|
Press Release (SDWO.COM 09/07/2010) Waa waxa ilaahay loogu mahadnaqaa sidii quruxda badnayd ee doorashadu inoogu qabsoontay taasi oo aduunka oo dhami inagu soo hambalyeeyey. Hadaba umadu waxay sugaysaa xilwareejinta labada xukuumadood iyo dhismaha dowlada cusub.
Dadku waxay hadda aad ugu dhegotaagayaan dowlad kooban oo tayo leh, sidaas darteed ururka Somaliland Democracy Watch Organisation wuxuu ka qaybqaadanayaa talooyinka kala duwan ee la gaadhsiinayo Madaxweynaha la doortay Muj Siilaanyo iyo siduu uu u soo koobilahaa waasaaradaha.
SDWO ahaan waxaan soo jeedinlahayn in wasaaradaha lagu soo koobo 15 wasaaradood oo leh 15 wasiir iyo 15 wasiir ku xigeen. Si loo gaadho wasaaradahan kooban waxaan soo jeedinaynaa in sidan la isku raac-raaciyo wasaaradaha:
1.Wasaarada Arimaha Dibada 2.Wasaarada Arimaha Gudaha 3.Wasaarada Gaashaandhiga 4.Wasaarada Maaliyada 5.Wasaarada Qorsheynta Qaranka 6.Wasaarada Haweenka iyo Qoyska 7.Wasaarada Caafimaadka, Hidaha, Dhaqanka iyo Dalxiiska 8.Wasaarada Warfaafinta, Boosaha iyo isgaadhsiinta 9.Wasaarada Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Dhalinyarada 10.Wasaarada Ganacsiga iyo Wershedaha 11.Wasaarada Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga 12.Wasaarada Dibu Dejinta, Hawlaha Guud iyo Guryeynta 13.Wasaarada Dekadaha, Duulista iyo Hawada. 14.Wasaarada Kaluumaysiga, Macdanta iyo biyaha 15.Wasaarada Diinta, Awqaafta iyo Cadaalada
Ilaahay waxaan ka baryaynaa in la soo xulo dad u qalma wasaaradaha la soo dhisidoona oo ilaahay ka baqaya, hawshoodana u filindoona sida ay ku dhaarteen. Alla Mahad leh Long Live Somaliland Guled Cabdi Sheekhaash – Gudoomiyaha SDWO Axmed Maxamed Yusuf – Gudoomiye ku xigeenka SDWO Shiine Cilmi Kaahin – Xoghayaha guud ee SDWO
|