SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Xildhibaan Axmed Weyne oo la kulmay Jaaliyada Somaliland ee Waqooyiga London

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

   

 

 

 

Daawo Madarasada Agoomaha Hargeysa si aad u caawisid

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

 

 

 

 

 

 

 

 

SDWO (London 03/01/09) Jaaliyada Somaliland ee waqooyinga London ayaa xaflad qado ah oo soo dhoweyna kula kulantay Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir - Axmed Weyne oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo dhowaanahanba booqosho ku marayey dalkan UK.

Bidix: Axmed Cisman (qabanqaabiyaha xaflada) dhexda: Xildhibaan Axhmed Weyne

Xafladan  waxa soo qabanqaabiyey Axmed Cismaan oo ka tirsan waxgaradka xaafada. Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay odayaal badan oo ka tirsan xaafadan oo uu ka midyahay Suldaan Adan Suldaan Cabdiraxmaan.   Xildhibaan Axmed Weyne ayaa jaaliyada uga mahadnaqay soo dhoweynta weyn ee ay u sameeyeen kuna soo dhoweeyeen London.   Cuntada ka dib ayaa waxa la gudagalay in warbixino ay ka dhegaystaan Xilidhibaanka isla markaasna su,aalo badan oo dhinacyo badan taabanaya la weeydiiyo xildhibaanka.

Xildhibaan Axmed Weyne wuxuu aad ugu dheeraaday hawlaha baarlamanka iyo awoodahiisa, isagoo sheegay in dadweyanahii baarlamankan cusub soo doortay ay wax weyn ka filayeen inay qabtaan isagoo sheegayna inay dhaliilo leeyahiin gole wakiilo ahaan, dhaaliishoodana ay qaadanayaan.  Xildhibaanku wuxuu ka dhawaajiyey sida waxqabadkii laga filayey ay u curyaamiyeen golaha guurtidu oo u haysta in xilkoodu yahay inay difaacaan xukuumada oo keliya, halkii ay waxqabadka xukuumada kula xisaabtamilahaayeen waxay ku mashquulsanyahiin sidii eed kaste oo xukuumada baarlamanku u soo jeediyaba ay uga difaacilahaayeen, waxa uu yidhi waa gole  hal ujeedo wada leh oo ah ka difaacida baarlamanka ee xukuumada, inkastoo lagu sheego golahu inuu wada UDUB yahay hadana waxaan qabaabuu yidhi xildhibaanku inanay xisbi ahaan udub u taageeraynine ee ay u  taageerayaan xukuumad ahaan sidaas darteedna kolba xisbigii qabsada xukuumad uu soo dhiso uun ay wada taageeridoonaan.  Waxa uu xildhibaanku ka dhawaajiyey in guurtidu maadaama uu dastuurka awooda ugu saraysa siiyey oo wax wal oo baarlamanku soo ansaxiyaba iyaga ku danbaynayso in ay qodobo baarlamaku soo ansaxiyey  oo muhiim u ahaa dalka ay dib u soo celiyaan ama gebi ahaantiiba baabiiyaan.

Guurtidu waxa uu yidhi xili adag bay inaga soo saartay oo loo baahnaa iyagoo u badnaa oday dhaqmeedyo, hase ahaatee maadaama dimoqraadiyad aan u gudubnay waxa loo baahanyahay gole umaddu soo doorto oo shuruucda dalka ilaalisa ee aan noqon gole u dhisan difaacida xukuumada kolba markaas jirta.

Waxa uu Xildhibaan Axmed weyne ka dhawaajiyey sida aanu baarlamanku awoodiisii sharci u adeegsankarin waxbana uga qaban karin durdurinta xukuumada oo inta badan ku xadgudubta dastuurka isagoo tusaale u soo qaaday in xukuumadu aanay u soo gudbin golaha wakiilada qorshaha xukuumadu ku shaqaynayso oo ahayd in baarlamanka la soo hor dhigo oo la ansaxiyo.  waxa kale oo ka mid ah arimaha uu xildhibaanku ka hadlay ee ku dhaqan la,aanta dasturuka dalka ka mid ah waxay ahayd buu yidhi in mar wal oo bangigu lacag soo daabacayo ay ahayd in la soo hordhigo baarlamanka oo laga doodo lana ansaxiyo ama la diido,  lacagtii u horeysay oo la soo daabacay 1995kii ayaa ugu danbaysay lacag baarlaman uu ansaxiyo in la soo daabaco. waxaanu sheegay in sanadwalba la iska soo daabaco.  Sida dastuurku dhigayo waxay ahayd buu yidhi in madaxweynahu sanadkiiba hal mar horyimaado baarlamanka oo uu qudub u jeediyo kana hadlo waxqabadkii sanadkii la soo dhaafay, su,aalana laga weeydiiyo, tani oo inta badan aan dhicin buu yidhi xildhibaanku.

Madaxweyanahu wax uu baarlamanka kala socodsiiyo booqoshooyinka uu dibadaha ugu baxayo habayaraatee ma jirto oo dadka caadiga ah uun baan ula simanahay, markuu soo laabtana wax warbixin ah baarlamanka uma soo gudibiyo oo xataa heshiisyada uu soo galo in baarlmanka la horkeeno oo la ansaxiyo ayay ahayd.

Awoodaha kale ee uu Madaxweynahu dalka ku wiiqay waxa ka mid ah buu yidhi isagoo soo magacaaba gudoomiyaha maxkamada sare iyo gudoomiyaha bangiga dhexe, maadaama uu madaxweynahu soo magacaabana waxay noqdaan uun shaqaale ka tirsan xukuumada oo aan marnaba xukuumada qaladadeeda ka hor iman karin.

Waxyaabaha kale ee xildhibaanka la weeydiiyay wax ka mid ahaa arimaho la xidhiidha degmooyinkii uu khilaafku ka taagnaa ee Gebiley iyo waqooyiga Hargeysa ee la rabay in la raaciyo gobolka awdal. waxaanu xildhibaanku yidhi arinkaas waxa lagu soo afjaray in 31ka December 2008 degmooyinkaas lagu wareejindoono deegnadii ay hore uga tirsanaayeen, markaa inkastoo aan ilaa hada wax hadal ahi ka soo bixin dhinaca xukuumada hadana wuxuu yidhi xildhibaanku yaan lagu degdegin  sababtoo ah imika uun baan ka soo gudubnay xiligii loo qabtay in arinkani soo afjarmo oo waakan hada uun sanadkii cusbaa bilaabmay.

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay Dhakhtarkii hore ee magaalada Gebiley oo aan dib loo dhisin tan iyo burburkii weynaa ee ka soo gaadhay dagaaladii lala galay taliskii hore ee macangaga ahaa ee Siyaad Bare. Waxaanu qurbojooga somaliland meel wal oo ay joogaanba ugu baaqay inay ka qaybqaataan dib u dhiska dhakhtarka oo daboolidoono baahida caafimaad ee mujtamac ku dhow 3 boqol oo kun oo qof oo ku dhaqan Gebiley iyo nawaaxigeeda.  Waxaanu qurbojooga ugu baaqay inanay ka niyad jabin ama aanay ku halayn marka aad maqashaan xukuumadii ayaa dhisaysa oo inta badan lagu galo kaambaynka dooroshooyinka, oo marar badan la maqlay marwadii madaxweynaha ayaa dhagax dhigtay dhismaha dhakhtarka,  ama koox wasiiro ah ay dhagaxdhigtay. arinkaasi waxba kama jiro xukuumad dhakhtar dhisaysaana ma jirto ee dhisamaha dhakhtarkaasi wuxuu sugayaa buu yidhi xildhibaanku qurbojooga Somaliland.

 

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE