Press Released - SDWO.COM 25/06/2010 (Somaliland Democracy Watch Oragnisation) Waa wax aad loogu farxo in olalahii dooroshooyinka si nabadgelyo ah oo aad u quruxbadan inoogu soo gebogeboobeen.
Shacbiga waxaan leenahay Muwaadin u meel day codkaaga, go,aanka adigaa iska leh oday iyo siyaasitoona kuma afduubi karo, waa mustaqabalkaagii, wuu mustaqabalkii dalkaaga iyo dadkaaga shanta sano ee socota oo nasiibkaagu ku soo gaadhsiiyey in adiga gacanta laguu soo geliyay oo lagu yidhi ka talo bixi sidaad rabto in dalkan loo hogaamiyo. ku dadaal inaanad hadhow is qoomamayn ka fiirso xisbigaad codkaaga siinayso
Hadaba iyadoo maanta ah 25kii Juune saacado aad u kooban inaad cidaad u codayn lahayd maskaxda gashan lahayd, waxaad haystaa ilaa maalinta beri ah ee 26ka Juun inaad go,aan ku gaadho xisbigii aad u codeyn lahayd adigoo dib u eegay isla markaasna dersaya siyaasadaha sedexda xisbi ay soo bandhigeen inay dalka ku hogaamindoonaan, hadaba yaanu oday ama siyaasi dantiisa shaqsiyanka ah ka hor marinaya danta dalka kugula talin hadaan reer hebel nahay xisbi hebel baan u codeynayana, waa oday ama siyaasi xisbi lacag ka soo qaatay, isagay wax u qabanaysaa ee reerka shilin kama soo gaadhayo, sidaas darteed oday iyo siyaasi yaanu kuu talin ee adigu diirada saar sedexda xisbi waxa uga qorsheysan inay ka qabtaan dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, Nabadgelyada, Kobcinta dhaqaalaha, dib u dhiska wadooyinka, biyo la,aanta baahday ee caasimada, Cadaalad xumada, dhiiri gelinta dhaliyarada iyo dabargoynta musuqmaasaqa.
Somaliland way ka soo gudubtay xiligii yaa reer hebel ah wax lagu dooranayey ee hada waxa la soo gaadhay yaa dalkan wax u qaban kara oo isbedel degdeg ah ayuu dalku u baahanyahaye yaa keeni kara? Su,aashaas Jawaabteedu gacantaaday ku jirtaa maanta ee ka faaiidayso oo u meel day codkaaga una codee horumar, nabadgelyo iyo cadaalad. Muwaadin ama afeef hore lahoow ama adkaysidanbe, hadhow ha is canaanan.
Ugu danbayntii waxaan Marlabaad hambalyo iyo bogaadin u diraynaa gudida Dooroshooyinka go,aanka taariikhiga ah ee ay ku beegeen doorashadu inay qabsoonto maalinta qaaliga ah ee 26ka June oo ku beegan 50 guuradii ka soo wareegtay markay somaliland xornimada ka qaadatay gumeysigii ingiriiska, waana waxa laga xishoodo in siyaasiyiin waaweeyn oo dalka magac ku lehi ay fahmi kari waayaan qiimaha ay maalintan weyni leedahay iyo inay ku dhaleeceeyaan gudida dooroshooyinka sababta loogu beegay maalintan qaaliga ah. Sanad Guurada 50aad oo calaamadisay qarni badhkii waa xus weyn oo ah in si sidii hore ka weyn loo xuso sida aduunka kalaba ka dhacda sidaas darteedna xus iyo dabaaldeg ka weyn dooroshooyinka oo lagu xusi lahaa 50 guurada xornimada somaliand ma jirto.
Long Live Somaliland
Guled Abdi Sheekhaash
Gudoomiyaha SDWO