SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun

Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Qaybta 20aad

Qaybta 21aad

Qaybta 22aad

Qaybta 23aad

Qaybta 24aad

Qaybta 25aad

Qaybta 25aad 

(First Publication 09/10/06) - (2nd Publication 25/02/2013)

  Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

Qaybtii 24aad Waxay inoo joogtay Subeer iyo Hodan oo Hotel ka wada cashaynaya oo ay u socoto heestani:
Dawadii naftaydaay, Dumar taan ka doortaay, Sow inaan ku daawado, Dal dheer ugama soo tagin, Dumar ha igu noqonine, Sidaan kaaga daba dhacay,
Inaad ii daryeeshaa........

Qaybtii 25aad 

Waxa  
Isa
Iyagoo dhagaysanaya heesta Hodana hoos u foorarto ayaa waxa soo galaya ama imanaya wiilkii oo sida Cuntadii, cabaar markii la isku dul haystay cuntada oo ay diiday inay wax cunto ayaa Subeer si xun uga xanaaqayaa. Hodan intay istaagtay ayay ku odhanaysaa “walaal ama xanaaq ama ha xanaaqin halkan umaan imanin inaan wax cuno laakiin waxaan u imid inaad iga qanciso rabitaankayga hana u qaadanin cuntada aan halkan ku diidin inaan ku cuni doono meel kale” Subeer mabuu filayn hadalkan wuxuuna is lahaa waxay diidantahay oo qudha inta meeshan la joogo iyo iyada oo uu ka moodayay kaftan. Markii sidaa arintii noqotay ma jirto wuxuu yeelaa wuu fadhiistay, haddana wuu kacay hadalkiibaa ku dhagay oo dibnihiisa ka soo bixi waayay, madax xanuun faro badan, afka oo qalala iyo daal ayuu muddo yar gudaheed ku dareemay, Subeer kama qancin karo hadalka ama waxa ay doonayso Hodan oo rabta inuu ka ogolaado guurkeeda, wuxuu fekeraba wuxuu odhanayaa oo uu maskaxdiisa ka keenayaa in uu ku yidhaahdo waan kaa ogolaaday inaynu wada sheekaysano hase ahaatee arrimaha kale waynu ka wada hadlayaan. Hodan oo goorahanba aad moodo inay geeri fadhiday ayaa mar kaliya waxa ka soo baxaya neef ay la socoto neecaw iyadoo dareemaysa qabaw iyo laydh, in badan aan jidhkeedu arag, Hodan markii hore cadhada mooyaane indhaheeda wax ilmo ah kamay muuqanin balse wakhtigan qosol iyo oohin ayaa is dhex socda waa mararka kaliya ama wakhtiyada gaarka ah ee uu qofku isaga oo ooyaya haddana uu qoslayo, waana wakhtiyada ay dhakhaatiirtu u nisbeeyaan dhimashada degdega ah ama waxa la yidhaahdo Heart Attack kaasoo mar kaliya wadnuhu istaago qofka maxaa yeelay is bedelka degdega ah ee uu isbedelay ruuxaasi ayaa jidhkiisa wax wayn ku kordhin kara, kana ridi kara, oohinta Hodan maaha mid ay ku dhawaaqayso balse waa mid ay indhaheeda biyo ka daadanayaan wajigeedana ay farxadi ka muuqato. 

Subeer si aada ayuu u dareemay jacaylka Hodan iyo heerka uu taagan yahay wuxuu ogaaday oo uu arkayaa inay ku jirto halis oo ay u dhawdahay inay u haligto nafteeda isaga daraadii. Sidaasoo ay tahay Subeer hada muu furin ballantii ama wacadkii uu la galay Salma waayuhu sirgacanaa, kululaa sabaanadu siyaasadu guracanaa soo salal madoobaa. Waxa ka dambeeya lama yaqaano ballantan uu qaaday iyo halka ay ku dambaynayso maalmaba kamay soo wareegin markii uu macasalaameeyay Salma ileen imtixaanka Illaahay meel walba waa yaalaa si kasta oo aad is tidhaahdo uga baxsana lagama yaabo inaad ka dheerayso wixii uu qoray wax qoran, inagoo aan garan karin labada hablood mida uu calfan doono ayaa haddana waxa inankii iskugu soo ururay wixii murugo adduunyada taalay intii uu qayb u helay, marka aynu eegno wiil da’daas ah oo madi ah kuna kulmeen dhibaatooyinkaasi waxaan odhan karnaa wuxuu ka awood iyo kartiba badan yahay kuwo badan oo walaalo iyo wehel ay kala sheekaystaan ama ka caawiyaan dhibaatooyinka noocan ah ee haysta, Subeer ha afgaabnaado laakiin maaha nin hal seego mana aha nin dhac-dhac badan.

Aan dib ugu noqono miiskii iyo cuntadii maxaa dhacaya wakhtigan Hodan haday diidanayd markii hore cuntada xiligan iyada ayaa bilowday tii oo waliba ku bilaabaysa si farxadi ku jirto oo ay ku dul kaftamayso. Waa wareegto adduun oo wakhtigaa hadba cayn ah mar dhawaydna waxa fekerku ku badnaa Hodan hadeerna wuxuu u wareegay Subeer, xanuun badanaa wuxuunbaa garan kara qof uu haleelay oo sida Hodan u boholyowday qof kasii jeeday muddo badan ama sida Subeer u hiloobay mid aan u soo jeedin, ama sida Salma nasiibku ka hiishoo hadba meel aan ahayn halkeedii heeryadu kaga dhacayso, hadaad eegto inantii Hodan waxaad moodaa in loo ballan qaaday janada, qosolka, faro ka ciyaarka, dhoole cadaynta iyo sida ay cuntada u cunayso may ahayn mid baryahaa lagu arkay. Waxba yaynaan ku raagin, in badan yaynaan sii dul fadhiyin miiska cuntada, aynu u soo dhaqaaqno markii ay dhamaysteen iyo gaadhiga dhexdiisa hadalka waxaa wadata oo aan joojin sidii uu jawaabta u siiyayba Hodan waxaanad moodaa in ay iska soo faqayso ama iska soo gurayso wax in badan laabteeda iyo beerkeeda, wadnaheeda iyo badanka jidhkeeda jiifay, waxay haleel u heshay inay u sheegto bilow ilaa wakhtigan sidii maalinba maalin ugu soo dhiibaysay, waxay u sheegtay samirka iyo dulqaadka ay siisay, waxa kale oo ay u sheegtay sida ay nafteeda uga qancisay inay helayso qofka ay rabto iyadoo hadlaysa ayaa waxay tidhi “Subeeroow, may yarayn ayaamuhu intuu waagu ii baryo aanan aqoonin goorta uu gabalku dhacayo ama gabal dhacay aanan garanayn goortuu waagiisii baryay waxaan ahaa mid iska dhex socota iyada oo aan is ogayn dadka qofka kaliya ee badbaadiyay naftayda ama Illaahay shimbirka iiga soo dhigay wuxuu ahaa Muna oo mar walba isku dayi jirtay inay iga qanciso ama ii dajiso iyadoo ii sheegaysa mar walba rajo wanaagsan, waxa iigu darnaa ama maalmaha iigu xumaa habeenkii marka aan sii seexanayo iyo aroortii marka aan soo tooso labadaa jeer waxay ahaayeen kuwo dhibay naftayda tusaale ahaan Subeeroow habeenkii marka aan sii gam’ayo inkasta oo aanan gam’i jirinba waxaan is waydiin jiray maanta way dhamaatay aroorta maxaad la kulmaysaa, ma heli karaysaa, ma ku yeeli doonaa, tallow maalintani dhamaataye ta dambe ma noqon doontaa midaad ku guulaysan lahayd waxaad inta badan doonaysay indhaha guntooda ayaa i ololi jiray hadaan isku qabtana awood umaan lahayn inaan kala qaado damqasho awgeed aroortii marka aan tooso amase waagu baryo waxaan soo kacaa aniga oo ku fekeraya ama niyada ku haysta maxaad yeeli doontaa, Subeeroow hooyaday iyo walaaladay way dareensan yihiin inaan ku jeclahay waxa waliba ay aad u dareensan yihiin in aan ahay qof aan kaa maarmi karin in badan ayaa la i waydiistay aabahay waxaan u malaynayaa mudadii aynu is naqaanay saddex jeer ayaa rag u yimaadeen raba in  aanu gacal noqono waxase mar walba ku gacan saydhaysay inta aanay anigaba i soo gaadhin walaashayda ugu wayn iyo hooyaday oo ogaa heerka noloshayda iyo halka aan taaganahay maxay u diidanaayeen in uu aabahay i siiyo nin kale waxaad moodaa inay ogaayeen inaanay naftaydu ku qancayn qof aan Subeer ahayn, adiguna Subeeroow kuguma dhibsanayo, kuugumana cadhoonayo, kuguma xanaaqsani dibna ugu noqon maayo dhibkii aad i soo marisay waayo waxaan ogahay inaad adiguba martay jidka aan maray mid la mida waxa kaliya oo aad igaga duwanayd waxay ahayd waxaad tahay nin raga oo maarayn kara waxyaabo badan oo noloshiisa la soo dersa halka anigu ay igu adagtahay inaan u adkaysto ama aan dulqaad u yeesho dhac-dhaca iyo dildilaacyada, nabarada jacaylka iga soo gaadhaya, ma garanin ilaa haddana ma garan doono farxadaydu heerka iyo xadka ama baaxada ay yeelanayso waayo wali taladaydu waxay ku laalantahay cirka qof taladiisu aanay faraha ugu jirina waad ogtahayoo wax uu qabsan karaa ama wax uu samaysan karaa ma jirto”. 

Subeer waxa uu gaadhiga keenay guriga hortiisii Hodan ma oga in gaadhigu taagan yahay iyo in uu socdo toona awal hore marka ay raacdo muraayada way dalici jirtay iyada oo ka khajilaysa ama diidan in dadku arko, caawa ama xiligan way dajisan tahay muraayadu iyaduse waxay u haysataa sidii hore oo kale uun, cabaar yar kadib ayuu ku war galiyay inay soo gaadheen oo uu goorahanba taagnaa guriga hortiisa, haddii ay ogaan lahayd may sii wadee hadalka oo waxay ka baqanaysaa in aabaheed ku soo baxo iyada oo gaadhiga ku jirta, way naxday waxayna ku tidhi “walaal maxaad iigu sheegi wayday inaynu mar hore halkan nimid, miyaad ka faa’iidaysatay maqnaashiyaha naftayda iyo tagida ay tagtay, aroorida ay aroorayso naftaydu oyada oo aan ogayn halka uu ku yaalo ceelka biyaha ah ee ay ka soo cabi lahayd,

Markaan helo wax iga maqan
Ama aan hantiyo maal
Soo hees walwaalee
Hablo iima qaadee
Caawanaa hirkaan dagay
Ma hawd iyo calaydhbaa
Hawlihii caashaqa
Ma ka galay halkaygii
 
Subeeroow waxaan aad ula yaabanahay kulaylka, qabowga, miyir doorsoomka, is ilowga iyo jaha wareerka uu igu riday jacaylkaagu, waxaad moodaa mudadii aan kula soo socday inaanan jooginba adduunyada, walaal wax kale oo aan ku idhaahdo garan maayo waan iska degayaa marka aad tagto guriga ayaan kula soo hadlayaa” hadaladaasi waxay ugu dambeeyeen erayadii murtiyaysnaa ee ay Hodan ku tidhi Subeer markii ay yimaadeen guriga, sidiibaa lagu kala tagay, haddaba haduu jab joogaa mar haddii uu ka ogolaaday inuu la sheekaysto waxa ku xiga oo ay qorshaysanaysaa waa guurkiisa isaguna niyadiisa muu galin qof aan Salma ahayn. Si waliba ha dhacdee waxa uu ku khasbanaa markan inuu badbaadiyo oo uu kalifo naftiisa maadaama uu ku furanayo naf kale. 

Waxay ka mid tahay dhacdooyinka naadirka ah ee sida tirada yar u soo mara ama u soo wajahi kara qof dhalinyaro ah oo aan waliba waayo arag ahayn, isagu intii uu is lahaa waad samayn karaysaa wuu sameeyay waxase aad u yaab badnaanaysa sida uu u maarayn doono xaaladaha iyo amuuraha qalafsan ee wajiyada badan leh, Subeer arrintan dambe cidnaba kalamuu tashan aan ka ahayn walaashiisii ku soo khasabtay hase ahaatee waxaabad moodaa in marmarka qaar arrinta adigu aad wadato ay ka xoog waynaato ta reerku doonayo saamayn xoog leh oo aanuu filashadeeda lahayn ayaa ka hor timid mana waajihi karo arrintan isaga oo labada dhinac midkood u go’a mooyaane, Subeer maalmo badan ayay ku qaadatay feker iyo tashi waayo muu garanaynin ama muu dareemayn in ay arrimahani mar kaliya sidan isku bedelayaan, Salmi telefoono,  waraaqo Emailo iyo sawiro ayay goor kasta soo dirtaa waxayse la yaaban tahay gaabinta Subeer oo laga yaabo in uu saddexdii su’aaloodba mid ka soo jawaabo dhawr goor marka ay la hadashana uu isagu mar la hadlo, Salmi burkaba bahal kama dayin isma laha waa laguu waydaartay oo way isa siisay, qalbigeeda iyo niyadeedana kama daadagayso naag kale ayaa idiin dhaxayn doonta adiga iyo Subeer amase waa lagula wadaagi doonaa adduunyadu waa noocyo badan shay kastaabana si aan la ogayn ayuu iskaga dhacaa, marka aynu ka tagno kuwa loo kasayo ama dadka xumi ay ku xumaynayaan dadka ay xidhiidhka leeyihiin, ugumuu talo galin Subeer inuu marnaba tuso waji dhib iyo murugo leh gacalisadiisa Salma waxase ka adeegay nasiibka, arrimuhu marka ay sidaa noqdaana waxay yeeshaan wajiyo kala gaar ah waxay noqdaan ama ay la yimaadaan midabo iyo talooyin aanad hore ugu ogayn, Subeer hadduu afgaabnaa oo aanuu dadka aad u dhex gali jirin waxay tani ka dhigaysaa qasab inuu doonto talo waayo kama maaraynayso ama kuma go’aan qaadan karo wax fikirkiisa kaligii ka yimid way ka xoog badatay waxaana ku soo butaacay mawjado kala jaadjaad ah oo mid waliba jiho gooni ah ka timid xaaladan ama xiligan aan odhan karno wuxuu ka mid yahay mid ka mid ah wakhtiyada adag ee uu waajahay wiilkan da’da yar leh haddana waxa loo baahan yahay inuu si raganimo leh uga baxo ama isugu wado.

Maalin dambe ayaa ninkii Subeer waxay ula gashay maadaama aanuu markii hore jaadna cuni jirin balwadna lahayn inuu soo qaato jaad oo uu la soo fadhiisto asxaab badan oo ay ku kala tagi jireen maqaaxiyaha isagoo sii jeclaysanaya joogitaankooda diidayana arrinkan kaliga ku noqonaya ee uu wax badan iska waydiinayo, Subeer ma yaqaano ama waa markii ugu horaysay ee uu jaad afka galiyo sida qolyaha muqayiliinta ah uma qayilayo laakiin caleentii jaadka inteedii badnayd wuu liqay bigays badana wuu cabay goor ay 7:30 habeenimo tahay ayuu ka soo baxay qol yar oo ay ku fadhiyeen ilaa todoba dhalinyaro ah, Salaan oo ka mid ah asxaabtiisa kuwa ay iskugu jecel yihiin hase ahaatee ay marka hore kala reebtay balwadu oo wakhtiyada la qayilayo aanay is arki jirin ayay caawa wada socdaan, Salaan waa nin maskax badan oo aad u fikrad wanaagsan hase ahaatee Subeer oo mararka qaarkood aad odhan karto waa gar ma qaate ayaa ku diida soo jeedino badan oo uu soo hor dhigay, Salaan waxa uu ku yidhi “si arrintani u hadho guurso gabadhan Salma odaygana ku cadaadi hadduu diido marka dambe qasabuu ku yeelayaa xishmada waalidka dartii ayuu diiday inuu sameeyo waxaanuu ogolayn aabihii, mar labaadna wuxuu talo ugu soo jeediyay in uu faraha kala baxo arrinta Hodan oo laga yaabo inay marka dambe caqabad ku noqoto taana sideedii umuu qaadane waynagan arkayna halka uu marayo haddaba goortan oo la mirqaansan yahay waxa gaadhiga la dhigay meel wadada dacalkeeda ah waxaanay fadhiyaan maqaaxi meel barxad ah ku taala, wakhtiga oo qaboobaa iyagu way gubanayaan taasoo inta badan ah calaamadaha mirqaanka Subeer wuxuu u dhaw yahayba neef qabataw hase ahaatee goor dambe ayuu u burqaday oo uu u soo fatahay sidii wabiga waxa ka soo yeedhaya hadalo waawayn iyo odhaaho aan lagu baranin oo ku cusub afka Subeer iyo dhegaha Salaanba waxa ka mid ah “waxaan samaynayaa waan guursanayaa Hodan Salmana haday ogolaato iyadana waan ku xigsiinayaa haddii kale sidaa ay ku maqan tahay haku maqnaato” Salaan ayaa aad uga xanaaqay eraygaa oo ku yidhi “waxaan ku moodayay inaad tahay nin go’aan leh laakiin jaadkii aad maanta cuntay wuxuu soo saaray jileecnimadaada iyo sida aanad adkaysi ugu lahayn dhacdooyin badan, arrimahani maba aha wax aad isku mashquuliso gabadha hadaad doonaysana gabadhaadu waa Salma cid kasta u gee gabadh aan Salma ahayn lagama yaabo inaad guursato” markuu leeyahay erayadan Salaan wuu qoslayaa isagoo la yaaban sida mirqaanku uga hadliyay ama uu u majara habaabin gaadhay saaxiibkii waxaanuu ku yidhi “Subeeroow laga bilaabo caawa dib ha u cunin bahalkaa haddii kale dee barina anigaad odhan doontaa hala dilo oo wax waliba way kuu fududaanayaan, waxaad ku fiicnayd jaad la’aantaadii ee sidaadii hore iskaga joog waxaad caawa igu tidhaahdana waxaan u arkayaa tijaabadii qaadka oo ka soo qaadi maayo hadal meel gaadhaya” Subeer aad ayuu ula yaabay sida saaxiibkii hadalkiisa oo dhanba u daadifeeyay waxaanuu yidhi “Salaanoow  jaad la joojinayaa ma jiro, sidaa aan caawa u bilaabay ayaan u wadayaa ilaa inta aan ka guri galayo haddii kale saaxiib waxaad ii sheegtaa inaad tahay cadawgayga oo aynu halkaa ku kala hadhno hada ogowoo mirqaankan iyo xaaladan macaan ee uu imika ku jiro ayaa u sawirtay in wax waliba si dhib yar ku dhamaanayaan waxaanuu diidan yahay saaxiibkiisan leh ka noqo oo iska daa hanagu soo biirine, Subeer habeenkii in badan ayuu u sheekeeyay saaxiibkii Salaan oo uu uga sheekeeyay arrimo badan oo aanuu hore ugu sheegin markii dambe ayuu odhanayaa waar inagu yar dhawee hudheelka waxaana ka socda hees aad u macaan oo markaa si xooga ugu dhadhamaysa Subeer, waxaanay ahayd hees uu qaadi jiray Alle ha u naxariistee fanaankii codka baxsanaa ee Mohamed Mooge Liibaan

Markii aan dhab kuu dayay
Cadceed dhalata waabari
Ama dhool aroornimo
Dhanka bari ka soo baxay
Naasaha dhexdoodiyo
Dhuuxii Hargeysiyo
Damashii ku dherernayd
Oo mayay ku da’ayo
Igu dhalisay caashaqa
Markii aan ku dhawraba
Waxa la isku dhaafaa
Dhex yareey nasiibkee
Malaha waanad dhaadine
Soomaalaad ka dhalatoo
Dhay lagugu koriyoo
Damal dherarkii noqotay
Igu dhidibtay caashaqa
Markii aan ku dheehdaba
 
Mirqaanka jaadka iyo maqalka heestaa macaan iyo kuwo kale ayaa waxay hawada ka saareen inanka aan waligii qayilin, wax la murmoba, wax saaxiibkii ku yidhaahdo arrinkan iska jooji isna uu yidhaahdo waan dhamaynayaa ugu dambayntii iyadoo aan go’aan laga gaadhin ayaa la kala tagayaa, Subeer markii uu yimid guriga inkasta oo uu soo habsaamay oo uu hal saac ka dib maray wakhtigiisii hore haddana wali xaafadu may tabin oo wakhti dheer oo lagu tabo muu maqnayn qolkiisii ayuu galayaa waxaanuu soo qaadanayaa taleefanka si uu ula hadlo Salma, telefanka guriga u yaala ee u gaarka ah waxa uu u furan yahay debeda laba saddex jeer ayuu ku celcelinayaa mar dambe ayaa laga qabanayaa, nasiib darro qoladii huteelka ayaa u sheegaya in loo casho sameeyay oo lagu marti qaaday Huteel kale oo Night Club ah. Subeer isagoo marka horeba ka xun bixitaanka ay kaligeed tagtay ayaa haddana waxa u raacay shaki faro badan oo uu ka shakiyay, maadaama ay kaligeed joogto meel Qurbe ah, degentahayna Huteel wakhtigii ay doonto bixi karto soona noqon karto arrintan ayaa qayilaadii si aada u tustay, u buunbuunisay una balaadhisay isagoo fikradiisa ay ku jirto maxaa dhacay, maxaa is bedelay, maxay ku sugantahay, maxaan ku sugaa iyo wakhtigan sideebaan naftayda aan ula gaadhaa. Subeer waataan hore u sheegnay in uu saaxiibkii ku yidhi waxaan guursanayaa Hodan Salmana haday ogolaato waan ku labaynayaa haddii kalena ha iska tagto waxa ku soo noqnoqanaya oo dib isugu soo celcelinaya wakhtiyadii ay wada joogeen ee ugu dambeeyay dardaarankii uu ku lahaa iyo hadaladii ay iyadu mar walba hor dhigaysay oo ahaa miyaanad walaal i aaminsanayn maanta ma waxaan ahay qof nafteeda looga baqo, haddaad naftayda u baqayso hore ayaad ugu biqi lahayd markii aan kaa maqnaa muddada badan, Subee wakhtigaasi wuxuu xusuusan yahay in ay hooyadeed iyo wiilkii guursaday ee ay ilmoabtiga ahaayeen ku xeernaayeen oo aanay jirin fursad madax banaani leh oo ay ku tagto meesha ay doonto halka maanta ay haysato wakhtigii iyo lacagtii. 

Subeer goor ay tahay 2:30 habeenimo ayuu garaacayaa telefoonka waxaanuu waydiinayaa inanka Risebshanka ee xafiiska Huteelka haya sidii si leeg ayuu ugu sheegayaa inay maqan tahay oo ay imanayso ama aanay imanaynba deetana dhawr su’aalood ayuu waydiiyay ileen waa nin mirqaansane intuu makii hore raali galiyay ayuu ku yidhi ma ku waydiin karaa su’aal sidaa darteed inankii intuu cabaar aamusnaa ayuu ku yidhi “inkastoo ay goor dambe tahay haddana halkeed ka soo hadlaysaa?” wuu isku sheegayaa inuu joogo Hargeisa gabadhanina tahay gabadh ay wax isku yihiin, wiilkii oo markii hore moodayay qof magaalada uun kala dhex hadlaya ayaa si fiican oo degen ula hadlay waxaanuu ku yidhi “walaal gabadhan iyo Hayada ay la socotaa waa dad tiro badan isla markaana qaarba Huteel ayay degan yihiin waxa dhacda inay habeenada qaar dhaxdo, habeenada qaarna aanay bixinba markaa caawa waxa laga yaabaa inay tahay habeenadii ay lahaayeen xafladaha oo aynaan helin waxaanse isku taxaluujinayaa inaan gaadhsiiyo farriintaada una sheego inta jeer ee aad la soo hadashay, walibana haddii aanay maqnaanin wakhtiga ay soo gasho waa in ay kula soo hadashaa anigaa ballantaa kuu qaadaya” inankiibuu ka qortay Adareeskiisii kiisiina wuu siiyay waxaanuu ku yidhi “barasho wanaagsan iyo saaxiibtinimo hor leh” sidiibuu ku dhigay telefoonka, saacadu waa saddexdii habeenimo wakhtigaasi ayuu Subeer isaga oo gubanaya galayaa baadka waanuu maydhanayaa isaga oo aan dareensanayn qabawga jira balse uu shidayo barjihii maantu. 

Soo noqodkiisii iyo waxa kulmay telefoonka oo dhacaya waa Salma waa saacad dambe iyaduna way daalantahay hadal badan ma kari karto waxay u sheegaysaa inay ku maqnayd marti qaad halkaasaa la isku af dhaafayaa iyaduna way xanaaqaysaa isaguna si adag ayuu ula hadlayaa xaalkuna wuxuu noqonayaa in telefoonada la isku dhigo, wuu iska seexday iyaduna markeeda horeba way heedadawsanayd oo way daalanayd waxaanay gashay qolkeedii si ay iskaga seexato markii uu waagii baryay ayaa goor tobankii ah uu ogaanayaa inuu hurdo waxa ku garaacaysa guriga Hana yar oo u sheegaysa inuu habsaamay iyadoo meel waliba damqanayso oo jidhkiisa burbur badani ka muuqdo ayuu soo baxayaa, cabaar yar kadib markii uu quraacday wuxuu u soo baqoolay dhanka magaalada si uu u guto hawl maalmeedkiisii waxaanuu imanayaa tukaankii oo Odaygii hor fadhiyo halkaana waxoogaa canaan ah ayuu kala kulmayaa kumase daahayo wuu iska dhaafayaa, wuxuu toos u galayaa gudaha waxaanuu la soo kala baxayaa buug xisaabeed qabyo ahaa oo uu shalay kaga tagay halkaa markuu bartanka marinayo ayaa waxa la soo hadlaya saaxiibkii Salaan oo shaw xalay oo dhan ku daalay telefoonkiisa oo uu xidhay is waraysi dabadeed, wyxyy waydiinayaa halka ay iskugu imanayaa, waxaanay ku ballamayaan dukaan ay hor fadhiisa jireen wakhtiga qadada ka hor, inyar dabadeed waxa la gaadhayaa wakhtigii salaada duhur, Salaan oo sii jooga ayaa Subeerna soo ag istaagayaa, gaadhigaa la kaxaysanayaa waxayna u baxayaan meel ka baxsan xaafada intay istaagaan wadada dhinaceeda ayuu uga sheekaynayaa wixii xalay ku dhacay iyo wixii uu ku xalilay iyo waxa sugaya iyo wixii uu kula talin lahaa, Salaan maaha nin Illaahay talo ku dhibay waxaanuu odhanayaa “haday kula soo hadashana khaladkeeda way qaadatay, waa haddii waxa aad ii sheegaysaa dhab tahay, haddii kale oo ay aamusnaato adiguna lama hadlaysid waayo way ugu talogashay waanay ku tijaabinaysaa”. 

Sidiibaanuu yeelayaa oo aanuu ula hadlayn, way iska qado tagayaan Subeer maalintii labaadna wuxuu ku celiyay qaadkii oo wuxuu la fadhiistay saaxiibkii inkaariba waatane jabku wuxuu ka joogaa mawjadahan ee midba mida kale isu dhiibayso ee aanay lahayn ka joogsida. Subeer intaa uu fadhiyo marfashka ma hadlo ee wuxuu dhagaystaa waxay ku hadlayaan qolyaha uga soo horeeyay fadhiga waxase ay aad u jecel yihiin inay ka hadliyaan oo ay dhagaystaan bal sida uu ugu dhibcay iyo halka uu ka gaadhay jaadkii, Subeer wuxuu aamusnaadaba markii dambe ayuu soo butaacayaa sidii qasabada oo aanuu hadal kala joojinayn iyadoo dhalinyaradii halkaa fadhiday wax qoslaya mooyaane wax kale laga waayay, waa nin maadeeya oo murti yaqaana walibana cod kar ah laakiin wakhtigii hore waxa ku daahnaa oo hadhaynayay xishood uu u dhashay wakhtiganse la isla soo dhaaf oo wuxuu marayaa inuu marfashkii dhamaaba kaligii la dhagaysto hadal badni awgeed Subeer markuu cabaar hadlo waxa uu galayaa waxoogaa xusuus ah oo ku xeeran noloshiisa markuu inyar ka fekero ayuu ogaanayaa haddana inuu cid u sheekaynayay taasi ayaa dhalinyarada ku keentay in ay wax badan iska waydiiyaan xaalada dhibaato ee wiilka da’da yar dagal fadhiga u ah waa mucjiso qof aan waxba kuu sheegayn, waxna ka soo baxayn balse aad dareemayso inuu dhibaataysan yahay, Salaan oo fadhiya meesha ayaa ku odhanaya saaxiibkii markuu arkay inuu ka baxay oo uu isla maqan yahay “Subeer saddex jeerbuu ku celinayaa kadibna Subeer ayaa ku naxaya codka saaxiibkii oo ogaanaya halka uu ku maqnaa iyo………….

Goor ay tahay lixdii aroornimo oo aanu ilaa wakhtigaa indhaha mar keliya isku qabanin laydhkuna qolkiisa ka bakhtiyin ayuu tiigsanayaa Telefoonka oo yaala geesta bidix ee sarriirtiisa waxanu damacsan yahay inuu la hadlo gacalisadiisii.
           
Salmi waa gabadh xalay si fiican u seexatay oo aanay kaba qasnayn goortan waxayna fadhidaa barandaha gurigooda, goor dambe ayay maqlaysaa dhawaaqa telefoonka oo goorahanba dhacayay intay si dhakhsa ah u haab haabatay kabaheedii ayay u luuday makhsinka fadhiga oo uu telefoonku yaalay.
 
Salaan kadib Subeer aad ayuu uga naxsan yahay siduu uu ugu sheegi lahaa arrinkan foosha xun haddana inyar markay wada sheekaysteen ayuu u bilaabay isagoo ku horaysiinaya erayo dejin iyo waano ah xaalada uu kala kulmay aabihii waxaanu yidhi:
"Salma wax waliba wallaal way iska dhacaan marlaybana imtixaanaadku waa qaar la inoo qoray waxan kuu sheegayaa arrin yar ee ha u arkin in ay tahay wax labadeena dhantaali kara ama dhaawici kara kalgacalkeena, wallaal xalay ayaan u sheegay aabbo in gabadha aan soo arkooday ee aan rabo in loo fadhiistaa ay adiga tahay haseyeeshee si aanan filayn ayuu aabahay iila hadlay waxaanu iigu jawaabay ma yeelayo guurka aad guursanayso gabadhaa Salma isagoo ku sababaynaya duruufihii iyo waayihii xumaa ee ina soo maray, wallaal kolay waa waalid oo iyagu meel aynaan waxba ka eegin ayay ka arkaan markaa arrintaas ayaan xilligan kuula soo hadlay."
 
Intaa markuu yidhi ayay Salmi qaadatay hadalkii iyadoo aad uga naxday go'aanka adag ee uu gaadhay odayga u noqon lahaa sodogu, Salmi waxay tidhi:

"waan ogahay Subeerow in jiribaad iyo imtixaan adduun aanu inagu yarayn waxase loo baahan yahay oo lagama maarmaan ah in aynu u adkaysano waan ogahay oo odhan maayo muxuu aabbahaa sidaa u yeelayaa waayo dhibaatadan oo dhan waa mid ka timid xagga aniga  iyo reerkayaga waxa kaloon ogahay in maanta si farxad leh iyo damaashaad leh la ii soo dhawayn lahaa hadday tahay maalintii afar sanno ka hor aan baajiyay diyaar garowgii ay reerkiinu ii diyaariyeen arooska isla markaa si kastay u dhacdo iyo wax kastoo ka yimaada reerkiina waa mid aan anigu dusha u ridanayo hana ka yaabin oo ha ku fekerin in aan u arko xumaan, Subeerow ma ahi qof wanaagsan sababtoo ah waxad tahay qof miskiin ah oo aad u niyad fiican reer baanad keligaa u tahay wiil mar walbana waxay doonayaan in ay arkaan quruxdaada taasi waxay sababtay inay igala kaa baqdaan maadaama ay I yaqaanaan in aan ahay gabadhii wax la og yahay u geysatay."

 erayadani si aad ah ayay u damqayaan Subeer waxaanu yidhi:
''Salmaay ha isa saarin dembi aanad lahayn ha iskuna sheegin in aad tahay qof dembiile ah waan ogahay oo kollay dhib  waa dhacay dhinac kasta ha ka yimaadee waxase loo baahan yahay in aynu yeelno sidii aynu u gaadhi lahayn guusha aynu doonayno, siday kula tahay maxaadse arrin haysaa ee ka duwan ka aan kuu soo bandhigayo oo ah in haddii odaygu ku adkaysto diidmadaada aynu si madax bannaan isugu go'no oon ka go'aan goosto reerkayaga.
 
Salma ayaa tidhi iyadoo sheegaysa sida uu ula muuqdo arrinkani:
 
"Subeerow, ha hilmaamin hana iloobin, hana dhalinyaroobin, hana fududaan, inagana ha inaga dhigin dad waalid-caasi ah reeraheenana yaynaan u soo jiidin magac xumo miyaad ilowsan tahay afar sanno ka hor maalintii tan oo kale ay aniga ila soo deristay go'aanku sidii uu  u dhacay inkastoo wakhtigaasi taladu ahayd mid adag oo aynu labadeenuba ku tashanay in aynu badbaadino hooyadeen haddana maanta laftigeeda ayaa u baahan in aynu badbaadino aabaheen, haddii uu ku dawoobayo, ku fiicnaanayo, ku ladnaanayo, ku qaboobayo, kuna qancayo gabadh kale oo uu kuu guuriyo waa in aad adeecdaa waxa keliya ee aad heerkan ku soo gaadhay waa ducada waalidkaa iyo jaceylkooda waxaanan ku leeyahay maqal hadalka uu kuu soo jeediyay aabahaa anigu waan ku jeclahay, inta ifka ka dhimana lagama yaabo in aan inan rag maxaad haysaa Idhaahdo, waa ballan aan adiga iyo Illaahay idinka qaaday.
 
Subeer si adag ayuu wakhtigan ula hadlayaa Salma waayo xalay oo dhan wuu soo jeeday in ku dhow saacad iyo badhna wuxu la hadlayay Salma markaa maba oga inta badan hadalada uu odhanayo,
''Salma miyaad I nacday ma go'aan baad keligaa gaadhay, ma aabahay baa ku doonayay markii hore, maxaadse ii lugaynaysaa eed iigu sheegaysaa hadalada beenta ah maxaad ii odhan wayday kuma doonayo, goorma ayaynu noqonay ama aynu ilaa heerkaasi kala fogaanay sideed ii tidhaahdaa guurso gabadh aan adiga ahayn, maan filayn inaad hadaladan iyo qaar la mida igu odhanayso imikana haddaad sidaa garatay go'aanka aabahay iyo kaaga midnaba ma raacayo waxan yeelayaana aniga ayay ii taalaa."
 isagoon is ogayn ayuu telefoonkii isa saaray waxaanu u baxay debedda.
 
            Salma arrintii way ku foorartaa amakaag iyo yaab ayaa Illaahay u keenay waxa hore loo yidhi "wax badso wax beel bay leedahay" bal miyay iska oggolaato arrinkii uu ula yimid, intay kacaa fadhiisatay oo dhaqaaq joogsatay ayaa iyadoo dhafoorada haysata markay dhawr goor ku celisay telefoonkii balse cidi ka qaadi wayday ayay ku tawaawacday erayo geeraa ah oo ay ka mid yihiin:
Dig diglow ma hiigaan
Iyo daad rogmadayoo
Durba keenay baadoo
Duunyadu ku naaxdoo
Biyuhuna durdurayaan
Sida loo daneeyuu
Ii deeqay wiilkuyoo
Inta gaban da'diisee
Degmadeena socotana
Isagaan ka doortoo
Naftu doorbidaysee
Daa'inkow ii soo celi
Ma dagaalin aniguye
Isma diidin anaguye
Cidii noo ducaynlayd baa
Midba dacal u riixdee
Afar guban daraadood
Dibadaha u joogoo
Duurgal aan ahaynee
Markan degan nidhaahdaba
Waalidkaa na diidane
Daa'inow allahayow
Dudmo yuu igaga tegi

La Soco Qaybta 25aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Guled Abdi Sheekaash - SDWO.COM & SomalilandNews.net - Chair and Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE