SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta xadhiga ka jaray jidka isku xidha Dilla Illaa Boorame Waddooyin cusubna dhagax-dhigay

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMA LILAND

 

Fikirka Akhristayaasha - Click here to publish your own article

Please do not email your article as it will not be published

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

Hargeysa (SDWO 12/05/2012) - Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo Wefti Balaadhan oo Hogaaminayo ayaa maanta Socdaal shaqo ku tagey xarunta Gobolka Awdal ee Magaalada Boorame.

 

 

Waxa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo weftigiisa ku qaabilay degmada Dila Mas’uuliyiinta heer gobol iyo mid degmo ee Gobolkaas.

 

 

Madaxweynaha Jamhuurayda Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray Afar Km oo ah wadada isku xidha Dila iyo Boorama oo ay Xukuumadu dhismaheeda fulisay.

 

 

waxaa kale oo Madaxweynuhu uu dhagax dhigay Lix Km oo kale oo lagu kordhinayo wadadaasi.

 

Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay 8km oo ka mid ah wadada xidhiidhisa Goraya-Cawl iyo Boorama. Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa hadal uu u jeediyay shacbiga ku dhaqan magaalada Dilla waxa uu uga mahad-naqay sida milgaha leh ee ay uga soo dhaweeyeen degmadaasi,waxaanu ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan wax kasta oo saamayn ku leh nabadgalyada guud ee dalka iyo ta gobolka awdal.

 

 

Madaxweynaha iyo Weftigiisu waxay markaas kadib u sii dhaafeen magaalada Boorama oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay warku waxa uu intaas ku darayaa in Madaxweynuhu uu kulamo kala duwan kula yeeshay Huteelka Rays ee Magaalada Boorama maamulka, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk Hargeisa 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief Editor

Email: Guled@sdwo.com

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE