SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Fananka weyn ee caanka ah K'nan iyo Socdaalkiisii Hargeysa

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 18/01/2010) Fananka weyn ee caanka ka noqday aduunka dacaladiisa K'naan Warsame ayaa dhowaan booqasho ku yimid Somaliland.  K'nan waa fanan intabadan ku heesa afka ingiriisida heesahiisana laga daawado TV yada caalamiga ah sida janalka u gaarka ah music ga ee MTV.

K'nan markuu ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa

 

K'nan wax kale oo uu aad u sii caanbaxay ka dib markii loo doortay inuu qaado ninka qaadaya heesta furitaanka koobka kubada cagta ee aduunka ee ka dhicidoona dalka South Africa bisha June ee sanadkan 2010ka.

 

 

Knan waa fanaan aad u dayar oo ah 31 jir hadana noqday fanaan caalamka aad looga qadariyo, waxaanu aad uu sii caanbixidoona marka aduunka dacaladiisa ti toos ah (live) looga daawado maalinta furitaanka koobka aduunka iyo heestiisa furitaanka xafalada.  K'nan wuxuu ku dhashay magaalada muqdisho  isagoo dugsiga sare aan weli dhamaysana waxa dhacay dagaaladii sokeeye ka dibna ay hooyadii u soo kaxaaysay dalka Canada oo uu hada deganyahay kana soo caanbaxay.

 

 

Hadaba K'nan markii uu dalka yimid ee uu ka soo degay Hargeysa waxa uu aad uga helay nabadgelayada iyo kala danbynta ka jirta Somaliland, isagoo aad u xiiseyay mudadii labada wiig ahaa ee uu dalka ku sugnaa isagoo booqday goobo kala duwan oo ay ka mid yahiin goobta dalxiiska ee Laas geel ee u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.   Waxa kale uu uu booqday Geed Deeble oo uu ku duubay film ka hadlaya hidaha iyo dhaqanka Somalida oo si qurxbadan loogu duubay goobtaas oo ay kala qaybqaataan dhalinyarada  hidaha iyo dhaqanka ee Hargeysa.   Fanaanka waxa la socday koox ajaanib ah oo u qaabilsanaa duubida filmada intuu somaliland ku suganayahay.

 

 

Al-Fanan K'nan waxa uu la kulmay madax sarsare ee Somaliland iyo fananiin iyo abwaano caan ah oo uu ka mid yahay Abwaan Hadraawi, sida ka muuqata sawirkan hoose.

 

 

K'nan waxa kale oo u ku caanbaxay sida uu sida badheedhka ah uu uga hadlo TV yada caalamiga sida CNN, CBC, BBC iyo Al-jazeera uuna sheego sida uu uga xunyahay bililiqada lagu hayo kaluunka ku jira bada Somaliya iyo wasakhda hadhaaga wershedaha kiimikada ee lagu daadiyo Somaliya badeeda iyadoo wejikale loo yeelayo oo laga dhigayo in lala dagaalamayo budhcadbadeed.

 

 

Fanan K'naan ayaa xidhnaa dharka hidaha iyo dhaqanka sida labadii go,o ee cadcadaa iyo isagoo sitay ushii iyo saqaftii qoriga ahayd ee marka lagu feedho madaxa la sudhanjiray.  Waxa la filyaa inuu film aad u qurxooni halkaas ka soo bixidoono sida la iskula helay hablahii iyo inamadii oo dharkii hidaha iyo dhaqanka ku lebisan iyo dhulka qurxoon ee Geed Deeble.

 

 

Laas-Geel

K'nan oo si nabadgelyo ah gaadhi ugu dhexwata Somaliland

 

SDWO News Desk - Hargeisa