SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Universal TV oo isku roggay goob lagaga soo duulo Somaliland

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

Press Release - SDWO.COM(London 02/07/2010) Waxaan marka hore dhalacaynaynaa Barnaamijkii ka baxay Universal TV 30kii June 2010 ee uu ku soo casuumay nin aan da,diisa iyo maskaxdiisu aanay isku dheelitirnayn oo u ekaa waayeel hadana nasiib daro sidii ilmayar oo ciyaalasuuq ah TV live ah uga caytamay.  Isagoo dhamaan shacbiweynaha Somaliland kula dulkufay gaf iyo caay aanay u qalmin oo ay ka mid tahay 60kii waxaad noo keenteen khamir, qaad iyo naago jidhkooga ka ganacsada.  Somalidu horey u tidhi af noolina wuu hadlaa eyna wuu ciyaa markaa ninkaasi aqoondaradiisa ayaa halkaas la martay hase yeeshee eeda iyo dhaleecaynta koobaad waxa iska leh TV ga Universal oo sheeganjiray inuu dhexdhexaad yahay hase yeeshee mudooyinkan danbe u xuub siibtay inuu raadiyo oo uu barnaamijyada ku soo casuumo dadka nacaybka gaarka ah u qaba Somaliland ee ay damqayso horumarka iyo nabadgelyada ka muuqata Somaliland ilaahay ha ugu sii wadee.

 

TV ga Univeral wuxuu u xuub siibtay siiba weriyahiisa Nadaara inuu noqdo madal lagaga soo duulo Jamhuuriyada Somaliland,  Waxaan Universal u soo jeedinaynaa inay si degdeg ah raaligelin uga bixiyaan barnaamijkaas foosha xumaa oo uu ogolaaday weriyahooga Nadaaro inuu sidii foolxumadu ka muuqay uu u haggo barnaamijka meeshii uu xadidi lahaa hadalada la odhanayo qofkii gefana uu hadlka uga joojin lahaa. Sidaas darteedna shaqo joojin degdeg ah lagu sameeyo Weriye ku sheegaasi.

 

Hadii Universal TV wax talaaba ah uu qaadiweeyo 24ka saacadood ee aynu ku guda jirno, waxaanu soo jeedinaynaa qodobadan hoosta ku qoran

 

  1. In xukuumada Somaliland ay dhamaan albaabada u laabto xafiisayada lixda gobol ee Universal TV
  2. Dhamaan shacbiweynaha ku dhaqan aduunka dacaladiisa ee daawada Universal TV waxaan u soo jeedinaynaa inaanay sii daawaan meel isirkooga lagu aflagaadaynayo, ee ay u wareegaan oo ay daawadaan TV ga cusub ee Somali Channel
  3. Dhamaan Ganacsatada Somaliland ee aduunka dacaladiisa ku noolana waxaan u soo jeedinaynaa inay joojiyaan xayaysiisyadii ganacsigooga ee Universal TV una digo rogtaan TV ga cusub ee Somali Channel.
  4. Dhamaan dadka reer Somaliland waxaan uga digaynaa inaanay ka qaybqaadan barnaamijyada Universal noocaydoonaanba ha ahaadaane, hadii kale qofkaas loo arki karo muwaadin aan ka gilgilan gafkaas weyn ee loo geystay somaliland

 

Universal TV oo hore wax uga sheegay diinta Islaamka oo soo bandhigay sawiro lagu aflagaadaynayo Nebigeenii Subanaa – (CSWS)  taasi oo sababtay in laga mabnuuco inta badan gobolada koonfureed. Sidaas darteed TV ga diinteenii Islamku ka fakanweyday ma cid kale ayaa ka nabadgelaysa oo aan ahayn in la cunaqabateeyo laguna dadaalo sidii hawada looga saari lahaa intii uu naxali iyo dib u soo hurin colaado hore uu ka shaqayn lahaa.

 

Long Live Somaliland

Somaliland Democracy Watch Organisation

 

Guled Abdi Sheekhaash - Gudoomiyaha SDWO

Axmed Maxamed Yusuf - Gudoomiye ku xigeenka SDWO

Shiine Cilmi Kaahin - Xoghayaha guud ee SDWO