SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 

BANAANBAX KA DHACAY MAgAALADA STOCKHOLM EE DALKA  SWEDEN

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work    Malaria- Kaneecada  Daily Health Advice   Khat Report    Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

SDWO (Swedan 30/04/07) Taariikhdu markay ahayd  28-04-2007 waxaa ka dhacay xarunta dalkan sweden ee stockholm isu soo bax wayn kaasi oo ay ka soo qayb galaan dadweyne fara badan oo ka kala yimid inta badan gobolada uu ka koobanyahay dalkan sweden, isu soo baxan ama mudaharkan oo ka danbeeyey baaqii dhawaan ka soo baxay ururada qaranka somaliland kaasi oo ay xukumada somalilandna ku taageertey ayaa sida la wada ogsoon yahay waxa uu hore uga soo dhacay dhamaan gobolada somaliland , uk , dalka norway iyada oo lagu taageerayo qadiyada somaliland ,

Hadaba isku soo baxan oo ay qabanqaabadiisa iyo hirgalintiisa ay isku xilsaareen gacanwayna ka geysteen  ururka dhalinyara somaliland ee ka jira dalkan sweden marka la soo gabiyana loo yaqaano SLUS, jahliyada STOCKHOLM iyo jahliyada JÄRFÄLLA ayaa waxa uu noqdey mudaharadkii ugu waynaa ee inta la ogyahay ka dhaca dalkan sweden. Mudaharaadkan oo ka bilaabmayey centerka magalada stockholm meesha loo yaqaano segrel torget ayaa dadkii halkaa iskugu yimid waxaa hadlo qiiro badani ku dheehantahay uga soo jeediyey masuuliyiintii goobtaasi joogay kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen gudoomiya cusub ee dalada guud ee kulmiya jahliyadaha somaliland MR Zakariye hassan waceys. 

Xoghayaha ururka Ibrahim adan . wakiilka jamhuriyada somaliland ee sweden .Ibrahim wadaadyare  gudoomiyaha ururka somaliland relief MR Bahnaan .Ahmed cawaale , Nimco iyo Sahra oo ah labada dumarka ah ee qiimaha wayn ku leh dadwaynaha reer somaliland ee dagan magalada stockholm .

Intii ay dadwaynaha reer somaliland ku sugnaayeen goobtaasi waxaa halkaasi laga qaadey heeso wadani ah iyo dhiirigalin badan oo ka soo yeedheysey afafka dhamaan masuuliyiinta halkaasi ka hadashey iyada oo dhamaan dadweynahii halkaa iskugu yimid ay qaadey qiiro ay ku dheehantahay wadaniyad wayn. Dadka ayaa halkaasi ka dhaqaaqey markay saacadu ahayd 3.30 iyaga oo socod ku marey badhtanka magaalada stockholm una sii jeeda aqalka barlamanka dalkan sweden .Markii ay gaadheen waxaa halkaa kula kulmey xubin ka tirsan aqalka barlamanka isaga oo ka wakiila dhamaan xubnaha uga ololeya qadiyada somaliland barlamaanka dalkan sweden dhexdiisa xildhibankan oo magaciisa la yidhaahdo gunnar andren.

Xildhibaan gunnar ayaa halkaa ka sheegay isaga oo la hadlaaya bulshada somaliland ee halkaa iskugu timid  salaan gaara oo uu uga hayo gabadha magaceeda la yidhaahdo birgitta iyo xildhibaanada kale ee la ologa ah iskaga oo sheegay in ay taageero wayn u hayaan shacabka somaliland sidoo kalena uu xusey in dhamaan dalalkan la isku yidhaahdo nordic ama scandenavai ay mar isku ahaayen dal qudha laakiin ay si nabad galyo ku dheehantahay mid waliba gaarkiisa u noqdey dawlad gaara 

 

Waxaa halkaasi gunnar lagu gudoonsiiyey qoraalkii loogu talo galay in uu u gudbiyo barlamaanka dalkan sweden iyada oo uu halkaa ku gudoonsiiyey gudoomiyaha jahliyada stockholm  MR Osman ismail adan sidoo kale waxaa halkaa gunnar ku gudoon siiyey hadiyad mr ibraahim ismail shaakir oo ka mida gudida ururka dhaliyarada hadiyadaasi oo ahayd calanka somaliland ,waxaa kale oo ka soo qayb galay isu soo baxaa qaar ka mida warbaahinta dalkan sweden.

 

SOMALILAND RIKS UNGDOMS FÖRBUNDET

 SOMALILANDS FÖRENING I STOCKHOLM

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE