SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 
Banaanbax Balaadhan Oo Lagu Taageerayo Adkeynta Nabadgelyadda , Qadiyadda Iyo Gooni Isutaaga Somaliland Oo Maanta Ka Dhacay Goboladda Dalka

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

Hargeysa (SDWO 22/01/2012) – Banaanbax balaadhan oo lagu taageersan yahay qadiyadda iyo madaxbaanidda Somaliland ayaa saaka ka dhacay magaaladda Hargeysa, banaanbaxan oo ay ujeeddadeedu ahayd Adkeynta Nabadgelyadda iyo sidda shacbiga reer Somaliland uga midaysan yihiin gooni isutaaga iyo madaxbaanidda Somaliland isla markaana xaduudda Somaliland ay tahay lama taabtaan.

 

 

Isku soo baxan ayaa wax ka qayb qaatay Kumaan kun oo qof oo kaal duwan kuwaas oo ku kala dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa, Asxaabta Siyaasadeed iyo Xukuumadda, waxana ay gabagabdii dadkani iskugu yimaadeen beerta Xoriyadda ee Magaaladda Hargeysa.

 

Beerta Xooriyada ee Hargeysa waxa dadweynaha halkaas kala qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Golaha wakiilada, gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida, Gudoomiyayaasha Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB, Culumaa udiin, Wasiiro iyo waxgarad kale oo badan.

 

 

Banaanbaxan ayaa wax dadka kala soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), khudbad uu halkaasi ka soo jeediyayna waxa uu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Dalka Somaliland.

 

Madaxweyne ku xigeenka waxa uu ka waramay dhibaatooyinkii loo soo maray dalka, siddoo kalena waxa uu ka Hadley Maamul ku sheega lagaga dhawaaqay deegaanka Talleex, waxana uu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanadda Sool, iyo Sanaag ay doonayaan isla markaana u baahan yihiin Maamulka Somaliland, waxana uu carabka ku dhuftay in Shacabka reer sool iyo shacabka kale eek u dhaqan somalilandba aanaay doonayan maamulka Khaatumo Seeg.

 

C/raxmaan Saylici waxa uu u soo jeediyay dadka ku dhaqan deegaanadda Buuhoodlle, iyo Laascaanood in laga shaqeeyo Amaanka, waxana uu tilmaamay in Ciidamadda Xooga Qaranka Somlaliland, ay adkeyn doonaan isla markaana difaaci doonaan dalkoodda hadii la soo weeraro.

 

Sidoo kale waxa madashaas ka Hadley Gudoomiyah Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, Ku somaha Gudoomiyaha Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin, waxana ay dhamaantood sheegeen in loo baahan yahay in laga wadda qayb qaato amaanka iyo Xasiloonidda Dalka, waxana ay si qoto dheer uga Hadley hayaankii dheeraa ee loo soo maray Dalka.

 

Masuuliyiintan ayaa tilmaamay in dadkii ku dhawaaqay Maamulka Khaatumo Seeg ay ahaayeen kuwo calooshadda u shaqaystayaal ah isla markaana aan u tudhay shacabka deegaankaas.

 

Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka SSCD Keyse Cabdi Yuusuf, oo ka Hadley isna banaanbaxan ayaa sheegay in deegaanka Sool uu u haaradan yahay isla markaana jecel yahay Midnimadda iyo isku duubnidda Somaliland.

 

Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, oo hadal kooban kla soo jeediyay ayaa shacabka reer Somaliland u soo jeediyay midnimo iyo isku duubni.

 

Sdoo kale waxa iyana halkaas ka Hadley Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle Duur.

 

Dhamaan xubanahii halkaas ka hadlay waxay ka hadleen in Somaliland aanay ahayn wax burburi kara ama shakhsiyaad ku soo duulikaraan, isla markaasna shacabka Laascaanood ilaashadaan nabadgelyadooda iskana saarna fikirka qaladan ee loola yimid, isla markaasna midnimada Somaliland ka xoog weyntahay cidkaste oo weerar ku soo qaadana ay dagaal kala hortegidoonaan.

 

 

Geesta kale kumanaan ka Tirsan Dadwaynaha Ku dhaqan magaalada burco ee Xarunta gobolka togdheer ayaa saaka si wayn isugu soo baxay magaalada burco ee xarunta Gobolka Togdheer Banaan bax Balaadhan Oo lagu taageerayay Gooni isutaaga Qaranimada iyo Midnimada |Somaliland iyo weliba ciidanka Qaranka ee Jiida hore.

 

Dadwaynahan Oo Isugujiray Qaybaha kala duwan ee Bulshada gobolka Togdheer oo ay ka mid ahaayeen Ardayda Dugsiyada ,Shaqaalaha Dawladda,Ururada Bulshada Haween, Caruur iyo Dadwayne kale oo aad u Tiro Badan.

 

Dadwaynahan Oo Sitay Kuna Labisnaa calanka jamhuuriyadda Somaliland Boodhadh Ay ku Xardhanyiin erayo Lagu Taageerayo Jiritaanka Iyo Qaranimada Somaliland Waxaana ay Socdaalo kusoo mareen laamiyada waawayn ee magaalda burco iyada Oo ay hor kacayeen Gaadiidka Dawladda hoose iyo Booliiska oo Si wayn uga qayb qaadanayay Banaan baxan maanta waxaana ay ugu Danbayn Dadkii iskugu soo urureen barxadda Xarunta Gobolka ama ilinka hore ee Aqalka martida Gobolka Oo aan ka Fogayn Gurigii 1991 laga dhawaaaqay Gooni isku Taagga Somaliland.

 

Waxaana Halkaasi kala hadlay kumanaankan Dadwayneha ah Masuuliyiin Salaadiin Xildhibaano, mujaahidiin, Hawenka Gobolka ,iyo Waxgarad kale.

 

Dhanka kale kumanaan ka Tirsan Dadwaynaha Ku dhaqan Goboladda Awdal, Saaxil iyo Sanaag ayaa saaka si wayn isugu soo baxay Banaan bax Balaadhan Oo lagu taageerayay Gooni isutaaga Qaranimada iyo Midnimada Somaliland.

 

 

 

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa

sirshiine@yahoo.com

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - Chief Editor