
SDWO.COM – London 30/05/09 (Somaliland Democracy Watch Organisation) Astaamaha, dal in ay dimoqraadiyadi ka jirto ugu waaweyn waxaa ka kow ah, madaxbannaanida saxaafada iyo ilaalinta, dhowridda madaxbanaanidaa. Intii ay Somaliland ay dib u dhalatay xad gudubyo badan ayaa lagula kacay saxaafada, xadhig iyo xayiraado kaleba.
Haseyeeshee, xadhigga xooggiisu wuxuu cuskaday suxuufiyiinta Somaliland, gaar ahaan muddadii uu xilka hayey Madaxweyne Rayaale.. Looma baahna in aynu tira koobno inta goor ee saxufi la xidhay ama si kale dhibaato loogu geystey iyo inta goor ee xafiis wargeys la gelalefay amma albaabada la isugu dhuftay. Qofna qaanuunka kama sareeyo oo lama odhan karo suxufi lama xidhi karo laakiin arrintu waxay tahay in suxufigga xeerka saxaafadda iyo xeerarka kale ee dalka u yaal lagula dhaqmo.
Adduunyaddu dermo ayey ku wada fadhidaa oo waxba uma kala qarsoona, waxana la hubaa iney bilaabantay durtaba codsashadii ururada xuquuqda suxufiyiinta ilaaliyaa ay sida dhibicda roobka ugu soo shubmayso xukuumadda Somaliland xafiisyada u qaabilsan garsoorka iyo ilaalinta ammaanka.
Tacadiyada iyo Xadhigga Weriyeyaasha:
Inkasta oo aanay tiro iyo cadad toona lahayn xadgudbyada loo geystay bahda warbaahinta Somaliland, haddana tacdiyadii ugu dambeeyey waxa ka mid ah farasaarkii Afhayeenka Madaxweynuhu u geystay Muna Casayr Jaamac oo ah suxufiyad ka hawlgasha Idaacadda madaxabannaan ee Radio Horyaal iyo telefishanka SSCTV iyo xadhigii weriye Mustafe Janaale ee munaasibadii xuska 18 May 2009 iyo xukunkii xaqdarrada ahaa ee dhowaan Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku riday Tifaftiraha wargeyska madaxbannaan ee YOOL Mr. Maxamed Cabdi Curad.
Intaa waxa dheer xadhig, jidh-dil iyo tacadiyo tiro badan oo bil kasta masuuliyiinta dawladdu kula kacaan weriyeyaasha ka hawlgala warbaahinta xorta ah ee dalka Somaliland. Weliba waxa intaas sii dheer in masuulkii ka hadla xadgudubyada lagula kaco saxaafada si degdeg ah xilka uu dowlada ka hayo looga qaado sida markii dhowaan xilka looga qaaday Mustafe Shiine oo ahaa Gudoomiyahii Wargeysaka xukuumada ee Maandeeq oo si ba,an uga hadlay farasaarkii uu u geystay afheeynka Madaxtooyadu suxufiyada Muna Caysayr maadama uu yahay Gudoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland.
Xeerarka Qarsoodiga ah ee Lagu Doonayey in Lagu Cabudhiyo Saxaafadda Xorta ah:
Waxa kaloo iyana jira xeerar qarsoodi ah oo marar badan xukuumaddu isku dayday in ay ku cabudhiso saxaafadda, balse ku fashilmay markii la horgeeyey Golaha Wakiillada.
Haddaba, waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa warmurtiyeed masuuliyiinta warbaahinta madaxabannaan ee Somaliland qaylo-dhaan dheer kaga bixiyeen xeer lagu shirqoollayey saxaafadda xorta ah oo xukuumadda Madaxweyne Rayaale damacsanayd in si dhuuban uga ansixiso Aqalka Wakiillada, iyadoo uu jiro xeer saxaafadeed sharci ah oo dalka u yaal.
“Waxay xukuumaddu Golaha Wakiilada u soo gudbisay xeer ay ugu talogashay inay ku dhaqdo saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan, laakiin nuxurka uu xanbaarsan yahay uu yahay in lagu tirtiro saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxa banaan. Xeerkaas oo ka kooban 120 qoddob markii aanu derisnay nuxurka iyo macnaha qoddobada uu ka kooban yahay waxa noo muuqatay inuu xanbaarsan yahay ujeeddo halis ku ah saxaafadda xorta ah iyo madax banaanida xoriyatul-qawlka, waxaana nooga soo baxay waxyaalahan:
• Xeerkani waxa uu si gaar ah u khuseeyaa oo loo samaystay wargeysyada madaxa banaan iyo mishiinada lagu daabaco, wuxuuna xanbaarsan yahay awoodo albaabada loogu xidhayo wargeysyada madaxa banaan iyo aalladaha lagu soo saaro, waayo sida ku cad qaar ka mid ah qoddobadiisa xeerkan laguma dhaqayo wargeysyada iyo Majalladaha ay leeyihiin hayadaha dawladda, asxaabta siyaasadda, hay’adaha samafalka IWM.
• Qoddobada uu xeerkani ka kooban yahay meel keliya lagagama xusin xeerka jira ee saxaafadda Somaliland ee uu baarlamaanku ansixiyey, madaxweynuhuna saxeexay, sidaana dhaqan-galka ku noqday dhawr sannadood ka hor.
• Xeerkani wuxuu si badheedh ah ugu hor-imanaya qoddobka 32aad ee dastuurka dalka u yaal, qoddobkaas oo si cad u qeexaya xoriyadda saxaafadda iyo xaqa ra’yidhiibashada muwaadiniinta. Sidaa darteed xeerkani waa qayral-dastuuri.
• Xeerkani wuxuu dhigayaa inuu wasiirka warfaafintu awood u leeyahay xayiraadda, xidhista iyo la wareegidda mulkiyadda wargeysyada madaxa banaan iyo mishiinada lagu daabaco, isla markaana wuxuu xeerkani awood u siinayaa wasiirka warfaafinta inuu faro-gelin ku sameeyo hawlaha maamul, maaliyadeed iyo qoraal (Faaf-reeb) ee wargeysyada madaxa banaan, tusaale ahaan xeerkani wuxuu dhigayaa in wax kale iska daayoo xataa wiilasha yar yare e joornaalka iibinaya aanay iibin karin ilaa ay ruqsad (Ogolaansho) ka soo qaataan wasiirka warfaafinta. Sidoo kale wuxuu xeerkani dhigayaa in xataa qoraallada ra’yi-dhiibashada ee dadweynaha la soo mariyo wasiirka warfaafinta oo aan la daabici karin ilaa uu ogolaado oo uu faaf-reeb ku sameeyo, sidoo kale ilaa xayeysiisyada lagu daabacayo jaraa’idka wuxuu xeerkani dhigayaa in la soo mariyo wasiirka warfaafinta oo aan la daabici karin ilaa uu ogolaado.
• Xeerkani waxa kale oo uu dhigayaa inay wasaaradda maaliyaddu awood u leedahay, jaangoynta iyo koontaroolidda dhaqaalaha wargeys-yada iyo inay dabagal ku samayso buugaagta xisaabaadka iyo foojarada lagu maamulo dhaqaalaha wargeysyada.
• Xeerkani wuxuu mam-nuucayaa in wargeysyada madaxa banaan wax kaalmo ah loo fidiyo gudo iyo debed-ba, oo aan xataa wax qaadhaan ah lagu caawin karin marka wargeys la ganaaxo, taasina waxay ka soo horjeeddaa qoddobada dastuuriga ah ee dhigaya in la dhiiri-geliyo, lana kobciyo madax banaanida saxaafadda, sidoo kale ar-xan darrada caynkaas ee uu xeerkani dhigayaa waxay baal-marsan tahay dhaqanka wanaagsan ee ay bulshadeenu caanka ku tahay ee ku salaysan hanaanka is-kaalmaynta.
• Xeerkani waxa uu xadidayaa xoriyadda dhaq-dhaqaaqa iyo xil-gudashada suxufiyiinta, wuxuuna dhigayaa in xataa weriyayaasha u shaqeeyo hayadaha saxaafadeed ee maxaliga ah iyo kuwa u shaqeeya wakaalada ajnebiga ah marka ay doonayaan inay u safraan gobolada iyo degmooyinka aanay bixi karin ilaa uu ogolaado wasiirka warfaafintu, wuxuuna ogolaan karaa ama diidi karaa inay tagaan marka ay u sheegaan ujeedada ay u safrayaan.
• Xeerkani wuxuu weriye ama qoraa u aqoonsanayaa qofkii ay ogolaato wasaaradda warfaafintu ee ay kaadh weriyenimo siiso, iyadoo markii la doono lagala noqon karo aqoonsiga la siiyey hadii uu yahay weriye u shaqeeya saxaafadda maxaliga ah iyo hadii uu yahay weriye u shaqeeya wakaaladaha ajnebiga ah-ba.
• Xeerkani markii aanu derisnay wuxuu ka hor-imanayaa xeer-nidaamiyaha garsoorka dalka, wuxuuna jiddaynayaa in saxaafadda lagu dhaqo xeerarka ciqaabta iyo weliba qoddobo kale oo tilmaamaya ciqaabo cul-culus oo u gaar ah saxaafadda madaxa banaan, halka uu xeerka saxaafadda ee dhaqangalka ahi dhigayo in wixii dembi ah ee uu suxufigu ku galo mihnidda saxaafadda loo raaco xeerka madaniga ah iyo in wixii anshax-marin ah loo raaco xeer-hoosaadka saxaafadda.
• Xeerkani waxa kale oo uu dhigayaa in mad-bacadaha wargeysyada lagu daabaco loo qabsan doono qoraallada ku soo baxa wargeysyada, taas oo ah cabsi-gelin lagu samaynayo mad-bacadaha lagu daabaco wargeysyada, loogana dan leeyahay inaanay mad-bacaduhu daabicin wargeysyada madaxabannaan.
• Xeerkani wuxuu dhigayaa inaan waxba laga qori karin duruufaha nololeed iyo dhaqan-dhaqaale ee bulshada sida sicir-bararka, musuq-maasuqa, shaqo la’aanta, maamul-xumada, caddaalad-darrada, tacadiyada loo geysto muwaadiniinta, xadgudubyada madaxdu ku geystaan awoodaha dawladnimo IWM.
Haddaba, haddii aannu nahay bahda wargeysyada madaxa banaan ee Somaliland iyo guud ahaan saxaafadda xorta ah waxaanu u aragnaa inuu xeerkani gebi-ahaanba aamusiinayo, meeshana ka saarayo xorriyadda madaxbannaanida saxaafadda iyo xuquuqda ra’yi-dhiibashada muwaadiniinta ee uu dastuurka dalka u yaal jiddeeyey.
Waxa kale oo aanu u aragnaa inuu xeerkani horseed u yahay, uuna xambaarsan yahay ujeeddo albaabada loogu xidhayo saxaafadda xorta ah, gaar ahaan wargeysyada madaxabannaan oo aanay dib dambe u shaqayn doonin, iyadoo ay awelba saxaafadda madaxabannaan ee Somaliland la daalaadhacaysay duruufo adag oo kala duwan iyo tacadiyo ay kala kulmaan gudashada mihnadooda saxaafadeed.
Waxa kale oo aanu u aragnaa in xeerkani gogoldhig u yahay oo uu xambaarsan ujeeddooyin ka sii balaadhan keliya tirtiridda wargeysyada madaxabannaan iyo qalabka lagu daabaco, iyadoo la ogyahay doorka saxaafadda xorta ah gaar ahaan jaraa’idku ka soo qaateen dhismaha Jamhuuriyadda Somaliland, haddii ay tahay dhinac nabadgelyo, haddii ay tahay dhinac horumar iyo hadday tahay dhinaca doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.
Marka la isku soo duubo waxaannu u aragnaa inuu xeerkani yahay tallaabadii ugu dambaysay ee ay xukuumadda Madaxweyne Rayaale si kama dambays ah ugu xuubsiibanaysay nidaam digtaatoori ah iyo inay taasi tahay dhammaadka nidaamka dimoqraadiyadda iyo hannaanka asxaabta badan ee ay ummaddu hirgelinteeda tacabka badan u soo hurtay.
Gebogebo:
Sidaa darteed, waxaannu ugu horreyn baarlamaanka ugu baaqaynaa inay xeerkan halkiisa ku celiyaan, kana xishoodaan in ka doodaan, waxna iska waydiiyaan xeer caynkaas ah, iyagoo ummadda wakiilka ka yihiin uga tudhaya in lagu dhaqo xeer xambaarsan ujeeddooyin tacadi huwan.
Sidoo kale waxaanu shacbiweynaha reer Somaliland, axsaabta siyaasadda, ururrada xuquuqal insaanka iyo ururrada saxaafadda, kuwa maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah-ba ugu baaqaynaa inay xeerkan jarriimadda ah door mug leh ka ciyaaraan sidii looga hortegi lahaa, haddii kale waxa uu dhaqan-galka xeerkani keeni doonaa cawaaqib-xun oo saamayn ku yeesha mustaqbalka iyo jiritaanka ummadeed ee qaranka Somaliland, wuxuuna xeerkani hadii uu dhaqangalo noqon doonaa gabbood-falkii ugu xumaa ee loo geysto madaxbannaanida saxaafadda iyo xoriyatul-qawlka muwaadiinta Somaliland.”
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa qaraar culus ka soo saaray cabudhinta saxaafadda iyo tacadiyada loo geysto suxufiyiinta, balse nasiib-darrada ugu weyn waxay noqotay in masuuliyiinta dawladdu, gaar ahaan xukuumaddu dhegaha ka furaystaan qaraarkaas, isla markaana siday doonaan ula dhaqmaan weriyeyaasha ka hawlgala hay’adaha warbaahinta maxalliga ah.
Si kastaba ha ahaatee, xadgudubyada iyo tacadiyo masuuliyiinta hay’adaha dawladdu kula kacaan suxufiyiinta ayaa durba bannaanka soo dhigay in dalka Somaliland lagu sunto meelaha xagudubyada ugu badan loogu geysto weriyeyaasha, gaar ahaan kuwa ka hawlgala warbaahinta xorta ah, arrintaas oo u muuqata mid bar madow ku noqota mustaqbalka rajada Somaliland ka sugayso beesha caalamka.
Hadaan saxaafada xorta ahi jirilahayn, xukuumada wax dabri lahaa muu jireen oo cida qudha ee ay iska ilaalisaa waa saxaafada xorta ah oo had iyo jeer soo bandhigta wixii talo guracan ah ee ay masuuliyiinta xukuumadu ku talaabsadaan, maadama baarlamankii la doortay aanu lahayn awood uu xukuumada ku hor istaagikaro.
Long Live Somaliland
Guuleed Cabdi Sheekhash – Gudoomiyaha SDWO
Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiya ku xigeenka SDWO
Shiine Cilmi Kaahin – Xoghayaha Guud ee SDWO