SDWO (London 03/01/09) Jaaliyada Somaliland ee waqooyinga
London ayaa xaflad qado ah oo soo dhoweyna kula kulantay Xildhibaan Axmed
Ibraahin Daahir - Axmed Weyne oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo
dhowaanahanba booqosho ku marayey dalkan UK.

Bidix:
Axmed Cisman (qabanqaabiyaha xaflada) dhexda: Xildhibaan Axhmed Weyne
Xafladan waxa soo qabanqaabiyey Axmed Cismaan oo ka
tirsan waxgaradka xaafada. Xafladan ayaa waxa ka soo qaybgalay odayaal
badan oo ka tirsan xaafadan oo uu ka midyahay Suldaan Adan Suldaan
Cabdiraxmaan. Xildhibaan Axmed Weyne ayaa jaaliyada uga
mahadnaqay soo dhoweynta weyn ee ay u sameeyeen kuna soo dhoweeyeen
London. Cuntada ka dib ayaa waxa la gudagalay in warbixino ay
ka dhegaystaan Xilidhibaanka isla markaasna su,aalo badan oo dhinacyo
badan taabanaya la weeydiiyo xildhibaanka.

Xildhibaan Axmed Weyne wuxuu aad ugu dheeraaday hawlaha
baarlamanka iyo awoodahiisa, isagoo sheegay in dadweyanahii baarlamankan
cusub soo doortay ay
wax weyn ka filayeen inay qabtaan isagoo sheegayna inay dhaliilo leeyahiin gole wakiilo
ahaan, dhaaliishoodana ay qaadanayaan. Xildhibaanku wuxuu ka
dhawaajiyey sida waxqabadkii laga filayey ay u curyaamiyeen golaha
guurtidu oo u haysta in xilkoodu yahay inay difaacaan xukuumada oo keliya,
halkii ay waxqabadka xukuumada kula xisaabtamilahaayeen waxay ku
mashquulsanyahiin sidii eed kaste oo xukuumada baarlamanku u soo jeediyaba
ay uga difaacilahaayeen, waxa uu yidhi waa gole hal ujeedo wada leh
oo ah ka difaacida baarlamanka ee xukuumada, inkastoo lagu sheego golahu
inuu wada UDUB yahay hadana waxaan qabaabuu yidhi xildhibaanku inanay
xisbi ahaan udub u taageeraynine ee ay u taageerayaan xukuumad ahaan
sidaas darteedna kolba xisbigii qabsada xukuumad uu soo dhiso uun ay wada
taageeridoonaan. Waxa uu xildhibaanku ka dhawaajiyey in guurtidu
maadaama uu dastuurka awooda ugu saraysa siiyey oo wax wal oo baarlamanku
soo ansaxiyaba iyaga ku danbaynayso in ay qodobo baarlamaku soo ansaxiyey
oo muhiim u ahaa dalka ay dib u soo celiyaan ama gebi ahaantiiba
baabiiyaan.

Guurtidu waxa uu yidhi xili adag bay inaga
soo saartay oo loo baahnaa iyagoo u badnaa oday dhaqmeedyo, hase ahaatee
maadaama dimoqraadiyad aan u gudubnay waxa loo baahanyahay gole umaddu soo
doorto oo shuruucda dalka ilaalisa ee aan noqon gole u dhisan difaacida
xukuumada kolba markaas jirta.

Waxa uu Xildhibaan Axmed weyne ka
dhawaajiyey sida aanu baarlamanku awoodiisii sharci u adeegsankarin
waxbana uga qaban karin durdurinta xukuumada oo inta badan ku xadgudubta
dastuurka isagoo tusaale u soo qaaday in xukuumadu aanay u soo gudbin
golaha wakiilada qorshaha xukuumadu ku shaqaynayso oo ahayd in baarlamanka
la soo hor dhigo oo la ansaxiyo. waxa kale oo ka mid ah arimaha uu
xildhibaanku ka hadlay ee ku dhaqan la,aanta dasturuka dalka ka mid ah
waxay ahayd buu yidhi in mar wal oo bangigu lacag soo daabacayo ay ahayd
in la soo hordhigo baarlamanka oo laga doodo lana ansaxiyo ama la diido,
lacagtii u horeysay oo la soo daabacay 1995kii ayaa ugu danbaysay lacag
baarlaman uu ansaxiyo in la soo daabaco. waxaanu sheegay in sanadwalba la
iska soo daabaco. Sida dastuurku dhigayo waxay ahayd buu yidhi in
madaxweynahu sanadkiiba hal mar horyimaado baarlamanka oo uu qudub u
jeediyo kana hadlo waxqabadkii sanadkii la soo dhaafay, su,aalana laga
weeydiiyo, tani oo inta badan aan dhicin buu yidhi xildhibaanku.
Madaxweyanahu wax uu baarlamanka kala
socodsiiyo booqoshooyinka uu dibadaha ugu baxayo habayaraatee ma jirto oo
dadka caadiga ah uun baan ula simanahay, markuu soo laabtana wax warbixin
ah baarlamanka uma soo gudibiyo oo xataa heshiisyada uu soo galo in
baarlmanka la horkeeno oo la ansaxiyo ayay ahayd.

Awoodaha kale ee uu Madaxweynahu dalka ku
wiiqay waxa ka mid ah buu yidhi isagoo soo magacaaba gudoomiyaha maxkamada
sare iyo gudoomiyaha bangiga dhexe, maadaama uu madaxweynahu soo
magacaabana waxay noqdaan uun shaqaale ka tirsan xukuumada oo aan marnaba
xukuumada qaladadeeda ka hor iman karin.

Waxyaabaha kale ee xildhibaanka la
weeydiiyay wax ka mid ahaa arimaho la xidhiidha degmooyinkii uu khilaafku
ka taagnaa ee Gebiley iyo waqooyiga Hargeysa ee la rabay in la raaciyo
gobolka awdal. waxaanu xildhibaanku yidhi arinkaas waxa lagu soo afjaray
in 31ka December 2008 degmooyinkaas lagu wareejindoono deegnadii ay hore
uga tirsanaayeen, markaa inkastoo aan ilaa hada wax hadal ahi ka soo bixin
dhinaca xukuumada hadana wuxuu yidhi xildhibaanku yaan lagu degdegin
sababtoo ah imika uun baan ka soo gudubnay xiligii loo qabtay in arinkani
soo afjarmo oo waakan hada uun sanadkii cusbaa bilaabmay.

Xildhibaanku waxa kale oo uu ka hadlay
Dhakhtarkii hore ee magaalada Gebiley oo aan dib loo dhisin tan iyo
burburkii weynaa ee ka soo gaadhay dagaaladii lala galay taliskii hore ee
macangaga ahaa ee Siyaad Bare. Waxaanu qurbojooga somaliland meel wal oo
ay joogaanba ugu baaqay inay ka qaybqaataan dib u dhiska dhakhtarka oo
daboolidoono baahida caafimaad ee mujtamac ku dhow 3 boqol oo kun oo qof
oo ku dhaqan Gebiley iyo nawaaxigeeda. Waxaanu qurbojooga ugu baaqay
inanay ka niyad jabin ama aanay ku halayn marka aad maqashaan xukuumadii
ayaa dhisaysa oo inta badan lagu galo kaambaynka dooroshooyinka, oo marar
badan la maqlay marwadii madaxweynaha ayaa dhagax dhigtay dhismaha
dhakhtarka, ama koox wasiiro ah ay dhagaxdhigtay. arinkaasi waxba
kama jiro xukuumad dhakhtar dhisaysaana ma jirto ee dhisamaha
dhakhtarkaasi wuxuu sugayaa buu yidhi xildhibaanku qurbojooga Somaliland.



