SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE oo si Xoog ah Xilkii iyo Xubinimadii Xisbiga looga Xayuubiyey Guddoomiye-ku-xigeenkii kowaad iyo Xubno Cusub oo loo Doortay Hoggaanka

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

Hargeysa (SDWO 15/04/2012) - Shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta la soo gebogabeeyey ayaa si xoog ah xilkii iyo xubinimadii xisbiga looga qaaday Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, isla markaana lagu doortay hoggaan cusub.

 

 

Shirka ayaa la soo hordhigay qoraal anshaxmarin ah ku wajahan Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, kaas oo uu soo saaray Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo ku eedeeyay inuu ku xad-gudbay siyaasadii iyo xeerarkii xisbiga KULMIYE, kadib markii uu warbaahinta dhawr jeer ka cambaareeyay kana naqdiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbigaas.

 

 

Qoraalkaasi oo uu shirka u akhriyey Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxa uu qornaa sidan;

“Mudaneyaal, markaan la tashaday Gudidda fulinta xisbiga KULMIYE waxaan sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa anshax-marin ka dhan ah Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Guddoomiye-ku-xigeenka labaad. Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir wuxuu dhawr jeer shirar jaraa’id oo uu si toos ah uga horyimid dastuurka iyo Barnaamijka xisbiga.

 

 

Cabdiraxmaan wuxuu si aan gabasho lahayn u cadeeyay inuu ka soo horjeedo barnaamijka xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku shaqeynayay kaasi oo ah barnaamijkii iyo dastuurkii lagu ansixiyay shirweynihii labaad ee 2008-dii.

 

 

Mudaneyaal, Gudidda fulinta ee xisbigu dhawr jeer ayay waano iyo digniino u jeedisay C/Raxmaan Cabdiqaadir. Haseyeeshee Mudanuhu wuu ku sii adkaystay sharci jabintii.

 

 

Waxaan u soo jeedinayaa Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inuu Goluhu ku anshax mariyo qodobka 56-aad ee dastuurka qaranka ee anshax-marinta loo cuskado. Maadaama oo uu si toos ah uga horyimid dastuurkii iyo Barnaamijkii xisbiga.”

 

 

Kadib qoraalkaasi waxa madashu isku rogtay buuq iyo qaylo, kadib markii masuulka xilka laga qaaday dalbaday in hadal la siiyo oo uu doodiisa dhiibto, hase ahaatee waxa ka diiday Guddoomiyaha shirguddoonka Jaamac Shabeel, waxaanna markiiba loo dalbaday ciidan boolis ah oo gudaha hoolka lagu sii diyaariyey, kuwaas oo xoog kaga saaray shirka.

 

 

Intaa kadib waxa ergooyinka shirka loo bandhigay inay go’aan ka gaadhaan qoraalkaasi anshax-marinta ah, waxaanna codkii loo qaaday oggolaaday 155 in xilka iyo xubinimadaba laga qaado Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxa diiday 24 xubnood, waxaanna ka aamusay 16 xubnood, Guddoomiyuhuna muu codayn.

 

 

Dhinaca kale, waxa shirkaasi lagu doortay xubno hoggaanka sare ka mid ah oo ay ka mid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad oo loo doortay Maxamed Kaahin Axmed oo hore u ahaa afhayeenka xisbiga, Guddoomiye-ku-xigeenka labaadna loo doortay Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada, halka Xoghayaha Guud loo ansixiyey Xasan Siciid Yuusuf oo hore ku-sime u ahaa.

 

 

Gebogabadii waxa shirkaasi soo xidhay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cadiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxaannay hadallo ay halkaasi ka jeediyeen ugu mahadnaqeen xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga, iyagoo kula dardaarmay inay dadaalkooda halkaasi ka sii wadaan.

 

 

 

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa

sirshiine@yahoo.com

 

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO Chief  Editor

Email: Guled@sdwo.com

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE