SDWO
(Hargeisa 23/11/08) Shebekeda wararka ee SDWO.COM
qaybteed samafalka ayaa deeq lacageed oo dhan $1230 doolar
gudoonsiisay reer ka kooban 8 qof oo dhamaantood curyaamiin ah oo ku
dhaqan xaafad ka mid ah xaafadaha magalaada Hargeysa.

Deeqdan
kaalmada ahi waxay naga soo kala gaadhay qaar ka tirsan jaaliyadaha
Somaliland ee dalal kala duwan oo kala ah waqooyiga magaalada London rag
iyo dumar iskugu jira oo na soo gaadhsiiyey $620 doolar, urur
samafala oo la yidhaah Horn of Africa Development Trust oo
fadhigiisu yahay magaalada Manchester ee dalkan ingiriiska ayaa iyaguna na
soo gaadhsiiyey $200 doolar, Nadif Cali oo ka wakiil ah jaaliyada
Paris ee dalka Faransiiska ayaa isaguna na soo gaadhsiiyey $300 doolar,
Ifrax Cali oo degan dalka Finland aya iyaduna na soo gaadhsiisay $60
doollar, Maxamed Nuur Axmed oo degan dalka Holland ayaa isaguna na soo
gaadhsiiyey $50 doolar. Lacagtan ayaa waxa gudoonsiiyey Wakiilka
SDWO ee Hargeysa Shiine Cilmi Kaahin.
Aabbaha
Qoyska,Yuusuf Jaamac Cismaan

"Marka
hore Ilaahay baa mahad leh, waxaan u mahad-naqayaa dadka Islaamka ah ee
Sideedda qof ee iga laxaad la' ee aan aniguna aanan waxba tari Karin oo
aan da' ahay. Rabbiga Carshiga iyo Kursiga sameeyay ee Rasuulkii Muxammed
ahaa xaq ku soo diray, wax san iyo khayr in uu ugu bedelo oo uu Naarta
kaga xoreeyo, Jannada ugu mannaysto ayaan u baryayaa oo aan u waydiinayaa.
Waa sahay ay sii hor-marsadeen oo ay sii qaateen, anigana Dhibaato ayay
iga fujiyeen iyo baahi wayn oo na haysay. Waxaan mar kale idiin
mahad-naqayaa damqashada Islaamnimo ee aad iigu soo naxariisateen, Ilaahay
naxariistii Janno ha idin siiyo. Ilaahay ha idinka abaal-mariyo oo labada
Daarood ee adduunyo iyo Aakhiraba ha idiin wanaajiyo, Ilaahay Ubadka
idinkama xumeeyo, Ilaahay Qoysaska idinkama xumeeyo, adduunyada Nimco ha
idinku mannaysto, aakhirana Janno ha idin siiyo." Sida waxa yidhi
Aabbaha Qoyska oo markii aan lacagta Gudoonsiyay farax iyo Mahad naq
nagala horyimid.

NB:
Xog ku saabsan Qoyska:
Qoyskan
oo ah Qoys danyar ah, waxay ka kooban yihiin Siddeed Ubad ah – Shan Wiil
iyo saddex Gabdhood- iyo aabahood. Sideedda Ubad ah oo ay ugu yar tahay
gabadh 9-jir ahi ayaa waxa si siman u haleelay Cudur kaga dhacay
Laf-dhabarta, kaas oo naafeeyay, isla markaana ka dhigay kuwo aan kici
Karin. Dhammaantood way guur-guurtaan, mana qabsan karaan hawl-maalmeedka
qofnimo ee caadiga ah, naafada ay yihiin awgeed. Qoyskan oo Hooyadood
dhimatay, ayaa ku nool Guri ka mid ah Guryaha Magaalada Hargeysa garahaan
Xafada New Hargeysa. Ma jirto cid aan Ilaahay ahayn oo dhaqaale ahaan
quudisaa. Aabbaha qoyskan dhalay oo ah oday da' ah ayaa la kadeedan
quudintooda.
Haddaba Gudoomiyaha SDWO Guled
Cabdi Sheekhaash oo arinta samafalada SDWO ay baahiso faafaahin ka
bixinayey ayaa sheegay in loo baahanyahay in qofba qofka ka jilicdasan
uu u naxariisto si uu inagana ilaahay inoogu naxariisto. Gudoomiyahu
isagoo hadalkiisa sii watana waxuu yidhi ma aaminsani qof qurbe joogaa
inaanu bixinkarin $5 doolar oo sadaqo ah ee waxa inaga maqan wax
wadaqabsadkii, iskaalmayntii, isku naxariisashadii, is aaminkii iyo
inaan dib u eegno dadka inaga liita, oo hadii aad is tidhaah waad
liidataa waxa haboon inaad eegto kuwa kaa sii liita oo aad ilaahay ugu
mahadnaqdo.

Dhinaca kale sida aan uga
fakirayno inaan bangiyadeena lacag ku urursano ayaa loo baahanyahay
inaan lacag sii dhigano bangiga aakhiro oo aan wax sii horey marsano.
Gudoomiyahu wuxuu xusay inay lacagta qadarkeedu koobanyahay dadkii soo
bixiyey aan waxba jeebkooda ka dhimidoonin laakiin dadkan u baahan ay
waxweyn ka bedelidoonto nolashooda. Gebogebadii wuxuu gudoomiyahu
dhamaan u mahadnaqay dadkii ka qaybqaatay ee bixiyey lacagtan aan
gudoonsiinay reerkan, Gudoomiye Guled waxa kale oo mahadgaara
gaadhsiinayaa dhamaan dadkii kala qaybqaatay iskukeenida iyo soo
ururinta samafalkan, kooxda London oo kala ah Yusuf Caawiye, Cabdilaahi
Ibraahin, Maxamed Cumar Meygaag, Mukhtar-Taysa, iyo Cabdilaahi
Abokor. Nadif Cali oo na soo gaadhsiiyey lacagta Paris,
dhinaca magaalada Manchester - Gudoomiyaha ururka Horn of Africa
Development Trust Mr Maxamed Diiriye iyo Abdi Suleyman - Mingiste,
Ifraax Cali oo degan Finland iyo Maxamed Nuur Axmed oo degan dalka
Holland.

Geogebadii
Guled Cabdi Sheekhaash wuxuu yidhi, Waxaan hubaa dad badan oo ka dhego
adaygay markii hore inay ka qaybqaataan samafalka inay markay arkaan
cadadka lacagta ah ee la isku keenay iyo faraxada ka muuqata reerkan la
gudoonsiiyey inay isku qoomamaynayan inuu ajarkaasi dhaafay, laakiin
waxaan leeyahay tani idin dhaaftaye bal kuwa danbe uun ku tusaale qaata oo
wax aakhiro sii horey marsada.

Jaaliyadaha
Waqooyiga London iyo Paris ayaa horeyna uga qaybqaatay qaaylodhaanadii
hore ee bishii ramadaan ee sdwo uu baahiyey anagoo dad danyar ahna
lacagahaas hore gaadhsiiyey oo dhamayd $1240. Guud ahaan deeqaha
samafal ee ilaa bishii ramdan lagu soo hagaajiyey SDWO ee gaadhay goobahii
loogu talogay ayaa dhan $2470 doolar.

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO Desk Hargeisa