SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Qaybta 1aad  Hordhac 

Intaanan qormadaydan u gelin aan marka hore u hambalyeeyo Boobe Yuusuf Ducaale sida la yaabka leh ee xikmaddu ku dheehan tahay ee aanuu waxna uga tegin taariikhda soomaalida kuna dheeraan tafaasiil dheeraad ah oo aan loo baahnayn. Waxaan xasuustaa maahmaadii la odhan jiray “nin rag ahina waa garanayaa doqonna loo sheegi maayo”. 

Run ahaantii waxaan odhan karaa waxaan ka faai’day wax aad u farabadan oo ku saabsan arimaha ka dhacayay geeska Africa iyo gaar ahaan mawduucyada uu sida gaarka ah uga hadlay. 

Waan ka xumahay inaan ka daba qaato oo aan maanta ka dhooqeeyo biyihii xareedda ahaa ee dadka waraabinayay waxaanse is leeyahay bal wixii aad ku darsan karto adiguna gacan ka geyso mar hadii uu isaguba codsaday bal in wax laga soo yidhaahdo wixii uu aduunyada u soo bandhigay. Qofku hadii uu wax wanaagsan qabto wuxuun baa la yidhaahda kol mahadsanid la yidhaa ama hambalyo loo dirana.

Qoraagu wuxuu ina saaray diyaarad amaba aan idhaahdee dayax gacmeed, waxaynu ku wareegnay Somaliland, waxaynu u gudubnay Somaaliya, waxaynu hadana duulimaadkii ku tagnay Jabuuti, hadana waxay inagu khasabtay inaynu Itoobiya yara dhex mushaaxno, waxaynu uga sii gudubnay wadamo kele oo geeska ah iyo qaar aduunka ahba. Xagga waqtiga waxaynu dib ugu noqonay qarnigii kan ku laba ahaa iyo xiliyadii gumeysaiga, waxaynu soo dhex mushaaxnay waqtigii xornimo doonka iyo dhaqdhaqaaqyadii kala duwanaa, waxaynu soo cagadhiganay xornimadii, waxaynu hadana dhex dabaalanay sagaalkii sanadood ee musuqa iyo quusta, waxaynu u soo gudubnay oktoobartii iyo sanadihii kacaanka, waxay halkaa ka soo galnay bilowgii halgankii hubaysnaa ee lagala hortegey Siyaad Barre ilaa aynu ka soo cagaddhiganay xilligan aynu maanta joogno. Markaan qoraalkaas dhameeyay waxaan ahaa sidii qof daallan oo intaas oo dhul ah ku soo wareegayay sannadahaa badan ee aan sheegay, mudo ayay igu qaadatay inaan xiiq tirto, waxaan u baahday inaan yara nasto oo aan in yar indhaha qac isku yara siiyo, biyaan isku qabay waan is qaboojiyay markaasaan go’aansaday bal inaan mar labaad dul maro si aan markan ugu diyaar garoobo inaan ku darsado wixii intaas oo dhan iga guuxayay. Wuxuu ahaa safar uu dadka marsiin karo keliya nin gadhwadeen ah oo garanaya meesha uu marayo iyo waxa uu dadka u sheegayo. Hadaan maanta Madaxweyne ka ahaan lahaa dalka waxaan gudoonsiin lahaa billad dahab ah laakiin Ilaahay ma qadarin rajaduse ma xuma oo Ilaahay inuu hirgeliyo waa laga yaabaa mar hadii weli la nool yahay. 

Boobe Yuusuf Ducaale anagu si shakhsiya isuma naqaano waxaanan filayaa inaanu hal habeen waqti daqiiqado ka yar ku kulannay kulamada ay qabtaan dhalinyarada readers club ku ee Hargeisa ka dhaca bil walba. Waa run oo meelo badan waanu isugu nimid wax badan waan dhegeystay isagoo hadlaya buugaagtiisana inkastoonan wada akhriyin laakiin wax waan ka akhriyay. Laakiin markaa keliya ee aan ka sheekaynayaa waa markii keli ahayd ee ay salaani na dhex marto dhowr hadalna aanu is waydaarsano. Waa habeenkii la soo bandhigay buugiisii “diiwaanka maansada Timacadde”. Xafiiskiisa waan ugu tegey laakiin dad kele ayaan mararkaasna la socday wax shakhsi ahina nama dhex marin. Waxaan aad u xiiseeyaa maqaaladiisa iyo qoraaladiisa kala duwan ee xikmada huwan ee uu ku soo bandhigo warbaahinta kala duwan ee gudaha iyo kuwa debeddaba. 

Waxa aan mararka qaarkood is waydiiyaa tolow maxaa loo heli waayay dad sidiisaas oo kele isku hawla inay taariikhda dhaxalgalka ah qoraan, kaydiyaan, una soo bandhigaan dadweynaha maanta la isugu bahaystay in taariikhdoodii ay lahaayeen laga marin habaabiyo oo imika taariikh iyo siiro cusub loo qoro oo loo yeedhiyo. Maanta Somaliland waxay ka buuxdaa kayd dheemanta ka qaalisan oo ah taariikh iyo dharaaro la soo maray oo ka buuxa kumaakunkaa qof ee yar iyo weynba leh, siyaasi iyo aqoon yahan leh, ciidan iyo shicib leh, suldaan iyo arday leh, rag iyo dumar leh, oo weliba aqoon yahan iyo wax ma garataba leh. Waxa keliya oo maanta loo baahan yahay waa dad waxaas uun isku ururiya oo intay isku dubaridaan dadka u soo bandhiga. Wixii qalab loo baahnaa waa la hayaa, wixii aqoon hawshaas lagu qaban lahaana waa la hayaa, dadkii qaban lahaa way buuxaan, malaa dee lacagna looma waayeen laakiin meel bay kubbaddu ka dalooshaa.

Waxa aan mararka qaarkood arka dhalinyar jibbaysan oo inta ay kamarad fiidyow qaataan isku daya inay taariikh ururiyaan, oo marka ay dhowr waraysi soo qaadaan iska niyad jaba oo halkaa kaga hadha. Waa marka ay waayaan cid la shaqaysa, marka ay cay iyo aflagaado kala kulmaan kuwa ay rabaan inay waraysiyada ka qaadaan ee ay dadka uga dhigaan dadkii taariikhda hayay, markay hambalyo iyo is garabtaagid ka waayaan dadkii ay wax uu soo gudbinayeen ee ay u shaqaynayeen laftooda. Horaa loo yidhi far keliyi fool ma dhaqdo, hadii dhowr qof oo uu Boobe ugu horeeyaa ay waqtigoodii iyo hantidoodii geliyeen siday baylahdaa inagu banaan u oodi lahaayeen, hadana weli waxa dhiman tii wadarta ahayd ee shacbi iyo dowladba la isu kaashan lahaa ee mustaqbalka jiilka soo kacaya loogu samayn lahaa meeshay wax kala bixi lahaayeen iyagoo cidna u baahan. 

Yaa u baahan lahaa maanta inuu BBC wax ka qaato, yaa u baahan lahaa inuu Yuusuf Garaad ka dhegeysto taariikh uu isagu iska leeyahay, yaa u baahan lahaa inuu Ilma Ismaaciil Samatar dhegta u raaricin lahaa si ay ugu sheegaan waxay iyagu rabaan. 

Miyuu jiraa qof aniga iiga sheekaynaya taariikhdaydii shakhsiga ahayd, halkaan ku soo koray, iskuulkaan dhigtay, halkaan maray iyo sidaan u noolaa ?/  ,, waa maya oo anigaabaan ka dhegeysanayn waayo waxaan soo maray cid kele ii sheegi mayso. 

Waxa taas ka dhigan taariikhda umadda iyo wixii ay soo martay. Marka ay ummaddu tahay mid taariikhdeeda qorta, ururisa, habaysa kana war haysaa ma jiro qof u soo dhici kara oo odhan kara sidaas maahee waa sidaas. Sida aan maanta qofna looga dhaadhicinayn in 1988 aanuu dalka dagaal ka dhicin ayaan taariikhdana loo leexin Karin marka ay dadku iyagu soo jeedaan ee ay taariikhdooda ilaashanayaan. 

Waxaan odhan lahaa malaa Boobe inuu keligii dagaalkaa ku jiro waxa ka haboon inaynu hiil iyo hooba la garab istaagno oo aynu muruqa isu geysano si aynu u awdno god daloolooyinka uu cadowgu banaysanayo ee uu rabo inuu taariikhda umaddan ku beddelo. Horaa loo yidhi gacmo wada jir bay wax ku gooyaan ee ha loo guntado oo waad aragtaan in la isu soo kaashaday oo taariikhda iyo dalkaba duullaan lagu soo qaadaye waa in loo guntadaa in iyadoo la wada jiro laga hor tago. 

Haduu shalay dagaalku ahaa mid qori caaradii ah oo aynu ku adkaanay maanta wuu is bedelay oo waxa inagu socda weerar cir, dhul iyo badba ah oo la adeegsanayo qalin, computer, internet, saxaafad, idaacad, TV iyo wax kasta oo la awoodo,. Waxa weerar cad lagu soo qaaday dhegaheenii iyo maskaxdeenii iyo caruurtii aynu dhalnay si loogu shubto wax la rabo in hadhow laga miha dhashado.

Bal aan tusaale keliya soo qaato. Waxa aan maalin akhriyay buug ama siday u dhigayeen warbixin ay qoreen qolo ay Ilma Ismaaciil Samatar wada shaqaystaan oo cid weli aragtay aanay jirin oo inta ay urur isku magacaabeen isku sheegaya inay yihiin dad reer Somaliland ah oo ka soo horjeeda gooni isu taagga Jamhuurayadda Somaliland. Waxa meeshaas lagu qoray oo weliba aan Ilma ismaaciil Samatarna ka maqlay waxay ahayd in shirkii Burco lagu qabtay bishii May 1991 markii dalka la xoreeyay ee beelaha Somaliland oo dhami isugu yimaadeen laguna go’aamiyay gooni isu taagga Somaliland in uu aha afduub. Waxa wax lagu qoslo ah inay weliba yidhaahdeen ergadii meeshaas isugu timid oo reer Somaliland cid ka maqani aanay jirin in qoryo lagu qabtay laguna amray inay saxeexaan go’aankaas hadii kele la tooganayo. 

Marna waan qoslay marna iyagaan u naxay runtii. Adduunka malaa waxay moodeen ciyaal sheeko caruureed loogu sheekeeyo oo inta uu luuqda la dhaco dabadeed iska qaata wixii loo sheego. Waxay iloobeen in shirkii bilow ilaa dhamaad uu isaga oo cajalado fiidyoo ku duuban yaalo oo la helayo, waxay ilduufeen in codadkii oo duubani yaalaan, waxay iska dhego mariyeen in kumaankun qof oo markhaati ahi ay joogaan qoraalo kala duwana laga hayo, laakiin weli waxa ka dhaadhacsan aduunyada waad khaldi karaysaan. Kuwa weerarka inagu hayaa waa kuwa noocaas ah ee aan waxba ka xishoon, caqli iyo iimaantoona aanuu xidhin, wax ay dhowrsanayaana aanay jirin.

Malaa aniga laftaydaaba xamaasadi I qaaday oo ku yara dheeraadaye aan intaa kaga baxo hordhacii qoraalkan oo aan hoos ugu dego wixii aan gocanayay ee laabtayda soo qaaday intii aan akhriyayay maqaaladan taxanaha ahaa uu uu Boobe Yuusuf ugu deeqay dadka afka soomaaliga ku hadla oo dhan.

Mar hore ayaan is lahaa aad intan ayar qortid laakiin mashquulka aduunyada ayaan I siinin waqtigii aan u baahnaa si aan u faahfaahiyo dareenka dhabta ah ee igu dhashay iyo hiyikaca I soo qaaday ee aan la soo laabkacay.

Ma jecli inaan dheereeyo laakiin hadii ay ila taraarto yaan la ila yaabine ha la ii dul qaato malaa hadii computer la hor fadhiisto way adag tahay si farahaba loo xakameeyaaye.

 

La soco . . . . . . . . . . .

 

Rooble Maxamed

rooble2009@yahoo.com

Hargeisa, Somaliland

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE