SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Madaxa Baratakoolka Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha SDWO oo booqday Xarunta Akaadamiga Horuminta iyo waxbarashada dadka la haybsooco 

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

CLICK HERE -  SDWO RELIEF PROJECTS

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 20/07/2011) Madaxa baratakoolka Madaxtooyada Maxamed Cilmi Adan (Ilkacase) iyo Gudoomiyaha SDWO ayaa si wada jir ah u booqaday xarunta Akadamiga Horumarinta iyo waxbarashada dadka la hayb-sooco.    Xaruntan ayaa ku taala xaafada daami ee magaalada Hargeysa

Waxa halkaas warbixino ka soo jeediyey qaar ka mid ah xubnaha maamulka ee Akadamiga.   Isuduwaha Akadamiga Xuseen Ibraahin Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabahii u qabsoomay Akademiga mudada yarayad ee gaabnayd ee ay dhisnayd xaruntani iyo caqabadaha hortaagan. Ujeedada ugu weyn ee xaruntan ka danbaysayna ay tahay kor u qaadida aqoonta dadka la haybsooco si ay bulshada uga mid noqon oo ay wax ula qabsadaan.  

Xuseen waxa uu ka warbixiyey socdaal ay dhowaan kaga soo laabteen gobolka togdheer oo ay badhitaan(research) ku sameeyeen dadka la haybsooco. Baadhitaankan oo ah daraasad cilmiyeed quseysa kaalmaha ay kaga jiraan Bulshada Laheyb-soocaa Waxbarashada, Dhaqaalaha, Siyaasada, Shaqada, iyo sidoo kale qeybaha aasaasiga ah ee nolosha Bulshada siday bulshada uga midka yahiin.  Badhitaankaas ay ku soo bandhigeen Burco waxa ay Daraasadani  daaha ka rogtey inaaney dadka laheyb-soocaa guud ahaan saami mugleh ku laheyn Shaqada Haayadaha Dawlada marka laga reebo laba qof oo iyagu ah kuwa dhulka xaadha ama jaadhwalayaasha, sidoo kalena aaney jirin qof ka soo jeeda bulshadaas oo shaqaale ka ah shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hayadaha ka hawlgala gobolka. 

Kulankan ka dib, waxa ay xubnahu kormeer ku soo sameeyeen iskuul ay Akadamigu hirgeliyeen oo ku yaala xafiska xaruntan agtiisa, iskuulkan oo ay dhigtaan caruurta dadka la haybsooco halkaas oo loogu dhigo quraanka iyo waxbarashada kale ee aasaasiga ah.  Ardaydan yaryar ayaa wejiyadooda ay farxadi ka muuqatay sida ay fursada ugu heleen inay waxbartaan, iyadoo halkaas arday hablo iyo inamoba ahi ay qaarkood ku soo bandhigeen quraankii ay barteen oo ay akhriyeen.  Iskuulkan ayaa habayaraatee aanay jirin cid dhaqaale ahaan Akaadamiga ka caawisa waana baahiyaha ugu balaadhan ee u baahan in Akaadamigan wax lagala qabto.

Right:  Xuseen Ibraahin,  Maxamed Ilkacase iyo Guled A. Sheekhaash

Agaasimaha Akadamiga ayaa sheegay in kulankii lagu soo bandhigay Burco badhitaankaasi shaaca ka qaaday sida dadka la hayb soocaa uga qatanyahiin ka qaybqaadashad arimaha bulshada iyo siyaasadaba, in halkaas lagu dhisay guda.  Guddidan ayaa waxay isugu jirtaa Salaadiin, Abwaano. Culimo. Aqoonyahano. Ganacsato. Masuuliyiinta Dawlada oo uu kamid yahay badhsaabka gobolka iyo sidoo kalen Haweenka iyo dhalinyarada waxaana Gudoomiye looga dhigay Gudoomiyaha Jaamacada Burco. Pro. A/raxmaan

Madaxa baratakoolka ayaa isaguna ku balanqaaday inuu garab istaagidoono Akadamigan isla markaasna gacanweyn ka geysandoono kor u qaadida iyo waxqabadka Akadamigan.  Gudoomiyaha SDWO ayaa isaguna balanqaaday inuu sii xoojindoono wadashaqayntii ay SDWO la lahayd Akadamigan.  Gebogebadii xubnaha Akadamiga ayaa uga mahadnaqay Madaxa Baratakoolka iyo Gudoomiyaha SDWO booqashada ay ku yimaadeen xarunta Akaadamiga.  

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief News Editor

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE