SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

Xulashada SDWO ee Bisha - Arimaha Bulshada 

 

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

 

SDWO (Hargeisa 20/08/07)  Khadar Axmed Nuur waa wiil yar oo da,diisu tahay 5 jir, Wiilkan yari waxa uu ka mid yahay caruurta yaryar ee ka dhex shaqaysata magaalada Hargeysa siiba ciyaalka baalishlaha ah ee makhaayadaha marka shaaha laga cabayo dadka kabaha u baalisheeya.

 

Imperial Hotel - Hargeisa

Khadar yare waxaaan kula kulmay hotel ku yaala magaalada Hargeysa una dhexeeya wasaarada arimaha gudaha iyo hotelka weyn ee caanka ah ee Bar xaraf.  Hotelkan waxa la yidhaah Imperial waxaanu ka mid yahay hotelada la odhan karo waa meelaha qurbajooga dalka fasaxa u yimid siiba raggu ay aad ka iskugu yimaadaan gaar ahaan barqadii oo shaaha iyo kafeega aad dhirta hoosteeda loogu cabo.

 

Khadar yare waxa aad u soo dhoweya oo kabaha ka baalisheysta dhalinyarada qurbajooga ee hotelka iskugu timaada oo xataa hadaanay u baahnayn baalish isku guubaabiye inay hadana kabaha u dhiibtaan oo ay ka baalisheystan maalinwalaba marku Khadar yare soo galo hotelka barqadii. 

Khadar yare waxa uu noqday wiil yar oo qurbojooga aad u taabtay marka dadiisa la eego iyo sida uu u heelanyahay ee uu u shaqeeyo.  Waxa maanta ii suurto gashay markii uu kabaha ii baalisheynayey inaan sawiro ka qaado isla markaasna aan la yara sheekaysto. 

 

Khadar yare waxa uu ii sheegay inuu shaqadan baalishlaha ah uu bilaabay ciidii sanadkii hore markaas oo ay dadiisu ahayd 4 jir, waxa kale oo uu ii shegay inuu lacagta hooyadii u geeyo oo ay biil ka dhigtaan maadaama uu aabahii yahay nin waalan oo xanuusanaya. 

Qurbojooga ayaad arkaysaa iyagoo had iyo jeer barbar dhigaya wiilkan yar caruurta kale ee da,diisa ah ee ku nool qurbaha heerka uu garaadkoogu taaganyahay iyo sida badankooga weli cuntada afka loogu gurayo.

 

Khadar yare waxa had iyo jeer dhalinyardani kula talisaa inuu xafido lacagta isagoo aad arkayso isagoo lacagtii uu shaqaystayba gacmaha ku sita oo lagu yidhaah way kaa lumi ama lagaa qaadidoona,  maadaama uu caruur yahay xataa mararka qaarkood wuxuu ku odhanyaa baalishkiiba iga dhamaaday markaas oo loo sheego waa la soo iibsadaa markuu baalishku kaa dhamaadee orodoo dukaanka tag, sababto ah wax aad garan kartaa da,diisa oo aad u yar inaanu xataa garanin in uu baalish u baahanyahay inuu soo iibsado.

 

Maanta waxa aad looga wada xumaaday markii uu baalishdoontay in wixii lacag uu shaqeeyay iyo wixii kale ee shaxaad loo siiyayba ay ka lumin,  halkiina wax yar la iskugu dardaro si niyadjabka looga biiyo, shaqadiisiina uu halkii ka sii wato.  Waxaan ku soo gebogebeeyay waa wiil yar oo rabi mooyee aan cidina u maqnayna ceela u qodnayn.

 

 Guled Cabdi Sheekhaash

Hargeisa SDWO News Desk

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE