SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xeebta Batalaale ee Berbera iyo Xusuusta lama Ilaawaanka ah ee maalmahii Ciida

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Daawo Madarasada Agoomaha Hargeysa si aad u caawisid

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

SDWO (Berbera 05/10/08) Magaalada Xeebta ku taala ee Berbera waxa ay ka mid tahay magaalooyinka aad u leh meelaha ay ka soo baxday Xadaaradaha Aduunka, Berbera waxa ku yaala xeeb aad u fiican oo ay dadka ku nool Somaliland u dabaal tagaan.

 
Xeebta Berbera gaar ahaan meesha la yidhaahdo Batalaale waxa ku aasan aabaha Jacaylka Somalida waa Cilmi Liibaan (Cilmi Boodhari) oo ah inta la xuso ninki ugu horeeyay ee uu asiibo cudurka Jacaylku, taasi oo aakhirkiina dhaxalsiisay in uu iilka la jiifsado cishqigii iyo Jacaylkii xad dhaafka ah ee uu u qabay Hodan.

 
inaga oo aan ku sii dheeraanayn taariikhda Cilmi Boodhari hadana waxa aan xasuustay markii aan dhawaan tegay Magaalada Berbera halkaasi oo aan tegay qabriga uu haatan ku aasan yahay Cilmi Boodhari ka dibna aan faataxada u Maray.


ujeedadaydu waxa ay ahayd in aan tago oo aan dabaal u aado Xeebta aadka u fiican ee Batalaale. halkaasi oo ay inta badan dadka ku nool Somaliland ay dabaal u tagaan waqtiyadooda fasaxa.

 
hasa yeeshee waxa aan kala kulmay Xeebta Dabaasha ee Batalaale waxa iga yaabiyay ka dib markii aan arkay tiro badnaantay dadka iyaguna u yimi Dabaasha ee ka kala yimi dhamaan Gobolada Somaliland oo dhan, iyadoo saddexdii cisho ee iida aan ku qiyaasya dad gaadhaya 15000 oo qof kuwaasi oo ku yimi dhamaan qaybaha kala duwan ee gaadiidka hadii ay ahaan lahayd Basas,laanguruusaalo,tagaasi iyo xaajiyado oo ay qaarkood ahaayeen koox koox qaar kalena ay ahaayeen qof qof.
 
Xeebta Dabaasha ee Batalaale oo ay ka dhacayso neecaw qabow oo uu jeclaysanaayo jidhkaagu, waxa tahay goob aad u fiican oo ku fiican dalxiiska iyo nasashada. waxa aad ilaabaysaa marka aad tagto Xeebta Dabaasha ee Batalaale dhamaan wixii wer wer aduunyo ee kugu jiray oo dhan waxanad noqonaysaa qof dareemay in uu yimi deegaan kale.


 

Xeebta Dabaasha ee Batalaale oo waagii hore ahayd meel lagu beeray dhir badan oo loogu talo galay in la hadhsado inta qof sugaayo kala degista Mowjadaha Badda haatan dhirtaasi dhamaan waa la baabiiyay waxana qaar ka mida dadku ii sheegeen in loo isticmaalay Dhuxul.


sidoo kale Xeebta Batalaale waxaa ay lahaan jirtay saddex qaybood oo loo kala asteeyey ragga,dumarka iyo qaybta dadka Ajaanibka ah,hase yeeshee immika waxaa ay u muuqataa in dhamaanba waxaasi ay meesha ka baxeen oo qof kastaaba meesha uu ka haleelo uu ka glaayo badda.

waxaa iyana wax la ilaabo aan ahayn dhallinyaro badan oo xeebta Batalaale ku ciyaaraya kubbadaha kala gedisan,taas oo aad is odhanayso mala goobtan aad joogtaa maaha dhul ka mid ah Somaliland.

Maxamed Siciid(xarrago)

biyodahab1@hotmail.com

 

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE