabitaanka dadkiisa kaga daga jagada madaxweyne, waxaananu ugu hablyaynaynaa Mudane Daahir Reyaale waxqabadkii, hirgalinta doorashada, aqbalista go’aanka guddida doorashooyinka qaranka iyo waliba taariikhda lama iloobanka ah ee uu ka galay tariikhda Somaliland iyo tan Africaba.

Guled Abdi Sheekhaash - Gudoomiyaha - SDWO

Ahmed Mohamed Yusuf - Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Shiine Cilmi Kaahin - Xoghayaha guud ee SDWO

 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE