Hargeysa (SDWO 28/06/2011) Akademiga Horumarka iyo Waxbarashada Dadka Laheyb-sooco ee (ADEM) ayaa maanta Hadiyad Sharafeed ku gudiinsiisay Hargeysa Gudoomiyaha SDWO - Guled Cabdi Sheekaash. Qaybta Samafalka ee SDWO Relief Project ayaa ka qaybqaatay dhawr mashruuc oo sadaqo ururin qurubojoogu kaga qaybqaateen dhibaatooyin ka jiray xaafada Daami ee magaalada Hargeysa.

Hadiyadan waxa gudoonsiiyey Gudoomiyaha SDWO, Barkhad Jamac Xirsi - Gudoomiyaha Akademiga Horumarka iyo Waxbrashada dadka laheyb sooco, Liibaan Cisman Maxamud - Komishanerka Akademiga iyo Xuseen Ibraahin Xassan - Madaxa Mashaariicda Akademiga.

Left: Gudoomiyaha Akademiga Barkhad Jamac iyo Guled Abdi - Gudoomiyaha SDWO
Ugu horeyentiiba waxa halkaas hadalo mahadnaq iyo soo dhoweyn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Akademiga - Barkhad, isla markaasna warbixin kooban ka siiyey habkii iyo ujeedadii ka danbaysay asaaska Akademigan, isagoo halkaas si kooban uga hadlay waxyaabahii u qabsoomay mudadii yarayd ee gaabnayd ee Akademigu jiray iyo caqabadaha ka hor yimid iyo siday uga go,antahay in ay u istaagaan horumarinta Akademigan si uu u noqdo mid midhahiisa ay ugu intifaacaan dadka laheyb Sooco hadii ay noqonlahayd dhinaca waxbrashada iyo guud ahaanba horumarinta beelaha la heyb-sooco. Sidoo kale iyaguna waxa halkaas hadalo koobkooban oo ka waramaya hawlaha ay qabto Akademigani ka jeediyey Liibaan Cisman iyo Xuseen Ibraahin.

Gebogebadii kulankan oo ka dhacay Summer Time Restuarant waxa uu Gudoomiyaha SDWO Guled Cabdi Sheekhaash uu uga mahadnaqay dhamaan xubnaha Akademiga Horumarka iyo Waxbarashada Dadka Laheyb-Sooco sida ay u soo sharfeen ee ay kulanka siyaarada ah ugu yimaadeen isla markaasna hadiyadan aad ka u qiimaha badan ugu gudoonsiiyeen. Gudoomiyaha ayaa balanqaaday inuu soo booqdo xarumaha Akademigan inta uu dalka joogo si uu indhahiisa ugu soo arko wixii u qabsoomay iyo dadaalka ay dhaliyaradini muujisay si ay dadka la hayeb sooco iyo kuwa wax heybsoocoaba ay uga saarilahaayeen jahliga iyo kalasaraynta aanay diinteenu marnba banaynin. Waxaanu Guled ilaahay uga beryay inuu garabgalo oo uu u fududeeyo hawshan baaxada leh ee ay iska xilsaareen si mutadawacnimo ah iyagoon cidna waxba kaga rabin ee hor ilaahay ugu kacay dadkaas qarniyada sida xaqdarada ah xaqooga jiritaan loo duudsiyey.

Kala soco SDWO warbixino ka hadlaya waxqabadka Akademigan iyo guud ahaan dhibaatooyinka haysta dadka la hayebsooco hadii ay noqon lahayd dhinaca siyaasada, horumarka, shaqooyinka iyo waxbarashada aasaasiga ah.

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa