SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Warbixin dhowaan wargeysaka The Economist uu kaga faalooday qaarada Afrika iyo Dimoqraadiyada ayay somaliland ka mid noqotay sagaalka wadan ee kaliye ee dimoqraadiyadi ka jirto Afrika

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (London 08/04/2012) Wargeyska The Economist ee ka soo baxa UK ayaa Warbixin uu daabacay dhowaan lagu muujiyey map ka qaarada afrika iyo sida dalalka afriki ugu kala duwanyahiin dhinaca hirgelinta demoqraadiyada.  Warbixintani sida ay map ka ku muujisay guud ahaan qaarada afrika ma jirto bay tiri wadan la odhan karo waxa ka jirta full democracy.  Warbixintani waxay soo bandhigtay in 53 ka dal ee ay afriki ka koobantahay ay 9 wadan oo kaliye ka jirto dimoqraadiyadan aan weliba dhamaystirnayn ama jilicsan.  dalalkaas waxa ka mid ah oo map ka lagu muujiyey Somaliland, Zambia, South Africa, Botswana, Namibia, Benin, Ghana, Senegal iyo Tunisia.  Dalka Somaliya oo keliya ayaa map ku ku tilmamay Failed State ama wadan  baaba,ay.  Dalal badan oo ay Djibouti ka mid tahay ayay warbixintu ku tilmaantay inay ka jirto dowlado digteeytaro ah, waxaana ka mid ah Algeria, Ethiopa, Sudan, Mali, Chad, Angola, iyo wadamo kale oo badan sida map ka  ka muuqata.  Qaybta 3aad ayay warbixintu ku tilmaantay wadamo nidaamkoogu yahay mid isku dhex qasan oo iskugu jira dimoqraadiyad aan dhamaystirnayn iyo digteeytar, waxana ka mid ah Kenya, Tanzania, Egypt, Libya, Niger, Nigeria, Uganda, Burundi iyo qaar kale oo map ka aad ku arki doontid.

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Editor