









SDWO (Gebiley 25/05/08) Xaflad
ballaadhan oo loogu yeedhay soo dhawaynta gobolnnimada
dhawaan loo magacaabay Gabiiley oo si weyn loo soo agaasimay waxa lagu
martiqaaday dad aad u tiro badan oo isugu jiray siyaasiyiin, madax
dhaqameedyo, Culimaa'udiin ,aqoonyahanno iyo waxgarad kale waxa ka mid
ahaa Md Axmed Yuusuf Yaasiin, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo), Eng: Faysal Cali Waraabe, labada shirgudoon ee
guurtida iyo wakiilada, xildhibaano labada gole ka tirsan, marwada koowaad
ee madaxweynaha muddadiisii dhammaatay Marwo Huda
Barkhad Aadan, xubno ka socda golaha wasiirada, salaadiin, Abwaano,
iyo dadweyne tiro badan.
Ugu Horyan waxaa halka ka hadlay
Maanyarka Gobolka Gabilay Xuseen Maxamed (Xuseen-Jameeco), isla markaana
waxa uu mahad-naq balaadhan u soo jeediyay guud ahaanba Masuuliyiinta iyo
marti-sharaftii halkaa ka soo xaadirtay isaga oo ku soo dhawaynaya Xaflada
loogu magaca daray wanqasha Gobolka cusub, "Aniga oo ku hadlaya afka
Gobolka Gabilay, waxaanu idinku soo dhawaynaynaa Mudanayaal iyo Marwooyin
Xaflada wanqasha ah ee Gobolkan Gabilay, waxaanan idin leeyahay ku soo
dhawaada gacmo furan." Sidaa ayuu yidhi Maayarka Gobolka Gabilay.

Waxaana munaasibadaas ka hadlay Md:
Axmed Yuusuf Yaasiin waxaana uu sheegay in Gobolkan gabiilay uu u
qalmo gobol isla markaana looga fadhiyo shacabka reer gebiilay wax
soo saarkiisa waxaana uu yidhi "Waxaan u mahad naqayaa Gobolka
Gebiilay iyo Shacabkiisa, waxaan leeyahay Gebiilay way u qalantaa Gobol
waxaana la sugayaa wax soo saarkiina waana meeshii waligeed caanka ku
ahayd waxtarka beeraha, hadaan intaa in kale ku daro waxaan ka jawaabayaa
hadalo igu soo duulduulayay waxaan leeyahay hargeysa cidi malaha qof
kastaana halkuu doono ayuu dagi karaa reer Gebiilayna ha soo dhaweeyaan
cidii la shaqaynaysa iyo cidii kaleba" waxaa isaguna munaasibadaasi
ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Md: Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) waxaana uu tilmaamay in xisbigiisu mudo badan u balan
qaadayay dadka reer gabiilay inuu u magacaabi doono gobol waxaana uu
sheegay inay Gebiilay tahay meel taariikhiya halgankii dib u xorayntana ay
baal dahaba ka gashay waxana uu yidhi "Waxaad ogtihiin
hadaanu nahay xisbiga Kulmiye ilaa maalintii xisbiga la aasaasay waxa uu
balanqaad kayagu ahaa in gebiilay noqoto Gobol maantana Gobolkii waad
haysaan, waanan idinku taageeraynaa gobolkan Gebiilay meelo badana way ka
tilmaaman tahay oo nolosheena ka mida, waa gobol taariikh ku leh halgankii
dalkan loo soo maray xorayntii Somaliland wuxuu ahaa gobolkii kaalinta
koowaad ka qaatay.

Gobolkani wuxuu wax soo saarka kaga
jiraa kaalinta koowaad markaan waxaan hadalkayga ku soo aruurinayaa guul
iyo gobonimo" sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha
Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali waraabe waxaana uu hadalkiisii ku bilaabay
"Gobolka gabiilay waa lala daahay oo waxay ahayd in mar hore la
magacaabo, laakiin mar hadii imika la magacaabay waa Illaahay mahadii,
dawlada magacaabtay gobolka Gebiilay waanu ku hambalyaynaynaa laakiin
anigu waxaan idiin sheegayaa horu markiisa inaan bilaabi doono, waxaana
laydinka doonayaa inaad wax soo saar samaysaan oo aad saladii Somaliland
noqotaan, laakiin Gobolka Gebiilay waxaa ka muuqda baylah badan hadii ay
Gobolka ka muuqatana khasaare ayuu noqonayaa, markaa Illaahay waxaynu ka
rajaynaynaa inay inoo soo baxaan dad danta dalka iyo dadkaba ka talinaya
oo aan ku qaylin cashuurta ee dalka galiya"
Waxaa iyana halkaasi ka hadashay
marwo Koowaad ee Daahir Rayaale Marwo Huda Barkhad Aadan waxaana ay
hadalkeedii ku bilowday "Waxaan hambalyo u soo jeedinayaa dhamaan
dadweynaha reer Gebiilay oo aan ugu hambalayaynaayo munaasibadan Gobolka
Gebiilay, waxaanaan leeyahay Gobolkani waa mid wax soo saar leh waxaanan u
rajaynayaa inuu noqdo mid dalkoo dhan anfaca, hadaanu nahay madaxtooyada
si gaara ayay farxad noogu tahay dabaal dega Gobolkan Gebiilay".
Shiine Cilmi Kaahin - SDWO - News
Deska - Hargeisa
shiinenet@gmail.com




