|
SDWO (London 16/11/2011) Dalka Britain oo si weyn ugu diyaar garoobaya marti gelinta ciyaaraha aduunka ee Olympic ga oo ka dhicindoona dalkan bisha June 2012 ayaa todobaadkan shaaca ka qaaday sida loo adkaynayo sugida amniga dalka iyo ka soo qaybgalayaasha tartanka ciyaaraha olmpic ga ee ka kala imanay aduunka daafahiisa.
Wasaarada gaashaandhiga ee dalkan Britain ayaa shaaca ka qaaday in sugida amniga garoonada ciyaaraha ay ka qaybqaadan doonan boolis dhan 12 kun iyo 6 kun oo ciidanka meleteriga ah. Waxa kale oo ka hawlgelidoona 20 kun oo ah shaqaalaha loo yaqaano securityga. Waxa kale oo wasaarada gashaan dhigu sheegtay in heegan la gelindoono maraakiibta dagaalka ee xanbaara gantaalaha iyo diyaaradaha dagaalka, markaabiibtan ayaa diyaar ku ahaandoonta xeebaha dalkan Britian, halka qaar ka mid ah maraakiibtani ay soo dhexgelidoonaan magaalada London iyagoo dhex istaagidoona webiga weyn ee kala badha magalaadan London ee loo yaqaano Themes River ka. Waxa kale oo la hawlgelindoonaa gantaalada dhulka laga rido ee lagula dagaalamo diyaaradaha.
Dowlada Maraynka ayaa iyadu sheegtay in ay ciyaartooygooga soo raacindooonto ilaalo gaar ah oo horkacayaan ciidmada FBI du oo ka masuul ahaan doona nabadgelyadood inta ay joogaan UK.
Ciyaarahan ayaa lagu qabandoonaa 32 garoon oo ku kala filiqsan guud ahaan dalkan UK.
Dowlada Britian oo aad uga cabsi qabta inay rabshado ama khalkhal gelin ay geystaan kuwa loogu yeedho argagaxisda gaar ahaan Al qaacida iyo Al Shabab. Waxa qalibiga yurub weli ka sii guuxaya sanadkii 1972kii markii la xasuuqay ciyaartooygii ka socday dalka Israaiil ciyaarahii olmpic ga ee ka dhacay dalka Jarmalka oo xiligaas dhegta dhiiga ay u dareen kooxo falastiiniyiin ahi 12 ka mid ahaa ciyaartooygaasi.
Waxa soo turjumay Guled Cabdi Sheekaash – SDWO.COM
Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Editor |