Kampala (SDWO 26/04/2012) - Magaalada Madaxda Somaliland Hargeysa Iyo Caasimada Muqdisho ee soomaaliya oo ka qayb galay ciyaarihii kubadda kolayga ee lagu qabanayo Kampala oo ah caasimadda dalka Uganda , Tartanka ciyaaraha Kubadda Koleyga ee Caasimadaha Wadamadda Bariga iyo Bartamaha Africa, kaasoo ay sanadkan Somaliland iyo Soomaaliya ugu qayb galayaan labo kooxood oo ka kala socota magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

Kooxda Hargeysa City
Ciyaartii furitaanka ee Tartankaasi waxaa wada ciyaaray kooxda Kubadda Koleyga ee Hargeysa iyo kooxda Mokono ee dalka Uganda oo ku wada jira Group-ka B, waxeyna guushii 83 ku raacday Mokono halka Hargeysa ay la yimaadeen 33 dhibcood.

Kooxda Mogadisho City
dhinaca kale Ciyaartii labaad waxaa fooda isku daay kubadda koleyga ee caasimadda Muqdisho ee Somalia iyo kooxda Jubba ee ka socota Koonfurta dalka Suudaan, oo ku wada jira Group-ka A waxeyna 82 guushii ku raacday Jubba halka Mugadishu ay la yimaadeen 47 dhibcood.

Wiilasha ku ciyaaraya magaca Hargeysa waa markii uu horeysay oo ay tartankaan taariikhdood ay ka soo qeybgalaan halka wiilasha matalaya caasimadda Muqdisho, oo la sheegay in ay iska soo aruursadeen Nairobi, kenya ay dhowr mar oo hore tartankaan ka qeybgaleen.

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa
sirshiine@yahoo.com