|
|
Dibu habaynta Madaarka Hargeysa, Rafaadka Qurbojooga iyo Tacadiga Ciidanka Amaanka ee Madaarka
Dibuhabaynta Madaarka
Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa ayaa waxa
ka muuqata dibu habayn aad u balaadhan oo lagu sameeyay tan iyo intii loo
magacaabay wasiirka duulista iyo hawada Warancade. Waana arin mudan in wasiirka
lagu hanbalyeeyo waxqabadkiisa joogtada ah laguna dhiirigeliyo in xubnaha kale
ee wasiiraduna ku daydaan dadaalka iyo waxqabadka balaadhan ee uu muujiyay
Wasiir Warancade. Madaarka dibuhabaynta balaadhan ee ka
muuqato waxa ka mid ah.
Rafaadka Qurbojoogu ay kala kulmaan
madaarka iyo Tacadiga ciidanka amaanku ku hayaan rakaabka Ka dhoofida madaarka Hargeysa ayaa noqotay meel aad u adag una rafaad iyo dhib badan. Cidhiidhiga iyo is riiixa ka dhacaya dibada iyo gudaha madaarkaba ayaanay jirin wax lagu qiyaasi karaa, dad aad u dhibaataysan oo rafaad ku jira ayaad arkaysaa oo leh, maxaa loo odhanwaayey ka dhoofida madaarku waa jidkii siraad oo kale dhibta iyo rafaadka ka taagan darteed. Dhibta ugu weyni waxay ka bilaabantaa albaabka hore ee deeyrka madaarka oo uu furanyahay albaab aad u yar oo qofka shandada sitaa uu dirqi ku dhexmarikarayo. Waxa ku xoonsan oo raba inay galaan dadkii dhoofayay oo gaadhaya boqolaal qof iyo boqolaal kale oo raba inay gudaha galaan si ay u sii dhoweeyaan eheladooda. Waxa albaabka deeyrka gudaha soo taagan ilaa 4 askari oo habdhqankoogu aad u qalfsanyahay oo isku deyaya inay dadka kala horaan laakiin iyagu noqdeen kuwa abuuraya buuqa, is riixriixa, kala danbayn la,aanta iyo wakhti ka ridida rakaabka oo sababta inay diyaaradu mararka qaarkood kaaba hor duusho. Kolba waxaad arkaysaa qof iyo shanadadiisii oo dib loo soo tuurayo inta laabta la qabto, markuu qofku xanaaqo oo uu yidhaah maxaad ii kala tuuraysaa aan lagaba hadlinayne askartu gacanta u qaadayso oo midba wax ku dhufanayo iyagoo leh hadii uu aamusiwaayo soo xidha weliba inta kayuugii boobka ahaa ee lagu jiray dibada looga tuuro. Waa marxalad aad u adag oo qalafsan adigoo jiidanaya 3 – 4 shandadood iyo weliba dadka caruuraha wata oo is riixaas iyo isbuquujintaas ku dhexjira. Marka gudaha madaarka la galana kaba sii
daran oo waxa kala badan dadka qolka baadhitaanka shandadaha iyo eegida
tigidhada (Check- in) ku jira iyo
inta loogu talogalay, qiyaastii qaybtani bixitaanka madaarku waxay qaadikartaa
ilaa 200 qof, laakiin waxa hal mar soo gelaya ugu yaraan ilaa 7 boqol oo qof oo
shandadahoogiina wata iyo weliba dad shandadaha la sida.
Askar aan u tababarnayn ka shaqaynta madaarka ayaad arkaysaa oo intay
dadka soo dhexgalaan iyagoon kala hubsan kii dhoofayay iyo kii sii dhoweynayayba
kolba qof lalaaldinayo oo dibada u tuuraya hadii uu qofku ku soo yara istaagana
garaaca lagu bilaabayo. Dumar iyo caruurta ayay dhibta ugu badani ku dhacdaa oo
kolba dhinac loo jiidhaa, iyadoo cidhiidiga ka jira darteed aad is odhanaysid
dadku wayba ku neefqabatoobi karaan kulaylka iyo dhididka dharkoogii qooyey.
Arintan oo sababta in dadku isku dhacaan oo aad arkaysaa qurbojoogii oo is
riixriixa darteed cadhadii markay ka badatay iyagii isku jeestay oo dagaalmaya
oo lakala jiidayo. Dhimac kale Shirkadaha Diyaaradu cidhiidhiga
madaarka ka taagan qaybweyn bay ka qaataan.
Hadaan tusaale u soo qaato maalintaan soo baxayey oo ahayd 30kii August
waxa nalagu yidhi madaarka waa inaad joogtaan kowda duhurnimo sida lagu yidhi
qof wal oo maalintaas dhoofayey, iyadoo qofwaliba wakhigaas yimid iyadoo sidoo
kale diyaaradaha kale ee baxayey sida Ethiopian Airline ta iyaduna xiligaas
dadka kaalaya ku tidhi madaarka maadama ay wakhti isku dhowbaxayaan, arintan oo
sababtay in dhawr boqol oo qof hal mar ku kulmaan madaarkii oo uu cidhiidhi
noqday. Shirkada Daallo Airline oo aan soo raacayey
ayaan xafiiskooda tegay maalin ka hor oo aan ku idhi dadka ha nagu wada odhanina
kowada kaalaya maadama laba duulimaad midna gelinka danbe baxayo midina habeenka
ee kala danbaysiiya oo hadii aanu nahay ta habeenka baxaysa aan madaarka
nimaadno ilaa 5ta galabnimo. Haseyeeshee
shaqaalahii daallo waxay qofwalba ku adkeeyeen inuu hal duulimaad oo keliyi jiro
sidaas darteed si aanaad diyaarada uga hadhin in la tago madaarka kowda
Duhurnimo. Iyadoo dhibtaas iyo is riixriixaas oo dhan
madaarka lagala kulmay ayaa markaan shanadahii xaraynay ee aan gudaha galnay
ayaan ogaanay inay jiraan duulimaadyo kala danbeeya, iyadoo nalagu qoray
duulimaadkii baxayey 8 fiidnimo oo ay noqotay in madaarka aanu dhexfadhino ilaa
8 habeenimo. Iyadoo ay nagu jireen dad badan oo caruuro aad u yaryar watay.
Iyadii oo ay dhacday in dadkii ay badh ka buuxsantay diyaaradii oo ay sugaan
diyaarad sedexaad oo naga sii danbaysay. Sidaas darteed Daallo Airline qaybweynbay ku leedahay
dhibaatada iyo cidhiidhiga ka taagan madaarka Hargeysa, sababtoo ah rakaabkii
baxayey duhurkii iyo kuwii habeenkii baxayey ayay hal mar madaarka
isugukeenaysaa. Dad badan oo ka mid ah dadkii ku
dhibaataysnaa madaarka oo aan wax ka weeydiiyay ayaa hadaladooda waxa ka mid
ahaa fasaxii aanu dalka ku joognayba waxa ku nacsiinaysa dhibtan lala kulmayo
marka dalka laga baxayo oo ah mid aan loo dulqaadankarin,
qaar kale ayaa sheegay in laga yaabo inaanay dalka ku soo laaban inta ay
sidan wax iska bedelayaan, halka qaar kalana sheegeen inay marka danbe dalka
baabuur kaaga bixidoonaan si dhibtan oo kale aanay ula kulmin. Gebogebadii Wasiirka waxaan odhan lahaa in
hawsha balaadhan ee aad madaarka ka qabatay aanay waxba taraynin hadii dhibtan
madaarka ka taagan aanad si degdeg ah wax uga qaban oo aanad tayayn oo aanad kor
u qaadin aqoonta iyo garaadka shaqaalaha gaar ahaan ciidanka ka nabadgelyada ee
ka hawlgala madaarka. Dhinaca kale inaad sharci ka soo saarto ku socda
shirkadaha diyaaradaha si ay u kala xadidaan dadka ka badan xaddigii uu madaarku
qaadayey ee ay hal mar iskugu keenayaan madaarka adigoo jadwal (timetable) u
kala samaynaya xiliyada diyaaradahu ka kala duuli karaan madaarka halkaay imika
hal mar laga yaabo in 3-4 duulimaad dadkii kala raaci lahaaa check in kooga la
isku beego tani oo ah arinka dhibta ugu balaadhani ka jiro.
Dhinaca kale wasiir waxa la yidhi ishaa kuu macalinee waxa haboonaan
lahayd in maalmaha madaarku mashquulka yahay sida 30kii August oo kale inaad si
lama filaan ah u soo booqato madaarka oo aad indhahaaga ku soo aragto dhibta
qurbojoogu kala kulmaan ka dhoofida madaarkeena caalamiga ah.
Dhinaca kale wasiir waa in dib loo eegaa diyaaradaha dalka imanaya oo aad
u tayodaran oo aan lahayn hawada loo yaqaano ogsajiinta oo dhacda inay dadku ku
neef qabatoobaan, oo sida dhacda dad badani iyagoo neef qabatoobay anbalaas
lagaga qaado madaarka markay ka soo degaan. Shirkadaha Diyaaradaha oo isku
qanciya inay suurtogeliyeen in diyaarado dalka toos u yimaada sameeyeen hase
yeeshee dalku wuu horumaray oo looma rahmana diyayradahan dadka qaar ku
tilmaameen iska roggo duulaysa, waxa loo baahanyahay in shirkadaha wadaniga ah
lala xisaabtamo maadaama ay iyagu ka fakirayaan oo keliya sideey lacagbadan u
samaynlahayeen halkay lacagta shirkada dib u gelin lahaayeen oo diyaarado kuwan
inyar dhaama u soo kiraysan lahaayeen. Qurbojooga Hadii aad ka mid tahay dadka rafaadka kala kulmay madaarka Hargeysa warbixintaada noogu soo hagaaji emailka Sdwouk@yahoo.com si aanu ugu gudbino wasiirka duulista iyo hawada markaan emailada ururino SDWO News Desk
|