Hargeysa (SDWO 16052012) Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa doorasho tijaabo ah maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen dad cayiman, isla markaana ku eekayd hal maalin.
Doorashadan oo ahayd mid lagu qiimaynayo baaxadda ay yeelan doonto doorashada golayaasha degaanka ee dhawaan la filayo inay dalka ka qabsoonto, kuna koobnayd hal goob oo ah xarunta Komishanka Doorashooyinka waxa ka qaybgalay 200 qof oo laga soo xulay qaybaha bulshada oo isugu jira kuwa wax qora ama akhriya iyo qaar aan waxba akhriyin.
Doorashadan oo dadku ku codaynayeen warqad ballaadhan oo lagu qoray magacyada sagaalka urur siyaasadeed ee ku tartami doona doorashada dawladaha hoose iyo magacyada murrashaxiin tusaale ahaan loo soo qaatay oo liis magacyo iyo lambarro ku qoran yihiin ah, waxaanna ujeedada laga leeyahay tahay si loo qiimeeyo waqtiga qof waliba ku codayn karo iyo baahiyaha kale ee ka soo baxa, si loogu saleeyo baahiyaha doorashada soo socotaa u baahan tahay.
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Qaranka Axmed Maxamed Xisri Geelle oo warbaahinta kula hadlay xaruntooda ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedada doorashadan laga leeyahay iyo qaabka loo galay.
War-murtiyeed uu halkaasi ka akhriyey Afhayeenku oo uu arrintaa kaga hadlay, waxa isagoo dhammaystiran uu u qornaa sidan;
“Kadib markii sharci laga soo saaray in si toos ah loo doorto musharaxiinta goleyaasha deegaanka (open list) waxa badatay tirada dadka la dooranayo ee magacyadooda lagu soo qori doono warqada codbixinta.
Guddida Doorashooyinka Qaranku iyagoo arrimahaa ka baaraandagaya wuxuu goostay in maalin tijaabo ah lagu sameeyo doorasho.
Laba boqol oo qof ayaa tijaabada doorashada gali doona, waxaanay ka koobnaan doonaan dad waayeel ah, dhallinyaro, kuwa wax akhriya iyo kuwa aan waxba akhriyin, isugu jira rag iyo dumar. Guddida Doorashooyinka Qaranku waxay nidaamkan u samaysay si loo helo sawir dhab ah oo ka turjumaya bulshada Somaliland noocyadeeda kala duwan.
Sababaha Guddida Doorashooyinka ugu baahdeen in la qabto maalinta doorashada tijaabada ahina waa in si mug leh looga baaraandago baaxada hawlgal ee codeyntu yeelan doonto xilliga doorashada deegaanka ee fooda inagu soo haysa, ahna markii ugu horeysay ee si toos ah loo soo dooranayo Xildhibaanada Golaha Deegaanka oo tirada mushraxiintuna ay aad u badan tahay.
Waxa kale, oo Guddida Doorashooyinku goosteen in loo adeegsado doorashadan tijaabada ah wacyigelin caam ah oo bulshada rayidka ah, ururrada iyo xisbiyada siyaasadduna la socdaan kana qayb qaataan hanaanka cusub ee Doorashadu u dhacayso.”
Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa