|
Arimahan ay xukuumada Somaliland ku
talaabsatay waxay u saansaan egyahiin cabudhiskii iyo cadaadiskii taliskii hore
ee siyaad bare uu kaga tagoorijirey dadkii ka soo jeeday gobolada waqooyi inay
ka shaqeeyaan dalka taasi oo sababtay gooni isutaaga Somaliland iyo xornimada
aynu maanta hadhsanayno inkastoo naf iyo maal badani ku baxay. Hadaba su,aasha la isweeydiinayaa waxay
tahay Baarlmanku muxuu ka qaban karaa, isla markaasna ma oofindoonaan balamahoogii
ahaa inay xukuumada hogaan adag kaga qabandoonaan ku durdurinta xuquuqda
muwaadinka. Baarlamanku ha
ogaado in indhahii shacbiga oo dhami soo eegayaan oo rajoweyn lagaqabo. Waad
ogtahiin sidii ay dadku idiinku riyaaqeen markii la idin dhaariyey ee lawada yidhi
maanta uun baynu dowlad buuxda oo kala danbayn yeelata noqonay. Waxa meelahaas laga maqlaa barlamanku wuxuu
u yeedhay oo ay arintan kala kulmeen hayada Care International. Waxaanu
odhanlahayn u dhaadhaca halkay sartu ka qudhuntay oo ah xukuumada ugu horeyn
wasaarada Qorsheynta, inaad ogolaataan maaha in nin wasiir ahi uu siduu doono
awooda wasiirnimo u isticmaalo, awoodiisa dastuurbaa xadidaya.
Waa inuu baarlamanku u yeedhaa oo wax laga weeydiiyaa sababaha ku
keliftay arintaasi, ka dibna ay madaxweynaha u soo jeediyaan in si degdeg ah
xilka uu uga qaado, Hadii uu madaxweynahu arintaas ku gacansaydhana inay isaga
laftiisa baarlamanka uga yeedhaan sababtoo ah wixii ay wasiiradu xumaan iyo
wanaag sameeyaanba isaga iska leh, hadii uu wax ka qaban waayana barlamanku
xaqbuu u leeyahay inay Madaxweynaha ku ciqaabaan wuxuu sameeyay wasiirkiisu. Baarlamanku waa tijaabadiisii koowaad ee dadku ka filayay inay wax ka qaban doonaan arimaha bulshada iyo xuquuqda muwaadinka, Baarlamanku imtixaankan horyaala ee aanay iska indho tiri karin sidey ka yeelaan uunbaa ka turjumidoonta rajada lagaqabo waxqabakooda 5ta sano ee la doortay. Mudanyaal ha noqonin kud ka qax oo qanjo u guur ee dadkankini wax qabadbay idinka sugayaan. Waxaan ku soo gunaanadnay hees qiimo iyo
macno badan leh oo nuxurka ay xambaarantahayna si fudud loo wada fahmi karo oo
ay fanaaniinta qaranku xafaladahii soo dhoweeynta baarlamanka ay ugu heeseen oo
ahayd. Ama waxaydun noqon Alla doorigii lagu iishayee adhaxda lagaga jabay, Ama ubadsanoo ifka aayiyo intifaaca ka taga. Heestani waxay ka turjumaysaa siduu noqondoono waxqabadkiinu sidaas darteedna labaadaas mid uunbaad ku sifoobidoontaa hadii ilaahay yidhaahdo waxaanuna ilaahay idiinka baryaynaa inaad noqotaan kuwa ku sifooba sida san oo ah ubadsanoo ifka aayiyo intifaac ka taga taariikhdaana xusidoonta. Long Live Somaliland Guled Cabdi Sheekhaash - Gudoomiyaha SDWO Axmed Maxamed Yusuf - Gudoomiye ku xigeenka SDWO Mukhtar Axmed Sh. Adan - Xoghayaha guud ee SDWO
|